Quraanka Kariimka ah

Haddii aragti middayda ka beddelan aad haysid adiga oo aan habaarramin oo
aan dad caayin ama u hanjabin aragti xor ah ka dhiibo waxa aan ka hadlo,
isla markaas waxyaalo ay dadku weligood maqlayeen ha ku soo celcelin ee
wixii cusub ee aragti ah isku koob. Dood ma aha in aad sheegtid in ay Maka
ku taal Sucuudi Caraabiya iyo in ay dad badani Qur’aanka muqaddas u arkaan.
Dadka badankoodu in aysan caqli badnayn Qur’aanka laftiisa ayaa sheegaya ee
ha ku meeraysan in ay Indunuusiya dad badan oo Qur’aanka rumaysani joogaan.
Midda kale haddii aanan ku dilin, oo ku dhicin, oo ku caayin xaq u ma aad
lihid in aad qof shakhsiyaddiis u gudubtid. Waa in aadan ka leexan
qawaaniinta uu caalamku u doodo oo ah in aysan dadka doodayaa iscaayin ee
waxa laga doodayo la isla qeexo. Haddii aad caytantid ogow in lagu caayi
karo, haddii aad hanjabtidna ogow in la iska kaa dhicin karo oo aysan
horornimo aad carab ka soo baratay waxba kugu kordhinayn.
N in aan muslim ahayn baa hadda ka hor i weydiiyey muslimiinta badan oo
dunida meelo ka mid ah ummadaha halligaya iyaguna is halligaya in ay u qarsoon
yihiin wax aan Qur’aanka ahayn oo dartood ay dadku isu laayaan. Waxa aan
weydiiyey in uu isagu Qur’aanka garanayo iyo in kale, waxa uuna ii sheegay in
uu Qur’aanka akhriyey isaga oo aan carabi ahayn, uuna markii uu akhrinayey is
lahaa bal eeg dadka isqarxinaya waxa ka danbeeyaa in ay indhaha caalamka
sidaas gurracan u la dhaqmaan.
Waxa uu sheegay Quraanku kitaab ahaan in uu yahay qoraal yar oo aad u kooban,
waxaana koobnaanta u dheer in uu hadalka soo celceliyo oo arrin kasta oo uu ka
hadlayo uu boqollaal jeer ku noqnoqdo ilaa uu akhristuhu ka la garan waayo
wixii uu soo akhriyey iyo waxa u laaban. Waxa kale oo uu sheegay mowduucyada
uu ku saabsan yahay in aysan ka la gurnayn oo aysan jirin meel Quraanka ka mid
ah oo loogu hagaagi karo in laga barto shaydaanka, Muuse iyo cadaabta ee ay
suurad kasta oo ka mid ahi cadaabka ku saabsan tahay, in badan oo ka mid ahina
ay Muuse siyaalo ka la duwan uga hadlayso. Ninkaaas waxa aan u sheegay intaas
uu akhriyey darteed keli ah in ay waxa dad isku hoobanayaa u dhimanayaan,
laakiin aanan rabin in uu Qur’aanka iiga sii sheekeeyo maaddaama aan ka badiyo
oo halka uu isagu akhriyey hal mar oo turjumaad ah laga yaabo in aan anigu kun
jeer akhriyey isaga oo carabi ah.
Markii aan intaas u sheegay buu ii sheegay in Qur’aanku uu xooggiisa ugu badan
ku bixiyey in uu dadka cadaab ku bajiyo si isaga loo raaco oo la moodo marka
uu dadka bajinayo in uu hal hadlayo dad aad u maangaaban, isla markaas uusan
weligiis akhriyin qoraal ka iskhilaaf badan oo sida uu Qur’aanku isu burinayo
oo kale isaga hor iyo dabo imanaya. Waxa aan weydiiyey in uu tusaale ka sheego
meelaha iskhilaafaya, waxa uuna sheegay in uu Qur’aanku mar sheegayo in uu
Eebbe rabo in ay dadka oo dhammi Qur’aanka raacaan, haddana uu aayadda ku
xigta sheegayo in uu Eebbe dadka maskaxdooda daboolo si aysan Qur’aanka u
raacin oo uu u cadaabo. Waxa uu intaas ku daray Eebbe marka uu sidaas u
fakarayo oo uu dadka inta maskaxdooda daboolo cadaabayo in uu yahay denbiile
weyn oo in isaga la cadaabo ku habboon haddii ay caddaaladi jirto. Waa aan
isaga aammusay ninkaas dooddiisa, waayo in aan iska hadlo sida dadka qaarkood
u ma badni, waxyaalaha uu sheegayna caddaymo beeninaya markii ma aan hayn.
Horta Qur’aanku in kitaab aad u kooban oo waxyaalaha uu ka hadlaa ay yar
yihiin uu yahay qof caqli leh ama baaxadda aqoonta dadka wax ogi ka ma murmi
karo oo been bay noqonaysaa in lagu andacoodo in ay waxyaalo badani ku qoran
yihiin. Inta yar ee uu xanbaarsan yahay labo ayeynu u ka la qaadaynaa, waana
inta adduunka ku saabsan iyo inta aakhiro ku saabsan. Labadaas waxaa badan
inta adduunka ku saabsan, waxa ayna u sii ka la baxdaa in dad ku saabsan iyo
in adduunyo kale ka hadlaysa, labadaasna waxaa badan inta dadka ka hadlaysa.
Haddaba Qur’aanku dadka adduunka jooga sidee buu uga hadlay? Ka hadalkiisa
dadku waxa uu u ka la baxaa qisooyin dad hore iyo dad joogey markii Qur’aanka
la samaynayey, labadaasna waxaa badan inta ku saabsan dadkii Qur’aanka la
xilliga ahaa. Haddii aynu ku hormarno qisooyinka hore waa qisooyinkii ku
qornaa buugaagtii yuhuudda iyo kiristan oo carabi balaaqo fiican loo rogey,
kutubtaasna waxaa la wada og yahay in ay yiilleen Maka iyo Madiina oo ay
weliba akhrisan jireen dad nebiga u dhawaa sida Khadiija iyo Waraqa Nowfal.
Qur’aanku qisooyin aan hore loo hayn ma uu keenin, kuwa uu keenayna waa kuwo
uu qofka carabka ahi si fudud u ogaan karey haddii uu rabo. Waxaa soo hartay
qaybta ku saabsan dadkii Qur’aanka la xilliga ahaa oo ah qaybta Qur’aanka ugu
badan, waxa ayna gebi ahaanteed ku saabsan tahay dadkii jasiiradda carabta
joogey oo ahaa carab iyo yuhuud. Ruum haddii uu mar Qur’aanku carrabaabay waxa
ay ka mid ahayd dadka ay carabtu aad u garanayeen oo Bariga dhexe ayey
awooddoodu joogtey. Waxaa la isweydiin karaa haddii Qur’aanku uu rabey in uu
dadka oo dhan khuseeyo oo uu Qureysh oo reer yar ah kaga hadlay boqollaal
aayadood maxaa loo waayey aayad keli ah oo dadka Shiina ku saabsan, maxaa se
khibradda Qur’aanka ku sargooyey waayo’aragnimadii uu nebigu heli karey?
Markii aad su’aalahaas isweydiisid waxaa laga yaabaa in uu Qur’aanku kuu la
ekaado duruufo dad oo xilli waayada ka mid ah ay dad meel gaar ah joogey ku
dagaal galeen oo aan lagu hafri karin in uu dadka oo dhan u dhexeeyo, laakiin
sidaas ha u fakarin ee adiga oo indhaha iyo dhegaha istiraya waxa aad rumaysaa
in uu Qur’aanku ka yimid awood dadka ka sarraysa! Iimaanka oo dhan baa sidaas
ah oo in uu qofku caqligiisa ka tago oo isdhiibo ah, laakiin haddii aynu
caqligeenna ka tagno oo isu dhiibno maansooyinkii ina Cabdulle Xasan oo ku
saabsanaa dagaallo beelo soomaaliyeed, wax yar oo uu carab ka ogaa iyo
gumaysigii galbeed oo geyiga la joogey maxaa la dheefayaa? Muran ku ma uu jiro
carabtii duruufaha Qur’aanka lagu dagaalgeliyey in ay dagaallo badan ku
adkaadeen oo ay qaarado isaga gudbeen, laakiin ma taariikh mar sidaas u
dhacday oo aan soo noqonayn baa ma se waa wax joogta ah oo weligeed lagu
taammi karo? Duruufaha dadku waa waxyaalo maalinba heer maraya oo isla beddela
maskaxda iyo wacyiga dadka horemarkooda ee ma aha wax ku qabbiran meel ay dad
waayo hore dhintay dhigeen. Haddii dad dhintay duruufohood la isku xiro dad
dhintay baa la noqonayaa, waana sababta keentay in kobocii maskaxda dadka ay
ummado badani ka hareen oo ay caqli xumo u weheshadaan. Taariikhda waa la
maraa ee la ma soo celceliyo, la mana soo celcelin karo oo waa mustaxiil in
koobbi uu xilligiisii tegey sidiisii dib loogu isticmaalo.
Qur’aanka kariimka ah waxyaalo badan baa laga faa’iidi karaa, laakiin dad
badani waxa laga faa’iidayo wax aan ahayn bay ku khasbayaan, waana denbiyo
isaga laftiisa laga gelayo. Waxaa laga faa’iidayaa taariikh ahaan heerka ay
dadkii uu ku dhex samaysmay joogeen iyo duruufo badan oo dadkaas khuseeyey.
Sida uu qofka carbeed xilligaas u fakarayey ilaha laga heli karo ayuu
Qur’aanku ugu weyn yahay. Waxaa laga faa’iidayaa in ay carabta waxa ugu weyn
ee ka jirey ahaayeen aftahmada, Qur’aankuna uu taas carabta la jilay oo uu
inta habkii qasiidada ee caanbaxay ka leexday isku shaandheeyey balaaqo kale
oo sajci iyo siyaalo kale ah. Carabta casriga ahi markii ay maansadooda ka
saareen habkii qasaa’idka oo ay galbeed kaga daydeen shicrulxor waxa ay
badankoodu canjileen Qur’aanka oo maanta maansadoodu waa wax Qur’aanka u eg oo
aan qaafiyad iyo miisaan tixda oo dhan socda lahayn ee sida Qur’aanka ay hal
tixi leedahay dhowr habdhac. Ilaa maanta lagu ma murmo Qur’aanku in uu baliiq
yahay, waana sababta keeni jirtey in ay carabtii aftahmada dhaqan ahaan jeclaa
marka ay dhegaystaan iska rumayn jireen iyaga oo aan wax kale isweydiin. In uu
Qur’aanku sheegay in aysan carabtu isaga oo kale samayn karin waxa ay
mufasiriin badani ku fasireen in uu Eebbe ka leexinayo oo uusan waafajinayn in
ay sameeyaan ee aysan ahayn in uusan Abuu Jahal samayn karin hadal la mid ah
suuradaha Qureysh iyo Tabbad, waayo sida ay mufasiriintaasi sheegeen waa
hadallo aad u sahlan oo aan carabta ku adkayn.
Waxa aan u malaynayaa qofku isaga oo muslim ah sidayda oo kale in uu waxyaalo
badan isweydiin karo oo uusan ku khasbanayn in uu indhaha iyo dhegaha istiro
oo anshaxa iyo horukaca dadka la colloobo. Waa dhibaato haddii uu qofku
duruufo waayo fog ay bulsho yar oo caalamka ka mid ahayd mareen isku qufulo oo
uu xilligiisa dadka nool wax la qaybsan waayo isaga oo ismoodsiinaya in uu
taariikhda dib u celin karo. Soomaalidu waa in ay ogaadaan in ay ka mustaqbal
fiican yihiin carabta badankooda, kana dal wanaagsan yihiin. Xilligii ay
carabtu ina qufushey ma aynu haysan fursado aqooneed oo aynu isku difaacno,
laakiin maanta waxa aynu heli karnaa in aynu baranno aqoon ka baaxad weyn
kitaab yar oo la barakaysto, waxa aynuna qabsan karnaa waddo fakar oo aynu
ummaddeenna madaxbannaani ugu hoseedno.
Wixii aan gefo iyo wixii aan saxaaba naftayda ayey ka ahaadeen ee shaydaan iyo
Eebbe shaqo ku ma laha.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida