Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Nolosha Badan!

W/Q: Gallad Gurxan
Diimaha 0
13.8k
·

7/18/2019

Nolosha Badan!

D iimaha Buddhism-ka, Hinduuga iyo Sikha waxa ay ka simanyihiin aragtida
ah in qofku si meerta ah usoo maro dhawr dhalasho iyo nolol kala duwan.
Dhalashooyinka kala duwan ee uu qofku soo maro waa kuwo ka baxsan wacyiga iyo
garashada qofka. In kastoo laga yaabo in qaarkiin ku qoslayaan aaminaadda
noocaasi ah ee aanan la caddayn karin, haddana waa arin ku qoran buugtooda iyo
aayaadkooda barakaysan sida Bhagavad Gita-ha Hinduuga, sidaas ayayna ku
rumeeyeen qaab duuduub ah.

Maxay macno samaynaysaa in aan intaas oo goor hadda kahor soo noolaa balse
aanan is xusuusan karin in aan ahaan jiray Geelle, Saxarla iyo Gallad? Waxa
jiritaankaygaas kala duwan ee faraha badnaa macanaha u yeeli lahaa, waa aniga
oo is xusuusta. Haddii aysan xusuus jirin, ma tihid midkii hore si kasta oo
aad boqolaal jeer oo hore u noolaydba, oo marwalba mid cusub baad tahay.

Xusuusta iyo qeybaheeda kala duwan waa awoodda ay maskaxda u leedahay in ay
kaydiso macluumaadka, dibna usoo hawl galiso markii loo baahdo. Haddaba
xusuusta waxa ay ku qotontaa oo ay ka dhalataaa hab shaqayn maskaxeed.
Xusuustu waa natiijo ka dhalata shaqo maskaxda qabato. Waa sida socodka
gaarigu u yahay natiijada shaqo ay qabanayaan qeybaha kala duwan ee gaariga.

Haddaba suurtagal ma tahay in inta uu jirku dhinto ay xusuustu noqoto mid sii
jirta oo ka soocanta kaligeed jirka intiisa kale? Cilmi ahaan, ma jirto hab ay
xusuus kaligeed usii jiri karto ayada oo uu jirkii dhintay. Marnaba ma dhici
karayso in socodka gaariga – aan tusaalaha kore kusoo qaatay – uu kaligiis sii
jiro ayada oo uu gaarigii burburay oo uu daxalaystay.

Diinta Islaamka laftigeeda kama marna aaminaadda dib u soo noolaanshada, in
kastoo sida Isalaamka u dhigo ay tahay mid ka duwan sida ay diimaha kale u
dhigaan. Dib usoo noolaanshada Islaamka waxa ay ka bilaabataa goorta qofka
qabriga la geeyo waxa ayna socotaa abidkeed. Qofka ku dhintay qarax
diyaaradeed waxa uu isla judhiiba helaa noloshiisii isla goorta qabriga la
dhigo qeyb yar oo jirkiisii ka mid ah, si su’aalo loo waydiiyo oo loo
imtxaano.

Aaminaadda nolosha dambe ee aan dhamaan waa mid muhiim u ah Islaamka, halka
diimaha Hinduuga, Buddhism-ka iyo Sikha ay muhiim uga tahay nolosha meertada
ah ee ay halkaan ku haystaan.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...