Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Sanamka dhuumaalaysta

W/Q: Shaafici Xasan Maxamed
Awood sare 0
4.2k
·

2/4/2019

Sanamka dhuumaalaysta

Q of maskax furan marka loo sheego in uu jiro ilaah abuuray waxa ugu
horreeya oo maskaxdiisa ku soo dhacaa waa in uu isweydiiyo cidda ilaahaas
qofka abuuray laftiisa abuurtay. Wadaaddadu waxa ay sheegeen in markii ay qof
isweydiintaasi ku soo dhacdo uu iska indhotiro, isla markaas waxa ay isla
wadaaddadaasi sheegaan in aysan jiri karin wax iska abuurmay oo aan lahayn cid
samaysay, taas oo uu macneheedu noqonayo in ilaah laftiisa la abuuray
maaddaama aysan jiri karin in uu iska abuurmay. Waxa kale oo ay wadaaddadu
sheegaan in uu Eebbe weligiis jirey oo jiritaankiisu uusan lahayn xilli uu soo
bilowday, waxaa se isweydiin leh ”Maxaa laga wadaa in uu weligiis jirey?”.
Ereyga ”Weligiis” muxuu macnihiisu yahay, sidee se loo fahmi karaa? Haddii aan
caqli ahaan loo fahmi karin wakhtigu in uu meel ka bilowdo oo uusan meeshaas
ka hor xilli jirin, meelna uu ku dhammaan doono oo uusan markaas ka dib wakhti
jiri doonin maxaa laga wadaa in uu wakhtiga Eebbe mar uun abuuray? Intii aan
wakhtiga la abuurin xilligu sidee buu ahaa? Ilaaha ay wadaaddadu sheegayaan in
uusan jirin xilli uu soo bilowday iyo meel uu ku dhammaadaa waxaa laga yaabaa
in uu wakhtiga yahay oo uu wakhtigu wax kasta abuuro.

Wadaaddadu ma ay sheegin ilaaha wax kasta abuuray oo carshiga jooga ama meel
kasta joogaa shakhsi ahaan waxa uu ka samaysan yahay! Ma shay la taaban karo
oo sida dhagax oo kale jurmi leh baa ma se waa wax fudud sida korontada oo
kale? In uu weyn yahay bay sheegeen ee weynankiisu ma jir ahaan baa ma se waa
macne ahaan? Muuqaal ahaan sida uu Eebbe u eg yahay maxaa loo caddayn waaayey
si loo barto? Kolley wadaaddada qaarkood waxa ay sheegeen in uu Eebbe hal kub
leeyahay oo uusan labo lugood lahayn, mana ay sheegin in uu calool iyo xabad
leeyahay. Waxa ay sheegeen in uu leeyahay gacan, labo gacmood iyo gacmo badan,
taas oo muujinaysa in uu gacmo badan leeyahay. Ma ay sheegin in uu sur, garbo
iyo madax leeyahay, laakiin waxa ay sheegeen in uu il, labo indhood iyo indho
badan leeyahay oo aan la sheegin meel ay kaga yaalliin. Haddii la sawiro
ilaahaas waxaa soo baxaya noole leh hal kub, gacmo badan iyo indho badan,
laakiin waxaa adkaanaysa in la fahmo meelaha ay kubka, gacmaha iyo indhuhu
kaga yaalliin, waayo jir dhammaystiran ma uu laha oo waa uu ka la dhantaalan
yahay.

Dabeecad ahaan ilaaha ay wadaaddadu soo bandhigeen waxa uu leeyahay dareemo
iska soo hor jeeda oo mar waxaa la sheegaa in uusan waxba u baahnayn, marna
waxaa la sheegaa in uu u baahan yahay in la caabudo. Waa ilaah la moodo in
uusan maamulka dunidu gacantiisa ku jirin, waayo waa uu caroodaa, caraduna
waxa ay ka timaaddaa in wax awood aad u saxdid aadan lahayn la kharribo.
Wadaaddadu kol bay sheegaan in uu ilaahaasi wax kasta sida ay yihiin isagu ka
dhigo, marna waxa ay sheegaan in waxyaalaha xunxun ay dadka iyo shaydaan
maamulaan oo uusan raalli ka ahayn, waan labo arrimood oo iska soo hor jeeda.
Waa ilaah sida boqor keligitaliye ah oo carbeed raalli noqda markii la
taageero, markii la mucaaradana carooda oo la moodo in uusan awood u lahayn in
uu dadka mideeyo. Magacyadiisa iyo tilmaamihiisa midba mid buu ka soo hor
jeedaa, waxaana la moodaa musharrax jago doon ah oo xisbiga ka soo hor jeeda
uu shaydaan hoggaamiyo, haddana waxaa la sheegaa in uu shaydaanka isagu u
qaddaro wax kasta oo uu sameeyo. Qaddarka iyo camallada shaydaanka iyo
aadamiga raggii hindisey ka ma ay baaraandegin oo wax aan bislayn oo iswada
burinaya ayey sheegeen, waana fadeexadda ugu weyn oo diimaha haysata.

Ihaaha ay wadaaddadu soo bandhigeen waxa uu la khibrad iyo waayo’aragnimo
yahay dadka oo hadba nebiga uu soo dirayo duruufihiisa ayuu la heer yahay.
Tusaale ahaan Qur’aanku waxa uu ka kooban yahay duruurihii carabta ee xilligii
la sameeyey. Inta qur ah oo carabta ka baxsani waa inta ku saabsan waxyaalaha
qeybka ah sida Eebbe, aakhiro iyo qisooyin ku qoran kutubaha yuhuudda iyo
masiixiyiinta. Quraanka iyo xaddiisku qofkii ay saamayn ku yeeshaan waxa uu
noqonayaa qof carbeed, taasina waxa ay caddaynaysaa in ilaaha muslimiintu ka
samaysmay dhaqan carbeed. Wax la taaban karo oo uu Quraanku carabta ka
beddeley waxaa jira in uu burburiyey sanaddadii la caabudi jirey. Jawiga
Qur’aanka haddii aad gashid waxa aad gashay hab fakar carbeed oo aysan waxba
ku barxanayn oo ma uu aha heer caalami. Qur’aanku waxa uu awoodaa in uu suurad
dhan Quraysh kaga hadlo, suurad dhanna Abuu Lahab kaga hadlo, laakiin ma uu
awoodo in uu suurad soomaalida kaga hadlo, midna uu aniga igaga hadlo, waayo
khibraddiisa ma aha oo anigu in aan sida Abuu Lahab diinta uga soo hor jeedo
Eebbe ma uu oga, isla markaas ma uu oga in ay soomaalidu xagaagii iyo
diraacdii midba meel u guuraan.

Wadaaddada ilaahoodu ma leh murti iyo dareen uu ku ogaado dadka maslaxaddooda
oo dadka waxa uu ka xaaraameeyaa waxyaalo ay dani ugu jirto sida muusigga,
riwaayadaha, sheekooyinka, ciyaaro dhaqameedyada, ciyaaraha caalamiga ah,
isdhexgalka bulshada (ragga & dumarka), fakarka xorta ah, horemarka
dowladnimada, hiddaha iyo dhaqamada aan carabnimada ahayn, dastuurka
cilmiyaysan oo casriga ah, madaxnimada dumarka, lebbiska qurxoon ee dumarka,
falsafadda iyo hal’abuurka madaxa bannaan. Ilaahaasi waxa uu waajibiyaa
waxyaalo aysan dadka maslaxadi ugu jirin sida gudniinka dumarka, dagaallo
nacasnimo ah (jahaad), daah weyn oo dumarka la huwiyo, in ay dumarku guryaha
ku jiraan, in aysan safri karin, in aysan idan la’aan guursan karin, in aysan
nimanka ay nacaan furi karin, in carruurta dugsiyada lagu dilo, in cibaado
badan oo shaqada iyo waxbarashada hor istaagaysa la sameeyo, in lagu fakaro in
caalamka oo dhan xoog lagu qabsado, in dad dhagax lagu dilo ama addimada laga
jaro, in qofkii aan ku la diin ahayn la necbaado, in qofkii diinta ka baxa la
khaarajiyo iyo in dadka la ka la faquuqo. Waxyaalaha uu ilaahaasi dadka ku soo
rogey oo aysan maslaxaddu ku jirini aad bay u badan yihiin, waxa ayna
wadaaddadu sheegaan in aysan diintu ka soo hor jeedin aqoonta casriga ah,
laakiin run ahaantii wadaaddadu aqoonta oo dhan ma ay oggola. Waxaa laga
yaabaa in ay farsamada iyo caafimaadka oggol yihiin, laakiin waxaa hubaal ah
qaybo badan oo aqoonta bulshada iyo taariikhda ah in ay diiddan yihiin. Waxa
kale oo ay diiddan yihiin aqoonta ku saabsan sidii ay noloshu isu soo
beddeshey iyo sidii uu jiritaanku u abuurmay. Qof rumaysan in ay toddobo cir
jiraan oo ay xiddiguhu midka ugu sokeeya ku sharraxan yihiin iyo in ay toddobo
dhul jiraan ma uu qaadan karo fiisigiska iyo xiddigiska casriga ah.

Diimaha waxaa ka muuqata in aysan dhaafsiisnayn duruufo iyo taariikho xilli
jirey oo ay dad soo mareen, ka mana muuqato in ay ka danbayso awood dadka ka
aqoon badan oo ah ilaah wax kasta og. Cid u gargaarta oo dadka ka xoog badani
ma muuqato ee waxaa muuqata in ay dad wadaan oo u halgamaan, sida badanna waxa
ay ku socdaan baqdigelin iyo jajuub. Baqdingelinta ka ma aan wado in naar
dadka lagu bajiyo si ay diinta u raacaan ee waxa aan uga jeedaa in ay dadka
diimuhu dadka kale argagax ku hayaan. Waxaa argagixinta ka mid ah in qofkii
aan diinta haysan loo arko qof xun oo la caayo, in dalalka muslimka qaarkood
aan laga oggolayn in diin kale ama fakar kale lagu faafiyo ama lagu haysto, in
qofkii diintii uu haystey ku qanci waaya la dilo, in qofkii aan cibaadaysan
dhaleecayn iyo handadaad lagu sameeyo ama la dilo iyo in loo arko gaalada in
uu dhiiggoodu iska bannaan yahay. Qodobkaas ugu danbeeya waxaa tusaale u ah in
wadaaddada muslimiinta ah aadan weligaa ka maqlayn in uu dhiigga dadku denbi
yahay ee ay sheegaan in dhiigga iyo maalka muslimiintu uu xaaraan yahay keli
ah, soomaaliduna intii ay diinta carabtu soo gaartey waxa ay samaysteen
maahmaah ah ”Gaal dil, gartiisana sii!”, la ismana weydiin sababta qof loo
dilayo. Caalamku waxa uu u socdaa in denbi laga dhigo in xayawaan la dilo,
muslimiintana waxaa dil ugu xukuman dadka aan iyaga ahayn oo dhan oo ay
tiradoodu gaarayso lixmeelood oo shan dadka dhulka ku nool. Haddii aynu soo
koobno diimuhu waxa ay ku socdaan halgan dad, mana aynu arag ilaah u gargaara
iyo ilaah duco aqbala ee waxa aynu aragnay dad dhiigyocab ah oo waxyaalo
khaldan isu sheega, haddana aamminsan in ay keligood xaq uu ilaah faray ku
taagan yihiin

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...