Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Samiiriyaanka (Sumerians)

W/Q: Cawil Cabdille
Sooyaal 1
5.5k
·

1/20/2019

Samiiriyaanka (Sumerians)

D adkii la oran jiray Samiiriiyaanka oo la sheego todobo kun oo sannaadood
ka hor in ay degganaan jireen dhulka u dhexeeya labada wabi ee Tigris iyo
Euphrates ama Mesepotamia (waa dhulka aynnu maanta u naqaan Ciraaq, Kuwayt,
qayb ka mid ah Sucuudi Carabiya, bariga Siiriya iyo koonfurta Turki) ayaa waxa
la sheegaa in ay ahaayeen dadkii u horreeyay ee laga bartay fikradda
Ilaahnimo. Dadkaasi waxa ay ahaayeen dad ilbax ah oo waxa ay degganaayeen
magaalooyin la sheego in ay middiiba ku dhaqnaayeen dad gaaraya illaa labaatan
kun oo qof. (Sida aynnu ka warqabno erayga Af-Ingiriisiga ah ee
‘Civilization’ waxa uu asalkiisu ka soo jeedaa ‘City’ oo magaalo ah).

Dadkaasi waxa ay caabudi jireen Ilaahyo dabeecadaha bani’aadamka oo kale leh,
sida in ay is guursadaan, in ay is laayaan, in ay is jeclaadaan iyo in ay
carruuro dhallaan. Waxa ay rumaysnaayeen colaadaha, fatahaadda iyo cuduradu in
ay caro Eebbe yihiin, si Alle loo raalligaliyana culimada ayaa dadka xoolo ka
soo aruurin jirtay, dabadeedna waxaa lagu dhisi jiray guryo waawayn oo
macbadyo ah, guryahaasna waxaa loo yaqiinay ‘Guryihii Ilaahay.” Dadkaasi waxa
ay aad u qadarin jireen wadaadada oo ay u arkayeen dhashii Eebbe,
inkaartoodana aad ayaa looga baqi jiray. Dadka iyo Illaahay iyaga ayaa u
dhaxayn jiray oo mar walba u kala warrami jiray. Markii uu Eebbe caroodo
culimada wajogooda ayaa laga garan jiray, markii uu faraxsan yahayna
colooshooda ayaa laga garan jiray. Culimada waxa ay ahaayeen dad aan shaqo ka
dhicin oo had iyo goor macbudka ayay iska dhex fadhiyi jireen. Xoolaha ay
dadka shaqaystaa Eebbe siiyaan ee Sadaqada la yiraahdo ayayna Eebbe la
masruufan jireen oo noloshooda iyo tan xaasaskoodaba ku dabari jireen.

Samiiriyaanku waxa ay ahaayeen dad xaddaarad leh oo wax badan dunida ku soo
kordhiyay. Waxyaabihii ay soo kordhiyeen waxaa ugu mudnaa qoraalka oo waxaa la
sheegaa in ay ahaayeen dadkii laga bartay dhigaalka. Fartooda xarfo ama
Alifbeetada waxa loo yaqaanno ma aysan lahayn balse waxa ay lahayd calaamado
lagu dhawaaqi karo oo ka fudud sawiradii dhibta badnaa ee ay dadkii hore
adeegsan jireen. Dadkani waraaqo ay wax ku qortaan ma aysan aqoon, balse
dhoobo la simay ayay wax ku qori jireen. Waxaa la sheegaa boqolkiiba sagaashan
waxyaabihii ay qoreen in la helay, waxa ugu badan ee ay qoraalladoodu ku
saabsanaayeen gabayo, maahmaahyo sheekooyin iyo qasaa’idyo diini ah oo ay
Ilaahyadooda ku ammaanayaan.

Arrinta kale ee muhiimka ahi waxa ay tahay dhinaca xisaabta oo ay wax badan ka
allifeen. Tirada 60 ayay xisaabtoodu ku jaango’nayd, waana tirada aynu
wakhtiga ku cabiranno maanta (60-ka sakan waa hal daqiiqo, 60-ka daqiiqana waa
hal saac). Sidoo kale dadkaani waxa ay ahaayeen dadkii ugu horreeyayee ee laga
bartay doomaha shiraaca leh iyo maacuunka iyo dheriyada dhoobada ka samaysan.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...