Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Qorshaha Ilaahay

W/Q: Khaalid Xasan
Awood sare 1
11.1k
·

6/24/2018

Qorshaha Ilaahay

Ilaahay markuu go’aansaday inuu dhulka abuuro iyo waxa ku noolaan doona wuxuu
qoray waxaksta oo ku dhici lahaa ama ay ku kici lahaayeen iyo meeshay ku
danbayn lahaayeen abuurtiisaasi, ujeedka hadalkani waxa weeye ilaahay wuxuu
go’aan kasii gaadhey waxkasta oo dhici lahaa ama ay tahay inay dhacaan
mustaqbalka oo aanay ogeyn cid aan isaga ahayni.

Diinta islaamku waxay inoo sheegeysaa inay waajib ku tahay dadka muslimiinta
ahi inay aaminaan, ogolaadaan, raali ka noqdaan kuna qancaan wax kastoo ku
dhacay, ku dhici doona ama ay cid kale kula kici doonaan amaba kula keceenba
wuxuu doono ha ahaade maadaama uu yahay qorshe ilaahay hore usii dejiyey
waxkastoo dhacana aan waxba iska bedeleen.

Sida ku cad Quraanka iyo sunnada wuxuu Ilaaha Islaamku inoo sheegay inuu isagu
abuuray abuurka iyo waxkastooy la yimaadaan ama ay la iman doonaan oo aanay
jirin wax ka baxsan qorshahaas ilaahay dejiyey wuxuu doonoba ha ahaade,
hadalkan micnihiisu waxa weeye talaabo kasta oo aadanuhu qaado ama waxkastoo
ku dhaca waxay doonaanba ha ahaadeene waa qorshe ilaahay u dejiyey oo ay tahay
inu fulo.

1. (والله خلقكم وما تعملون) Ilaahay aayadan wuxu inoogu sheegay inuu isagu
ina abuuray innaga iyo waxkasta oo innaga yimaada, waxa innaga inaga yimaada
waa wax ku yimi qorshe eebbe dejiyey oo aan duco iyo oohin toona waxba lagaga
bedeli Karin.

2. (وَلَوْ شَاءَ رَبُّكَ مَا فَعَلُوهُ ۖ فَذَرْهُمْ وَمَا يَفْتَرُونَ)
Sida aayadan ku cad ilaahay wuxuu leeyahay hadii ilaahay doono mabay
sameeyeen, tan micneheedu waxa weeye wax walba doonista ilaahay ayay ku
dhacaan wax aanu isagu qorshayn ama doonin inay dhacaan maba dhacaan.

3. ( وَمَا تَشَاءُونَ إِلَّا أَن يَشَاءَ اللَّهُ رَبُّ الْعَالَمِينَ)
aayadan wuxuu ilaahay leeyahay waxa doonnan wixi ilaahay doono oo micneheedu
yahay ma jirto cid qaadi karta tallaabo ka baxsan doonista ilaahay iyo
qorshihiisa hadduu doono inaad dhimato waad dhiman, hadduu doono inaad cadaw u
jabto waad u jabi si kastaad guul u dooneyso .

4. (انا كل شي خلقناه بقدر) Ilaahay wuxuu aayaddan inoogu sheegeyaa wax walba
inuu u abuuray qorshe ay ku socdaan mana jirto cid la iman karta wax ka baxsan
qorshahaas, aayaddan micneheedu waxa weeye wax walba qorshe ilaahi ah ayay ku
jaan go’an yihiin qorshahaas keliyaana fuleya.

5. (وَلَوْ شَاءَ اللَّهُ لَجَعَلَكُمْ أُمَّةً وَاحِدَةً وَلَٰكِن يُضِلُّ
مَن يَشَاءُ وَيَهْدِي مَن يَشَاءُ
) aayaddan wuxuu Ilaahu leeyahay; ilaahay
hadduu doono dhamaantiid hal ummada (Muslimiin) ayuu idinka dhigi karaa
laakiin qofkuu doono waa lumiyaa “gaalnimo” qofkuu doonona waa hadeeya
“muslinimo”, ujeedku waxaa weeye ilaahay isaga ayaa dadka waddada saxda ah ama
ta khaladka ah ku rida mana jirto wax doorasho ah oo ay dadku leeyihiin.

6. (إن أحدكم ليُجمع خلْقه في بطن أمه أربعين يوماً ، ثم يكون في ذلك علقة مثل
ذلك ، ثم يكون في ذلك مضغة مثل ذلك ، ثم يرسل الله إليه الملَك فينفخ فيه الروح ،
ويؤمر بأربع كلمات : يكتب رزقه ، وأجله ، وعمله ، وشقي أو سعيد ، فوالذي لا إله
غيره إن أحدكم ليعمل بعمل أهل الجنة حتى ما يكون بينه وبينها إلا ذراع فيسبق عليه
الكتاب فيعمل بعمل أهل النار فيدخلها ، وإن أحدكم ليعمل بعمل أهل النار حتى ما
يكون بينه وبينها إلا ذراع فيسبق عليه الكتاب فيعمل بعمل أهل الجنة فيدخلها)

Sida ku cad xadiiskan qofku afartan beri markuu ku jiro uurka hooyadii ayaa
waxa la qoraa wuxuu cuni lahaa, intuu noolaan lahaa, xiliguu dhiman lahaa,
wuxuu shaqaysan lahaa, janno iyo cadaab kuu geli lahaa, waxa jira qaar
shaqaysan doona shaqada dadka jannada dhudhun in leeg iyagoo jannadi u jira
ayaa qorshihii ilaahay fuleyaa cadaabta ayaana lagu tuuraya, kuwa kaloo
shaqada lagu galo naarta hayey intay noolaayeen oo dhan dhudhun markay u
jiraan cadaabta ayaa jannada ilaahay gelineya oo qorshaha ilaahay ayaa sidaa
ahaa. Shaqayso ama ha shaqaysan mar walba qorshaha ilaahay ayaa fulaya,
labadaa qof wuxuu ilaahay ugu kala qaraabo kiilay ilaa maanta ma garan.

Hadaba waxa is waydiinta mudani waxa weeye hadii eebbe qorsheeyey wax walba oo
aynaan lahayn doonis iyo doorasho xor ah maxaynu ku mutaysanay cadaabta in la
inagu solo ama Janno la innagu sooro? Maxay taraysaa cibaado haddii meesha aad
geleysa qoran tahay? Maxay taraysa baryo aad ilaahay baridaa hadii aanay
qorshihiisa waxba ka bedelayn? saw gar maaha in aan idhaado ilaahay ma baryi
kartid mana cibaadaysan kartid haddii aanu isagu kuu qorin inaad barido ama
cibaadaysato? saw wax lala yaabo maaha inaad tiraahdo ilaahoow dhibka iga
dulqaad adoo og in ilaahay laftiisu qorsheeyey uguna talo galay in dhibkaasi
kugu dhaco? Muxuu yahay denbiga aan ku leeyahay fulinta qorshe ilaahay dejiyey
inuu fulo? Ma cadaalad baa in ilaahay dejiyo qorshe iyo xayndaab aynaan dhanna
uga bixi Karin kadibna inagula xisaabtamo? Saw xaq maaha inaan dhaho hadii aan
ilaahay kuu qorin inaad gefto ma gefaysid?

Ilaaha quraanku wuxuu kitaabkiisa ku yiri; lama waydiin doono ilaahay wuxuu
sameeyo laakin iyaga waa la waydiin.
[7](https://kaashomaanka.com/qorshaha-
ilaahay/#easy-footnote-bottom-7-831) Aayaddan micneheedu waxa weeye addoomaha
wa lagula xisaabtami waxay la yimaadeen laakiin ilaahay ma jirto cid
xisaabinaysa, halkaasina waa halka ay ka bilaabanto keli-talisnimadu.

Tixraacyo:

  1. Suuradda Al-Saaffaat: 96
  2. Suuradda A-Ancaam: 112
  3. Suuradda Al-Takwir: 29
  4. Suuradda Al-Qamar: 49
  5. Suuradda Al-Naxl: 93
  6. صحيح البخاري » كتاب بدء الخلق » باب ذكر الملائكة (3036)
  7. Suuradda Al-Anbiyaa: 23

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...