Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Nolosha danbe iyo noolaha kale

W/Q: Gallad Gurxan
Aragtiyo 0
1.9k
·

8/2/2018

Nolosha danbe iyo noolaha kale

A adanaha iyo noolaha kale ma ahan kuwa kala maarmi kara ama si loo kala
sooci karo. Waa kuwa ay dabeecaddu isku faraq xirtay, sidaasi daraadeedna
jacayl iyo nacayb-ba wadaagay. Qofka ahlu jannaha ah, waa u baahanyahay inuu
ku il-doogsado geelii uu aadka u jeclaa ee uu sidii caruurtiisa oo kale u
daawan jiray. Kolba haddii caruurtaadii aad aadka u jeclayd aad ku kulmaysaan
jannada haddiiba ay soo gudbaan imtixaanka (inkastoo dhashaada inta aanan soo
gudbin imtixaanka naarta lagu soli doono halka aad adiguna khamri iyo naago
dhexda uga jiri doonto jannada oo aad halkaas baqda guri doonto). Ka warran
qofkii ka jeclaa geeliisa caruurtiisa amaba geela iyo caruurta u sinnaayeen?

Taariikhda Soomaalida waxaa ku suntan inuu nin aas u sameeyay oo uu xabaalay
hashiisa oo geeriyootay. Hashaasi waxaa lagu magacaabi jiray Garawo, waxayna
ku aasan tahay tuulada Garawo oo loogu magac daray hashan, kana tirsan
Maamulka Soomaalida ee Itoobiya. Bal qiyaas ninkaasi sida ay ugu weynayd
hashaasi! Soo wax laga argagaxo ma aha in uusan hashaas dib oo dambe u arkayn
haddiiba uu janno calmado? Ninkaas teebaa u muhiimsan hashiisii oo uu dib ula
midoobo iyo webiyada khamriga ah ee jannada lagu sheegay? Ilaahayna soo ceeb
kuma ahan inuu ciid ka dhigo wax uu addoonkiisu u baahan yahay inuu ku il-
doogsado?

Haddii aysan eeyo joogin jannada, dhimashadayda kadib waxaan doonayaa in aan
aado halka ay aadeen eeyaha.

Jilaa Will Roger

Sidaas Roger si la mid ah abwaankeenii Soomaaliyeed ee Cabdi Gahar waa tuu
isaguna lahaa “Aakhiro nimaan geel lahayn lama amaanayne”. Oraahyadani waxa ay
muujinayaan jacaylka aadanuhu u qabay xayawaankii jaalka kula ahaa dunida.
Diintuse oraahdani oo kale waxay u taqaan gaf diimeed lagu dhacay qofkana u
horseedi karta naar, maadaama uu ku jeesjeesay aakhiro oo uu u ekaysiiyay meel
geelu qiimo weyn ka leeyahay!

Diinteena macaan waxay noo sheegaysaa in neefkii neef kale gaf u gaystay
xattaa looga aari doono aakhiro oo halkaasi ciqaab lagu marsiin doono,
ciqaabta kadibna ciid laga dhigi doono. Balse iswaydiiya, maxay macno
samaynaysaa in neef aan gaf u gaystay oo isagiiba ciid noqday aniga la iiga
gudo gafkii, ayadoo waliba marka la i ciqaabo kadibna ciid la iga dhigi doono?

In ka badan 20% dadka dunida ku nool waa kuwa ka caaggan cunista hilibka, sida
lagu daabacay barta Worldatlas sanadkii 2017,
waana astaan kale oo muujinaysa sida ay dadku ugu damqanayaan noolaha kale oo
ay u doonayaan in ay ku arkaan agagaarkooda wehelna kula ahaadaan dhulka.
Inkastoo aan ogahay in dadka aysan ka naxariis badnaan karin illaaha
naxariista oo idil loo tiriyay, haddana soo arrin murugteeda leh ma aha in
kuwii aynu adduunka ku jeclayn aan aakhiro ka wayno oo ay ciid iska noqdaan,
sidaasna aynu kaligeen jannada ku dhex taagnaano!

Aadanuhu kaligii ma jiri karo oo jiritaankeenna waxa uu ku lifaaqan yahay
jiritaanka noolaha kale, bal haddii lagu yiri jannada waxaad ku quudanaysaa
kalluun adba qiyaasoo kalluunkaas sidee ayuu ugu noolyahay jannada? Waxaa
hubaal ah in sida aad adiga ugu quudanayso jannadda dhexdeeda kalluun uu
kalluunkuna ugu quudanayo noole kale jannada dhexdeeda halkaasna waxaa ka
unkamaya silsiladdii nafaqada iyo quudka ee noolayaasha. Haddana haddii janno
nolol ka jirtaa, noloshaasi waxaa nala wadaagaya dhammaan noolihii kale,
haddii aysan nala wadaaginna janno jiri kari mayso oo halka ay noolaha kale
maraan ayaynu inaguna mari doonaa.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...