Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Saaxiibtinimada

W/Q: Cawil Cabdille
Falsafad 3
3.4k
·

2/13/2019

Saaxiibtinimada

Q oladiinnan akhriska iyo falsafaddaba jecel waxa aan halkan idin kula
wadaagayaa sheeko ka mid ah tobonnaankii sheeko ee laga wariyay Faylasuufkii
Soqraad. Waa wada sheekaysi dhex maraya isaga iyo labo barbaar oo ay isku
magaalo yihiin. Sida caadada ah marka ay doodi furmayso waa in ay jirtaa kala
duwaansho ku saabsan madwuuca laga hadlayo. Halkan, waxaa looga doodayaa
mawduuc aynnu u wada malaynayno in aynnu ka dheregsan nahay, balse marka aad
doodda dhex gasho waxa aad ogaanayso sida aad uga maran tahay. Keligaana ma
ahan taasi ee Soqraad laftirkiisa ayaa kula qaba middaas, oo dooddani waxa ay
dhammaanaysaa iyada oo aan natiijo la isla yaqaan laga gaarin. (Inta la
ogyahay wax yar ayay dhacday in ay dhammaato dood uusan natiijo ama
Conclusion ka gaarin Soqraad).

Mawduuca ay dooddani ku saabsan tahay, xiiso badan agteenna kuma lahan
wakhtigan aynnu joogno, oo waxa casrigeenna aad looga doodaa jacaylka iyo
guurka, marka laga hadlayo xiriirrada bani’aadamka dhex mara. Labadaas ayaa
casrigeenna aad loo gorfeeyaa ama wax looga qoraa, balse sida ay buuggaagta
ama sheekooyinka jacaylka ku saabsan casrigeenna u badan yihiin, ayaa mawduuca
Saaxiibtinimaduna ugu badnaa sheekooyinka dadkii hore.

Kelmadda “Saaxiib” waxa ay maanta inoo leedahay macno ka duwan ama ka fog
midkii ay u yaqaanneen dadyowgii innaga inaga horreeyay. Falsafaddii anshaxa
(Moral Philosophy) ee Giriigga iyo tii Roomaanka waxaa aad ugu badnaa
mawduuca saaxiibnimada. Sabataas daraadeed ayay kelmaddu inooga dhadhamaysaa
wax gaboowday oo aan casrigeenna saamayn ku lahayn. Qofkii maanta ka hadla
waxa uu inoogu muuqanayaa sidii qof ka hadlaya wax aan jirin ama aan macno
badan lahayn.

Halkani, dooddu waxa ay ku bilaabanaysaa Soqraad oo labada wiil midkood
waydiinaya bal in uu u sheego “Saaxiibnimadu waxa ay tahay?” Nebi Muuse iyo
Eebbe saaxiib ayay ahaayeen, goorma ayay bilaabatay saaxiibtinimadoodu? Ma
markii uu Eebbe Muuse jeclaaday mise markii uu Muuse Eebbe Jeclaaday? Mise mid
kaliya ayaa kan kale jeclaaday? Haddii ay jawaabtu midda u dambaysa tahay,
labadooda keebaa saaxiib ah, ma kan wax jeclaaday mise kan la jeclaaday, mise
isu gaynta labadoodaba?

Jawaabta laga bixiyo su’aashan waa ay ku adkanaaysaa Soqraad in uu ku qanco.
Waxa ayna u baahanaysaa in si qoto-dheer loosii baaro arrinta. Soqraad ayaa
waxaa maskaxdiisa ku soo dhacaysa murtidii ahayd, “Shimbirba shimbirkiisa ayuu
la duulaa” oo ka dhigan labadii isku mid ah ayaa saaxiibi kara. Talyaaniguna
waa iyaga ku maahmaaha “Ii sheeg saaxiibkaa aan qofka aad tahay kuu sheegee”
Eebbana waa kii Quraanka ku yiri, “Naagta dhillada ah nin la mid ah ayaannu u
guurinaynaa.”

Durba dooddani waa ay beenoobaysaa, waayo waxa aynnu aragnaa qof wanaagsan iyo
qof xun oo saaxiib ah. Sidoo kale waxa aynnu aragnaa isku mid ahaanshuhu in uu
yahay waxa dhaliya nacaybka iyo xinka. Gabyaagu waa uu neceb yahay gabyaaga
kale. Heesaagu waa neceb yahay heesaaga kale. Dhakhtarku waa uu neceb yahay
dhakhtarka kale. Taas badalkeeda, gabyaagu waxa uu jecel yahay qofka aan
gabyin. Dhakhtarku waxa uu jecel yahay bukaanka. Heesaaguna waxa uu jecel
yahay qofka aan heesi karin.

Mar kale ayay dooddu madaxa isla galaysaa, dhan loo saarana waa la garan
waayayaa. Balse, waxa ay ku biyo shubanaysaa isku mid ahaanshaha iyo kala
duwaanshaha midna in uusan keenin saaxiibnimada, balse qof waliba raadiyo waxa
ka maqan. Waxaa la yiraahdaa “Shay waliba meesha uu ka maqan yahay ayuu aadaa.
”Kulaylku qabowga ayuu aadaa, qabowguna kulaylka ayuu aadaa. Sidaa awgeed
labada ugu saaxiibsan waa qabowga iyo kulayka, qallaylka iyo qoyaanka. Waa
halkii laga yiri, “Nin bur haysta iyo nin biyo haysta waa isu baahan yihiin”.

Halkaas marka ay dooddu marayso ayay su’aal kale maskaxdiisa kusoo dhacaysaa,
waxa uu iswaydiinayaa: Horta saaxiibtinimadu ma wax aynnu isaga baahan nahay
baa, mise ujeeddo ayaynnu ugu baahan nahay ayaa jirta? Tusaale ahaan lacagta
lacag ahaanteeda ugu ma baahnin ee wax aynnu u baahan nahay daraadood ayaynnu
ugu baahan nahay. Wax walba haddii ay bilaash yihiin maxaynnu lacag uga baahan
nahay? Sidaas daraadeed qofka xun waxa uu qofka wanaagsan ula saaxiibaa in uu
qof wanaagsan noqdo.

Isku soo duub oo saaxiibtinimadu waa labo jir oo wadaaga qal qalbi iyo hal
dareen. Saaxiibku waxa uu u sameeyaa saaxibkiis waxa uusan naftiisa u samayn
karin. Waxa la taliyaa wakhtiga uu u baahan yahay. Waxa uu la joogaa marka
xitaa hooskiisu ka haro. Waxa uu dhiniciisa joogaa marka adduunyada oo dhani
ay ka soo horjeeddo. Murugadiisa waa uu yareeyaa oo labo ayuu u qaybiyaa maxaa
yeelay isaga ayaa la qaybsada, farxaddiisana waa uu labo jibaaraa, maxaa
yeelay isaga ayaa la wadaaga. Guushaadu xin iyo xaasidnimo midna ma galiso,
sidoo kalana kaaga ma xumaado haddii aad kun saaxiib oo kale yeelato.
Saaxiibadu ma ahan kuwa mar walba wada jooga, ee waa kuwa wada jooga wakhtiga
ay duruufto joogtu.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...