Nbai Maxamed maaha nabigii u danbeeyey!

Berigii hore boqor kasta waxaa talada ka dhaxli jirey ubadkiisa inta badanna
waxaa si gaar ah uga dhaxli jirey talada wiilasha. Haddii aad quraanka akhirdo
waxaad arkaysaa in nebi kasta ama badidooda ay dhali jireen ubad nebiya ah
loona diyaariyey inay dhaxlaan talada.
Nebiyada ama dadka sheegta in samada laga soo diray badankoodu waxay kasoo
baxaan bariga dhexe, badankooduna waxay u badan yihiin qoysas kala dhaxla
nebinimada. Qolyahaas ku adeegan jirey in samada laga soo direy waa ehel iyo
qaraabo kala dhaxlay talada ama nebinimada, wiilashooda ayaa iyagana sii
dhaxli jirey.
Nebi maxamed waxba kama duwanayn qolyahaas kasoo baxay bariga dhexe ee
sheegtay in Illaah samada degani la soo xidhiidhay dadkiisa dhulka deganna
fariin ugu soo dhiibey.
Nebi Maxamed markii hawshii isugu dhacday wax waliba ama badankooduna u
hagaageen waxaa soo wajahdey halis ahayd cida dhaxli doonta weliba marki ay
dhinteen Khadiija iyo Abu Daalib.
Nebigu wiilaashii uu dhalay badankoodu yaraan bay ku dhinteen, waxa u soo
hadhay hablo oo keliya. Maxamed wuxuu si qorsheysan oo garasho sare ka muuqato
u sii qorsheeyey cidda ka dhaxli doonta talada iyo inay is haysato oo aanay
burburin boqortooyada uu dhisay.
Nebigu isagoo rajaynaya in wiilal ka dhaxla nebinimada ay u dhashaan ayuu
haween aad u badan guursadey nasiib darro se uma hirgelin yoolkaasi. Taa
bedelkeeda nebigu wuxuu diyaariyey raggii ka dhaxli lahaa talada oo ay qaraabo
yihiin ama xidid la ah isaga ama kuwo uu hablihiisa siiyey.
Hablihii uu dhalay nebigu wuxuu ku ilaashey kursiga nebinimada oo wuxuu siiyey
reer tolkii kuwii ugu dhowaa, sidoo kale wuxuu u guursan jirey in lagaga
leexdoo guurka. Waa dhaqan carabtu lahayd in xididnimada lagu kala xishoodo la
iskuna qaderiyo.
Nebigu wuxuu xarrimay oo mamnuuc ka dhigay korsashada ubad aan la dhalin
ujeedku ma ahayn oo keliya inuu nebigu la dhacay oo ka helay quruxdii Saynab
balse wuxuu kaloo rabey hadiiba la dilo ama uu dhinto inaanu dhaxlin ninkan
addoonka ah ee madaw. Magaciisuna ahaa Zeyd Binu Maxamed waxaa loo bedeley
Zayd Binu Xaaritha. Saynab lafteedu markay Zeyd guursaneysey nebigaa u
guuriyey haddii kale maba yeesheen maadaama uu ahaa addoon madaw, Saynab
nebiga ilmaadeer bay ahaayeen ugu danbayntiina isagaa guursadey.
Sannadkii sagaalaad ee taariikhda hijriyada ayaa waxa la sheega in dad aad u
badani soo islaameen, haybaddii, boqortooyadii, ixtiraamkii iyo hantidii
meesha taalley waxay damac gelisey dad badan waxaase caddaystay damiciisa
Maslamah Bin Xabiib (Musaylama) oo sheegtay nebinimo, quraan cusubna
samaystay.
Sida la sheego sannadkii 18aad ee nabinimada Maxamed markuu wax wiil ah dhali
waayey ama ay dhinteen wixii noolaa wiilashiisii, nebi Maxamed wuxuu yidhi
waxaa soo degey aayadaha iga mamnuucaya inaan mar danbe guursado (لَّا يَحِلُّ
لَكَ النِّسَاءُ مِن بَعْدُ وَلَا أَن تَبَدَّلَ بِهِنَّ مِنْ أَزْوَاجٍ وَلَوْ
أَعْجَبَكَ حُسْنُهُنَّ إِلَّا مَا مَلَكَتْ يَمِينُكَ ۗ وَكَانَ اللَّهُ عَلَىٰ
كُلِّ شَيْءٍ رَّقِيبًا) iyo kuwa sheegeya inuu yahay nebigii ugu danbeeyey
nebiyada.
Intaa kadib nebigu wuxuu ku dedaaley dadka isaga ka danbeeya inuu kasoo xidho
albaabka nebinimada. Markuu albaabkaa xidhay wuxuu kaloo ku guulaystey inuu
sharciyeeyo in Khilaafada islaamku tahay wax gaar u ah qureysh oo keliya
(قرشية الخلافة) oo iyaga mooye dabadii cid talinaysaa aanay jirin, haddii ay
jirtana ay tahay cid geftey waajibna ay tahay in lala dagaalo.
Waxaa hubaal ah haddii nebiga wiilashiisu ka danbayn lahaayeen isaga inay
iyaguna maanta ahaan lahaayeen nebiyo sidii kuwii iyaga ka horeeyey. Nasiib
darro nebiga wiilashiisii ma gaadhiin da’ ay wax ku dhaxlaan oo yaraan bay ku
dhinteen.
Haddii aan wiilaashii nebigu gaadhin da’ ay wax ku dhaxlaan oo ay yaraan ku
dhinteen ma xaq baa inuu inaga xidho albaabka nebinimada? Adduunyadani
miyaanay u baahneyn nebiyo iyo rusul dadka ku baraarujiya diinta Illaahay?
Mise nebinimadu maanta shaqayn mayso?
Nabi Bile | Nabi Soomaaliya
Illaahay nebinimada u xidhi maayo nebi Maxamed ayaa wiilal la’aani ku dhacday.
Hadiiba ay jirto cid lasoo diri jirey saw gar maaha maantana in lasoo diro
nebiyo maadaama baahidii weli taagan tahay?
Haddii ay maanta jirto baahidii Illaahay usoo direy nebiyada waa waajib in la
helo nebi cusub oo Maxamed ka danbeeyey Shiikh Bilehii reer Mudugna ha
ahaadee.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida