Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Nidaamka burburinta anshaxa iyo akhlaaqda bulshooyinka iyo ummadaha

W/Q: Maxamed Xasan (Beer-Dilaacshe)
Siyaasadda 0
12.7k
·

7/14/2020

Nidaamka burburinta anshaxa iyo akhlaaqda bulshooyinka iyo ummadaha

Nidaamka burburinta anshaxa iyo akhlaaqda bulshooyinka iyo ummadaha (Subversion process of psychological warfare)

Dib u eegis iyo dib u fahfaahin

Nidaamka burburinta akhlaaqiyaadka iyo ummadaha waa nidaam lagu burburinayo hab-fikirka iyo Hab-dhaqanka ummadaha, waxaana laga hirgaliyay midowgii soofiyeeti. Nidaamkan oo asalkii hore laga soo min guuriyay, hab maamuulki boqortooyadii shiinaha ee (Judo ama Marshal Art) oo uu aasaase u ahaa (Sun Tzu) oo ah xeel-dheere siyaasadeed oo dajin jiray xeeladaha dagaalka. nidaamkan ayaa waxaa fashiliyay oo daaha ka rogay nin lagu magacaabi jiray [ Yuri Bezmenov ], Oo baxsad ahaan lagu macagaabi jiray [Tomas David Schuman] kana Tirsanaa Hayaddi sirdoonka midowga soofiyeet ee | KGB |, ninkan ayaa sii lama filaan ah uga baxsaday Midowgii soofiyeeti, isago marka kadib magangalyo siyaasadeed ka helay dawladda (kanada). Kadib helitaankii magangalyo waxaa uu Yuri Bezmenov barafasoor ka noqday jaamacado ku yaalay kanada iyo maraykan, taaso ugu dambeyntii uu ku fashiliyay kana warbixiyay qaabka nidaamkan soofiyeeti uu shaqeeyo iyo halistiisa, sido kale waxaa u banaanka keenay bar tilmaameedyadda uu midowga soofiyeeti ku wado hab-nidaamkan Masiiriga ah, isago kaashanaya khibrahadiisa fikireed ee aragtidan.

Haddaba Midowgii soofiyeeti damaca uga gonleyihin nidaamkan waxay ahayd in ay
dumiyaan nidaamyada bulsheed iyo kuwa siyaasadeed ee ummadaha reer galbeedka
ee xifiltanka iyo awoodeysiga caalamiga ihii kala dhaxeeyo, sido kale ummadaha
ay la damacsanyihiin arrimaha iyo aragtiyooyinkooda bulsheed, siyaasadeed iyo
maba'dida shuuciga ah ee hanti-wadaaga (communism). Aan soo qaato faham guud
oo ku saabsan khibradda Yuri iyo ujeedadda shirqoolka nidaamkan. (Jebinta
dowladnimada iyo qaab dhismeedka umadda, waxaan si sax ah u eegii karna ugu
yaraan sida laga soo xigtay Yuri Bezmenov, wakiil hore oo KGB ah. Intii lagu
jiray sanadihii 1960-meeyadii, Bezmenov wuxuu u adeegi jiray KGB ugu horrayn
wuxuu fuliyay qorshee Hindiya ah halkaasoo uu ku faafiyey dacaayadaha
Soofiyeeti iyo Wajiyada xun ee dunida Galbeedka. Ugu dambeyntiina wuxuu u
goostay Galbeedka 1970kii wuxuuna degay Kanada halkaasoo uu wax ku barayay
isla markaana wax ka qoray farsamooyinka KGB ee loogu tala galay jebinta
ummadaha reer Galbeedka iyo caalamkaba. Sanadkii 1985kii waxaa lagu soo qaaday
wareysi telefishan oo wali laga heli karo YouTube-ka. Intii lagu gudajiray
wareysiga, Bezmenov wuxuu sharraxay howlaha KGB inay yar yihiin laakiin ay aad
uu culustahay fulintooda taas oo ku saabsan basaasnimo xagga daneysiga soo
jireenka ah. Iyado (kaliya 15 boqolkiiba) ay aad uga walaacsan yihiin kooxihi
sirdoonka ee ku shuqulka laha nidaamkan "Ideological Subversion", taaso (85
boqolkiiba), loo adeegsaday in si qarsoodi ah loogu wiiqo dowladaha galbeedka
iyo Mareykanka iyada oo loo marayo dagaal nafsi ah. Furaha nidaamkan waa in la
beddelo aragtida dhabta ah iyadoo la adeegsanayo farsamooyinka maskaxda ee
duminta muddo dheer. Sidaan hore u soo qoray, dadku waxay kudhaqmaan
aragtidooda dhabta ah, iyadoon loo eegin haddii ay sax tahay ama been abuur
tahay. Laakiin inay dheefaan dawladda soofiyeetku waxay ku xirantahay waa
Iyado bilowga sii dadban looga marayo hogaanka umaddaha, sido kale Ma ahan wax
aad uga walaacsanaan doonaan bulshadu haddi ay dhaadan kari waayan macnaha
xaqiiqooyinka danbe ee iman kara, maadaama ay yihiin aragtiyo iyo dano
shaqsiyadeed. Balse hogaamiyaasha qaar ee garaadka laga maamulayo Iyaga oo
xakameynaya dareenka dadka, waxay u nugul yihiin inay sameeyaan go'aanno qalad
ah sidaasna u fududeeyaan khalkhalgelinta dadka. Ujeedada culus ee barnaamijka
KGB waa dheeryahay, sidaa darteed, waa in dadka loo sawiro humaagyo ka fog
xaqiiqada dhabta ah isla markaana loo tilmaama inay xaqiiqadu tahay khiyaano
xitaa haddii ay jiraan waxyaabo muuqda. kadib fashilaaddii uu sameeyey yuri
bezmenov, iyo cadhadi ka dhalatay midowgii soofiyeeti, isla markaana ugu
hanjabtay yuri inay khaarijin doonaan, oo ay ka argoosan doonaan, kadib
baxsadkiisi, ayaa nidaamkan waxaa markii danbe dabaqay dawladaha reer
galbeedka iyagoo ku saleynaya hab-raaca iyo istratijyaadka uu dejiyay dhagar-
qabe yuri bezmenov.

Soofiyeetka iyo nidaamkiisii

Haddaba soofiyeetkuu sii uu bilaabo fulinta nidaamkiisa waa inay ugu horeyn
qurxiyaan nidaamkoogas ee burburinta akhlaaqiyaadka iyo ummadaha, oo ay
ummadaha hab-fikirkoogada ka dhaadhiciyaan in ay muuq siiban haldoorka iyo
hogaankooda Daacadyahanka ah ee ay ummaddaasi leedahay, iyado laga
sareysiinayo maangaabka iyo hogaankooda kha'iinka ah ee ay leedahay umaddaasi.

Taaso ugu dambeyn sababi karta dhalashada marxalad xasaasi ah oo kala guur
bulsheed ah, isla markaana dhalinaysa in ay soofiyeetku awoodaha siyaasadeed
uga soo weeraraan shakhsiyaadka ay ka filan karaan in uu dabaqi karo nidaamka
iyo qorshayashooda ee ku saleysan nidaamka maamulka keli-gaarista ah ee
(bureaucracy).
Sii ay taa uu hirgeliyaan waxaa ay ka bilaabii doonaan dhinacyada ah.

  1. Diimaha 2) Waxbarashadda 3) Bulshadda
  2. Awooda ciidanka 5) Siyaasadda iyo maamuulka.

Haddaba soofiyeetku iyago tilmaansanaya ama fiirinaya dhinacyada ay ummduhu ka
wiiqmi karaan, waxay qorsheyeen oo ay ku saleeyen nidaamkoogas in umadaha
dhexdooda laga abuuro afar Marxaladood oo muuq siibis ah, oo kala ah
1-(Demoralization) ee niyad jebinta shucuubta iyo
2-(Destabilization) oo ah abuuris xasilooni darro baahsan,
3-(Crisis) Xiisad iyo qalaalase siyaasadeed
4-(Normalization) xaalad daganaansho oo jahwareer ku dhisan

Sii ay ugu suurtogasho dabaqidda nidaamkan burburinta akhlaaqiyaadka iyo
ummadaha. Qiyaas ahaan hirgelinta iyo fulinta qorshaha oo dhamaystiran waxay
qaadata laga bilaabo 2 sano ilaa 25 sano, waxaana jira dhawr ummadood ama
dawladood oo ay midowgii soofiyeeti ka hirgeliyeen nidaamkoogas, dawladahaas
waxaa kamida ahayd dawladdi rayidka ahayd ee koonfurta Vietnam oo uu
janjeertay dhinaca reer galbeedka. Konfuurta Vietnam oo uu markii ugu horeysa
midowgii soofiyeeti ku tijaabiyay, kadib dadaal dheerad ah oo ay geliyeen
fulinta qorshahaasi. Sababta damaca soofiyeeti keentay waxaa ay tahay xiligaas
oo midowgii soofiyeet ay ku bahoobeen dawlado iyo gobolo bariga yurub ahaa,
ayaa waxaa dawladdi shuuciga ahayd galay damac ah dhul balaarsii xagjirnimo oo
ay ku doonayeen in waddamada qaar ay ka dalbadaan midnimo istraatijiyadeed,
waxaanay keentay in waddamada qaar ay ku gacan-sayran dalabkaas, Dawladaha ku
gacan sayray waxaa ka mid ahayd Dawladdi rayidka ahayd ee konfuurta Vietnam oo
qani ku ahayd saliidda qayriin, taaso ku dhalisay midowgii soofiyeeti in uu
qorsheeyo nidaamkiisaas oo uu ku fuliyo damaca ay daaranyahay indhihiisu.
Waxaanu ugu horeyn ka dhex abuuray gudaha Vietnam, shabakad Balaaran oo xog-
ogaal raadinta uu qaabilsan, sii ay uu helan xogo iyo siro ku saabsan Dawladda
Vietnam. Sidoo kale midowgii soofiyeeti wuxuu abaabulay kacdoono iyo dagaal ka
dhan ah koonfurta, isago kaashanaya waqooyiga Vietnam oo shuuci ahayd iyadu.
Halkaasna waxaa ka bilawday dagaalkii Vietnam ee Reer galbeed iyo Reer barriga
caalamka oo kala afkaar siyaasadeed ahaa ay ku loolamaan, waxaana ay natiijadu
noqotay jabka reer galbeed iyo jebinta ciidankii magaalada hanoi ka talin
jiray ee konfuurta Vietnam. kadib wakhti dheer oo geedi socod siyaasadeed iyo
burburin dawladeed oo uu soofiyeetku ku hayay Vietnam, waxay keentay in
madaxdii mayalka adkeyd ee dawladda Koonfurta vietnam in ugu danbeyn la
khaarijiyo, dawladdi soofiyeetna ay sii xagjirnima ah uu qabsato dhulka
vietnam, sidaasna ugu darsato midowgeedii.

Laakiin midowgii soofiyeetii waxaa uu lahaa ahdaaf kale oo aad uu adkeyd
fulinteedu sii ay uu hirgasho faafidda fikradaha shuuciga ah ee hanti-wadaaga
(communism) , waxaana kamid ahaa dawladdaha lagu fuliyay nidaamkaas
burburineed, sida dawladaha Hindiya, Maraykanka, Isbaanishka, Soomaaliya,
Koonfurta Vietnam, Tajikstan, Turkmenistan, Hungury iyo Dawladdi jarmalka
bari. Waxaana jiray xaqiiqo aanay ummadaha caalamku xilligaas ogeyn, kuwaas oo
ahaa in soofiyeed iyo xullafadiisu lahayeen haayado sirdoon oo aad uu
xeeldheera kuwaaso siraha iyp xogaha daanta galbeed aad uu soo dhici jiray,
kana sameyn jiray ku tiri kuteeno iyo dacaayado ceebeys ah oo la doonaayo in
maryaha looga siibo nidaamyada galbeedka iyo afkaartooda oo la doonayay in
laga suuliyo caalamka iyo siyaasaddiisaba.

Hadaba marka la tixraacayo hababkii uu u shaqeyn jiray nidaamka burburinta akhlaaqiyaadka iyo ummadaha, wuxuu soo mari jiray afar marxaladood oo wakhtiyo gaar ah lagu fulin jiray, waxaana ku saleynayaa aragtida iyo khibradaha jaalle Yuri Bezmenov.

1. Demoralization: Marxaladda niyad jebinta

Marxaladan xasaasiga ah waxaa uu soofiyeetku ku cayimay saddex waax oo kala ah
B) AFKAARTA - T) QAAB-DHISMEEDKA - J) NOLOSHA GUUD

B) AFKAARTA :-

qaybtani waa qaybta badanka ummadaha afkaartooda iyo
aaminsanaantooda lagu khalkhalin jiray.
Qaybtan ayaa uu sii kala baxda afar qayb oo kala ah

QAYBAHA AFKAARTA :

1. Diinta:- Diimuhu waa udub dheexaadka hab-dhaqannadda ummaddaha, haddaba
Marka laa doonaayo in diinta ama caqiidada laga weeraro bulshooyinka waa in
laga aamin saara diinta

  • Qaababka weerarka :- Waa in loo isticmaala habab kala duwan oo dheelitaan ah
    iyadoo la siyaasadeynayo, la iib geynayo, lagu madadaalanayo.
  • Natiijada :- Rabitaan la'aan iyo Lunsanaan Diimeed.

2. Waxbarashadda:- sida la rumeysanyahay wax barashadu waa habka ugu sahalsan
ee ummad hab-fikirkeeda lagaga badalan karo ama lagu lunsan karo, waxaana loo
maraa istratijiyado xeel dheer oo waafaqsan nidaamka aqooneed ee wakhtiga la
joogo.

  • Qaababka weerarka :- Ardayda oo ogolaansho loo siyo, inay heerarkay doonaan
    geli karaan iyadoon lagu saleynayn hab-fikirkooda iyo aqoontooda, iyo is
    xigteysii iyo is qaraabeyn ka dhex aloosama ardayda dhexdooda.
  • Natiijada :- Jaahilnimo iyo Aqoon-darro ama mid tayo liidata.

3. Saxaafadda ama Warbaahinta :- runtii dhinacyada Kala duwan ee warbaahintu
waa rugaha iyo xuddunta ugu saameynta badan ee weerarada burburinta
akhlaaqiyaadka umaddaha, waana meel leh saameyn joogto ah oo soo noqnoqda, oo
aanay dadku dhaadanayn.

  • Qaababka Weerarka :- Garaad maamul, warbaahinno ku dhisan hayb iyo qoleysi,
    Khiyaano iyo been abuurro aan xaqiiqo ku dhisnayn iyo caqliga dhugtaha oo laga
    dhaadhiciyo arrimo been abuur ah (propoganda).
  • Natiijada :- Mara-habaabin caqliyeed, Isku dhex yaac Aragtiyeed, siyaasad
    kala duwanaan bulsheed oo ay sababtay xaaladda (Media Myopia), iyo faafitaanka
    fikradda shuuciga ah ee (Communism)

4. Dhaqanka:- Mid kamida tiir-dhexaadyada ummadaha, runtii dhaqan beddeliddu
waa salalka ugu horereya ee dumitaanka ummadaha, taaso oo u nugul nidaam
burburiska akhlaaqiyaadka umaddaha.

  • Qaababka weerarka :- abuuritaanka fikrado iyo aragtiyo xoreynaya dhaqannada
    xun ee jinsiga-ku dhisan, Ku dhiirigelinta jiilalka iyo dhalinta in jiilal
    hore oo dhaqan iyo aqoon dumis ahaa in ay ku daydaan iyo in ummadaha la
    jecleysiyo kuwooda jaahilka ah iyo sidoo kale sameynta barnaamijyo iyo
    qorshayaal lagu doonaayo in lagu faafiyo nolosha maaddiyadnimada taageeraysa
    ee calmaaniyadnimada iyo alle-koodka taageeraysa, abuuridda barnaamijyo
    tageeraya nidaamyada Post-modernismka
  • Natiijada :- Kaga dayasho qabatin leh, isla markana keenta anshax xumo, iyo
    mustaqbal dhuumis ah, faafka afkaarta maaddiga ah iyo soo baxitaanka jiilal
    alle kood ah oo maaddiyiin ah. Faafka dhaqanka xun ee galmoonimada iyo
    danyeernimada ah.

T) QAAB-DHISMEEDKA :-

Qaybtani waa laf-dhabarta ay ummadi ka dhisantahay oo
khalkhal gelin siyaasadeedna laga dhex aloosi karo, islama markaana uu bahan
fiiro-fogaan sare

QAYBAHA QAAB-DHISMEEDKA:
1. Sharciga iyo Amarka:- Si loo naafeeyo, oo looga kalsooni baxo, isla
markana saaxadda bulshada looga saaro sharciga iyo kala dambeynta waa in
arrimahan hoos ku xusan lagu saleeya.

  • Qaababka weerarka :- kala eexasho, Sameynta sharci-dejin khalkhal ah, iyo in
    kalsooni daro laga qabo hab-socdaalka sharciga
  • Natiijada :- Cadaalad daro, aaminaad la'aan iyo burburka dastuurka waddanka.

2. Xiriirka Bulshada:- wada xiriirka bulsheed waa mid uu ku dheehanyahay sal
qoysnimo, sii loo baabi'iyo waxaa uu midowgii soofiyeetku ku saleyay
nidaamkiisa habka gaar-yeelidda ku dhisan ee bureacracy, waxaana ka mid ahaa
qaababki qarsoona ee dilaaga aha ee eexashada iyo kalinimo kiilka ah.

  • Qaababka weerarka :- xuquuqda shakhsiga ah oo lagu ixtiraami waayo, Isla
    markaana lagu andacoodo in waajibaadku ka horeeyaan xuquuqda. Tani waxay
    keenaysa in dabaqada "Proletariatka' ah ama Xoogsatada ihii ay gadoodaan isla
    markaana ayba ku fekeraan nidaamka shuuciga ah ama hantiwadaagga ah ee iyaga
    uga hiilinaya dabaqadaha ka sareeya ee burjawaasiyiinta iyo maamuusleyda ah
  • Natiijada :- In la heli waayo shakhsiyaad xaq uu dirir ah oo ka falceliya
    arrimahaas iyo dulmi baahsan oo awood sheegasho ku yimaadda. Bar-bilowga
    dagaalo sokeeye oo ka dhex aloosama dabaqadaha tartamaya ee bulshada. Kacdoono
    iyo inqilaabyo ay oogaan dabaqadda "Proletariatka " ama xoogsatada ah, kuwaaso
    ka dhan ah dabqadaha ka sareeya.

3. Amniga:- Cadaadiskii midowgii soofiyeeti waxaa uu badana ku wajahna
dhinaca amniga, sii ay meesha uga baxdo xasiloonida iyo daganaanshaha
ummadaha.

  • Qaababka weerarka :- arrimaha sirdoonka ee sirta iyo xogaha ah oo lagu ag
    fashiliyo shisheeyaha iyo warbaahinta, ciidamada kala duwan oo maqaamkooda
    dhulka lala dhaco, lana muuq siibo, xeeladan oo loo marayo qaab jahwareer ah
    waxaana qaar ka mid ah shacabku isku mitaalayaan ama wanjalayaan ciidamada
    ummadda, isla markana waxay galaafanayaan wajigii wanaagsana ee ciidanka.
  • Natiijada :- Xasilooni daro, kala qaybsanaan ummadeed iyo abuurmanka
    maleeshiyaad hubeysan oo bulshada dhexdeeda ka abuurma.

4. Siyaasadda Gudaha:- badanka bayhoofka iyo siyaasadda xumada uu geysan
jiray midowgii soofiyeeti waxaa badana uu asiibi jirey hab-maamuulka gudaha
isla markaana sii xagjirnimo leh.

  • Qaababka weerarka :- is xisbeysii siyaasadeed, kala duwanaansho qadiyadeed
    iyo sameysanka ururaad uu taagan kala qaybinta ummadda iyo in ummadda
    hogaankooda lagu diro.
  • Natiijada :- Midnimo la'aan siyaasadeed iyo kala qaybsanaan siyaasadda
    gudaha ah

5. Dibedda:- Haddaba marka la beegsanayo shakhsiyaadka ka soo jeeda waddamada
diiradda soofiyeetku saaranyahay, waxaa marka ugu horeysa fikir ahaan iyo
muuqal ahaan dhici karta in sii indha La'aan lagugu kulansiyo badana dadka
lagu tuhminayo kha'inimo sii hadhow eedeyn been abuur ah lagugu soo tuhmo isla
markaana lagugu dhejiyo shaambad qaran-dumis.

  • Qaababka weerarka :- Tuhmin been abuur ah, la saaxiibka shakhsiyaad lagu
    maleegay ama la soo faray.
  • Natiijada :- Go'doon wakhti dheer ah, Xabsi-gal, iyo arrimo been abuur ah oo
    dusha lagaa saaro.

J) NOLOSHA GUUD

Qaybtani waa qaybta ugu culus ee uu soofiyeetku ummadaha
kasoo weerari jireen isago kala geynaya arrimaha nololeed ee ummadda dhexdeeda
ah.

Qaybaha Nolosha guud:

1. Qoyska iyo bulshadda:- Qoyska iyo bulshadu waa tiirka ugu muhimsan ee
ummadi ka noshahay, waana xuddunta aasaaska uu ah jaceylka dhexyaala ummadda,
haddaba soofiyeetku meelaha ugu muhimsan ee uu ka soo weerari jiray waxay
ahayeen dhinaca lamaanaha, sii ay uu soo baxaan jiilal nolosha ka dhici kara,
isla markaana abuuraya darxumo iyo bayhoof bulsheed iyo jaahilnimo bulsheed.

  • Qaababka weerarka :- Abuurmanka xaalado kala guur ah isla markaana abuura is
    furitaan qoyseed oo lamaane, iyo abuuritaanka dareen neceyb ah oo dhaxeeya
    bulshada.
  • Natiijada :- kalsooni darro qoyseed , is-aamin la'an bulsheed, darbi jiifnimo
    iyo yaraanta tirada dhalashada bulshada, taas oo sababaysa burburka waqtiga
    dheer ee bulshada ama ummadaha.

**2.Caafimaadka **:- marka ummadd la wiiqayo jiritaankeeda nololeed waxaa
ragaadin iyo dabino lagula kaca hab-nidaamka caafimadeed ee ummadda, iyado
meesha laga saarayo aqoonyahankeeda iyo qaabeeyeheeda caafimaadeed. Haddaba
hababkii ugu saameynta badna ee soofiyeetku dabin-dhigi jiray waxa kamida.

  • Qaababka weerarka :- abaabul wadar ah oo qaybaha mala'awaalka ku dhisan,
    sida sameynta xarumo lagu miir doorsinayo shakhsiyaadka iyo bulshada, soo
    saarista daawooyin dilaa ah iyo quud lagu tarmiyay kimikooyin oo ugu
    dambeyntii sababi kara halaag caafimaad iyo mid nafsiyadeed oo ummadda ku
    habsada.
  • Natiijada :- Halaag nafsiyan ah, bayhoof iyo niyad jab umadeed.

3. Cirqiga:- habka ugu dileysan ee ummadd lagu kala geyn karo, waa qiimo
tirida cirqiga ama anafada qoomiyadeed ee ummadd taaso leh qabiilo iyo reero
hoosaadyo ay ka soo jeedaan. Sidoo kale isku dirridda iyo kala eexashada
qabiilada ummaddu uu kala baxdo.
waana asbaabihi uu ku guuleystay soofiyeetku, gaar ahaan yemen iyo ummaddeenan
soomaaliyeed.

  • Qaababka weerarka :- tafaaftirka iyo soo saarista ajendayaal kala soocaya
    curuuqda, qabiilada iyo qiimo tirka martabadaha bulsheed ee kala duwan, sidoo
    kale qalaalase abuur uu dhaxeeya curuuqda dhaladka ah iyo qoomiyadaha kale ee
    ku nool waddamada qoomiyadaha badan leh.
  • Natiijada :- Nacayb curuuqeed, cunsuriyad baahsan, kala qaybsanaan bulsheed.

4. Caqliyadda dadweynaha:- saameynta taban ee maskaxeed ee dadweynaha lagu
kaca waa waddada halaaga iyo dumitaanka ummadda.

  • Qaababka weerarka :- abuuritaanka fikrado anshax xumo ah iyo magaaleynta oo
    ah bedelidda hab-dhaqanka iyo hab-fikirka dadweynaha, iyado lagu saleynayo
    heerka wacyigeeda.
  • Natiijada :- badnaanta fikiradaha baadilka ah, Kala-goyn shisheeye oo uu
    sababay faragelinta shisheeyahu, Kala qoqobnaan iyo soo ifbaxa burbur
    maaganayaal.

5. Hab dhismeedka shaqeed:- jaahilka oo la aamino iyo iyo haldoorko laga
aamin-baxo, waa mid kamida silsiladaha burburka uu keena ummadaha,

  • Qaababka weerarka :- abuuritaan colaadeed oo uu dhaxeeya shaqaalaha kala
    qolyaha gaarka ah iyo qolyaha dawladeed.
  • Natiijada :- Hanjabaado ka baxsan xeerarka dastuuriga, taaso ugu dambeyntii
    sababi karta qalaalase amni iyo mid bulsheed.

2. Destabilization: Marxaladda xasillooni darrada

Marxaladdan waxay qaadan doonta ku dhawaad 2 sano ila 5 sano oo xasilloono
darra'a, waana aasaaska muqaddaska ah ee sababa burburka ummadaha ama aan
yiraahdo ummadda.

B) Halganka awoodeed :-

Waa aminta oogitaanka xasilooni daradda

  • Qaab weerarka :- ku dhex Abuuritaanka bulshada fikrado liddi ku ah hanaanka
    siyaasadeed ee dawladda iyo ku kacdoon halgan awoodeed ah oo hab masuuliyad
    darro ah ku dhisan. Sidoo kale abuuritaanka colaad uu dhaxeysa qolyaha
    Asalraaca ah (Righ Populist) iyo qolyaha casri-raaca ah (Left Populist).
  • Natiijada :- isticmaalka awoodda dawladeed ee habka keli talisnimadda ku
    dhisan ama (big brother phobia) tano ah isticmaalka dareen cabsi gelin ah iyo
    la socodka arrimaha nuxureysan ee bulshada, gaar ahaan arrimaha ku saabsan
    siyaasadda iyo awoodda. Arrinkan oo ugu dambeyn keenaya cabsi bulsheed.

T) Dhaqaalaha :-

Marka laa doonayo in hab-dhismeedka dhaqaale laa wiiqo, waa
in loo sameeya ururaad ku bahoobay budhcadnimada iyo kala qaybsiga hantida
ummadda, iyado lagu saleynayo heerka xisaabtanka bulsheed iyo wacyiyoogada
guud.

  • Qaababka weerarka :- Burburinta geedi socodka gorgortanka dhaqaale, hanti-
    goyn sifo siyaasadeed ah.
  • Natiijada :- Hanti-lunsi ku dhisan keli talisnimo, iyo ku sifoobidda
    nidaamka cabsi gelinta ah ee (big brother phobia).

J) U dhaxeynta bulshadda :-

waddooyinka ugu culus ee ummadaha lagu kala goyn
karo, waa inaan dhexdhexaad loo noqon oo eexashada iyo qaraabo kiilku ay
yihiin ajendaha guud ee wax lagu dejiyo.

  • Qaababka weerarka :- aasaasidda ururaad dano-haybeed ama qabiili ah, isla
    markaana uu dhaqaaqaya arrimaha siyaasadeed ee xidiidaysiga ku dhisan (Grass-
    roots Movements).
  • Natiijada :- Maamuul ku dhisan hab qabiileysan oo keli talis ah (mobocracy)
    iyo burbur ku yimaadda awooda bulshadda.

X) Siyaasadda Dibedda :-

Midowgii soofiyeet qorshayaashii ugu muhimsana ee uu
ku dhisi jiray nidaamkiisa, waxaa kamida ahaa kicinta xaalad qalalaase oo
dibedda ah.

  • Qaababka weerarka :- go'doon dibedeed, alifidda sameysanka siyaasad ama
    hogaamiye mucaarid ah oo tarxiil ah oo doonaya talada dalka iyo isbahaysi
    xisbiyeed ee ku dhisan nidaamka (bureucracy) biruuqraddiyadda.
  • Natiijada :- imaatinka xaalad xoog ah oo bartilmaameedsan sii loo go'doomiyo
    hanaanka siyaasadeed ee waddanka sii qalaalaase uga oogmo gudaha dalka. soo
    bixitaanka siyaasad dibadda laga soo dhisay oo ku dhisan hab-meeqameed laga
    been abuurtay.

3. Crisis: Marxaladda qalalaase abuurka

Qalalaase abuurka - tani waa tallaabada ugu weyn ee nidaamkan, iyaddo
soconaysa illaa lix toddobaad (2-6 todobaad), waana marxalladda dagaallada
sookeeye ama kacdoonada siyaasadeed ay oogmaan, waxayna ku lug leedahay
isbeddelka awoodeed ee kacaanka ku dhisan. Halkani waa meesha ay ka dhacdo
musiibo kicisa qalalaase iyo xiisado joogta ah oo isla markaana waddanka u
qeybisa koox-koox maleeshiyad ah taas oo argagax ku abuureysa muwaadiniinta.
Marxaladan waxay leedahay Astaamahan, waxaana ka mid ah wareejinta ama kala
soocida dastuurka iyo beddelidda nidaamka jeeggareynta (Checkings) iyo isuu
dheelitiri la'aanta dowladda iyo suurtagalinta sharciyadda dagaalka
(martialism).

4. Normalization: Marxaladda caadi ahaanshaha

Marrxaladdan ugu dambeysa waa marxaladda ay dadku ugu dambeyntii aqbalaan oo
ay bilaabaan ku fikiridda isticmaalidda nidaamka shuuciga ah ee (Communism)
kadib burburka ku yimid nidaamyadoodi hore, waana xaalad qasab ah oo midowgii
soofiyeeti ku cadaadin jiray waddamada uu burburiyay sida Koonfurtii Fiyetnaam
iyo Afqanistaan oo 1979kii ku cadaadiyay. Tani waxay qaadan kartaa ilaa
labaatan sano in la dhammaystiro, balse hannaankan caadi ahaanshaha waa mid
gaabis ah oo aan shuruud lahayn oo loogu talo galay in lagu quusiyo laguna
xajiyo xaaladihii bulsheed ee niyad jabinta, khalkhal gelinta xasiloonnida ee
isla markaana keentay xiisadihii horseeday burburka iyo hallagga ummadda.


Tixraac: buugga Novosti KGB, Documentiyada haayaddii KGB, Documentigii "
SUBVERSION PROCESS " ee uu soo saaray Yuri Bezmenov Sanaddii 1984kii.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...