Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Qiimaha insaanka

W/Q: Mustafe Sharmaake
Aragtiyo 1
8.8k
·

2/28/2019

Qiimaha insaanka

S ida uu qabo Yuval Harari dhaqamada iyo diimuhu waa caabuq maskaxda
iinsanka ku dhaca (mental infection) iyo dulin caqliga ku dul nool (parasite).
Wuxuu ku tilmaamayaa dhaqamada iyo diimuhu in ay yihiin isha ugu muhiimsan ee
sababtay in iinsaanku wax ay ahayd in ay ku midoobaan ay ku midoobi waayeen,
isha ugu muhiimsan ee sababtay in iinsaanku ay is haybsoocaan oo ay heshiin
waayaan (source of discrimintion, disagreement and disunity).

Waxa qarax iyo dhimasho maanta illaa shalay magaalada Xamar ka taagani waa
taas. Waa dhibaatooyin ka imanaya diin, caqiido iyo dhaqan. Dabcan duruufo
dhaqaaleed iyo qaar siyaasadeed na way ku jiraan laakiin waxa ugu weyni waa
fahanka diinta.

Diimihii hore ee iinsaanku aaminsanaayeen waxa ay ahaayeen qaar daakhil ahaa
oo cid gaar ah ama magaalo gaar ah laga aaminsanaa oo aanay khasab ahayn in la
faafiyo. Kuwan immika mushkiladdoodu waa in lagu khasbo haddii kale ugu yaraan
qofnimadaada la ceebeeyo oo dhib nafsadeed laguu geysto sida cay, bahdil, in
waxmagaratada lagugu diro iwm, haddii kale na dhib muuqata laguu geysto way ka
siman yihiin dhammaan mulxid iyo mu’minba isma dhaamaan, waa kelitaliyeyaal
aan oggolayn in laga diin, caqiido iyo dhaqan duwanaado. Caynkanna uma ay
dhalan waa lagu barbaariyey oo la maalgeliyey si mustaqbal ummadeed loo dhiso
kuwa kalena loo dumiyo, heer la gaadhsiiyey in ay xataa wadahadli kari waayaan
xabbad mooyiye. Si intay isku jeedaan dano looga dhexfushado loona boobo.
Masiibadani Afrikaanta iyo Laatiinka ayay ku dhacday.

Diinta islaamku waxa ay ka mid tahay diimaha sida ugu xun looga beenabuuray,
loogu danaystay, oggaan macneheedii loo bedbedelay, looguna adeegay dano
cidyow gaar ah. Diinta Islaamka waxyaalaha ugu badan ee lagaga dhaqmo ee
muranka dhaliyaa ma aha nusuustii (aayad ama xadiis) ee waa tafsiiraadkii la
saaray nusuusta iyo axaadiis la beenabuuray. Isaga oo mufasir kastaa ku
saleeyey deegaankiisii uu ku noolaa, wakhtigiisii uu noolaa, waayihii uu la
noolaa, fahankiisii gaarka u ahaa iyo waliba dantiisii u gaarka ahayd. Kolkaa
marar badan tafsiirkaasi kuma habboonaan karo deegaanka aad ku nooshahay,
waayaha aad la nooshahay, wakhtiga aad nooshahay iyo danta adiga iyo ummadaada
ba. Markaa si fudud ayaa looga tanaasuli karaa, loona raadsan karaa mufasir ku
habboon xaaladda, wakhtiga, waayaha, duruufaha, deegaanka iyo xaqiiqada aad la
nooshahay.

Iyada oo ay sidaa wax ahaayeen ayaa misna waxa dhacday xaqiiqo kale oo ah in
diinta Islaamku ay dhawaan noqotay wax la dhexgeliyo nidaamka Hantigoosadka
(capitalism) waa markii aynnu baranay eraybixinta ah “qof aamin ah, qof diin
leh, nidaamdhaqaaleedka Murrabaxa iwm”. Dadkaas hantigoosadka ahi waxa ay u
bateen wadaado, ka dibna waxa ay ugu adeegeen danahoodii dhaqaaleed (economic
interest). Taasi waxa ay sababtay in la noqdo ummad hoosaysiisa qiimiga
iinsaanka oo buunbuunisa qiimiga walxaha (materialists). Halkii diinta
Islaamka iyo diimaha oo dhami ay ka sinnaayeen sarreysiinta qiimiga iinsaanka
oo ay aaminsanaayeen in wax walba uu iinsaanku ka qiimi badan yahay (humanism)
sida ku cad Qur’aanka.

” وَلَقَدْ كَرَّمْنَا بَنِي آدَمَ وَحَمَلْنَاهُمْ فِي الْبَرِّ وَالْبَحْرِ
وَرَزَقْنَاهُم مِّنَ الطَّيِّبَاتِ وَفَضَّلْنَاهُمْ عَلَىٰ كَثِيرٍ مِّمَّنْ
خَلَقْنَا تَفْضِيلًا”

Waxa jira xadiisyo badan oo ka warramaya qiimaha la siiyey waayadan danbe
walxaha iyo hoosaysiinta qiimiga iinsaanka (materialism) oo la buunbuuniyo,
xadiisyadaas waxa ka mid ah kan odhanaya “Haweenka afar ku guursada;
nasabkeeda, maalkeeda, quruxdeeda iyo diinteeda”

Xadiiskani wuxu sheegayaa afar shay oo bilaa macni ah oo dhammaan caddayn u ah
in aynnu nahay dad qiimeeya walxaha illaawayna qiimiga wanaagsan ee iinsaanka.
Maalku waa wax la helo marna la waayo. Wuxuu ku xidhan yahay dadaalkaaga iyo
kolba dalka aad ku nooshahay sida uu u yahay mid dhaqaale laga dhexsamayn
karo, ama nidaamka dhaqaaleed ee dalku sida uu sahlanaan karo sidoo kale qofku
wuxu ka dhaxli kara/kartaa waalidkii/waalidkeed oo hanti badan lahaa, taasina
geesinimo ma noqonayso ama boggaadin kuma heli karo/karto.

Tan labaaad waa nasab. Nasab waa wax dabeecaddu inoo doortay “Natural
selection” sidaa darteed qofna danbi kuma laha qabiilka uu ka dhashay ama ay
ka dhalatay sidoo kale qofna boggaadin kuma laha qabiilka uu yahay ama ay
tahay. Suuratagal ma aha in Illaahay uu dadka qabiilo la yaso iyo kuwa wax
yasa ka dhigo ka dibna uu yidhaa “Kuwa nasabka ahoow hablaha kuwa aan nasabka
ahayn ha guursanina inamadoodana hablihiina ha siinina!”

Ta saddexaad waa quruxda, quruxdu waa shay qof ba si u garanayo ma ana aha wax
la isku raacsan yahay sidoo kale umaduhu way ku kale duwan yihiin qeexitaanka
quruxda sidaa darteed ma ba jirto qurux la isla garanayaa. Se haddiiba uu
Illaahay qurux la isla garanayo soo dejiyey muxu dadka qaar inta uu u
foolxumeeyo misna u leeyahay ha guursanina? Sidoo kale saw lama odhan karo
foolxumada Illaahay ayaa abuuray? Illaahay inta uu qofka foolxumeeyo muxuu ugu
caayayaaa? Illaahay aslan ba ma wax foolxun ayuu abuuraa? Saw kii ku faanay in
uu yahay kan inta wax abuurta uu abuurkiisu ugu qurux badan yahay “فَتَبَارَكَ
اللَّهُ أَحْسَنُ الْخَالِقِينَ”

Tan afraad waa diinta, diintu waa shay la baran karo, mana aha heshiis culus
haddii maanta aad bilowdo barashada diinta, saddex sannadood ka dib waxaad
diyaarin kartaa shahaadada koowaad ee jaamacadda culuunta diinta. Markaa ma
noqon karto iyaduna xujo adag sababta oo ah qofna kuma uu soo dhalan ee inta
sheegataa way barteen uun sida aynnu u baranno caafimaadka, maamulka,
dhaqaalaha, sharciga, farsamada iwm.

Xadiiskan inta uu sheegay adiga oo qof ku guursada waxa dhaanta kuuna anfac
badan adiga oo qofka ku guursada qofnimadda, dabciga, iyo caqliga.

Mar walba oo ay diintaada iyo dhaqankaagu qiimaha iinsaanka hoos u dhigaan tan
maanta Xamar ka dhacday iyo tan reeraha Hargeysa deggan ee aan laga guursan
hablahooda loona oggolayn guurka hablaha kale ayaa taagnaanaysa. Waayo waxa
aynnu diidan nahay siinta iinsaanku qiimaha uu xaqa u lahaa sidoo kale waxa
aynu buunbuuninaynaa qiimiga walxaha.

Diimaha waa in loo fahmaa in ay u soo degeen ama u soo baxeen wanaajinta
nolosha ummadda, kuna salaysnaayeen fahankii, deegaankii iyo waaqicii markii
ay diimuhu soo deggayaan ay diin walba umaddda lagu soo dejiyey ku sugnayd.
Maanta wax badan ayaa u baahan dibuhabayn in lagu sameeyo.

Haddii diintaada iyo dhaqankaagu ay ku farayaan laynta, cadaadinta, takoorka,
yasida iyo gumaadka kuwa kaa diinta duwan, markaa diintaada iyo dhaqankaagu
waxa ay u taagan yihiin xasarad, kelitalisnimo iyo iimaan la’aan wada socota!
oo lagu hayo qanuunka dabeeciga ah (natural law).

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...