Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Noole cudurrada faafa gudbiya!

W/Q: Shaafici Xasan Maxamed
Aragtiyo 2
12.2k
·

12/18/2019

Noole cudurrada faafa gudbiya!

M uslimiinta iyo dadka kale in loo garnaqo ayey mudan yihiin. Muslimiintu
dadka kale waxa ay u arkaan dad wasakhaysan maskax ahaan iyo jir ahaanba oo
aan lahayn mabda’ xalaal ah oo ay aamminsan yihiin iyo diin dhaqankooda
hagaajisa. Waxa ay aamminsan yihiin in ay diintoodu diimaha iyo dhaqamada kale
ka fiican tahay oo ay tahay diin loogu talogalay in ay dadka oo dhammi qaataan
si ay adduunka caqiido iyo dhaqan fiican u yeeshaan, aakhirana ay u
liibaanaan. Waxa ay rumaysan yihiin ilaah iyaga raalli ka ah, bulshooyinka
kale oo dhanna u caraysan. Aragtiyaha noocaas ahi diinta muslimiinta ayey ku
qoran yihiin, sidaas darteedna muslimiintu waxa ay isu arkaan in ay ka fiican
yihiin dadka kale oo dhan iyaga oo aan waxba u fiirsan.

Dadka aan muslimiinta ahayni waxa ay muslimiinta ka aamminsan yihiin dad
caalamka intiisa kale ka danbeeya oo diintooda iyo dhaqankoodu ay ka soo hor
jeedaan horemarka maaddaama ay diinta islaamku curyaamiso fakarka dadka, isla
markaasna uusan qofkii diintaas haystaa shaqo badan qaban karin. Fakar ahaan
waxaa qofka muslimka ah maskaxdiisa hareeyey waxyaalo caalamka horemaray
khuraafaad looga arko sida Eebbe, shaydaan, sixir, malaa’ig, il, aakhiro,
janno, cadaab, nebiyo, qaddar, carshi, kursi, quraan, xaddiis, jidka Siraad
iyo waxyaalo badan oo qofka muslimka ah maskaxdiisa saacad kasta ku jira,
kuwaas oo ka hor jooga in uu nolosha fahankeeda dareenkiisa ku fasaxo. Xagga
dhaqanka waa diinta keli ah oo 5 jeer maalin kasta la tukado oo la weesaysto,
waxaana la aamminsan yahay qof 5 jeer maalintii masjid laga sugayaa in uusan
si fiican u shaqayn karin oo xataa aan warshad laga shaqaalayn karin. Diinta
islaamka qofka aad ugu dheggani ma uu helayo fursad uu wax kale kaga fakaro
iyo fursad uu ugu shaqeeyo sida dalalka horemaray looga shaqeeyo.

Waxaa muslimiinta loo arkaa dadka ugu cadowsan bulshooyinka caalamka oo dadka
kale oo dhan neceb, isla markaas iyagu is addoonsada oo isgumaada. Waxaa loo
arkaa dadka ay ugu badan yihiin madaxda keligitaliska ah, taas oo ka soo
maaxanaysa in dhaqanka carabta oo diinta asal u ahi uu yahay dhaqan ku
salaysan in ay dadku madaxa isaga taagnaadaan. Waxaa loo arkaa dadka ugu
qaxooti badan, waayo waddamada qaxootiga qaabbila ajaanibta jooga 90% waa
muslimiin ay dalalkooda ka jiraan addoonsi iyo gumaad. Muslimiin badan baa
aamminsan in dadka oo dhan loo celiyo dhaqan carabta ka jirey kun sano iyo
dheeraad ka hor, kaas oo ah in ay muslimiintu ku duulaan dadyowga kale oo ay
ragga gumaadaan, dumarka iyo carruurtana addoonsadaan, isla markaas ay hantida
ummadaha boobaan, waxaana jira wadaaddo muslimiin ah oo iftooda iyo hantida
ugu xalaalsani ay tahay midda boobka lagu helo.

Muslimiinta waxaa loo arkaa dad aamminsan in taariikhda dib loo celiyo oo loo
laabto kun sano ka hor, halka ay bulshooyinka kale aamminsan yihiin taariikh
la soo dhaafay in aysan soo noqon karin, waxaa se xusid mudan in aragtiyaha
qaarkood aysan muslimiintu wada qabin ee ay kuwa xagjirka ah sida soomaalida
ku kooban yihiin, waxaana soomaalida xagjirnimda ku badiyey maangaabnimada oo
xagjir kastaa waa uu aragti gaaban yahay.

Diinta muslimiinta waxaa loo arkaa diin ay ku badan yihiin ciqaabaha dilka iyo
in jirka dadka la googooyo oo waxaa la dilayaa qofkii aan tukan, qofkii isaga
oo aan kufsi samayn galmo raalli la isaga yahay sameeya, qofkii diinta
islaamka rumaynteeda ku qanci waaya iwm, waxaana jirkooda la jarjarayaa qofkii
wax xada ama burcad ah.

Waxaa muslimiinta loo arkaa dad ay diintoodu dumarka xushmadda ka qaadday oo
sida haweenka muslimiinta ahi ay u lebbistaan waxaa loo arkaa ciqaab iyo
liidid, habka uu raggu dumarka u adeegsadaanna waa hab sida xoolaha oo kale
loo leeyahay. Sida la og yahay dadku waxa ay rabaan in ay sheegtaan in ay
xayawaanka ka caqli badan yihiin oo raggu carruurtooda waa ay ka fakaraan,
halka xayawaanka labi uusan dhashiisa danayn. Waxaa kale oo la caqliyeeyey in
halkii naag ay nin yeelato oo halkii nin uu hal naag yeesho, laakiin
caqligaasi muslimiinta ka ma jiro oo ragga waxaa loo oggol yahay in ay sida
awrtii dhaddig badan oo qaar addoomo yahay yeeshaan. Haddii la soo koobo
muslimiinta waxaa loo arkaa dad isku la fiican wax ay caalamka badankiisu
xumaan u arkaan iyo diin arxan daran oo dadnimada lid ku ah, laakiin iyaga
agtooda si indho la’aan ah loogu arko wax muqaddas noqon kara.

Waxaa loo arkaa dad aan fahmin in diimaha iyo dhaqamada badankoodu ay yihiin
dawo dhacday oo aan casri kasta ku habboonayn, wadaaddada waxaas u sheegaana
ay qofkii hadal ka soo celiya dil aan maxkamad lahayn ku xukumaan oo mindi la
iska ruubo isaga oo suuqa maraya. Sida la og yahay dilku waa xalka ugu liita
oo arrin lagu wajaho, dunidana waxaa loo wadaa dhinac kaas ka fog oo ah
sideedaba in aan qof la dilin.

La ma soo koobi karo aragtiyaha la ka la haysto, laakiin waxaa sheegtid mudan
in ay muslimiintu cayda diimaha iyo dhaqamada kale minbar kasta la istaagaan,
halka dadyowga kale ay muslimiinta hoos ka xantaan, waayo waxaa la og yahay in
musliintu ay dilayaan qofkii sheega in uu nebi Maxamed ahaa nin caadi ah oo
afkii hooyadiis ku hadli jirey oo carabtii uu xukumey ay ka adkaadeen carabtii
ka soo hor jeedey, ka dibna diintiisa lagu faafiyey dagaal, dhac iyo in qofkii
hadla la dilo oo ay ilaa maanta ku socoto baqdin gelin iyo xoog. Jajuubkaas
iyo argagaxaas waxa ay bulshooyinka aan muslimiinta ahayni u arkaan dhibaato
dad haysata oo la rajaynayo in ay ka baxaan sidii looga baxay dhibaatooyinkii
la midka ahaa, laakiin dhanka muslimiinta waxa aad arkaysaa niman duubab
waaweyn oo maxfallo ka sheegaya in ay islaamka sharaf u tahay in qofkii
Maxamed ama Qur’aan dhalliila la dilayo.

Waa niman aan fahmin waxa ay sharafi tahay oo qaarkood lagu soo dhoweeyo
waddamo dimoqoraaddi ah si ay u helaan fursado aan dalalkooda ka jirin
islaamka dartiis. Dadka waxaa lagu neceb yahay in ay nebi Maxamed u arkaan nin
uun ka hadli jirey degaankiisa iyo duruufo uu dhex joogey oo aan ka warhayn
meelaha ka fogfog, isla markaas aan laga hayn wax ka sarreeya aragti uu sheegi
karey carab xilligaas Xijaas joogey. Sidaas in nebiga loo qeexo doodo ku
saabsan dadka oo dhan baa raba, laakiinn muslimiintu waxa ay taagan yihiin in
la dilo qofkii aan rumayn in uu Maxamed mucjisooyin keenay, waana mucjisooyin
aan muuqan oo la isku khasbayo. Heerka ay ilaa maanta muslimiintu taagan
yihiin waa in qofkii hadla aan hadal lagu la doodin ee la dilo, dadka kale oo
ka badanina u ma ay jeedaan murti weyn oo af carabiga iska hor iyo dabo jeeda
ku seeggan.

Hadda ka hor wargeys ka soo baxa dal Yurub ah oo ay soomaali badani qaxooti ku
joogaan baa qoray in ay soomaalidu yihiin nooleyaasha cudurrada faafa gudbiya,
waana laga xumaaday hadalkaas, bal se waxa aan indhaha laga qarsan karin in ay
soomaalidu diinta islaamka ka qaataan inta xun, waxaana keenay qallafsanaanta
miyiga oo jecel wax qallafsan iyo xiniftan.

Soomaaligu haddii uu xaddiis sheego in dad aan waxba dhimin la laayo aad buu
ugu qiiroodaan, laakiin hadal la sheego in uu xaddiis yahay baa leh “Gacanta
sare ayaa ka fiican gacanta hoose” oo ay carabtu uga jeedaan in qofka wax
bixiyaa uu ka fiican yahay midka baryootama, laga mana yaabo in ay soomaalidu
ku dhaqmaan oo deeqbixiyeyaal, hay’ado samafal iyo qaxooti bay u wada jeedaan
. Waxaa jira meerisyo Qur’aanka ka mid ah oo sheegaya in dadka oo dhan la
cafiyo oo laga wado in aan cidna la necbaan iyo xaddiisyo sheegaya in dadka
anshax wanaagsan lagu la dhaqmo, kana maqli maysid wadaad soomaali ah.

Xaddiis baa sheegaya in dad dhagax lagu dilo, halka uu mid kale sheegayo
haddii nafley la dilayo ama la gawracayo in si hagaagsan loo la dhaqmo.
Soomaaligu markii ay aayad xun iyo mid fiicani iskhilaafaan midda xun buu
raacaa, haddii ay xaddiis liita iyo mid wanaagsani iska soo hor jeedaanna
midka xun buu raacaa, sidaas darteedna soomaalida waa lagu tilmaami karaa
noole cudurrada xunxun gudbiya. Waxa aynu noqon doonnaa dalka ugu danbeeya ee
dhibaatada islaamka ka nefisa oo xataa Sucuudi Caraabiya oo dhibaatadu ay ka
soo askuntay baa inaga fursad fiican, waayo waa ay inaga aqoon roon yihiin oo
dadkoodu in ay fakaraan baa soo dhow.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...