Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Roobka ma ilaahbaa keena?

W/Q: Maahir French
Awood sare 14
2.8k
·

4/15/2019

Roobka ma ilaahbaa keena?

M arka koowaad waxa aynu wada ogsoonahay shaki la’aan in sameysanka roobku
uu ku yimaado uumi-baxa biyaha badda, waxaana u sabab ah marka ay fallaaraha
cadceeddu ku dhacaan oogada sare ee biyaha in ay sameeyaan uumi-bax
(Evaporation) , balse uumigaasi ma ahan mid aynu indhaheena ku arki karno
ilaa inta ay gaarayaan Atmosphere -ka isuna beddelayaan daruuro habka loo
yaqaan (Condensation) , intaas ka dib marka ay cuslaadaan waxa ay diyaar u
yihiin in ay da’aan soona daayaan roob, sidoo kale harooyinka iyo webiyaduna
waa ka qayb qaataan sameysanka roobka.

Haddaba innagu ma sameysan karnaa roob innaga oo aan cidna baryin isla
markaana sugin is beddelka cimilada ee xilli roobaadka?

Jawaabtu oo kooban waa haa, waxa jira wax loo yaqaan abuuridda daruurta
(Cloud seeding) , abuuridda daruurtu waa habka lagu sameeyo roobka macmalka
ah (Artificial rain) waxa markii u horreysay ee taariikhda la tijaabiyay
sannadkii 1946-kii waxaana lagu sameeyay gudaha wershad loo yaqaan GENERAL
ELECTRIC LABORATORY
oo fadhigeedu ahaa magaalada New York, sannado badan ka
dib waa la sii waday iyada oo ay saynisyahannadu marba heer lasoo marayeen
ilaa waqti xaadirkan aynu noolnahay oo uu si buuxda uga shaqeeyo meelo badan
oo dunida ah.

Waddanka ugu badan ee sida joogtada ah u isticmaalayay sannadihii u danbeeyay
waa waddanka Imaaraadka Carabta (UAE), sida ku xusan warbixin-ta (National
Centre of Meteorology)
oo fadhigeedu yahay magaalada Abu Dhabi, waxa uu
Imaaraadku bilaaway isticmaalka sameyska roobka sannadihii 90-meeyadii balse
sannadkii 2018-kii ayaa ahaa sannadkii ugu badnaa markaas oo ay sameeyeen 262
hawl-gal, halka sannadkii 2016-kii ay sameeyeen 177 hawl-gal oo hawada lagu
bacriminayay, waxaana uu u horseeday in 30% ilaa 35% uu kor u kacay roobkii ka
di’i jirey gudaha Imaaraadka.

Magaalada Abu Dhabi gaar ahaan deegaanka lagu magacaabo Al Quaa oo saxare ah
waxa sannadkii 2013-kii bishii April laga isticmaalay cloud seeding, waxaana
uu gaadhay roobku bishaas 136mm halka uu Intii u dhexaysay sannadihii 2003
ilaa 2014 uu ahaa 29.9mm.

Imaaraadku waxa uu kharash badan ku bixiyay sidii uu u heli lahaa roob dad
samee ah oo la isku hallayn karo waana ay ku guuleysteen ayaa la dhihi karaa,
ayada oo magaalooyin badan oo waddanka ahi ay helaan roob toddobaadle ah.
Waddamada kale ee laga isticmaalay waxa ka mid ah Shiinaha sannadihii 2008
ilaa 2009 xilligaas oo lagu qabanayay ciyaarihii Olombikada, si la mid ah
Indunuusiya iyo waddamo kale ayaa laga isticmaalay natiijadiisana waa la
arkay.

Kiimikooyinka ugu mihiimsan ee loo isticmaalo bacriminta hawada waxa ka mid ah
Silver iodide , silver nitrate, silver chloride, potassium iodide, solid
carbon dioxide, liquid propane
iyo kuwo kale.

Salaad Roobdoon

haddaba innaga soomaali ahaan ma sameysan karnaa roob innaga inoo gaar ah
halkii aynu ku jiri lahayn in aynu salaad roob-doon la yiraa iyo Alle baryid
aan natiijo laga gaarayn ku jiri lahayn weligeenba iyada oo aynu aragno sida
ay carabtiiba uga maarmeen roobka aan la isku hallay karin ee Ilaaha laga
sugo?

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...