Narcissism-ka bulshooyinka muslimiinta

X idhiidhka dhexmara dowladdaha ma ahaa mid ku dhisan: jacayl, karaamayn
iyo walaalnimo. Waa xidhiidh ku taagan tiirrar maslaxaddu ugu horrayso, oo aan
tixgelin arrimo ku dhisan dareenno jacaylku kow ka yahay.
Qofka muslimka ah kuma kalsoona qof aan Muslim ahayn. Dadka kale, waxa uu ka
haysta sawir shaydaameed isu bahaystay in ay isaga dhagraan. Waxa uu ka
dhigtay arrin biyo-kama-dhibcaan ah in isaga iyo musliiminta kale yihiin kuwo
leh sawir malaa’igeed. Waa halka ay salka ku hayso sababta rasmiga ah ee
cadowtinimada musliimintu u hayaan dadka ka aragtida duwan, ka diinta duwan,
ka qorshaha duwan. Qofka muslimka waxa dhibaato weyn ku haysa is moodsiis
qoto-dheer, oo ah in dhagar ama dhibaatayn ku wajahan diintiisi iyo
jiritaankiisa lagu hayo goor walba iyo goob kasta oo la joogo.
Narjasiyadda diineed(Narcissism) ee ku habsatay Musliiminta waxay barro
dhaaftaay taa bulshooyinka kale. Dhabtii waa mid ku dhisan aragtiyo aan
maangal ahayn, oo iska mala’awaal u badan, waxaana ka mid ah: aaminsanaanta in
ay dadka kale ka fadli badanyihiin; in ay ka xaq sarreeyaan; ka run sheeg
badanyihiin, sabaabtuna tahay in ay Muslimiin yihiin, oo keliya! Waan rejayn
lahayn ama xoogga yididillo ah bay dadka gelin lahayd hadii ay ku dhisantahay
waxyaabo dhabnimadooda la qeexi karo, horumar waarrana lagu gaadhi karo.
Mushkiladaha waweyn ee haysta bulshooyinka musliiminta ah waxa ka mid ah
thaqaafad ku dhisan dulmi-sheegasho. Meel kasta oo uu tago qofka muslimka ahi
waxa uu sheegan in la dulmiyey ama uu yahay dulmane dirir is xorrayn ah ku
jira. Waxa sumad u noqotay in uu is moodsiiyo dhammaan dadka kownka guudkiisa
saaraan ay yihiin kuwo isaga kasoo horjeeda. Si uu arrinkaas u iibgeeyo, oo uu
u ga gedo maanka dadka kale goor iyo ayaan waxa uu allifayaa sheekooyin
maangaalnimo ka dhigaya dulmi-sheegashadiisa.
Badi bulshooyinka dunida ku nooli way horumareen. Reer Galbeed iyo Maraykan
kama hor istaagin balse qaarkood waabay caawiyeen si ay kor-u-kac iyo horumar
u samayn lahaayeen. Xagasha Musliimintu wax ka eeggaan haddii laga soo istaago
waxa imanaysa su’aasha ah: Sidee bay suuragal u noqon lahayd in Maraykan iyo
Reer Galbeed u ogolaadaan Hindiya, Jayna, Kuuriya iyo Jabaan in ay horumaraan?
Waa su’aasha jebinaysa maanka xidhan ee musliiminta, ee ay buux dhaafsheen
aragtiyaha salka ku leh mu’aamarada (Conspiracy theory). Waa se arrin caal waa
in dib-u-dhaca bulshooyinka Musliiminta ahi ay kaga dhuuntaan xaqiiqada
hortaalla.
Runta kolka aan laga baxsanayn, waxa Bulshooyinka Musliiminta ah horyaalla
su’aallo faro-badan, oo ay tahay in ay ka jawaabaan. Waa maxay waxyaabaha ay
daahfureen ama soo saareen ee u addeegaysa insaaniyadda, marka loo
barabardhiggo reer galbeedka? Immisa cilmi-baadhiseed bay sannadkii soo
saaraan ama fidiyaan? Miisaan intee le’eg bay ku lee yihiin ganacsiga
adduunka? Waa maxay wax-soo-saarkooda ay kusoo kordhiyaan thaqaafadda, si guud
Art-ka, fanka sannadkii?. Waa su’aallo ay tahay in uu is weydiiyo qof walba oo
Muslim ah. Kelmadda mu’aamarad ee dhowrka jeer innagu soo noqotay buux
dhaafisayna maskaxaha musliiminta bal aan is weydiino yaa isu dhiga
mu’amaradda? Waa in badanka labada dhinac ee is mu’amaradeeynaya isu dhigmaan
si uu midkood ka kale isu hoos mariyo. Aslan laba daraf oo aan isu dhigmiin
wax soo saar, dhaqaale, ganacsi iyo sumcad midkoodna waxa uu ka itaalka
darrani in uu ka weyn ka fiicanyahay u gu arko waa gardarro. Waxa uu in u
mu’amarad loo dhigayo u gu tiraabaa, waa iska samir taag waa.
Waxa baqdin weyn i gu haya in aanay weli muslimiin badani garwaaqsan in ay
heer lagu tilmaami karo foolxummo ku yihiin bina-aadamka. Waxa ay baa isku
deyayaan in ay ku dheeldheelaan wax-soo-saar ummaddo kale, waxa ay doonayaan
in ay wax burburiyaan, oo kharribaan meertada noloshu bina-aadamku siday u
socoto maanta. Sabaabo diimeed baa u gu horreeyo iyo sheegashadooda ah in ay
dadka u gu wacanyihiin, oo ay ku san taagaan; qaar addoonsadaan; qaar kibir ka
qaadaan; qaarna laayaan.
Wax-soo-saarka Musliiminta:
Baabuur qarxaya; qof qarxaya; faafinta qiyam ku salaysan dib-u-dhac; khuraafad
iyo kala qaybin; burburin iyo kharribaad meelaha horumar kasoo muuqdo.
Guntii iyo gebogebadii, qofka Muslimka ahi ha ogaado in runtu mur ay ka
qadhaadhahay, oo u la noolaado, lana qabsado. Waa in uu ogaado, waxa ugu weyn
ama ugu badan ee mu’amaradda ku haya maankiisa iyo caqligiisaba u yahay
turaaska(dhaxalka) diimeed ee u qoran iyo kutubkiisa muqadaska ah.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida