Percy Shelley: Gabayaagii falsafadda

Maqaalkii kan ka horreeyay waxaan
kaga hadlay Mary shelly oo ahayd
qoraa caan ah oo hadana ahayd afadii gabayaagii iyo faylasuufkii waynaa ee
Percy Shelley. Hadaba waxaan jeclaystay in aan wax-yar ka sheego kaalintii
uu ku lahaa Shelly aqoonta iyo wacyiga iyo iftiimiinta cilmiga suugaanta iyo
falsafadda.
Percy Shelley
Shelley wuxuu ku dhashay Field oo ah goob u dhow Horsham oo ah magaalo ku
taal Ingiriiska sannadkii 1792. Shelly wuxu ka dhashay qoys hodan oo ka
tirsan qaybta sare ee bulshada Ingiriiska. Aabhiis Sir Timothy Shelley wuxuu
ahaa xubin ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska. Halka hooyadii Elizabeth
Pilfold ay ahayd hantiile dhul-beereed wayn leh taas oo u suura galisay in uu
helo wax barasho heer sare ah asaga oo ku biiray jaamicadda caanka ah ee
Oxford sannadkii 1810.
Taariikhyahannadu waxay sheegeen in uusan Shelly imaan jirin fasalka
jaamicadda asaga oo ka door bidi jiray in uu asagu wax akhrin madax- bannaan
wax ku gaaro oo in ka badan 16 saacadood ayuu maalintii wax akhrin jiray.
Sanaddii 1811 Shelly wuxuu soo bandhigay qoraal ciwaankiisu yahay “[ _The
Necessity of Atheism_](https://ebooks.kaashomaanka.com/product/the-necessity-
of-atheism/)” ama qasab ahaanta diin-diidka ama eebbe-diidka. Qoraalka oo aan
la sheegin qofka qoray ayaa waxaa lagu soo dhajiyay kadinka ama iridda laga
galo jaamicadda taas oo jaah-wareer ku abuurtay maamulkii jaamicadda.
Shelly waxaa laga codsaday inuu horyimaaddo maamulka iyo aradada si uu uga
jawaabo una qirto qoraalka, balse wuu diiday taas oo keentay in jaamicadda
laga eryo bishii Maarso ee 1811. Hayeeshee Shelly oo ka dhashay reer saamayn
ku leh bulshada waxaa la damcay in lagu celiyo jaamicadda kadib markii aabihii
oo ahaa mudane ka tirsan barlamaanka Ingiriiska uu soo farageliyay, balse
arrinkaas laguma guulaysan kadib markii Shelly diiday in uu bixiyo wax
raalli-galin ah halkaas oo hadana uu kala kulmay iska hor-imaad xagga qoyska
ku saabsan.
Shelly wuxuu ahaa sida ay sheegeen taariikhyhanku qof madax adag oo niyad
wanaagsan taas oo ka dhigtay gabayaa caan ah iyo qof saamayn kaga tagay
fikirka adduunka iyo kan Ingiriiska.
Inkasta oo jaamicadda looga eryay qoraalka uu ku duray diinta hadana taariikh-
yahanku waxay qabaan in meesha ay ku jirtay siyaasadayn sababtuna waa S
helly oo kamid ahaa dhaq-dhaqaaqii “Anarchism” oo ka soo horjeeday nidaam-
xukunkii boqortooyada Ingiriiska, dhaq-dhaqaaqaads oo uu madax u ahaa William
Godwin oo ahaa aqoonyahan faylasuuf iyo siyaasi taageero ku lahaa bulshada
gaar ahaan aqoonyahanka. William Godwin wuxuu ahaa soddogga Shelly, wuxuu
aabbe uhaa Mary Godwin ama Mary
Shelley oo ahayd xaaskii labaad ee
Shelly.
Shelley wuxu ka mid yahay gabayaagaa ugu caansana xilligii Romanticism ama
(Romantic era) dhaq-dhaqaaqaas oo bilawday dhammaadki qarnigii 18aad ilaa
bartamahii isla qarnigaas.
Inkasta oo Shelly ka mid ahaa dhaqdhaqaaqii Romantic-ga hadana wuxuu saameyn
weyn kaga tagay suugaanta English -ka iyo tan caalamkaba sababtuna waxay
ahayd gabayga Shelley oo ahaa gabay falsafadeed “Philosophical poets”
habkaas oo ah hannaan ay adeegsadaan gabayaagu markay rabaan in ay ka weecdaan
ama ka leexdaan habka ay falsafaddu wax u tilmaanto hab ka fudud taas oo
fudayd ka dhigta in falsafadda lagu fahmo habka gabaygu wax u tilmaamo. Maanso
yahankii kala duwanaa ee caanka ku ahaa habkaasna waxaa ka mid ahaa gabayaagii
talyaaniga ahaa ee Dante Alighieri, William Blake oo ahaa gabayaa Ingiriis
ah, Lucretius gabayaagii roomaanka ahaa, Hafid Shirazi, Jalaaluldin Rumi
iyo Cumar Alkhyam oo dhammaan ahaa gabayaal Iraaniyiin ah ama ku gabyi jiray
afka faarisiga, Abu Calaa Al-Macarri oo ahaa gabayaa caan ah iyo
falsafadyaqaan carbeed.
Intii hore gabayga Shelley lama soo baahin ayada oo uu ku jiray Shelly
aqoonyahankii hor-u socodka “ Progressive thinkers ” kuwaas oo dawladda
ingiriisku ay dagaal kula jirtay. Dadka buugaagta daabaca iyo wargaysyaduba
waxay ka baaqsadeen in ay soo gudbiyaan gabayga iyo qoraalka Shelly ayaga oo
ka baqdin qabaa in lagu qaado xeerka “Blasphemy” ama af-lagaadada diinta iyo
kicinta dadka oo dawladda laga hor-keeno “ Sedition ” arrintaas oo xarig
lagu mudan karay. Taas ayaa waxay qasab kaga dhigtay dadkii taageersanaa
Shelly in gabaygiisa iyo qoraalkiisa ku akhristaan si qarsoodi ah. Hayeeshee
figradihiisii xagga siyaasadda iyo bulshada waxay saamayn ku yeesheen gudaha
waddanka Ingiriiska inkasta oo ay dawladdu isku dayday in ay ka hortagto.
Dhaq-dhaqaaqii “ Chartism “oo ahaa is badal-doon ay wadeen dadka xoogsatada
ayaa ahaa saamayntii oogu horreeyaysay ee Shelly figradihiisu ku gaarto dalka
Ingiriiska.
Figradaha dhaqaalaha iyo kuwa anshaxa ama mooralka ee Shelly waxay saamayn
kaga tageen faylasuufkii waynaa ee Karl Marx. Leo Tolstoy oo ahaa
faylasuuf iyo gabayaa qoraa Ruush ah baa asna aad ula yaabay figradaha Shelly
ee ah iska caabbinta aan gacan ka hadalku ku jirin “ Nonviolent resistance
“. Figraddaas oo markii danbe caan baxday qarnigii tagay ayada oo ay
adeegsadeen gobannimo-doonkii Hindiya oo uu hogaaminayay “ Mahatma Gandhi”
iyo dhaqdhaqaaaqii sinnaanta dadka madaw iyo kuwa cad ee dalka USA “ Civil
rights movement “oo uu hogaaminayay Martin Luther King, Jr. inkasta oo
gabayga Shelly uusan caan ahayn markii uu noolaa hadana afar fac oo suugaanta
Ingiriiska ayuu saamayn kaga tagay gaar ahaan xilligii boqoraddii Fiktooriya.
Shelly wuxuu ku reebay raad-wayn suugaanyahankii waa-waynaa ee Ingiriiska sida
Oscar Wilde,
George Bernard Shaw iyo Bertrand Russell oo ahaa faylasuuf caan ah oo
noolaa dhammaadkii qarnigii tagay. Si kastaba ha ahaatee Shelly wuxuu saamayn
ku leeyahay suugaanta casriga iyo siyaasadda wuxuuna meel wayn kaga jiraa
aqoonyahankii kaalinta wayn ku lahaa is badalkii ku dhacay hab-fakarka iyo
illbaxnimada adduunka.
Sannadkii 1822 Percy Shelley wuxuu si lama filaan ah ugu dhintay waddanka
talyaaniga kadib markii ay la qallibantay doon uu saarnaa isaga oo markaas
da’diisu ahayd 29 sano jir. Waxaana maydkiisa lagu gubay halkaas.
Wargeyska The Courier oo saldhiggiisu ahaa London ayaa ka bixiyay faallo ay
ka muuqato cadaawad iyo digasho kadib markii uu soo gaaray warka ku saabsanaa
geerida Shelly , qaabkan ayuuna u dhigay:
Shelley, the writer of some infidel poetry, has been drowned; now he
knows whether there is a God or not.
Shelly qoraagii gabayada gaalnimada wuxuu ku qaraqmay biyaha, hadda ayuu
ogyahay in eebo jiro iyo in kale**.** The Courier
Gabayada Shelley qoray ee caanka baxay waxaa ka mid ah kuwaan.
Ode to the West Wind , The Cloud , The Masque of Anarchy , Queen Mab
iyo The Revolt of Islam.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida