Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Ri'da dambiyada

W/Q: Saacid Kaahiye
Aragtiyo 1
9.6k
·

9/11/2020

Ri'da dambiyada

D egeladeena marka ay colaad ka aloosanto, cudur dilaaco ama abaaro
dhacaan oo ay umadu dhibaatooto boqol jeer baad maqashaa wadaad meel iska
taagaya oo leh, “dumarkii oo xijaabka ka tagay ama heesaha la dhagaysanayo baa
u wacan abaaraha iyo dhibaatada!”

Wax lala yaabo ma’ahan midaa waayo sooyaalka uumiyaha markaad u fiirsato waa
wax soo jireen ah oo ay taariikhdu xusto waxayna ka mid tahay hab-fikirka
uumiyaha sida cilmi-nafsiguba uu xaqiijinayo. Waxaa loo yaqaanaa scapegoat
ama scapegoating.

Magaca scapegoat (ri’da dambiyada) wuxuu ka yimid in uu sooyaalku xuso yahuudu
in ay lahaan jireen dhaqan ah in labo ri’ inta la soo qabto midkood eebe
dartii loo gawraco midna wadaad diimeed intuu dambiyada bulshada dhan dusha ka
saaro magaalada laga bixin jiray oo saxaraha loo bixin jiray!

Waxay aaminsanaayeen in haddii dambiyadoodu ay ri’du ka qaado oo ay bulshada
ka dhex saarto ay nimco iyo badhaadhe galayaan oo dhibaatada iyo cudurada iyo
abaarta haysato ay ka baxayaan!
Arinkaa ah in dambiyada bulshada la saaro qof ama neef kadibna la baxsho ama
la qalo qofkaa ama neefkaa ma’ahayn wax yahuudda gaar ku ahaa ee xadaarado
kale sida ta Greek-ga iyo ta Syrian-kaba way ku dhaqmi jireen.

Sidoo kale diinta kristaanka ee adduunka ugu badan maanta ayaaba qaab
scapegoating camal ah ku dhisan oo dambigii oo dhan inta ciise dusha laga
saaray waata la yiri dambiyadeena ayuu u dhintay dhimashadiisana jano ayee
inoo horseedee!

Sooyaalka markaad si fiican u dhugatana arrinkaa dambiyada dusha laga saarayo
wax bilaa dambi ah kadibna la leeyahay haddii waxaa ay meesha ka baxaan
jannadii baa adduunka inoogu imaaneysa waa arrin meel kaste taala oo bulsho
kaste ay si ugu dhaqanto.

Tusaalaha ugu caansan waa tii Hitler markii uu u soo baxay jarmalka oo
dagaalkii koobaad ee adduunka markaa loogaga adkaaday oo dhibaatooyin badan ay
wajahayso uu yiri dhibta dhan waa yahuudda haddii meesha laga saarana wax
walba way hagaagayaan isaga oo ka dhiganaya yahuudda Ri’diisa dambiyada!

Marka haddii si dhab ah loo hadlo, dumar bilaa xijaab ah iyo heeso la
dhagaysto abaar iyo colaad ma keenaa? Waa maya! Waayo haddii ay keenaan,
adduunka muslimka ma’ahanee inta kale waa bilaa xijaab ee abaar may u la’daan
waa kuwaa barwaaqada dhax fadhiyee!?

Haddii maanta dumarkeenna loo wada xijaabo heesahana la wada joojiyana
jannadii adduunka inoogu imaan mayso, dhibaatada wadankeenna haysatana ku
xallismi mayso in aan ri’dambiyeedyo samaysano oo taasi uumiyaha kalaba wax
way u tari wayday!

Xalka wuxuu ku jiraa uun in dhabaato kasta meesheeda loogu tago oo waxa ay
salka ku hayso si daacad ah loo dhuuxo kadibna la xididdo siibo. Colaadda in
lagu eedeeyo qabiilka iyo qabqablaha iyo wadaad xumaha abaartana lagu eedeeyo
dhirta la xaalufinayiyo is-xilqaamid la’aanta masuuliyiinta!

Far-fiiq iyo eedeyn kadibna waa in umadda wax la baro, hosbitaalo la dhiso,
aduunkana lala jaan qaado ayada oo lagu eegayo indho caafimaad qaba oo kala
yaqaana Ri’ dambiyeedyadiyo dambiilayaasha runta ah. Iyo in Ri’da maskiinta ee
bilaa dambiga ah xariga laga furo oo daalimiinta dhabta ah lagu xidho.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...