Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Nuxurka Buugga Adultery (Gogol-dhaaf)

W/Q: Mohamoud Qardhood
Gorfayn Buug 2
9.1k
·

7/31/2021

Nuxurka Buugga Adultery (Gogol-dhaaf)

Magaca buugga waxaa la yiraahdaa ‘Adultery’, waxaa qoray Paulo Coelho, qoraa
reer Brazil ah oo qoraalka sheeko faneedyo dhaygag ahi aad ugu caan baxay.
Buuggu waxaa uu ku saabsan yahay khiyaano galmo iyo dareen nafsiyeed. Waa
haweenay wakhti hore guursatay, si farxad lehna u nool, haysatana ama xilli
kaste heli karta wax kaste oo ay lacagi gooyso. Seygeeda (ninkeeda) waa maal-
qabeen, iyaduna waa mihnadle saxaafadeed oo ku faraxsan shaqadeeda, labo
caruur ah oo aad u edeb badan ayaa u joogta.

Waxaasi nimco ah iyadoo haysata ayay hadana wax tabaysaa, waxbaa jira ka maqan
oo ay naawilayso, waxaa ay dareemaysaa niyad-jab iyo walaahoow. Waxaa ay u
tagtaa dhakhtar psychiatrist ah, talooyin iyo daawooyin ayaa la soo siiyaa
balse kuma raysato.

Iyadoo xaaladdii murgsanayd ku jirta, shaqadeedana iska wadata ayay maalin
maalmaha ka mid ahi waxaa ay waraysi ahaan ugu tagtay siyaasi da’yar oo
isaguna xaasle ah, ninkani ula mid ma’aha dadkii hore ee ay waraysan jirtay,
ninkani waxaa uu ahaa wiil ay shumisay iyadoo dhoocil ah xilli ay wada
dhiganayeen dugsiga sare.

Waraysigii ay u aaday siyaasigii da’da yaraa, saaxbiikeedi hore, wiilkii ay
shumisay – waxaa uu bar-bilow u noqday xiriir cusub – xiriir galmo kaliya.
Waxaa ay uga dhignayd in ay dib u soo noolaatay oo kale, walbahaarkii iyo
walaahowgii ka dhashay wax ka maqan oo ay tabayso ayay gebi ahaanba ka
caafimaaday. Mar kaste oo ay kulmaan, xaaladdu waa ay ka sii xiiso
badnaanaysay kulankii hore, waxaa ay heshay qanaaci, qamuunyadii saarnayd ayay
heshay wax ka qaaciya, hasa-yeeshee xoogaa walwal ah ayay dareentay, waxaana
ay dhowr jeer isku canaantay gogol-dhaafka ay samayso. Go’aan ayay ku gaartay
ugu dambayn in seygeeda ka hor qirato falka qaraabka ah ee ay ku jirto iyo
sida ay uga caafimaadday xaalad maskaxeed ay horay ugu jirtay, isaguna waa u
fahmayaa, xiriirkoodiina waxaa u noqonaya mid sii wanaagsanaada, iyaduna waxaa
ay ugu dambayn dareentay riyaaq nafsiyeed, degenaan maskaxeed iyo firificooni
dheeri ah.

Dad badan ayaa buuggani ku sifeeyay mid ciyaal-suuqnimo ay dhex ceegaagto,
naqdin iyo eedayn bandanna dusha looga tuuray qoraaga; buuggani aad ayuu uga
duwan yahay buugaagta kale ee qoraaga. Si kastaba, Paulo waxaa uu buuggani ku
yara bidhimaaminayaa in meelaha laga raadiyo caafimaadka in aanan mararka qaar
laga helin, Paulo waxaa uu si sheeko-faneed ah ku gudbinayaa xaalad
maskaxeedka haweenay xaas ah balse aan farxad dareemayn, iyadoo wax kaste
haysatana aan heysan qanaaco, ugu dambaynna ay qamuunyadii haysay ka raysatay
ka dib la kulankii saaxiibkeedii hore.

Qoraaga oo mar laga waraystay buugga, lana waydiiyay ujeedada buuggan oo ay
dad badani ku sifeeyeen mid dhaqan-xumo faafinaya. Waxaa uu ku jawaabay, si
aad u fahanto farriinta buuggu sido, waxaa loo baahan in aad si falsafadaysan
u fikirto, dulucda buugguna ay ka qoto-dheertahay dhillaysiga, balse uu in
badan ku dul wareegayo xaaladda maskaxeed ee qofka iyo xadka qanaacada nafta.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...