Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Sababihii aan Diinta uga baxay. Qaybtii 1aad

W/Q: Dalmar
Diimaha 6
11.7k
·

2/1/2022

Sababihii aan Diinta uga baxay. Qaybtii 1aad

**QormadaaMaxaan diinta islaamka uga baxay?! **

Qof kasta oo Soomaaliyeed oo diinta islaamka ka baxaayi wuxuu diinta ka

baxaa isagoo diinta jecel. Marxalado badan ayuu qofku maraa si uu diinta u
fahmo. Marka uu shakigu ku bilowdo wuxuu isku dayaa inuu helo jawaabo uu kaga
kaaftoomo su'aalaha uu qabo, wuxuu wakhti badan geliyaa culimada oo uu
isleeyahay waxay hayaan jawaabo iyo aqoon dheeraad ah, wuxuu dhagaystaa
Tafsiirka iyo duruusta ay culimadu jeediyaan, wuxuu la xidhiidhaaa wadaaddada
uu yaqaan oo uu ku boobaa su'aalaha ka dhex guuxaya isagoo dhowraya inuu helo
qaabilaad wacan iyo in si wacan looga shaki saaro waydiimaha uu wato,
nasiibxumo qofku wuxuu ka warhelayaa in culimadu aysanba jeclayn in qofku
su'aalo sidaas oo kale ah waydiiyo. Way niyadjebinayaan qofkii muslimka ahaa
ee xaqa u soo doontay, way gaalaysiinayaan, intii ay qofka jawaab siin
lahaayeen ayay odhanayaan Shaydaanka iska naar iyo sheekooyin kale oo aan loo
baahnayn. Qofku isagoo habeen iyo maalin Shaydaanka naaraya ayuu shakigu galay
waana qof daacada oo raba inuu wax badan u helo jawaabo uu qalbigu ugu dego.
Marka uu culimada qofku ku hungoobo ayuu raadiyaa oo daawadaa doodaha waawayn
ee dhex mara culimada muslimka iyo aqoonyahanka kale ee diinta naqdinaya,
isagoo jecel in qofka muslimka metelayaa uu doodda badiyo oo ka awood bato
gaalka la doodaya, wuxuu jecel yahay in wadaadka muslimka ahi su'aal kasta u
helo jawaab adag oo gaalka uu salka dhulka ugu dhufto laakiin nasiibxumo wuu
hungoobayaa mar kale, oo qofkii jawaabaha doonayey wuxuu ka war helayaa mar
kale in culimadii uu wax ka sugayey iyaguba aysan diinta ku dhaamin oo doodaha
ay ka qayb galaan looga adkaado.

Mar saddexaad qofku wuxuu isku deyaa inuu kutub badan soo urursado oo

akhriyo balse sidoo kale way adagtahay inuu ku xasilo oo helo jawaabo. Wakhti
kale oo aad u dheer ayay ku qaadataa inuu weli sii wado oo diintii lagu soo
koriyey ku sii dheganaado, oo uu isku qanciyo inay tahay diin xaq ah oo qofkii
ka tagaa cadaab adduun iyo mid aakhiro mudanayo, geeddi sannado dheer qaatay
kadib waxaa caddaanaysa in diinta islaamku tahay diin dadku ay samaysteen oo
uusan jirin alle la soo hadlay Nebi la yiraahdo Muxammed. Qanaacada aan ku
haysto in diintu farsamo dad tahay waa mid runtii 100% ah.

Waxaan idiin soo gudbinayaa 20 sababood oo aan diinta islaamka uga

baxay, weliba si uusan qoraalku u dheeraan waxaan maalin walba idiin soo
gudbinayaa hal sabab oo kaliya. Qofka raba inuu si dhab ah u fahmo sababta
boqollaal dhalinyaro Soomaaliyeed ah diinta maalin walba uga baxaan waxaan u
sameeyay qoraalkan uu ku fahmi karo wax walba oo uusan war ka hayn. Qodobka
koowaad oo aan diinta uga baxay waa:

1: Qur'aanku waa hadal dad.

**Waxaynu ku eegaynaa Qur'aanka indho cusub oo aan ahayn kuwii la inagu

baray, aayado iyo suurado badan oo aynu iska dhaafi jirnay ayaynu maanta si
wacan u fahmaynaa, waxaynu isla arkaynaa Qur'aanka iyo caqliga qofkii qoray
siduu ahaa. Waxaynu arkaynaa cayda iyo aflagaaddada qofkii Qur'aanka qoray.**

**Waxaa la inoo sheegay inuu Muxammed la yimi nabad, wanaag, iyo akhlaaq

wacan, laakiin gaaladii Quraysh ay diidday islaamka quruxda badan iyagoo
madax-adayg iyo kibir wada. Bal aynu eegno islaamku ma dhaqan wacan buu la
yimi mise dhaqan xun. Sidoo kale waxaa xasuusin mudan in wakhtigii uu Maka
joogay uusan Nebi Maxamed dagaallami jirin, dumarka iyo caruurta uusan
qafaalan jirin, ama uusan hantidooda dhici jirin labo sababood dartood:-**

**A: Marka hore ma uusan lahayn awood uu ku dagaallamo oo isaga intii

yarayd ee raacday ayaaba ahaa minority aan awood iyo itaalba lahayn. Waa qodob
ka hortaagnaa inuu wax walba sameeyo.**

**B: Marka xigtana ma aysan jirin aayadaha amray inuu dagaal bilaabo,

kaliya waxaa jira aayado afka ka hadlayay oo aan u sheegayn inuu dadka laayo.
**

**Marka aad si wacan u fahanto labadaa sababood waxaa kuu soo baxaysa

inuusan Muxammed lahayn wakhtigaa awood uu ku dagaallamo iyo Qur'aan u
banneeyay falalkii argagaxa badnaa ee wakhtiga dambe sameeyay. **

**Bal aynu isla aragno dhowr qaab oo aan ku caddayn karno in Qur'aanku

uusan ka imaan Ilaah ee uu yahay hadal ay dad qoreen, si wacan ugu fiirso
adigoo iska saaraya oo dhinac iska dhigaya wixii horey laguugu akhrin jirey.**

**Tusaale 1-aad Suuratu Iqra/ Calaq: **

**اقْرَأْ بِاسْمِ رَبِّكَ الَّذِي خَلَقَ (1) خَلَقَ الْإِنْسَانَ مِنْ

عَلَقٍ (2) اقْرَأْ وَرَبُّكَ الْأَكْرَمُ (3) الَّذِي عَلَّمَ بِالْقَلَمِ (4)
عَلَّمَ الْإِنْسَانَ مَا لَمْ يَعْلَمْ (5) كَلَّا إِنَّ الْإِنْسَانَ لَيَطْغَى
(6) أَنْ رَآهُ اسْتَغْنَى (7) إِنَّ إِلَى رَبِّكَ الرُّجْعَى (😎 أَرَأَيْتَ
الَّذِي يَنْهَى (9) عَبْدًا إِذَا صَلَّى (10) أَرَأَيْتَ إِنْ كَانَ عَلَى
الْهُدَى (11) أَوْ أَمَرَ بِالتَّقْوَى (12) أَرَأَيْتَ إِنْ كَذَّبَ وَتَوَلَّى
(13) أَلَمْ يَعْلَمْ بِأَنَّ اللَّهَ يَرَى (14) كَلَّا لَئِنْ لَمْ يَنْتَهِ
لَنَسْفَعًا بِالنَّاصِيَةِ (15) نَاصِيَةٍ كَاذِبَةٍ خَاطِئَةٍ (16) فَلْيَدْعُ
نَادِيَهُ (17) سَنَدْعُ الزَّبَانِيَةَ (18) كَلَّا لَا تُطِعْهُ وَاسْجُدْ
وَاقْتَرِبْ (19).**

**Ilaaha islaamka oo la inoogu sheegay tilmaamaha tirada badan, ee

abuuray 7 Samo iyo 7 Dhul iyo waxa u dhaxeeya ee noole iyo ma nooleba leh,
ayaa wuxuu go'aansaday inuu dadka la soo hadlo isagoo u soo maraya Nebi, oo
weliba is qarinaya oo haddii si wacan loogu fiirsado qaabka Ilaahaasi yahay
iyo qarsoonidiisa waxaa caddayn buuxda u soo baxaysa inuusanba ahayn Ilaah
jira! Waa ilaaha islaamka waxa aan u jeedo. Wuxuu damcay inuu dadka u soo
dejiya kitaab noloshooda qurxinaya oo sharci walba wata, wuxuu luuqad ahaan
doortay luuqadda Carabiga, kadib wuxuu abuuray Maleg wayn oo magiciisa la
dhaho Jibriil oo isla Jibriil isna wuxuu wataa tilmaamo cajiiba oo Marka aad u
fiirsato kuu caddaynaya inuusanba jirin, waxaa ka sii yaab badan dunida oo
dhan hal qof ayaa awooda inuu arko Jibriil, qofkaasina waa nin berigii hore
adhiga raaji jirey oo aan sumcad wayn oo la sheego ku dhex lahayn bulshadiisa
oo ladhaho Muxammed. Jibriil ayaa Maxamed ugu yimi meel cidlo ah oo God ah
wuxuuna u keenay risaaladii ugu qurxoonayd oo ugu wacnayd ee Ilaah dadkiisa u
soo diro, farriinta dhanka alle ka timi maysan ahayn mid dhamaystiran oo uu
ilaahay halmar Jibriil u soo dhiibay. Waxaa xusid mudan in qaabkan googooska
ah ee Ilaahay Jibriil farriinta ugu soo dhiibayay ay ka shakiyeey gaaladii
Quraysheed oo waxay dhaheen:**

** وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لَوْلَا نُزِّلَ عَلَيْهِ ٱلْقُرْءَانُ

جُمْلَةً وَٰحِدَةً ۚ كَذَٰلِكَ لِنُثَبِّتَ بِهِۦ فُؤَادَكَ ۖ وَرَتَّلْنَٰهُ
تَرْتِيلًا.**

**Waxay Quraysh codsatay in Qur'aanka halmar la soo dejiyo si ugu

caddaato inay tahay farriin xag Alle ka timi laakiin nasiibxumo alle ma uusan
qancin Quraysh iyo dadyowga kale ee aynu ka mid nahay innagu.**

**Waxaa la rabay oo macquul ahayd in farriintii ugu dambaysay ee alle ka

timaadda oo uu dadkiisa u soo diro ay ku bilaabanto asluub, ixtiraam iyo caqli
si ay gogoldhig ugu noqoto ilaahay, rasuulka, iyo diintaba, laakiin ilaahay si
taa kaduwan wuxuu hadalka ku bilaabay dhaar, hanjabaad, qaylo, xanaaq, iyo
inuu ku gooddiyo cadaab aakhrio. Halkaas si wacan ugu fiirso waa hadalkii ugu
horreeyay ee uu rabay alle inuu dadka ugu dejiyo sharciyo kala haga! **

**Ilaahay isagoo si xanaaq leh ku bilaabay ayuu la googoosanayaa oo u

dhaaranayaa nin Quraysh ka dhashay oo la dhaho Abul Xakam, oo markii dambe uu
Maxamed ula baxay Abuu Jahal, dhaqankaas ah in qofka magiciisa wacan laga
badelo si loo bahdilo waa dhaqan carbeed hore oo aad u foolxumo badan, Maxamed
oo sheegtay inuu ahaa ninka ugu khayrka badan dadka ayaa dhaqankaas xun ku
kacay oo Abul Xakam magaca ka baddelay si uu u yaso! **

**Qisada suuradda Iqra waxay ku timi in Abul Xakam uu diiday in Maxamed

oo dhaqan aan lagu aqoon la yimi uu kula cibaadaysto kacbada. Kadib ilaahay
wuxuu xanaaqay oo suuraddii ugu horraysay Qur'aanka ayuu soo dejiyay wuxuuna
yidhi: Haddii aadan Maxamed faraha kala bixin gacan bira ayaan iskaga kaa
qabanayaa, waxaan kugu dhegayaa foodda beenta badan ee gefka badan, Abul Xakam
soo kaxayso oo u yeero dadkaaga anna waxaan soo kaxaysan malaa'ig..! Cajiib.
Halkaas waxaa ka cad in sheekadu ay tahay labo qof oo isku dhaaranaya ee uusan
meesha oollin Ilaah la hadlaya dadkiisa. Waxaa kaloo layaab leh ilaahay wuxuu
ugala jeedo " waxaan kugu dhegayaa foodda" Ilaahaasi aftahan dadka kula
hadlaya hadal la fahmayo maaha, oo iswaydii ma Ilaaha inta la arkay awood iyo
aqoon leeg ayaa hadalka deeqsiin waayay dadkiisa? Suuraddaasi waa mid kamida
waxyaabaha caddaynaya inuusan warkani ka imaan Ilaaha wayn ee la inoo
tilmaamay. Sidoo kale qaabka uu ilaahay ula hadlayo Abul Xakam waa qaab ay ka
muuqato reer baadiyenimadii Carabtu lahayd wakhtigaa, wuxu leeyahay Abul Xakam
tolkaaga soo kaxayso ana waan soo kaxaysane, bal u fiirso Ilaahaygii waynaa
ayaa sidii Carabta jaahiliga ahayd u hadlayee, waa allihii xikmadda badnaa oo
sida Carab badow ah u hadlaya!!!! **

**Markaad aragto qaabka suuraddani u hadlayso waxaa kuu soo baxaysa qofka

Qur'aanka qoray inuu ahaa qof caraysan oo xanaaqsan oo Abul Xakam ka gubanaya,
waa dareeme dad oo aan shaki lahayn, cidda sidaas oo kale ahi waa dad ee maaha
Ilaah, bal iswaydii ilaahay sidee buu sida dadka oo kale ugu xanaaqayaa oo ugu
hadlayaa?! Jawaabta kuu soo baxaysaa waa in cidda hadlaysaa aysan ilaahay
ahayn ee tahay hadal iyo dabci qof waliba badow ah. **

**Tusaale ahaan ayaan intaas uga gudbayaa akhriste balse adigu wakhti la

qaado suuraddan si aad u xaqiiqsato cidda hadlaysaa inay alle tahay iyo inay
qof badow ah tahay, iswaydii allihii dunida oo dhan abuuray Marka uu la
hadlayo hal nin oo Quraysh ah ma sidaas oo dhan buu u caroodaa oo dhulka
iskula dhacaa mise waxani waa hadal qofi samaystay?**

Tusaale 2-aad Cay iyo afxumo loogu jawaabayo cay iyo afxumo kale!

**Waxaynu ognahay dabciga dadka inay ka mid tahay Marka ay isku xanaaqaan

inay cay isugu jawaabaan, oo haddii uu midi mid kale ku xadgudbo inuu kan
kalena sidoo kale ku xadgudbo. Waliba waa garaadxumo iyo caqli yaraan in la
iscaayo oo qofka sidaas ku kacaa waa qof liita ama aan maankiisu korin, waxaan
ognahay inaysan cid waliba aysan caytamin, oo dadka sharafta dhowranaya oo
dhaqanka wacani aysan dadka caayin ama aysan cay ku aargudan. Sidoo kale waxaa
dhaqan wacan ah in qofku iska dhego tiro cayda uga timaadda dadka kale oo
uusan isna afxumayn, taasoo la micne ah haddaan aragno cay loogu jawaabayo cay
kale inay daliil u tahay wacyiga iyo garaadka qofkaasi inuu hooseeyo. Bal aynu
soo qaadanno suurad Qur'aanka ka mida oo cay ku jawaabaysa.**

**إِنَّا أَعْطَيْنَاكَ الْكَوْثَرَ (1) فَصَلِّ لِرَبِّكَ وَانْحَرْ (2)

إِنَّ شَانِئَكَ هُوَ الْأَبْتَرُ (3).**

**Waa suurad kooban oo aynu marar badan salaadaha ku tukanno maadaama ay

aad u koobantahay laakiin uma aynaan sii fiirsan jirin macnaheeda iyo waxay ka
hadlayso, siday sheegeen culimada Qur'aanka fasirtaa suuraddani waxay ku soo
degtay nin la dhihi jirey Caas Binu Waa'il oo maalin Nebiga ku caayay erey cay
ahaa oo carabtu isku adeegsan jirtay, Caas ayaa Muxammed ku yiri: (Abtar). Waa
kalmad cay ah oo carabtu markay is liidayaan ay isku oran jireen, oo waa
kalmad tusinaysa in qofka lagu leeyahay uusan nasab ahaan yahay qof nasab iyo
abtirsiimo wacan. Kadib markii Caas uu kalmaddaa ku yiri Muxammed, Nebigu uma
uusan jawaabin oo wuxuu ahaa qof xishood badan, laakiin ilaahay oo sida aynu
ognahay aan xishoon ayaa soo jawaabay, in Alle uusan waxba ka xishoon waxaa
inoo sheegay isla Qur'aanka sida aayadda :. إِنَّ اللَّهَ لَا يَسْتَحْيِي ..
**

**Jawaabta uu alle bixinayo waxaa la rabay inay ahaato mid anshax badan

ka muuqdo oo wax saxaysa balse isla sidii uu ninkii badowga ahaa ee Caas yiri
ayuu Allena yiri. Waa markhaati ma doon in cidda Qur'aanka ka dhex hadlaysaa
ay tahay qof badow ah ee aysan ahayn Alle wayn oo Cir iyo Dhul abuuray.
Suurogal maaha in ilaahay uu soo maago nin maagay Maxamed, bal u fiirso
labada nin ee carbeed iyagu cay iskuma aysan jawaabin laakiin Ilaahay ayaa soo
dhex galay oo Caas ku yiri: "Waxaad tiriba lagu yiri"!! Ma waxaad aamini in
cidda sidaa samaynaysaa ay tahay Alle? Qaabkan uu alle u soo jawaabay maaha
qaab anshax iyo edaab leh, xitaa dadka waawayn kama suurowdo waxaas oo kale,
waa macquul in caruurta yaryari sidaas oo kale u hadasho laakiin qof sharaf
leh waxaas kama suuroobaan.**

**Midda kale oo caddaynayaa in waxani ay tahay hadal dad iyo cay qof

waxaa daliil buuxa u ah in Caas uusan ahayn nin bilaa nasab ah oo la yaqaan
walaalihii sida Hishaam oo kale, iyo ehelkiisa oo dhan, taasi waxay tusinaysaa
inay tahay caadifad qof oo kacsan laakiin aysan ahayn hadal ka yimi Alle wayn.
Bal waxaad sawirataa Caas ama qof ehelkiisa ka mid ahi inuu islaamo oo
akhristo ama salaad ku tukado suurad uu ilaahay isaga ku caayayo. Caqliga aan
dib uga shaqaysiinno ma ilaahay ayaa soo caayi Kara addoon yar oo khaldamay,
waliba suuraddaa cayda ah la akhrin doono ilaa maalinka uu qiyaamuhu dhici
doono!!! Qur'aanka waxaa ka dhex hadlaya qof ee maaha Ilaah.**

Tusaale 3-aad Hanjabaadda.

**In qofku xujo kugu qancin waayo oo uu kuugu hanjabo inuu ku ciqaabayo

oo uu dhib ku marsiinayo haddii aad qaadan waydo wuxuu sheegayo waa dhaqan aad
u liita oo foolxumo badan. Qofka aan waxba isla hayn ayay waxaasi ka
suuroobaan. Qofka jaahilka ah ee aan wax caddaymo ah wadan marka uu ku
guuldarraysto inuu farriin kaa dhaadhiciyo wuu kuu hanjabayaa oo cagaha ayuu
dhulka kuugu dhufanayaa si aad u baqdo oo si indho la' isaga raacdo. Laakiin
cidda xaqa wadata si taa ka duwan waxay awood u leedahay inay xujo kugu
qanciso oo kaaga jawaabto su'aalaha aad qabto, oo si xushmad leh kuu shaki
saarto. Bal kawarran haddii uu ilaahay sameeyo sida dhaqanxumada leh ee uu
cagaha dhulka ugu dhufto qofkii raba inuu xaqa fahmo oo su'aalo soo celiyo ma
wax suurogal ah baa? **

**Bal aan eegno mar kale iyo sida uu u hadlayo qofka Qur'aanka qoray.

Waxaa jiray aayado badan oo uu ilaahay kula soo hadlay nin la oran jirey
Waliid Binu Muqiirah oo ahaa taajir ganacsade ah oo dhalay caruur badan oo
wiilal leh, sidoo kale wuxuu ahaa nin sharaf iyo maamuus lagu yiqiin, ninkani
ma uusan aaminin Muxammed oo macquul ayay la noqon wayday waxa uu sheegayo
kadib ilaahay ayaa ka carooday oo soo hadlay wuxuuna yiri:**

**ذَرْنِي وَمَنْ خَلَقْتُ وَحِيدًا (11) وَجَعَلْتُ لَهُ مَالًا مَمْدُودًا

(12) وَبَنِينَ شُهُودًا (13) وَمَهَّدْتُ لَهُ تَمْهِيدًا (14) ثُمَّ يَطْمَعُ
أَنْ أَزِيدَ (15) كَلَّا إِنَّهُ كَانَ لِآيَاتِنَا عَنِيدًا (16) سَأُرْهِقُهُ
صَعُودًا (17) إِنَّهُ فَكَّرَ وَقَدَّرَ (18) فَقُتِلَ كَيْفَ قَدَّرَ (19)
ثُمَّ قُتِلَ كَيْفَ قَدَّرَ (20) ثُمَّ نَظَرَ (21) ثُمَّ عَبَسَ وَبَسَرَ (22)
ثُمَّ أَدْبَرَ وَاسْتَكْبَرَ (23) فَقَالَ إِنْ هَذَا إِلَّا سِحْرٌ يُؤْثَرُ
(24) إِنْ هَذَا إِلَّا قَوْلُ الْبَشَرِ (25) سَأُصْلِيهِ سَقَرَ (26) وَمَا
أَدْرَاكَ مَا سَقَرُ (27) لَا تُبْقِي وَلَا تَذَرُ (28) لَوَّاحَةٌ لِلْبَشَرِ
(29) عَلَيْهَا تِسْعَةَ عَشَرَ (30) **

**Markaad micnaha aayadaha si wacan ugu fiirsato waxaad ogaanaysaa in

waxani yihiin hadal dad. Ilaahay wuxuu leeyahay:. Aniga iyo ninkan aan abuuray
isagoo bilaa maal iyo caruur ah oo aan maalin iyo wiilalba siiyay oo haddana
raba inaan u siyaadiyo noo kala baxa. Wuxuu ilaahay sheeganayaa in Waliid rabo
in isagu xoolaha iyo wiilasha u kordhiyo, hadda ogow Waliid maba rumayn mana
yaqaan ilaahan!!! Halkan waxaa ka soo baxaya dhaqan aad mar walba Qur'aanka ku
arkayso oo ah in ilaahay meelo aan laga aqoon uu isku soo dhex tuurayo,
yacnihii wax walba oo dadka horay u aaminsanayn wuu sheeganayaa, wuxuu
maqlayaa dadkoo ka sheekaynaya Asxaabul Fiil kadib wuu soo boodayaa oo wuxuu
sheeganayaa inuu isagu arrinkaa ka dambeeyaay. **

**Taa waxaa ka sii daran marka uu Waliid diiday inuu rumeeyo Maxamed iyo

arrinkiisa, ilaahay wuxuu bilaabay inuu handado oo dhaarto oo dhaho: Waliidoow
waxaan ku gelin doonaa Naar. Ilaahay iskuma dayin inuu la niqaasho oo qanciyo
Waliid, laakiin taa badelkeeda wuu u hanjabay, halkaa waxaa ka cad in ilaaha
Qur'aanku uusan jeclayn niqaashka iyo wada hadalka oo uu mar walba dab u
shidan yahay oo rabo inuu wax cadaabo. Aayadaha dambe markaad sii akhrido
wuxuu ilaahay ku leeyahay Waliid; Buuro naara ayaad Kori doontaa, yacnihii
Naartu sida inoo sawiran maahee waxay leedahay Buuro iyo dooxooyin sida Dhulka
oo kale!!! **

**Markaad sii waddo aayadaha dambe waxay leeyihiin Waliid Qur'aanka

markuu eeg eegay oo ku fakeray waxaa u soo baxday in Maxamed yahay Saaxir,
Qur'aankuna yahay sixir, oo la macne ah Qur'aanku waa hadal dad. Marka halkaa
sheekadu taagantahay waxaa la rabay inuu ilaahay qanciyo Waliid oo la niqaasho
ama si kale qalbigiisa u hanuuniyo oo xaqa u tuso, laakiin ilaahay sidaas ma
samayne wuxuu dhahay: waxaan Waliid geyn doonaa Saqara naarta la dhaho. Bal
aan caqliga isticmaalno ma Ilaah wayn oo leh tilmaamaha quruxda badan ee la
sheego ayaa ah ciddaas aan aragno ee qancin Kari wayday ninkaa carbeed ee
badowga ahaa? Maya waxa hadlayaa waa qof la hadlaya oo u hanjabaya qof kale.
**

Waxaa kaloo layaab leh aayadaha waxaa ka mid ah:

** وَجَعَلْتُ لَهُ مَالًا مَمْدُودًا (12) وَبَنِينَ شُهُودًا (13)**

**In wiilasha iyo maalka la isugu faano oo wax wayn loo arko waa dhaqan

carbeed jaahili ahaa oo wakhtigaa jiray, oo qofka maal badan ama wiilal badan
haysta wuxuu ahaan jiray qof aad loo qiimeeyo oo la qaddariyo bulshada uu ku
dhex noolaa. sida labadaa aayadood oo kale intii Maxamed Maka joogay Qur'aanka
ku soo degayay aad bay ugu soo noqnoqotay maalka iyo wiilashu, waxaa
baraarujin mudan in wakhtigaa uusan lahayn wiilal badan iyo hanti, waxaa
halkaa ka muuqata maadaama uusan midna haysan inay ku lahayd raad Xanuun leh
oo waxaa isaga ka maqan ayuu mar walba ka hadlayaaa, haddaynu dhahno ilaahay
ayaa hadlaya macnaheedu waxaa weeye in ilaahay uu aad uga qiiroonayo ama ugu
baahan yahay wiilal badan iyo hanti. Bal maxay tahay qof gaal ah oo uu alle
cadaab u ballanqaaday in wiilashiisa iyo hantidiisa laga hadlo?!!! Waxaa kaloo
la mid ah aayahadahan: **

**تَبَّتْ يَدَا أَبِي لَهَبٍ وَتَبَّ (1) مَا أَغْنَى عَنْهُ مَالُهُ وَمَا

كَسَبَ (2) سَيَصْلَى نَارًا ذَاتَ لَهَبٍ (3) وَامْرَأَتُهُ حَمَّالَةَ
الْحَطَبِ (4) فِي جِيدِهَا حَبْلٌ مِنْ مَسَدٍ (5)**

**Qofka Qur'aanka qoray wuxuu sheegay inuu Abuu lahab cadaabi doono,

halkaas waa war cad oo intaas hadduu hadalka ku joojiyo waa wax la fahmay,
laakiin wuxuu taabtay maalkiisii, sababta uu maalka u soo qaatay waa maxay?!!!
Xitaa haddii laga saaro suuradda aayadda labaad ee maalkiisii ka hadlaysa oo
inta kale la dhamaystiro waa hadal cad oo macnihii suuraddu isma badelayo. **

Tusaale 4-aad Aflagaaddo.

**Waliid oo aynu markii horena soo qaadannay waxaa la oran karaa waa

xubin wayn oo fashilisay risaaladii Muxammed la yimi, wuxuu isku deyay dadkii
Maxamed raacay inuu tuso waxa uu la yimi inaysan ahayn wax cusub, kadib wuxuu
keenay kutub iyo warar la mid ah waxa uu Maxamed la yimi oo wuxuu tusay dadkii
si uu ugu sheego inuusan wax cusub la iman. Intaas kadib Ilaahay ayaa soo
hadlay isagoo la moodo inuu sidii hore si ka wayn uga carooday Waliid:**

فَلاَ تُطِعِ الْمُكَذِّبِينَ وَدُّواْ لَوْ تُدْهِنُ فَيُدْهِنُونَ

وَلاَ تُطِعْ كُلَّ حَلاَّفٍ مَّهِينٍ * هَمَّازٍ مَّشَّآءِ بِنَمِيمٍ* مَّنَّاعٍ
لِّلْخَيْرِ مُعْتَدٍ أَثِيمٍ* عُتُلٍ بَعْدَ ذَلِكَ زَنِيمٍ* أَن كَانَ ذَا
مَالٍ وَبَنِينَ* إِذَا تُتْلَى عَلَيْهِ آياتُنَا قَالَ أَسَاطِيرُ الأوَّلِينَ*
سَنَسِمُهُ عَلَى الْخُرْطُومِ} (8ـ16)**

**Ceebaha ka muuqda aayadaha bal si wacan u eeg, waa ilaahii waynaa ee

xikmadda badnaa oo si bilaa xikmad ah ula caayaya oo u liidaya shakhsi oo
isagu abuuray!!! **

**Ilaahay wuxuu leeyahay: Ha adeecin qof dhaar badan oo alle wuxuu halkaa

inoogu caddeeyay in cidda dhaarta badani aysan mudnayn in la rumeeyo oo la
raaco, waa war fiican laakiin su'aal baa soo baxaysa dhahaysa : Ma jirtaa cid
ka dhaar badan ilaahay? Jawaabtu waa maya ma jirto cid ka dhaar badan oo
Qur'aanka markaan ku noqonno way yartahay suurad aan dhaar ku jirin tusaale
ahaan: والشمس، والليل، والضحى.. Yacnihii ma jirto alle cid ka dhaar badan.
Dhaarta badan waxay tusisaa xujo la'aan iyo daciifnimo, waana wax foolxun oo
liita, markaa Ilaahay maadaama uu aad u dhaar badanyahay oo uu dhahay cidda
dhaarta badan ha raacina isagu ma mudanyahay in la raaco? Jawaabtu waa maya
markaan ku soconno hadalkiisa. **

**Ilaahay isagoo hadalka sii wata ayuu Waliid ku sheegay inuu yahay: Mid

isla wayn oo Wacal ah!!! Carabtii hore iyo dadka jaahilnimada badan ayaa mooda
in ilmaha yar ee Wacalka ahi uu yahay qof xun, hadda ogoow ilmahaa yari malaha
wax dembi ah oo haddii dembi jiro waxaa dembiga leh waalidkii ee isaga maaha,
Ilaahay sida dadka badowda ah oo kale ayuu qof ku caayayaa inuu yahay Wacal!!!
**

**Sidii oo kale ayuu ka hadlay maalkii iyo hantidii. Kkkk waxaad mooddaa

qofka Qur'aanka qoray inay busaarad badani haysay oo mar walba wuxuu hadalhays
ka dhiganaynaa hanti iyo wiilal. **

**Ilaahay wuxuu Waliid ku sheegay inuu yahay qof been badan, oo dhaar

badan, dadka isku dira, oo khayrka diiday, oo Wacal kibir badan ah, waxaas oo
cay iyo afxumo ah maxaa sababay aan iswaydiinno? Waxaa sababay maagitaanka
intaa leeg Waliid oo yiri: Qur'aanka iyo aayadahani waa hadallo iyo asaadiir
dadkii hore leeyihiin. Dhammaan wixii maagitaan iyo xanaaq ahaa ee keentay
inuu ilaahii waynaa soo hadlo oo u soo jawaabo ninkaa reer baadiyaha ahaa ee
Waliid, ee alle gaarsiisay inuu xitaa Wacal ku sheego waxaa weeye kaliya inuu
yiri Qur'aanku waa hadal dad hore dhaheen!! Waxaa baraarujin mudan in hadalka
Waliid wax ka jiraan oo Qur'aanka badankiisu yahay qisooyin iyo sheekooyin
laga soo qaatay Yuhuud iyo Nasaaro, taasoo la micne ah in Waliid uu run
sheegay. Isla sidii hore oo kale ilaahay wuxuu ugu hanjabay Waliid cadaab
intii uu qancin lahaa. Aayadahani iyaguna waxay caddayn buuxda u yihiin in
Qur'aanku uusan ka imaan xag Alle ee uu yahay war uu qoray qof badow ah oo
waliba tilmaamo xun oo cay iyo afxumo badan.**

Tusaale 5-aad Cay si guud ah.

**In dadka lagu tilmaamo xayawaan si loo bahdilo ama loo xaqiro waa

caadifad iyo dhaqan dad, waxaana keenaya dadkoo isku haysta inay ka caqli
badanyihiin oo ka fadli badanyihiin xayawaanka kale oo dhan, oo waxaan u
haysannaa in xayawaanku uusan qiimo lahayn ama inaga qiimo hooseeyo, taasna
waxay dadka ku dhalisaa inay isku maagaan oo isku caayaan xayawaanka qaybo ka
mid ah. Marka aynu eegno allihii abuuray dunida oo dhan iyo dadka iyo dhammaan
xayawaanka waxaa khasab ah inuu ahaado alle si qurux badan u abuuray uunkiisa
oo dhamaantood aysan ceeb iyo liidnimo lahayn, oo dhamaantood uu wada
jeclaado, oo macquul ma noqonayso inuu ilaahaasi farqi sida dadka oo kale ah
dhex dhigo abuurkiisa. Laakiin arrinka la yaabka lihi wuxuu noqonayaa in
ilaahay uu Marka uu rabo inuu dadka qayb kamida maago uu ku sheego
xayawaannada qayb kamida ah isagoo liidaya xayawaanka laftiisa iyo cidda uu
maagayo, hadda ogow labadaba isagaa wada abuurtay, mid ayuu bilaa qiime ka
dhigay midna qiime ayuu u yeelay, cajiib!!! **

**أَمْ تَحْسَبُ أَنَّ أَكْثَرَهُمْ يَسْمَعُونَ أَوْ يَعْقِلُونَ ۚ إِنْ

هُمْ إِلَّا كَالْأَنْعَامِ ۖ بَلْ هُمْ أَضَلُّ سَبِيلً**

**Aayaddan si wacan aan u eegno, Ilaahay wuxuu rabaa dadka gaalada ku

noqday oo diiday inuu maago oo bahdil ku sameeyo, wuxuu soo qaatay xayawaanka
oo uu ka dhigayo in xayawaanku lunsanyahay oo aysan Garaad iyo caqli lahayn,
sidoo kalena gaaladu ay la midyihiin oo waliba ka sii lunsanyihiin xayawaanka.
Aayadahani waa aayado guud oo sidii tusaalayaashii hore cid goonni kuma aha
balse cid walba oo gaalo ah ayaa loo adeegsanayaa ilaa qiyaamuhu ka dhacayo.
Waxaa su'aal ah xayawaankan lunsan ee aan qiimaha lahayn yaa abuuray? Allihii
abuuray haddana muxuu u yasayaa? Ma isagaa farsamo xun oo abuuray noole xun oo
lunsan? Dabcan waa haa oo haddii xoolaha wax ka khaldanyihiin isaga ayaa
farsamo xumadaa ku abuuray.**

**Mar kale alle isagoo ka hadlaya cidda ku gaalowda oo uu rabo inuu

suurad xumeeyo wuxuu leeyahay**

**فَمَثَلُهُۥ كَمَثَلِ ٱلْكَلْبِ إِن تَحْمِلْ عَلَيْهِ يَلْهَثْ أَوْ

تَتْرُكْهُ يَلْهَث ۚ ذَّٰلِكَ مَثَلُ ٱلْقَوْمِ ٱلَّذِينَ كَذَّبُواْ
بِـَٔايَٰتِنَا ۚ فَٱقْصُصِ ٱلْقَصَصَ لَعَلَّهُمْ يَتَفَكَّرُونَ.**

**Wuxuu leeyahay dadka beeniyay aayadahayga waa Eeyo xayawaan ah oo leh

tilmaamaha eeyaha. Waa cajiib ilaahay inuu abuuro xayawaanka Eyga kadibna uu
liidayo oo sheegayo inuu Eygu mar walba yahay mid xun oo liita. Waa isla sidii
aayaddii hore oo kale oo haddii Eygu yahay wax liita waxaa xumayd farsamada
allihii abuuray Eyga. **

Mar kale alle wuxuu leeyahay

**مَثَلُ ٱلَّذِينَ حُمِّلُواْ ٱلتَّوْرَىٰةَ ثُمَّ لَمْ يَحْمِلُوهَا

كَمَثَلِ ٱلْحِمَارِ يَحْمِلُ أَسْفَارًۢا ۚ بِئْسَ مَثَلُ ٱلْقَوْمِ ٱلَّذِينَ
كَذَّبُواْ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ ۚ وَٱللَّهُ لَا يَهْدِى ٱلْقَوْمَ
ٱلظَّٰلِمِينَ**

**Hadalkaa waxaa leh allihii inagu oran jiray ha iskugu yeerinina hadallo

xunxun oo ha ismaagina, isagii ayaa dadkii maagaya oo liidaya qayb ka mid ah
abuurkiisii, dad uu isagu abuuray oo lumiyay ayuu is illowsan yahay oo wuxuu
leeyahay Waa sida Dameer kutub xambaarsan oo kale. Dameerka sow ilaahay ma
abuurin muxuu dadka ugu caayayaa?! **

**قُلْ هَلْ أُنَبِّئُكُم بِشَرٍّۢ مِّن ذَٰلِكَ مَثُوبَةً عِندَ ٱللَّهِ ۚ

مَن لَّعَنَهُ ٱللَّهُ وَغَضِبَ عَلَيْهِ وَجَعَلَ مِنْهُمُ ٱلْقِرَدَةَ
وَٱلْخَنَازِيرَ وَعَبَدَ ٱلطَّٰغُوتَ ۚ أُوْلَٰٓئِكَ شَرٌّ مَّكَانًا وَأَضَلُّ
عَن سَوَآءِ ٱلسَّبِيلِ.**

**Aayaddan sida ay sheegaan culimada fasirta Qur'aanku waa wax dhacay oo

ilaahay ayaa tuulo ay degganaayeen dad Yuhuud ah qaybtii rumayn wayday u
badelay Daanyeerro iyo Doofaarro, waa dad caadiya ah oo uu ilaahay halmar kala
badelay oo ka dhigay Daanyeerro iyo Doofaarro, Muslimiintu sidaas ayay
aaminsan yihiin oo ku qanacsanyihiin laakiin waxay aad uga boodaan theory of
evolution oo leh dadka iyo daanyeerku asal bay wadaagaan!!! Marka caqliga laga
shaqaysiiyana waxaa caqliga u dhow midka ay diidanyihiin. Warka aayaddu
sheegtay ma wato caddaymo, sidii aan horay u soo sheegnayna ilaaha Qur'aanku
ma jecla inuu dadka la niqaasho ama qanciyo, war buu sheegayaa aan caqli gal
ahayn wuxuuna kaa rabaa inaad iska rumayso haddii aad diiddana wuxuu kuu
dhaadhicinayaa Naar u diyaarsan, laakiin theory wata caddaymo waawayn oo ogol
in lala niqaasho waxaa la leeyahay waa been!!! **

**Anigu ma garanayo inuu jiro Ilaah wax la yiraahdo iyo in uusan jirin

Laakiin waxaan hubaa oo garanayaa inuusan jirin ilaaha ka dhex hadla kitaabka
Qur'aanka, waayo ma aha alle u qalma inuu ilaahay noqdo, waynu soo aragnay
tusaaleyaal kooban oo sheegaya sida uu u caro iyo xanaaq badanyahay, oo u cay
iyo afxumo badanyahay, xitaa dadka caadiga ahi waxaas oo kale kuma hadli karo
oo kuma dhaqmi karo, haddii qofka caadiga ah aysan waxaasi ka suuroobin
macquul maaha inay Ilaah wax walba abuuray ka suurowdo. **

Tusaale 6-aad Aayado cid gaar ah u danaynaya.

**Waxaa Qur'aanka ka buuxa aayado tiro badan oo aan wax faa'iido ah ugu

jirin dadka kale oo dhan marka laga reebo Maxamed, kitaabkii dhamaa ee ahaa
risaaladii ugu dambaysay ee alle basharka u soo dejiyey, oo caalamka oo dhan u
ahaa hanuunka, oo goob kasta iyo goor kasta la rabay inuu ahaado mid ku
habboon waxaa ka buuxa aayado aan wax faa'iido ah u wadin basharka hadda nool
oo dhan, waxay u daneeyeen hal qof oo noolaan jiray beri hore oo kaliya,
waxaan soo qaadan doonnaa dhowr aayadood:**

**وَمَا كَانَ لَكُمْ أَنْ تُؤْذُوا رَسُولَ اللَّهِ وَلَا أَنْ تَنْكِحُوا

أَزْوَاجَهُ مِنْ بَعْدِهِ أَبَدًا ۚ إِنَّ ذَٰلِكُمْ كَانَ عِنْدَ اللَّهِ
عَظِيمًا.**

**Aayaddani waxay ka midtahay sababihii ugu horreeyay ee igu kallifa

inaan diinta ka shakiyo oo isaga tago. Sababta aayaddani ku soo degtay waxaa
weeye: Maalin maalmaha kamida ayuu nebigu maqlay nin jecel xaaskiisa Caa'isha
oo leh haddii Maxamed dhinto aniga ayaa ku guursan doona, waxaynu ognahay in
Maxamed Caa'isha guursaday iyadoo aad u yar oo isna uu yahay nin aad u wayn,
oo haddii uu dhinto Caa'isha weli way da' yartahay oo way u baahantahay guur
iyo nolol kale maadaama ay weli tahay dhalinyaro, Ninkii rabay guurka Caa'isha
geerida Nebiga kadib waxaa lagu sheegay inuu ahaa Dalxa oo ka mid ahaa 10-kii
jannada loogu bishaareeyay sidoo kalena ahaa nin aad ugu dhow Maxamed oo ay
asxaab ahaayeen, Dalxa dhib uma uusan arkayn guurka noocaas ah, laakiin halmar
ayay aayaddani soo degtay, halkaa waxaa ka cad sida Qur'aanku mar walba ugu
heellanyahay inuu dhamaystiro baahiyaha Maxamed iyo ilaalinta dareemihiisa.
Wakhtiga aayaddu soo degayso islaamku wuxuu jiray ilaa 17 sano qiyaastii,
halmar oo kamida 17-kaa sano Qur'aanku xukum kama soo dejin xaasaska Nebiga,
laakiin halkaa mar ee xanta Dalxa la maqlay ayuu soo jawaabay, taasina runtii
waa dhaqan aynu Qur'aanka ku dhex aragno, oo Qur'aanku marka hore ma sii
dhigayo xeerar iyo shuruuc laakiin marka uu dhibka arko ayuu baraarugayaa oo
xukun degdeg iyo xanaaq wata ayuu halmar soo tuurayaa.!!! Aayaddani kaliya
Maxamed oo hinaasay ayay dejinaysay oo ay u adeegtay laakiin cid kale waxba
uma goynayso, Qur'aanka haddii laga dhex saaro xitaa waa laga maarmaa. **

**Waxaa la mid ah aayadda kale ee ah hadyad kaligeed iska duulaysa oo

Nebiga bes wuxu rabo u yeelaysa:**

**يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِىُّ إِنَّآ أَحْلَلْنَا لَكَ أَزْوَٰجَكَ ٱلَّٰتِىٓ

ءَاتَيْتَ أُجُورَهُنَّ وَمَا مَلَكَتْ يَمِينُكَ مِمَّآ أَفَآءَ ٱللَّهُ
عَلَيْكَ وَبَنَاتِ عَمِّكَ وَبَنَاتِ عَمَّٰتِكَ وَبَنَاتِ خَالِكَ وَبَنَاتِ
خَٰلَٰتِكَ ٱلَّٰتِى هَاجَرْنَ مَعَكَ وَٱمْرَأَةً مُّؤْمِنَةً إِن وَهَبَتْ
نَفْسَهَا لِلنَّبِىِّ إِنْ أَرَادَ ٱلنَّبِىُّ أَن يَسْتَنكِحَهَا خَالِصَةً
لَّكَ مِن دُونِ ٱلْمُؤْمِنِينَ ۗ قَدْ عَلِمْنَا مَا فَرَضْنَا عَلَيْهِمْ فِىٓ
أَزْوَٰجِهِمْ وَمَا مَلَكَتْ أَيْمَٰنُهُمْ لِكَيْلَا يَكُونَ عَلَيْكَ حَرَجٌ ۗ
وَكَانَ ٱللَّهُ غَفُورًا رَّحِيمًا.**

**Marka hore aayaddan waxay kamid tahay Qur'aanka la yiri isagoo kale

lama imaan kartaan haddana waad aragtaa siday u hadlayso!! Waxaa ku jira
hadyad gaar u ah Maxamed oo aysan cid kale la wadaagin, hadyaddu waxaa weeye
in Maxamed uu guursan karo inta uu doono oo dumar ah, sidoo kale uu meher
la'aan la seexan karo inta uu doono dumarka uu ku soo qabsado dagaalladii
faraha badnaa ee uu qaadi jirey, Marka la eego muslimka kale wuxuu u banneeyay
ugu badnaan guurka 4 dumar ah, halka dumarka la soo qabsado uusan ku xirin
tiro go'an. **

**Sidoo kale aayadda waxaa ku jira hadyad kale oo Nebiga gaar u ah,

taasoo ah in keligii ay u bannaysay inuu la seexan karo gabadha nafteeda isaga
u hibaysa oo tiraahda nebigow naftayda ayaan kuu hibeeyay, hibadaasi ma wadato
idan, ma wadato meher, ma wadato makhraati, waxayna gaar ku tahay Maxamed oo
kaliya, sidaas ayuuna uga faa'iidaystay oo uu dumar kula aqal galay isagoo
aayadda ku dhaqmaya, dadka kalee muslimka ah uma bannaana inay fursad sidaas
oo kale helaan.**

**Caa'isha way la yaabtay qaabkan foosha xun oo Nebigu keligii dumarka ku

bannaysanayo, kadib ilaahay oo raba inuu Caa'isha dejiyo ayaa wuxuu leeyahay
nebigow dumarka isku kaa hibeeya haddaad doonto waad diidi kartaa haddaad
doontona waad aqbali kartaa:**

**تُرْجِى مَن تَشَآءُ مِنْهُنَّ وَتُـْٔوِىٓ إِلَيْكَ مَن تَشَآءُ ۖ

وَمَنِ ٱبْتَغَيْتَ مِمَّنْ عَزَلْتَ فَلَا جُنَاحَ عَلَيْكَ ۚ ذَٰلِكَ أَدْنَىٰٓ
أَن تَقَرَّ أَعْيُنُهُنَّ وَلَا يَحْزَنَّ وَيَرْضَيْنَ بِمَآ ءَاتَيْتَهُنَّ
كُلُّهُنَّ ۚ وَٱللَّهُ يَعْلَمُ مَا فِى قُلُوبِكُمْ ۚ وَكَانَ ٱللَّهُ عَلِيمًا
حَلِيمًا.**

**Waliba waxaa fursad loo siiyay hadduu diido gabadh isku hibaysay oo

xoogaa kadib uu Nebiga fikirkiisu isbadelo inuu awood u leeyahay inuu soo
ceshado mar kale, makhraati ma jiro, meher ma jiro, guur kale ma jiro, kaliya
waa in gabadhu isku hibayso, oo uu sidaas kula galmoodo. Aayadahani kaliya
waxay u adeegeen hamadda iyo dareenka galmo ee Nebiga oo cidi lama wadaagto.**

**Nebigu isagoo jaaniskaa wayn ka faa'iidaysanaya markuu arko gabadh

qurux badan ama uu ka helo wuxuu ku oran jirey: Heblaay naftaada ii hibee,
mararka qaar haddii gabadhu diiddo wuu harassment garayn jirey oo khasbi
jirey. Tusaale ahaan: Saxiixul Bukhaari oo ahaa kitaabka ugu saxsan Qur'aanka
kadib waxaa ku qoran qisada Umayma Bint Nucmaan oo ahayd gabadh Qurux badan,
Nebiga ayaa u yimi aad buu uga helay kadib wuxuu ku yiri: Naftaada ii hibee?
Kadib waxay ugu jawaabtay: Oo gabadha boqoradda ahi miyay nafteeda u hibaysaa
ciyaalo suuqa ? Jawaabtaa cad markay siisay kama uusan harine gacanta ayuu
korka ka saaray, kadib intay naxday ayay Shaydaanka iska naartay, kadib dhawr
ayuu siiyay uu rabay inay ku raacdo. Xadiisku waa kan;**

**وروى البخاري أيضا في صحيحه (5255) عَنْ أَبِى أُسَيْدٍ رضى الله عنه

قَالَ : خَرَجْنَا مَعَ النَّبِيِّ صلى الله عليه وسلم حَتَّى انْطَلَقْنَا إِلَى
حَائِطٍ يُقَالُ لَهُ الشَّوْطُ ، حَتَّى انْتَهَيْنَا إِلَى حَائِطَيْنِ ،
فَجَلَسْنَا بَيْنَهُمَا ، فَقَالَ النَّبِيُّ صلى الله عليه وسلم : اجْلِسُوا
هَا هُنَا . وَدَخَلَ وَقَدْ أُتِىَ بِالْجَوْنِيَّةِ ، فَأُنْزِلَتْ فِي بَيْتٍ
فِي نَخْلٍ فِي بَيْتٍ أُمَيْمَةُ بِنْتُ النُّعْمَانِ بْنِ شَرَاحِيلَ ،
وَمَعَهَا دَايَتُهَا حَاضِنَةٌ لَهَا ، فَلَمَّا دَخَلَ عَلَيْهَا النَّبِيُّ
صلى الله عليه وسلم قَالَ : هَبِي نَفْسَكِ لِي .قَالَتْ : وَهَلْ تَهَبُ
الْمَلِكَةُ نَفْسَهَا لِلسُّوقَةِ . قَالَ : فَأَهْوَى بِيَدِهِ يَضَعُ يَدَهُ
عَلَيْهَا لِتَسْكُنَ . فَقَالَتْ : أَعُوذُ بِاللَّهِ مِنْكَ . فَقَالَ : قَدْ
عُذْتِ بِمَعَاذٍ . ثُمَّ خَرَجَ عَلَيْنَا ، فَقَالَ : يَا أَبَا أُسَيْدٍ
اكْسُهَا رَازِقِيَّتَيْنِ وَأَلْحِقْهَا بِأَهْلِهَا.**

**Qofka sidaa samaynaya oo aayadahani u adeegayaan waa hal shakhsi oo hal

wakhti joogay. Cid kale oo ay koob Biyo ah u goynayaan ma jiro.**

Guurkii Maxamed iyo Saynab:

Nebigu wuxuu lahaa wiil uu adoption

**ahaan u haystay oo la oran jirey Sayd waxaana loo yaqaan Sayd Bin

Maxamed. Nebigu dumar badan wuu qabay oo guur iyo guur la'aanba uu ku haystay,
Saydna wuxuu qabay hal Gabar oo la oran jirey Saynab, kadib nebigu wuxuu
jeclaaday xaaska wiilkiisa Saynab, si meesha looga saaro sheekada adoption-ka
ayaa waxaa soo degtay aayad Qur'aan ah oo xaaraan ka dhigaysa adoption-ka,
dabcan adoption-ku waa dhaqan naxariis badan leh oo aad u nafci badan oo
dadnimo iyo damiir leh laakiin Qur'aanka ayaa joojiyay oo ilaa hadda waa
Xaaraan adoption-ku diinta islaamka. Waxaa xaaraan looga dhigay si Maxamed u
guursado Saynab oo ahayd xaaska wiilkiisa Sayd.**

**ٱدْعُوهُمْ لِءَابَآئِهِمْ هُوَ أَقْسَطُ عِندَ ٱللَّهِ ۚ فَإِن لَّمْ

تَعْلَمُوٓاْ ءَابَآءَهُمْ فَإِخْوَٰنُكُمْ فِى ٱلدِّينِ وَمَوَٰلِيكُمْ ۚ
وَلَيْسَ عَلَيْكُمْ جُنَاحٌ فِيمَآ أَخْطَأْتُم بِهِۦ وَلَٰكِن مَّا
تَعَمَّدَتْ قُلُوبُكُمْ ۚ وَكَانَ ٱللَّهُ غَفُورًا رَّحِيمًا**

**Waxaa kaloo soo degay aayad sheegaysa in Sayd uu furo xaaskiisa Saynab

si uu u guursado Maxamed, bal kawarran aayado noocaas ah Marka aan akhrinayno
innagoo khushuuc iyo raxmad dareemayna waana aayado ka shaqaynaya dhamaystirka
dareenka galmo ee Nebiga, waxaa sidaa u hadlaya waa kitaabka Qur'aanka ee la
rabay inuu dadka oo dhan u noqdo dhexdhexaad, bal yara fakar oo ila arag
dhibka aan arko.**

**إِذْ تَقُولُ لِلَّذِىٓ أَنْعَمَ ٱللَّهُ عَلَيْهِ وَأَنْعَمْتَ عَلَيْهِ

أَمْسِكْ عَلَيْكَ زَوْجَكَ وَٱتَّقِ ٱللَّهَ وَتُخْفِى فِى نَفْسِكَ مَا ٱللَّهُ
مُبْدِيهِ وَتَخْشَى ٱلنَّاسَ وَٱللَّهُ أَحَقُّ أَن تَخْشَىٰهُ ۖ فَلَمَّا
قَضَىٰ زَيْدٌ مِّنْهَا وَطَرًا زَوَّجْنَٰكَهَا لِكَىْ لَا يَكُونَ عَلَى
ٱلْمُؤْمِنِينَ حَرَجٌ فِىٓ أَزْوَٰجِ أَدْعِيَآئِهِمْ إِذَا قَضَوْاْ مِنْهُنَّ
وَطَرًا ۚ وَكَانَ أَمْرُ ٱللَّهِ مَفْعُولًا**

**Dadku waxay ii malaynayaan inaan ahay qof riddoobay oo diinta neceb ama

aflagaaddaynaya, laakiin run Marka loo hadlo waxaan ahay qof wacan oo Alle
wayne u diidaya inuu noqdo mid sidaas doqon u ah oo wax caayaya, oo hal
shakhsi Qur'aan galmada ah u soo dejinaya, oo reero isqaba kala furaya si uu
hal qof u qanciyo, sidoo kale waxaan diiday in rasuulkaygu noqdo qof sidaas oo
dhan selfish u ah oo keligii shuruuc u gaar ah leh, oo dumarkiisu aysan xisaab
lahayn.**

**Halkaas waxaa inoogu jooga qodobkii koowaad waa inoo iyo qormada xigta,

nabaadiino.da bilow...**

Mohamed Ali.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...