Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Sapiens (Gorfayn)

W/Q: Gallad Gurxan
Gorfayn Buug 4
10.2k
·

1/28/2020

Sapiens (Gorfayn)

B uugga Sapiens oo gabagabo iigu dhow ayaa waxyaabaha aadka iiso jiitay
waxaa ka mid ah, sida uu qoraagu, Yuval Noah Harari, uga hadlayo Kacaankii
Sayniska iyo sababta qeyb aad u yar oo Yurub ka mid ahi, waa Galbeedka Yurub
e, ay ugu suuragashay in ay hannaanka iyo majarahaba u qabtaan daahfurada
cilmiga, noqdaanna horseedka cilmiga.

Qirashada jahliga iyo aqoon la’aanta (Ignoramus) ayuu qoraagu ku nuux-
nuuxsanayaa in ay ahayd sirta ugu weyn. Markii ay ku dhiirradeen in ay
yiraahdaan: “waxba garan mayno” ayay bilaabeen in ay waxa ka maqan raadiyaan.
Dhaqan-aqooneedkii hore sida Islaamka, Masiixiyadda, Yuhuudda, Budhism-ka waxa
ay qirsanaayeen in waxkasta oo muhiim ah oo ay ahayd in laga ogaado dunida,
horayba loo ogaaday.

Tusaalayaasha uu adeegsanayo qoraaga waxaa ka mid ah, in muslimiinta markii ay
qabsadeen Hindiya aysan halkaasi u tagin in cilmi ka maqan ay kasoo helaan oo
ay halkaasi u tageen uun in ay gaarsiiyaan farriin, ayna isku arkayeen kuwo
xaqiiq iyo run dhamaanteed ayaga u sugnaatay. Halka markii ay Biritishku
qabsadeen Hindiya ay bilaabeen waxa loo yaqaano, “Baaristii ama Sahmintii
Weynayd” taas oo socotay 60 sanadood, ahaydna sahmin cilmi.

Sidoo kale, kolkii uu helay qaaradda Ameerika, Christopher Columbus
laftigiisu waxa uu ku dhacay qaladka ah in uu qiran waayo jahliga, waxa uuna
ku qanacsanaa in uu garanayo dunida oo idil, sidaas daraadeedna dhulkan uu
tagay waxa uu u arkayay in ay yihiin jasiiraddo Japan ah. Amerigo Vespucci
oo laftigiisa sahmiyay dhulkan cusub Columbus dabadii, ayuu ahaa ninkii ku
dhiirraday in uu yiraahdo, waxba garan mayno, waxa aan hadda ogaanayna waa
qaarad dhan oo aynaan horay u aqoon, sidoo kalena uusan Baybal-ku garanayn.

Markabka HMS Beagle

Galbeedka Yurub waxa ay ku dhiirradeen in ay raadiyaan waxa ka maqan oo waxa
ay dardar geliyeen sahminta iyo dirista maraakiib ku shaaximan cilmi baareyaal
iyo aqoonyahanno. Tusaalena waxaa loo soo qaadan karaa markabkii HMS Beagle
ee ay saarnaayeen sahmiyayaashu oo uu ka mid ahaa [_Charles
Darwin_](https://kaashomaanka.com/ibo-furka-iyo-fahanka-guud-ee-aragtida-
horumarka-noolayaasha-evolution/). Waxaa jiray maraakiib sahmin oo u
shiraacday dhanka Cirifka Waqooyi ee Dhulka oo aanan dib u soo laaban illaa
maantana aanan la garanayn meel ay jaan iyo cirib dhigeen. Waxani oo idil
sababta ay u dhacayeen waxa ay ahayd uun, waxba garan mayno ee aan daydayno
waxa innaga maqan.

Muslim-ka badankii illaa maanta waa ay aaminsanyihiin fakarka ah in wax walba
oo cilmi ah uu Allaah ugu sheegay Qur’aanka iyo Xadiista, wax ka maqan oo uu
Allaah ka hagradayna aysan jirin. Arrintani waa seef laba af leh, oo Islaamka
uun ayaa laga helaa in marna la yiraahdo, cilmi baa naga maqan, marna daahfur
walba oo ay sameeyeen dad dadaalay la yiraahdo, horay ayaa Qur’aanka la
innoogu sii sheegay. Bal adba!

Cilmigu waxa uu nagu jiheeyaa in aan ku noolaan karno meel ka baxsan dhulka oo
aan noqonno kuwa iskaga kala goosha diilimooyinka (galaxies), halka ay diimuhu
nagu jiheeyaan in aan sugno qiyaamaha iyo inta dhulku nala halaagsamayo.
Cilmigu waxa uu nagu jiheeyaa in aan ka guulaysan karno geerida, halka ay
diimuhu inoo sheegaan in geerida aan u diyaar garowno oo aan xisaab dhimashada
ka dib ah u feejignaano.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...