Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Quraanku maaha kitaab Saynis

W/Q: Khaalid Xasan
Aragtiyo 1
10.3k
·

8/4/2018

Quraanku maaha kitaab Saynis

Q olyaha aaminsan diinta islaamka waxay dadka ku wareeriyeen aragti
odhanaysa Quraanka waxaa ku jira xaqiiqooyin cilmi ama saynis ah (الاعجاز
العلمي للقرأن) taaso ah been aan sal iyo raadtoonna lahayn.
Marka ay leeyihiin quraanka waxaa ka buuxa xaqiiqooyin cilmi ah waxay niyada
iyo naftaba u sheegeyaan been nasiino ah iyagoo si ku talo gal ah isu
hilmaansiinaya farqiga u dhexeeya diinta iyo cilmiga ama sayniska. Diintu sida
lagu qeexo waa farriin ka timi Illaah xagga sare fadhiya ujeedkuna yahay inay
dadku raacaan farriinta hadalna aanay ka keenin, farriintaasi waxay isku
deyeysaa inay sharrxado waxa loo yaqaan falsafad ahaan Metaphysics taasoo u
baahan inaad aaminto oo keliya caqli iyo garashana aan lagu gaadhi karin.

Saynisku waa natiijo ka dhalatay baadhitaan dadku ku sameeyey dabeecadda iyo
waxyaalaha dabiiciga ah iyo aqoonta ka dhalata baadhitaankaas oo ku dhisan i
tus oo i taabsii. Furaha saynisku waa shaki iyo lafagurka fikradda iyo
baadhitaano ka dhashay garashada aadanaha oo aan shuqul ku lahayn qolyo xagga
sare fadhiya.

Diinta iyo cilmiga waxaa ka dhexeeyey halgan dheer waxaana cilmigu guulaystey
markii ay meesha ka baxday awooddii kaniisaddu kadib halgankii fikriga ahaa ee
loo yaqaaney (التنوير) guushaasi waxay meesha ka saartay mugdigii ay ku jirtey
qaaradda Yurub ugu danbayn qarnigii 19aad. Diinta iyo cilmigu meel ma wada
geli karaan.

Dadka muslimiinta ahi waxay isugu sheekeeyaan in wax kasta oo gaaladu ay
horumar ka gaadheen xagga sayniska inay iyagu arrinkaa sii ogaayeen 14 qarni
ka hor. Waydiintu waxay tahay haddaad arrinkan ogeyd muddo dhan 14 qarni oo uu
ku qornaa kitaab afkaaga ku qoran oo aan xattaa turjumid u baahanyn maxaad u
samayn waydey ama usoo bandhigii waydey oo gaalada ula sugeysey?

Haddii kitaabka quraanka ah waxaasoo cilmi ahi ku jiraan maxaa carabta
horumarka ka hor istaagey? Diintu waxay u baahantay inaad aaminto, ku qanacdo
wax waydiin ahna aanad ka keenin halka saynisku ku dhisan yahay shaki,
baadhitaan iyo lafa gur joogta ah oo fikirkii maanta saxda loo haystey berrito
isbedel ku iman karo halka diintu taagan tahay halkii ay taagnayd maalintii
nebiga loo soo dhiibey.

Diintu waxay u baahntahay kuna taagan tahay oo keliya inaad aaminto, caqligii
ayaa laga horraysiin aaminaad iyo wixii ka dhalanayey (ﺍﻹﻳﻤﺎﻥ ﻫﻮ ﺇﺫﻋﺎﻥ ﺍﻟﻌﻘﻞ
ﻟﺤﻜﻢ ﺍﻟﻮﺣﻲ)
taaso micneheedu yahay caqligu inuu u hogaansamo xukunka
waxyiga, tusaale ahaan; Illaahay wuxuu yidhi dhulku waa fidsan yahay, aayadda
sheegeysa dhulku inuu fidsan yahay waa inaad caqliga qaadsiisa xattaa hadii
taasi been tahay waa inaad qiil kale u raadisa maadaama aan hadalka Illaahay
beenoobi karin ama aanu ka hor iman karin sayniska waa siday aaminsanyihiine.
Qiil raadintaasi waxay dhashay in aayadihii la saaro tafsiir aanay lahayn
iyadoo niyadda lagu dhisanayo iimaankana lagu dhowranayo dib u dhaca dhan
walba ahna loo nisbaynayo dadka, guusha dadka kalena lagu qabsanayo.

Waxaa kale oo jira in naska ama aayaddu ka mudan tahay caqliga(النص قبل العقل)
qofka muslinka ahi wuxuu aaminsan yahay diin aan ogolayn adeegsiga caqliga
hadana wuxuu ku leeyahay diinta cilmi baa ku jira gaar ahaan quraanka. Ujeedku
waxaa weeye ha fikirn Illaahay baa kuu fikirey. Muslimiintu waa dad ay agtooda
cay ka tahay adeegsiga caqligu waxayna ku caayan qofka caqligiisa adeegsada
ereyga (عقلاني) oo macneheedu yahay “qof caqligiisa adeegsada”.

Culimada tafsiirka kitaabka Quraanka ah sida Ibnu-Kathiir, Al-Tabari iyo Al-
Qurdubi culimadaas oo luqadda carabiga si fiican u yaqaaney qayb waynna ku leh
fasirka aayadaha quraanka ma sheegin aqoon saynis ah oo quraanka ku jirta,
lamana iman waxa la yidhaahdo (الاعجاز العلمي للقرأن).

Ka tanaasulka adeegsiga garashada waxaa ka dhasha in la jabo, kadibna jabkaas
xal looga raadiyo meel aan ahayn meeshii saxda ahayd, qolyaha horumarka ka
gaadhey saynisku marnaba uma tiiriyaan horumarkooda awoodo sare ama diin balse
waxay u qiraan qofkii ama kooxdi keentay aragtidan laga midha dhaliyey ee
guusha keentay.

Dadka muslimiinta ahi waxay ku nool yihiin xaalad carruurnimo oo xagga
garashada ah inay koraanna si ku talo gal ah ayay u diidan yihiin, Waa dad
jecel hadii ay guulaystaan inay guushaa u nisbeeyaan Illaah xagga sare fadhiya
haddii ay jabaanna jabkaas naftooda ama gaalada ayay ku eedeeyaan, waxaa loo
baahan yahay in muslimiintu runta isu sheegaan oo maankooda adeegsadaan kana
talo baxaan awoodahan aan muuqan ee asaagood ka reebay.

Quraanka kuma jiraan wax tilmaamaya saynis, Quraanku wuxuu ka kooban yahay
hanjabaad, faan, aflagaado, ballan-qaad, dhaqan carbeed diimaysan iyo sheeko
xariirooyin aad u tiro badan oo uu ka soo minguuriyay diimihii ka horreeyey
Islaamka ee ka jiray bariga dhexe.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...