Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Nebi codsaday kufsiga gabdhihiisa

W/Q: Qoraa Dahsoon
Diimaha 0
5.4k
·

9/15/2018

Nebi codsaday kufsiga gabdhihiisa

Quraanku sida uu soo warinayo qawmkii Luud waxay ahaayeen niman ku falan ragga
inay fuulaan, markii qawmkii luud laga kari waayay inay rumeeyaan nebigooda ee
la gaadhay wakhtigii la soo afjari lahaa ilaahay wuxuu soo diray malaa’igtii
halaagi lahayd wuxuuna u soo yeelay suurad wiilal dhalin yaro ah oo aad u
qurux badan! markii ay luud soo gaadheen waa uu marti sooray oo gurigiisa ayuu
ku soo dhaweeyay isagoo u arkayay rag caadi ah, warkiina magaalada ayuu galay
oo nimankii ragga inay fuulaan ku falnaa waxay u soo kaceen dhanka guriga Luud
si ay nimankaa qoyan uga soo xaajo guttaan.

Markii ay Luud u yimaadeen waxay u sheegeen dantay ay leeyihiin laakiin Luud
waa ka biyo diiday inay martidiisa u gacan dhaafaan. Waxay Luud ku yiraahdeen
miyaynaan hore ugu ballamin dadka ajnabiga ah inaadan na soo dhex gelin, balse
Luud go’aankiisii ayuu ku sii madax adeegay ayaguna hadafkooda inay gaadhaan
ayay ku madax adeegeen, sheekadii waa ay xumaatay waxay nimankii isku dayeen
inay xoog adeegsadaan si ay dantooda u fushadaan, Luud markuu arkay in laga
xoog badiyay maadaama ay ka tiro badnaayeen oo talana ku ciirtay wuxuu soo
bandhigay xal uu isagu dhexdhexaad u arkaayay oo ahaa inay martidiisa u
daayaan taas badalkeedana wixii ay martidiisa ku samayn lahaayeen ay
hablihiisa ku sameeyaan.

Nasiib wanaag nimankii way ka diideen ra’yiga uu soo jeediyay Luud waxayna u
sheegeen inuu is dabaaliska iska dhaafo maadaama uu ogyahay inaysan dumarka
wax dan ah ka lahayn!

Haddii aynu akhlaaqda Islaamka ka duulno Dulucda sheekadani waxay noqonaysaa
in nabi Luud uu ahaa dayuus hablihiisa soo bandhigay si loola raaxaysto, sidoo
kalana iska indha tiray dhaawaca iyo raadka taban ee falkani ku reebi karo
hablihiisa aan waxba galabsan isaga oo raalli galinaya niman ay habeenkaas is
barteen.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...