Ooyaaye!

C ulimada soomaalidu, badankood, waa dad aad iyo aad afsoomaaliga u neceb.
Nacaybka ay afsoomaaliga u qabaan waxa uu ku beermay markii ay afcarabiga si
xun u jeclaadeen.
Waxa la yiri aakhiro waxa lagu hadli doonaa afcarabi, ninkii afcarabiga si aad
iyo aada ugu daldalmi og waxa uu si fiican u shukaansan doonaa xuuralciinta
jannada dhooban. Waa sababtaas sababta culimada Soomaaliyeed afcarabiga u
jeclaadeen.
Anigu illaa iyo yaraantaydii waa aan ogaa in culimadu afsoomaaliga neceb
yihiin se nacaybkooda ay qarsadaan ama diimayaan si aan looga garan. Xataa
mararka qaar marka ay afcarabiga ku hadlayaan waa ay is oohiyaan dadkuna waxa
ay u maleeyaan in ay Alle ka cabsi ka tahay se Alle ka cabsi kama aha ee waa
ka carabi jacayl, waayo weli lama arag wadaad isagoo afsoomaali ku hadlaya
ooyaaya. Marka keliya ee ay is boohiyaan, is balanbaliyaan ama is bihin
bihiyaan waa marka ay carabiga ku hadlayaan. Waayo aad baa ay u jecel yihiin,
jacaylkuna ma aha wax si fudud lagu qarsan karo.
Nacaybka ay afsoomaaliga u qabaan oo sida aan soo sheegay ah nacayb gaamuray
oo dhuuxa iyo dhiigga ba raacay, waxa uu keenay in culimada Soomaalidu ay
nacaan cid kasta oo afsoomaali ku heesta. Taa bedelkeed waxa ay si fiican
habeenkii iyo maalintii ba u dhagaystaan heesaha afka carabiga ku baxa ee loo
yaqaan “nashiidooyinka.” Taasi waxa ay keentay in fanaaniinta iyo culimadu
noqdaan laba koox oo aad isu neceb oo mid kastaa midka kale uur kutaalo u
hayo.
Haddii aad wadaad noqoto nacaybka ugu horreeya waxa aad u qaadaysaa fannaanka
afka soomaaliga ku heesa. Inta aadan shaydaanka nicin waa in aad fannaaniinta
nacdaa, waayo fannaaniintu afsoomaaliga ayaa ay kugu soo noolaynayaan adiguna
afsoomaaliga waa aad neceb tahay oo nacaybkaas isla shaydaan ayaa habeen madow
kugu beeray. Talaxumadii shaydaanka weeye waxa aad uga gubanayso afkaago hooyo
oo aad u jeclaanayso af reerayow kale leeyihiin. Sidoo kale haddii aad fannaan
noqoto waa in aad culimada la dirirtaa ama ugu yaraan ka carartaa waayo waa ay
ku neceb yihiin oo shaydaan baa kugu soo naanaabay.
Cadaawaddaasi waxa ay noqotay cadaawad guun ah oo waayo badan ka dhex
aloosnayd fannaaniinta iyo culimada, mana aysan helin cid u kala gar qaadda.
Maanta cadaawaddii oo sideedii ah ayaa ka dhex taagan fannaanad la yiraahdo
Kiin Jaamac oo is qaawisa iyo wadaad Bashiir Axmed Salaad loogu yeero se isagu
isugu yeera gudoomiyaha culimada Soomaaliyeed. Cid dooratay ma jidho se isagaa
iska jeclaaday in uu maalin uun noqdo gudoomiyaha culimada Soomaaliyeed waa na
uu iskala baxay magacaas.
Kiin Jaamac ma mudna in la difaaco, waayo ilaahay iyo Islaanba waa ay ka
xishoon wayday oo bawdyaheedii baa ay shaarica soo dhigtay se taas macneheedu
maahan in wadaadkaasi uu arrintaas darteed gabadhaas u nacay. Wadaadkaasi
nacayb uu afsoomaaliga u qabo ayaa uu gabadhaas kala dul dhacay se haddii ay
carabi ku heesi lahayd, qaawanaanteeda dan kama uu galeen ee waa uu u ducayn
lahaa maadaama ay ku heesayso af uu aad u jecel yahay. Nasiibxumo gabadhaasi
afsoomaali baa ay ku heestaa waa na sababta uu u liqi kari la’yahay in uu arko
naag afsoomaali ku heesaysa.
Haddii la rabo in ay heshiiyaan Kiin Jaamac iyo ninkaas lagu magacaabo Ina
Salaad waa in Kiin Jaamac afcarabi ku heestaa oo weliba “Wayxak yaa akhii”
tiraahdaa, waxaa hubaala in la arkayo wadaadkaas oo safka hore ka leh
“Jaasakallah yaa ukhtii!”
Mala awaal.
Afeef: Aragtida maqaalkan waa mid u gaar ah qoraha ku saxiixan.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida