Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Qoraalka xadiiska

W/Q: Shaafici Xasan Maxamed
Diimaha 1
7.8k
·

9/28/2018

Qoraalka xadiiska

S haydaanku waxyaalaha uu ka shaqeeyey waxaa ka mid ah in aan xaddiiska la
qorin xilligii ay noolaayeen asaxaabtii nebi Maxamed. Sida la og yahay waxaa
quraanka la ururiyey oo la diiwaan geliyey markii laga joogey dhawr iyo toban
sano keli ah geeridii nebiga, waxaana go’aankii ugu danbeeyey ee musxafka lagu
qoray lahaa Cismaan Cafaan oo ahaa amiirkii saddexaad oo talada qabtay nebiga
ka dib. Waxaa jirey dad asaxaabtii ka mid ahaa oo saluugmooyin iyo cabashooyin
ka muujiyey sida uu Cismaan u maamulay qoritaanka quraanka, waxaana ka mid
ahaa dadkaas Faaduma nebi oo sheegtay in quraan badan oo u qornaa lagu daray
quraan inta la isu keenay la gubey, waxa ayna sheegtay in quraankaas la gubey
qaybo ka mid ahi ay ka maqan yihiin quraanka uu qoray Cismaan. Waxa kale oo
cabasho muujisay Caasha oo xaaskii nebiga ahayd oo sheegtay in aan musxafka
lagu darin quraan badan oo jirey, waxa ayna af cad ku sheegtay in suuradda
Axsaab ay dherer la ekayd suuradda Baqara oo uu Cismaan intaas ka soo reebay.
Waxaa jira shakiyo laga qabo in Cismaan iyo raggii uu isku xeeray ee ahaa
jafidiisa hoose ee reer banii Umaya ay quraanka ay qoreen ka saareen intii
reerkooda wax lagaga sheegayey, siiba aayado badan oo odaygooda abuu Sufyaan
caydiisa ku soo degey. Aragtidan danbe waa iska tuhun aan caddayn loo hayn.

Si kastaba ha ahaato ee quraanka mar haddii asaxaabtii oo uu badankoodii joogo
la qoray waxaa la malayn karaa in aan wax badan lagu darin ama laga reebin,
ilaa xadna waa lagu kalsoonaan karaa in uu u dhow yahay sidii uu nebigu ku
ogaa. Dhibaato waxa ay ka dhacday in wax xaddiis ah aysan qorin asaxaabtii iyo
dadkii ka danbeeyey oo taabiciyiin loo yaqaan. Waxaa la malayn karaa in ay
qoritaanka xaddiiska isaga daayeen in uu nebigu diidey in wax aan quraan ahayn
laga qoro oo ay xaaraan u arkayeen in xaddiis la qoro. Waxaa in xaddiis la
qoro la bilaabay xilli aad uga fogaa geeridii nebiga, waxaana lagu
khasbanaaday in sida abtirsiinyaha qabiilka xaddiis kasta la taxo dadkii ka la
weriyey ilaa nebigii. Waxaa jira xaddiisyo waddada ay nebiga ku gelayaan la
taxo tobaneeye, kuwa ugu sanad gaabanina waxa ay nebiga ugu tagaan saddex qof.
Dadka la taxo sanadka xaddiisku dhibta ugu yar oo ay yeelan karaan waa in ay
ka la illaawaan xaddiisyada kutirikuteenta ah oo ay xilliga dheer dadku isu
sheegsheegayeen, waxaa se badan dad sheekoxariiro ahaa oo iska jeclaa in ay ka
qiseeyaan ummadihii hore sida boqorro hore, nebiga iyo asaxaabtii si ay u
helaan dadweyne ay maaweeliyaan.

Kuwii xaddiiska qorayey waxa ay isku dayeen in ay dadka sanadka
(kutirikuteenta) xaddiiska ku jira ka la shaandheeyaan oo intooda la hubo in
ay beenaaleyaasha yihiin xaddiiska ay weriyaan daciif lagu tilmaamo, inta
kalena saxiix loo bixiyo. Waxaa la garan karaa xilli boqollaal sano ah nebi
laga joogey in hadalkiisii dadka suuqa jooga laga ururiyo beenta iyo
ismoodsiiska geli karaa sida ay u badan yihiin. Maansooyinkii ina Cabdulle
Xasan haddii aan intii ay daraawiishtu noolaayeen laga qoreen ee maanta boqol
sano oo ka sii danbaysa ka dib la raadin lahaa ma la soo heli lahaa? Isweydii
waxa lumi kara iyo waxa beenta ah oo soo dhex geli kara!

Xadiiska asaxaabtii nebigu muhiim u ma ay arag, in uu lumana dan ka ma ay
lahayn, waxaana isweydiin mudan wadaaddada boqollaal sano ka dib in ay qoraan
bilaabay ma asaxaabta ayey nebiga ka jeclaayeen? Wadaaddadaasi xaddiisyada ay
qoreen laga ma soo tebin asaxaabta intoodii muhiimka ahayd sida Abuukar,
Cumar, Cismaan iyo Cali ee waxaa laga sheegaa asaxaab ducafo shacab ah ahaa.
Ninka asaxaabta waxaas laga sheego ugu xaddiis badan waxaa lagu naynaasi jirey
Abuu Hurayra, la mana
garanayo magaciisii. Ninkaasi waxa uu soo muslimay geeridii nebiga wax yar ka
hor, waxaana yaab leh qof nebiga muddo yar la joogey in uu ugu xaddiis badan
yahay! Kuwa xaddiiska qoray waxa ay sheegeen in kutirikuteenta xaddiiska dadka
isu soo tebiyey kuwooda nebigii arkay aysan been aqoon oo ay sida nebigii
macsuumiin yihiin oo aysan ka mid ahayn dadka loo fiirsanayo, quraankana waxaa
ku taal in ay dadkii nebiga arkay munaafiqiin badani ka mid ahaayeen. Waxa
kale oo aysan cidi baarin wadaaddada xaddiiska qoray oo boqol ka badnaa
laftooda oo waxaa loo arkey shiikhii xaddiis qoraa in uusan been aqoon.

Xaddiiska badankiisu in uu been iyo walaahow la isla dhex maray yahay tuhun
iyo shaki u ma baahna oo waa wax cad in uu yahay wax aan ka sugnayn nebigii,
waxaana ka buuxa sheekooyin ay bulshadii carbeed abuureen oo kumanyaal ah.
Quraanka ku ma badna ama ku maba jiraan mucjisooyin maaddi ah oo nebiga ku
saabsani, laakiin xaddiiska waxaa ka buuxa boqollaal mucjiso oo nebiga laga
arkay, waayo quraanka nebiga ayaa muumulay oo khuraafaad badani ku ma jiro.

Waxaa la oran karaa xaddiiska maanta qorani waa aragtiyo ka soo jeeda dhammaan
carabtii noolayd saddexdii boqol ee sano oo nebiga ka danbaysey, waxaana ku
dhan fadhikurirkii carbeed ee xilligaas dheer. Muslimiin badan baa sheega in
labadii kitaab ee Tawreed iyo Injiil la beddeley oo dadka maanta haystaa ay
been iyo khuraafaad ku cibaadaystaan. Waa run oo kutubahaas wax badan baa laga
beddeley oo sida quraanka u ma sugna, laakiin waxaa meesha ku jirta in
muslimiintu ay boqollaalkii sano ee ugu horreeyey hal kitaab lahaayeen, ha se
yeesho ee wixii intaas ka danbeeyey ay yeesheen kitaabo aad u badan oo
dhammaantood diintooda ah.

Quraanka waxaa ku taal in ay ummadda muslimiintu hal kitaab leeyihiin, laakiin
wadaaddo danbe oo aad u badan buu mid kastaa qoray kitaab ah diinta
muslimiinta oo sheekooyin carbeed ah. Haddaba yuhuud iyo masiixiyiin haddii ay
wadaaddo kutubohoodii wax ka beddeleen muslimiinta waxaa diin u ah boqollaal
kitaab oo khuraafaad iyo been ah. Nebi Maxamed haddii uu maanta soo noolaan
lahaa waxa uu la yaabi lahaa sida ay muslimiintu u cibaadaystaan, waayo shaqo
ku ma uu laha diinta la haysto.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...