Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Ribadu ma ganacsi xun baa?

W/Q: Cali Barre
Ganacsi 1
4.6k
·

12/13/2017

Ribadu ma ganacsi xun baa?

S ida ku soo aroortay aayadda 275aad ee suurada Al-Baqara, ganacsatadii
carbeed ee la nooleed nabi Maxamed ka dib markii lagu yiri ka joogsada ku
dhaqanka ribada, ay ku andacoodeen in ”Ganacsiguba uu yahay sida Ribadda uun”.

Inkastoo Quraanka laftiisuba ku diidin arrinkaas kuna se raacin, hadana waxaan
filayaa in muhiim tahay bal in lafaguris arrinkaas lagu sameeyo, si looga sal
gaaro run-ahaan-shiyaha arrinkaan.

Hadaba si ay taasi noogu suurtagasho, waxaa lagama maarmaan noqoneyso inaan
bal marka hore isla fahanno labo arrimood , kuwaas oo kala ah Ganacsi iyo
Ribo, si markaa kadib aan u kala ogaanno in ay isku mid yihiin iyo in kale.

WAA MAXAY GANACSI/TRADE?

Dabcan dab badni ganacsigu wuxuu ula muuqdaa wax aad u adag fahankiisu, balse
hadaad u fiirsato, ganacsigu gabi ahaantiisba wuxuu isugu soo aruuraa uun ”wax
wax kale lagu badashay”, waa laba qof ama koox oo uu midba midka kale waxa uu
heesto kaga badalanayo waxa uu rabo inuu helo. Tusaale ahaan, Garaad wuxuu
heystaa kiilo digir ah, Jimcaalane kiilo galleey ah, Garaad waxaa ka maqan uu
baadi goob ugu jiraa kiilo galleey ah, halka Jimcaale uu aad ugu baahan yahay
kiilo digir ah, haddii Garaad iyo Jimcaalo ay kala badashaan kiilada digirtaa
iyo galleyda, halkaas waxaa ka dhacay ganacsi. Ganacsigana tusaalahan ayaa so
koobay.

WAA MAXAY RIBADU?

Ribada iyadoo fududi waa saddex nooc middood;

  1. In labo wax oo isku nooc ah balse kala badan la isku badasho.
    Tusaale; kiilo bur ah oo lagu badasho labo kiilo oo bur ah.

  2. In laba wax oo isku nooc ah la isku badasho iyadoo isku badalashada labada shay aysan waqtigaas la joogo dhacayn.
    Tusaale; in kiilo digir ah lagu badasho kiilo digir ah balse bisha dambe ay
    soo go’ayso.

  3. In labo wax oo kala duwan la isku badasho balse isku badalashadu aysan markaa dhicin.
    Tusaale; in kiilo bur ah lagu badasho kiilo galleey ah balse aan hadda diyaar
    ehayn, oo la bixin doon bil ka dib.

Kadib markaan ka soo faraxalanay waxa Ganacsi ama Ribo ay yihiin, hadaba
su’aasha is weydiinta mudani waxay tahay, ribo iyo ganacsi ma wax kala duwan
baa mise waa sidii ay odayaashii carbeed ku andacoonayeen “isku mid”?

Sida muuqato oo aan kor ku soo xusnayba, haddii gancsigu yahay uun ”wax isku
badalasho”, ribaduna tahay qaab ka mid ah ”wax isku badalashada”, hadaba
halkaas soo kama dhalaneyso in Ribadu tahay nooc ganacsiga ka mid ah uun,
sidaa awgeed sow ma dhihi kareeno odayaashii carbeed kuma aysan qaldaneen inay
ku andacoodaan “Ribadu waa ganacsi”.

Balse su’aasha ah ribadu ma ganacsi wanaagsan baa mise waa ganacsi xun, waa
arrin ka baxsan xeendaabka qormadaan, oo iyana u baahan in la is dul taago
waqtigeeda, ujeedka qormadaan kaliya wuxuu ahaan inaan bal baarintaan ku
sameyno in ribada iyo ganacsigu kala duwanyihiin iyo inkale, sida muuqatana
waa uun wiil iyo aabihii.

Hadaba maxaa ku jaban saddaxdaa nooc ee ganacsi aan kor ku soo xusnay?
Si aan u fahanaa in saddaxdaa ganacsi ay yihiin ganacsiyo xun iyo in kale,
waxaan u bahaannahay marka hore inaan fahanno ujeedka ay dadku u ganacsadaan,
ama si kale hadaan u dhigo, ay badeecooyinka isku weydaarsadaan.
Maadaama uu aadanahu leeyahay baahi aan dhamaan, sidoo kalane uusan jirin qof
qura oo soo saaran karo wax walbo uu u baahanyahay nolosha, taas waxay
qasabtay in dadka, si ay baahiyadooda kala duwan u daboolaan, ay waxa ay
heestaaan is weydaarsaan ama isu badalaan.
Hadaba wax isku badalashooyinka soo socda ay wadaadadu u yaqaanaan ribo ma
kuwo u adeegaya buuxinta baahiyaha bulsho ee kala duwan baa, mise waa kuwo
wiiqaya? Xumaanta ku jirtaana maxay tahay?

Kow; in laba qofi ay isku badashaan laba walxood oo isku mid ah aanan waxba ku
kala duwaneen, waa maxay danta iyo faa’iidada ku jirtaa aan ka eheen waqti iyo
tamar lumis, haddii isku badalasho ka dib ay joogaan meeshii ay joogeen isku
badalshada ka hor. Sababta kaliya ay labo qof wax isku weydaarsadaan waa in
mid walbaa uu dareemaayo in midka kale uu heeysto wax isaga ka maqan, hadaba
waxaad is weydiisaa waxa ku jaban in qofkii ku badasha wuxuu heesto wax uu qof
kale heesto oo isna raadinaya waxa uu qofkaa kale heesto. Tusaale ahaan Garaad
iyo Jimcaale waa labo beeraleey oo labaduba beerta digir, balse digirta Garaad
waa digir (sababtey doontaba ha ahaatee) ka dhadhan iyo tayo wacan tan
Jimcaale, oo marka labadooduba ay suuqa la yimaadan digirtooda, dadku waxay
jecel yihiin inay badeecooyinkooda ku badashaan digirta Garaad maadaama ay u
arkaan in uu ka digir macyahay Jimcaale, hadaba haddii Jimcaale uu go’aansado
inuu bal digirta Garaad uu dhadhamiyo, deedna u yimaado Garaad uu ka dalbo in
labo kiilo digirtiisa ah kaga badasho kiilo tan Garaad, isku badalashadaasne
ay labadoodu ku qanacsan yiihiin, bal waxaad inoo sheegtaan waxa ku jaban in
ganacsigaas uu dhacaaa? Waa maxay sababta ay tahay in labo wax -magacey
doonaan ha wadaagaane- oo aan isku tayo ehayn isku qiimo laga dhigaa, oo
haddii la damco in la isku badasho ay tahay in si siman la isku badashaa?

Labo; si aad u fahanto nooca labaad ee ribo, waxaad ka soo qaaddaa in Garaad
iyo jimcaal ay markaan labadooduba beertaan digir isku nooc iyo tayo ah oo aan
wax ay ku kala duwan yihiin jirin, kaliya kalkaan Jimcaale digirtiisa ayaa soo
horgo’day tan Garaadne waxay soo go’i dontaa barri, balse maanta Garaad digir
wuxuu haystay oo dhami way ka dhamaatay, oo xitaa digir uu cuno mehaysto, si
uu u helo digir buu u yimid Jimcaale, kana dalbaday inuu siiyo kiilo digir ah
si uu ugu soo celiyo isla kiiladiisii barrito, ama xitaa uu u ballan qaado
inuu soo celinaayo kilo iyo bar, hadaba waxaad isweydiisaa waa maxay waxa ku
jaban oo ay tahay in ganacsiga noocaas ahi la hor istaagaa?.

Saddex; nooca saddaxaad ee ribo iyaduna waxba kaga ma badalna nooca labaad aan
ka ehayn in waxa la isku badalanaayo ay kala duwan yihiin uun, sida in Garaad
uu kalkaan beerto galleey halka uu digir ka beeran jiray, Jimcaalane wali
digirtiisii sii beerto, basle Garaad galleydiisii wali ma soo go’in wuxuuna u
baahan yahan inuu digir helo, si taas ay ugu suurta gasho wuxuu u yimid
Jimcaale isagoo ka raba kiilo digir ah, si uu marka ay galleydiisu soo go’do
kiilo galleey ah ugu badalo kiilada digirta ah, hadaba mar labaad waxaad is
weydiisaa xumaanta ku jirta in ganacsiga noocaasi ah dhaco?

Hadaad wadaadada ku xeel dheer arrimaha diinta waydiiso sababaha loo
xaarantinimeeyay ganacsiyada kor ku xusan ee ribada loo yaqaan, waxay ku
leeyihiin waxaa laga hortagayaa dulmiga iyo caddaalad darrada ku duugan
ganacsiyadaas, hadaba aqristow waxaad is weydiisa saddexdaa nooc ganacsi ee
aan kor ku soo xusanay ma kaaga muuqdaan dulmi iyo caddaalad darrada lagu
sheegay? haddii ay jawaabtaadu tahay haa waan jeclaan leheen inaan nala
wadaagto runtii si aan kaaga faaiideysano?

Sida muuqato, dad badanina laga yaabo inay hadda isweydiinayaa sababta, kama
aanan hadlani nooca ribo ee dad badani yaqaanaan ee gasha lacagta, sababta
aanan uga hadlin ribada noocaas ahna waxaa loo celin karaa labo arrimood oo
kala ah:-

  • In aysan waxba kaga duwanayn kuwa aan kor ku soo xusnay, mar haddii aad fahanto waxa ay tahay lacagta.
  • Maadama ay fahan darro aad u ba’an ka jirto waxa lacagi ay tahay, oo u bahaan in marka hore la soo lafaguro ka hor inta aan loo imaan ka hadalka ribada lacagta, taas oo aan ugu tala galay inaan uga hadlo qormooyin u gooni ah.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...