Ogaataye, maxaad yeeli?
Maalin maalmaha ka mid ah, anigoo fadhiya meherrad shaaha laga cabbo, taasi oo
ku taal Magaalada Hargaysa. Waa meel dad badan isugu yimaadaan. Horaa loo
yidhi, rag waa shaah, dumarna waa sheeko'e, intuu qof waliba fijaankiisa
dalbado, ayuu kula dhawaadaa cid ay isku sheeko yihiin. Aniga iyo labba nin oo
aan saaxiibo nahey ayaa ila jooga. Intaan saddex-gees isaga soo hor
jeedaanayey ayaan shaaha firiqda heynaa, bahal sheekana gowda heynaa.
dhafooradayadda, waxaa ka soo boodaya dhidid waaweyn oo tiftaa haya, shaahu
xaraaro weynaa.! Waxaa dhinaca midig iga xiga odey waayeela. Waa odey cas oo
laf weyn. Da'diisa, waxaan ku qiyaasay dhowr iyo lixdan. Odeygu, sheekadaya
uma jeedin oo moobeyl ayuu kolba ku hadlayey. Inyar ka bacdi, waxaa odeygii
soo ag fadhiistey nin madow oo dheer. Markii sidaa u fadhiistey, koob shaaha
oo uu gacanta ku sitey, labba jeer kabadey. Ka dib, intuu koobkii dhulka
dhigey, ayuu jeebka shaadhkiisa gacanta galiyey. Wuxuu kala soo baxay
bacmiiko, midabkeedu casaan yahay. Bacdii oo la garto iney wax ku jiraan, ayuu
kala furey. Tolow, maxaa ugu jira?
Waxaa ku jira dhowr dhagax oo qaar fataatiirta le'eg yihiin, qaarna kaba
waaweyn yihiin.
Odeygii casaa ee meesha hore usii fadhiyey, ayaa sidaa u eegey. Markaasuu ku
yidhi, ma macdan baa? " Haa, ayuu igu war-celiyey".
Odeygii, ayaa wuxuu yidhi, dadkeenna soomaalidu macdan aqoon u malaha,
dhulkeenana wey ka buuxdaa, qalab aynu kula soo baxnana ma heysano. Boqolaal
sanno eyeynu sidaa uun u dul joognaa. Kama faa'iideysano, laakiin waxaa iska
gurta dad shisheeye. Waxay inoogu soo gabadaan hay'ado ayaan nahey, waanu idin
caawineynaa; kan iyo kan baan idiin qabaneynaa.
Waxba inooma qabtaan ee kheyraadkeena eyey hoos u gurtaan! Intaa markuu
yidhi, ninkii dhagaxaanta siteyna uu dhageysanayo, ayaa aniguna intaan
asxaabteydii kasoo jeedsadey ayaan dhegta maaley. Odeygii oo ay ka muuqato
waayo-aragnimo gaamurtey, ayaa hadalkiisii sii watey, kana sheekeeyey,
sheekadan cajiibka ah, kuna bilaabay sidan:
1991kii, waxaa jirtey hay'ad shisheeye oo joogtey magaalada Jigjiga ee Dowlad-
Degaanka Soomalida Itoobiya. Waxay dadka u qodi jirtey ceelal biyood. Waxaan
ka mid ahaa shaqaalaha ceelasha qoda. Nin cadaana ayaa shaqada kormeeri jirey.
Labba waqti ayuu kormeerka sameyn jirey; waa duhurka dabadii marka lakala hadh
galo iyo markey cadceedu gaabato.
Ninka cadaanka ahi, wuxuu baran jirey af soomaaliga. Wuu nala sheekeysan
jirey, si uu luuqada u barto. Kan maxaa af soomaali lagu yidhaa, ayuu odhan
jirey. Anaguna waan u sheegi jirney.
Afkii ayuu si fiican u bartey. Wuxuu gaadhey heer aan shanteena farood ee
gacanta, waxaa lakala yidhaa u sheegno, kuwaas oo kala ah: faryaro, Faadumo,
far-dhexo, murdisho iyo suul gomad.!
Ninka cad, wuxuu ahaa ingiriis. Inta badan, waxaa la-shaqeyn jirtey naag cad
oo u dhalatey Jarmal. Maalin kasta, markey shaqaaluhu ceelka ka dareeraan,
ayuu dul iman jirey ceelka, wuuna fiir-fiirin jirey.
Mar mar ayuu halkaan ka shaqeynayno, intuu bannaanka uga baxo, ayuu kelidii
keynta iska geli jirey. Waxoogaa markuu maqnaado ayuu soo laaban jirey. Waxay
sidaa ahaataba, maalin maalmaha kamid ah, ayaa markii shaqada inteedii hore
dhammeynay ayaan ka dareerney.
Inyar markaan nastey, ayuun baan xagii ceelka usoo dhaqaaqey; waxaan doonayey
mooyaane. Waxaan soo socdaba, markaan usoo dhawaadey ceelkii, waxaan arkey
ninkii caddaanka ahaa oo ceelkii dul fadhiya. Waan usoo dhawaadey, ima arkayo
markaa. Kolba intuu intuu foorarsado, ayuu dhagax qaadayaa, dabadeed, wuxuu
saarayaa saacad uu gacanta ku hayo. Markuu saacada saaro, ayuu dhagaxa ku
ritaa shandan uu xambaarsan yahay. Dhagax kale ayuu qaadaa, sidiiyoo kale ayuu
saacada dulsaaraa, dhagaxii ayuu iska tuuraa!
Ninkii oo howshii iska wata, dhagaxna Iska tuuraya, midna shandada ku
ridanaya, ayuu indhaha qac igu siiyey. Intuu kor u boodey, ayuu aad u naxay.
"Maxaad aragtey?", ayuu yidhi.
"Waxaan arkey, inaad macdantii dhulkayaga guraneyso", ayaan ugu jawaabey.!
"Ogaataye, maxaad yeeli?", Ayuu yidhi. "Bal horta saacad aan macdanta ku
baadho isii", ayaan ku celiyay. "Saacad tan oo keliya ayaan heystaa, tu kalena
ma heysto, laakiin maalin kasta, waxaan ku siinayaa lacag; lacag markaa u
dhiganta maanta $10", ayuu iigu jawaabey.! "Waan ogollahey", ayaan idhi.
Ninkii caddaanka ahaa, maalin walba wuu isiin jirey lacagtii. Markii lacagtii
ii wadey labba bilood, ayuu maalin ii yeedhey. Wuxuu igu yidhi, " waxaan
tagayaa Ingiriiskii, waana soo noqonayaa, saacaddiina waan kuu soo qaadi;
lacagta aan ku siin jireyna gabadha(naagtii Jarmalka aheyd) ayaa ku siineysa.
Maalin kasta markaad rawaxdo, halka iyo halkaa mar oo u doono.
Ninkii Ingiriiska ahaa, wuu iska dhoofey. Lacagtii, waxaa isiisiin jirtey
gabadhii uu igu balamiyey. Maalin walba waan u tagaa, kana soo qaataa. Markii
in muddo ah lacagtii sidii iisiin jirtey, eyey maalin ii yeedhey. Waxay igu
tidhi; "Ninkii wuu dhintey, waana la-gubey ee usoo ducee, kana samir". “
Lacagta uu isiin jireyna, bal ka warran?” ayaan ku idhi.
"Lacag kale kuuma hayo, waxaad isku ogeydeena anuu garan maayo", eyey iigu
jawaabtey.
Ninkii dib uma soo noqon, dibna uma arag; lacagtiina halkii eyey igaga
joogsatey.!!
Odeygii, halkaas ayuu sheekadii ku soo af jaray.
Haddaba, halkaa aynu kaga degno sheekada'e, maxaynu ka fahanney?
Waxaanu odhan karnaa, dhulka soomaali degto oo dhan, Illaahay ayaa dhigey
kheyraad dabeeciya oo macdantu kow ka tahay. Waqtigii gumeystuhu dhulka
Somaalida yimid, ujeedooyinka ugu waaweyn ee uu ka lahaa, waxaa aheyd, inuu
boobo kheyraadka dabeeciga ah, sida macdanta.!
Waxa aynu fahaney, in dadkeena looga faa'iideysan karo baahidda.
Waxa aynu ogaaney, ineynaan laheyn ilaa hadda aqooontii macdanta.!
Ugu dambeyntii, waxaa aan ku talinayaa in Soomaalidu mar walba ka
foogjignaato, dadka shisheeye ee dhulkooda sida qarsoon uga guranaya
dhagaxaanta qaaliga ah. Arrintan, qof walba oo Soomaali ahi, wuu ogyahaye maxa
aynu yeelnaa?!
FG: Sheekadan qoraaga ma xaqiijin karno dhab ahaanteeda, waxa suuragal ah
inay mala awaal iyo sheekooyinka waqtiga lagu gudbiyo tahay, sidoo kale
sheegashada qoraaga ee ah in dhammaan hayadaha khayriga ahi ujeedooyin qarsoon
leeyihiin ma xaqiijin karno.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida