Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Reer miyiga soomaalida iyo reer galbeedka

W/Q: Shaafici Xasan Maxamed
Aragtiyo 1
7.9k
·

6/21/2019

Reer miyiga soomaalida iyo reer galbeedka

R eer galbeedka oo maanta loo arko dadka ugu horreeya aadamiga soomaalida
magaalada iyo kuwa miyiga waxaa u dhaqan dhow kuwa miyiga ee bal aynu soo
qaadanno dhowr waxyaalood oo ay iska shabbahaan reer miyigeenna iyo reer
galbeed.

  • Reer miyigeennu waxa ay reer galbeed ka shabbahaan adayga jir ahaaneed iyo midka maskax ahaaneed oo xagga shaqada aad bay u dulqaataan, halka soomalida magaaladu aysan hawl yar xammili karin oo ay jiljilicsan yihiin jismi iyo dareenba.
  • Miyigeenna iyo galbeedka dadku been badan ma sheegaan oo qofku si daacad ah buu wax kasta u sheegaa, halka soomaalida magaaladu ay been badan oo aan laga xishoon isu sheegaan siiba marka ay faanayaan.
  • Miyiga iyo reer galbeed afkood iyo dhaqankooda aqoon bay u leeyihiin, halka dadkeenna magaalada joogaa aysan dhirta iyo xayawaanka dhulkooda waxba ka aqoon oo aysan af macne leh garanayn.
  • Galbeed iyo miyiga heeso ayaa lagu ciyaaraa siiba habeenkii, halka magaalooyinka soomaalida aan wax ciyaar dhaqan ah la samayn.
  • Reer miyigeenna iyo dadka galbeed makhaayad ka ma cunteeyaan jeer ay ogaadaan qiimaha cuntada, halka ay soomaalida magaaladu qiimaha cuntada isweydiiyaan marka ay cunteeyaan ka dib.
  • Galbeed iyo miyiga wax kasta waxaa loo wajahaa si dabiici ah oo uu qofku shakhsiyad leeyahay, halka magaalada soomaalida aysan dadku dabiici ahayn oo uu laalaabku badan yahay oo si aan xayi ahayn loo macaamilo.
  • Miyiga iyo galbeed dumarka iyo raggu shaqada reerka waa ay wada qabtaan, laakiin magaalada soomaalida haweeneyda keli ah baa guriga ka shaqaysa oo ninku debedda keli ah buu ka soo shaqeeyaa haddiiba uu shaqo helo, sida badanna raggu waxba ma qabtaan.
  • Galbeed iyo miyigeennu waxyaalaha asaasiga ah dadku iyaga oo yaryar bay bartaan sida magacyada roobka ee ka la duwan, nooleyaasha dhulkooda ku dhaqan, geedaha iyo cimilada, laakiin soomaalida magaalada waxa aad arkaysaa 60 jir aan garanayn ereyada ”Qurac”, ”Tuke” iyo ”Goroyo” oo ah waxyaalo ay 3 jirradu yaqaanniin miyiga iyo galbeedka.
  • Reer miyiga iyo galbeed dadku asal bay haystaan oo miyigeenna waxaa lagaga dhaqmaa waxyaalo soojireen ah oo xididdaystey, galbeedkuna asalkoodii fogaa ee beeraleyda u badnaa waxa ay mar hore uga wareegeen asal kale oo ah magaalo ay wacyi iyo ilbaxnimo sal lihi ka jiraan oo afka iyo dhaqanku ay hodan yihiin oo qofka joogaa uu dalkiisa oo dhan muraayad ka daawado, halka soomaalida magaaladu ay ka soo guureen miyi oo ay u wareegeen magaalooyin aysan ka jirin wacyi iyo ilbaxnimo ee la iska dhooban yahay daaro maran dhexdood.

Magaalada soomaalida dadka afkooda buugaag loogu ma qorin, af kale oo macne
lehna ma ay yaqaannin, isla markaas shaneemooyin iyo tiyaatarro ay wacyigelin
af oo weyni ka socoto ma ay laha, waxaana la moodaa in ay dadku u nool yihiin
in ay cunto dhacday iyo qaad cunaan ama ay ag dhoobtaan wadaaddo wahaabiyo ah
oo carabta uga sheekeeya, kuwaas oo aan soomaalida dan u hayn.

Carabtu aad bay u danbeeyaan oo wax lagaga dayan karaa ma ay jiraan, waxa ayna
haystaan dhaqammo dhintay oo ay ka mid tahay liiditaanka dumarka oo ah in la
baabi’iyo nus bulshada ka mid ah. Haddii ay ummadi mid kale wax ka soo
xiganayso waa in kuwa wax laga baranayaa ay wax ku dhaamaan kuwa kale, waxaana
maanta aad i nooga horreeya dad badan oo aan carab ahayn. Sida aynu dadka i
naga horreeya raadkooda u raacaynaa ma aha in aynu afafkooda iyo dhaqamadooda
sida ay yihiin u soo xambaaranno ee waa in aynu derisnaa sida ay u kobciyeen
arrimohooda oo dhan, ka dibna aynu afkeenna iyo habkeenna nololeed ku dhisnaa
aqoontii aynu ka helnay ummadaha kale innaga oo cid kale aan si indho la’aan
ah u dabo damagsanayn. Tusaale ahaan sida sheekooyinka loo qoro ama
riwaayadaha casriga ah loo sameeyo waa aynu ka xigan karnaa dalalka fanka iyo
fakarka ku horreeya sida Maraykan, laakiin marka aynu sheeko ama riwaayad
samaynayno waa in ay jawigeenna, nolosheenna, fakarkeenna iyo asalkeenna
sawiraan ee aysan noqon filimo qalaad oo sidoodii loo soo raray. Taas
macneheedu ma aha in curisyada ummadda lagu qufulo dhaqan hore oo gaboobey oo
waa in la ogaado ummad kastaa in ay hadba xuubsiibato oo loo baahan yahay
curiyeyaal dhaqan’abuurro ah. Tusaale ahaan qofkii maanta sheeko jacayl ah
qorayaa waa in uusan dib ugu laaban sidii 1960 uu shukaansiga ummaddu ahaa ee
waxaa habboon in casriga la joogo hummaag u qalma laga sameeyo. Hal’abuurku ma
aha sawirro waxyaalo la isla garanayo laga dheego keli ah ee waxaa lagu
beddelaa ama lagu koriyaa wacyiga iyo dareenka bulshada, sidaas darteedna
dadka hibada lihi waa in ay la yimaadaan jihayn cusub oo heerka la joogo heer
kale looga guurayo, taas oo noqon karta in dhaqanka la haysto hal’abuurka wax
lagaga beddelo. Gudniinka gabdhaha, musuqmaasuqa, qaadka, wahaabinnimada,
qabyaaladda, akhris la’aanta iwm waxa ay ka mid yihiin waxyaalo badan oo u
baahan in hal’abuur fanaysan wax lagaga dooriyo, waxaana loo baahan yahay in
ay dadka wax curin karaa naftooda huraan oo ay iskood isu xilqaamaan, waayo ma
jirto bulsho hal’abuurka iibsata iyo dowlad fangaraysaa oo haddii aysan dad
iskood isugu xilsaarin waa hawl baylah ah. Maanta hal’abuurka soomaalidu wax
dhiirrigelin ah ma haysto oo waxaa laga yaabaa in curiyaha ama qoraagu uu la
kulmo in la caayo ama la xasdo iyo waxyaalo uusan mudnayn, waayo garaadka
dadkeenna ayaa gaaban, taasna waxaa lagaga gudbi karaa dulqaad badan iyo in
aan dadka maanta jooga lagu mashquulin ee wax loo qoro dad aayaha danbe dhalan
doona.

Waxyaalaha la hubo waxaa ka mid ah in haddii ay soomaalidu afkooda ereyadiisa
iyo cabbiraadihiisa qoraal geliyaan ay noqon doonaan ummad nasiib badan, waayo
afkani xagga hal’abuurka iyo kalmadaha waa af yaab leh oo si kasta hodan u ah
oo aan lagu gaareyn maansada iyo xeeldheerida dhadhankiisa, waxaana ku hadla
dadka Afrika ugu dhul ballaaran marka laga reebo carabta. Nasiib darro sida uu
khayraadka kale ee dalku u dayacan yahay buu afkuna baylah u joogaa oo dowlad
la’aanta waxaa ka daran indheergarad la’aanta aysan jirin mufakariin dhaqan oo
afka iyo hiddaha ku nuuxnuuxsadaa. Waxaa la sheegaa in ay soomaalidu degaan
meesha dunida ugu istiraatiijisan oo ay ka mid tahay ummadaha yar oo ay wax
kastaa ka dhexeeyaan ama sifo kasta wadaaga oo dhulkoodu uu yahay dhulalka
dunida ugu khayraadka badan oo cimiladoodu ay tahay midda caalamka ugu
wanaagsan, waxaas oo nimcooyin ah se waxaa ka weyn oo aan aad looga hadlin in
uu af soomaaligu yahay malaha afka ugu cabbiraad qurxoon afafka dunida.
Soomaalidu qoraalka aad bay ugu danbeeyaan, ha se yeesho ee waa dad aad afka
uga maansooda, waxaana ilaa hadda u daabacan labaataneeye diiwaan oo maanso
ah, hal’abuurka aan qorraynina waxa uu ku boqol jibbaarmaa midka qoran. Waxaa
la tuhmi karaa in ay soomaalidu carabta oo dhowr iyo labaatan dalka ah ka
maanso badan tahay, waayo gumaysigii reer Yurub markii uu dunida qabsaday
dhulka soomaalida keli ah buu u bixiyey ”Dhulkii maansada”. Sidaas oo ay tahay
carabta afkoodu waxa uu qornaa xilli dheer oo waxaa u qoran maansooyin la
tiriyey labo kun oo sano ka hor, halka maansada soomaalida ee la hayaa aysan
labo qarni dhaafsiisnayn. Carabtu waa ay inaga maansooyin dheerdheer yihiin oo
marmar bay tiriyaan tix kun meeris ka badan, laakiin waxa aan tuhmayaa in ay
xagga cabbiraadda maansada soomaalidu xeeldheer tahay, waayo sida badan
maansada carabtu waa hadal toos ah oo ereyada wax lagu cabbirayo iyo waxa la
sheegayaa waa ay isleeyihiin, halka maansada soomaalida ay ka buuxaan ereyo
aan tooskii ay afka ku lahaayeen ahayn ee si kale ah. Tusaale ahaan nin
soomaali ah baa waxa uu rabey in uu gabay ku yiraahdo sidan:

”Qofkii aysan sokeeyihiis u hiillini had iyo jeer ma aargudan karo. In kasta
oo uu nin taxaddar iyo digtooni badan ahaa meel uun buu la’ yahay. Tabar ma uu
hayo xataa haddii uu nin kibir badan ahaan jirey”. Hadalkaas oo gabay ahi waa
kan hoos ku qoran:

Qofkii gacalkii dhacadiid u yaal, dhaax ma aarsado’e
In kastuu nin dhiifoon ahaa, dhoollahaa maqane
Danba wow dhufaanmaa hadduu, dhoor lahaan jiraye

Khaliif shiikh Maxamuud

Ereyada ”Dhoollo”, ”Dhufaannaan” iyo ”Dhoor” midna meesha ugu ma uu jiro
macnihiisii tooska ahaa ee uu afka caadiga ah ku lahaa, waayo ”Dhool” waa
ilig, ”Dhufaannaan” waa xaniinyo la’aan oo ”Dhoor” waa timo madaxa sare lagu
reebo inta geesaha la xiiro. Meeriska af soomaaliga ahi afar arrimood markii
uu isku darsado dhadhan fiican buu yeeshaa. Labo waa asaasi oo haddii uusan
wadan maanso ma uu noqonayo, waana miisaanka ama dheellitirka muusigga ama
ruxanka hadalka iyo qaafiyadda oo ah hikaadda in uu xaraf ku socdo. Labadaas
in uu meerisku yeesho dad badan baa samayn kara oo xataa in la barto ayaa la
isku deyi karaa inta shaqallada la tiriyo. Labada kale kuwaas waa ay ka
dhadhan durugsan yihiin, waxa ayna ka la yihiin cuddoonaanta isku dhafnaanta
hadalka oo ah sir xeeldheer oo uusan dhadhankeeda shishe heli karin ama isku
dhafi karin qof aan maansoyahan fiican ahayni iyo ereyada oo isticaaro lagu
sameeyo oo loo raro rugo ka geddisan halkii nolosha caadiga ah loo adeegsan
jirey. Xagga cuddoonaanta waxaa laga yaabaa in aysan dad badani dareemi karin
oo meerisyada cuddooni aysan dareenkooda uga duwaneyn kuwo aad u jilicsan oo
ay hadalka ujeeddada ka raacaan, taasina waa dhib gaar ah oo qofka maansooda
haysata mar haddii aysan cidi la dhadhansanayn waxa uu dareemayo. Waxaa laga
yaabaa qofka maansoyahanka weyn ah meerisyo la cuddooni in aysan bulshada
caadiga ah dareen u yeelan, halka ay iyaga meerisyo aan cuddoonayni aad u
saameeyaan, waxa aynu isbarbar dhigaynaa meerisyo aan cuddoonayn, laakiin
bulshada guud wada saameeyey iyo kuwo cuddoon oo dadka maansooda qaarkood keli
ah taabtay ee hoos u eeg!

Dugsi ma leh qabyaaladi wax ay, dumiso mooyaane

Cabdullaahi Suldaan Timacadde

Meeriskaaasi qofka maansooda la ma uu cuddoona oo waxa uu dareemayaa qaafiyad
iyo miisaan keli ah, laakiin bulshada caadiga ah waa meeriska ugu hadalhaynta
badan, waayo dadka badankoodu maansada cuddoonaan ka ma dhadhansadaan ee
fartiinta ay siddo ayey xanbaaraan oo isu tebiyaan, waxaana meerisyada
bulshoweynta aad iyo aad ugu faafay oo aan cuddoonayn ka mid ah

Doqonkii Ogaadeen ahaa, Doollo laga qaadye

Cali-Dhuux Aadan Goroyo

Waxaa laga yaabaa marka aan meerisyada cuddoon soo qaato in aad yaabtid oo ay
kuugu dhadhami waayaan sida ay kuugu dhadhamayeen kuwa aynu kor ku sheegnay in
aysan cuddoonayn, taasina waa ka la sarraynta dareenka dadka ee xagga maansada
ee ma aha in aad sidaada kale nacas tahay, maansaduna waa wax yar oo ka mid ah
nolosha. Meerisyada soo socda nin baa raba in uu yiraahdo ”Dhimashada ka ma
taxaddaro ninkii uu ciil ka buuxaa oo sababta geeridiisa ayaa toos abbaarta”

Wedka ka ma banbaansado nin ay, sharadi buuxdaaye
Bixisada haddiisa ah wax baa, lagaga beegaaye

Faadhfaadh

Marka la leeyahay waa meeris adag ama cuddoon looga ma jeedo in uu ka kooban
yahay ereyo qariib ah oo aysan dadku wada garanayn ee waxaa looga socdaa
cufnaan gaar ah oo uu hadalka qaarkiis wato, qaarna uusan wadan. Cufnaantaas
haddii la wada dareemi karo dadka oo dhan baa wada maansoon lahaa, waana sirta
dhabta ah ee maansada. Meerisyadaas Faadhfaadh qofka maansoyahanka ah dareenka
fog oo ay taabsiinayaan ku ma uu gateen malaayiin doollarka maraykanka ah,
sidaas darteedna bulshoweynta iyo maansoyanku isku waddo ku ma socdaan.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...