Nacaybka Yuhuudda maxaa sal u ah?

D ad badan oo muslimiin ah baa yuhuudda waxa ay ka aamminsan yihiin
aragtiyo mucjiso ah oo ay ka mid tahay in ay sida shaydaanka yihiin wax caqli
badan oo uu caqligoodu shar keli ah ka samaysan yahay. Wadaaddada sheegta
sunniyiintu marka ay ka hadlayaan firqooyinka ay u yaqaanniin ”Kuwa lunsan”
sida shiicada iyo murji’ada waxa ay mid kasta oo ka mid ah sheegaan in uu
lumiyey nin yuhuud ahi, oo haddii ay meel kale oo ay yuhuud ka soo geliyaan
waayaan waxa ay yiraahdaan ”Ninkii aragtida lahaa aabbihiis bay nin yuhuud ah
deris ahaayeen”! Waxyaalahaas oo dhammi waxa ay muujinayaan in aysan
muslimiintu yuhuudda u arag gaalo caadi ah ee ay u arkaan wax aan dad ahayn oo
ka samaysan caqli shaydaan oo yaab leh.
Haddii runta loo soo laabto yuhuuddu waxba ka ma duwana gaalada kale oo ka ma
ay caqli badna ummadaha kale. Waxa ay leeyihiin dad aqoon leh iyo dad
jaahiliin ah, dad caqli badan iyo kuwo maangaab ah, dad hodan ah iyo kuwo
sabool ah, dad miyir qaba iyo kuwo waalan intaba. Ma jiraan haba yaraato ee
wax ay kaga geddisan yihiin dadyowga kale, isla markaas diinta islaamku ma
sheegin in yuhuudda aakhiro si gaar ah loo cadaabi doono ee waxa ay sheegtay
in gaalada oo dhammi ay cadaab ku waarayaan. Waa gef iyo khalad in qowmiyad
dhan laga qaato aragti ah in ay isku mid yihiin, waxaana aragti guudmar ah
qowmiyad dhan ka qaata dadka cunsuriga ah oo maanka gaaban.
Mar haddii ay diinta islaamku dadka u ka la faquuqdo gaalo iyo muslimiin oo ay
gaalada ku xukuntay in uu Eebbe cadaabi doono cadaab isku mid ah waxaa kuu
caddaatay in uusan nacaybka gaar ah ee ay muslimiintu yuhuudda u qabaan asal
caqiido lahayn, laakiin uu yahay wax iska samaysmay oo dhaqan ah.
In ay dad carab ah iyo yuhuudi isku haystaan dhul Shaam ku yaal lafteedu
nacaybka oo dhan asal u ma aha oo waddaaddo hore ayaa qori jirey takoorid
yuhuudda ku saabsan, laakiin haddii aynu qaddiyadda Falastiin iyo yuhuud ka
sii fakarno su’aalaha iman kara waxaa ka mid ah ”Horta yuhuuddu dunida halkee
bay dal ahaan u leeyihiin?”. Ma ay jirto qowmiyad dad ah oo aan dhulka ku
lahayn meel ay degaan ee awal yuhuuddu xaggee bay ku beernaan jireen? Haddii
aynu niraahno ”Yuhuuddu dhul ma leh, xaqna u ma ay laha in ay dhulka meel ka
mid ah yeeshaan” waxa ay noqonaysaa macangagnimo aan caqli ku salaysnayn.
Yuhuuddu markoodii hore degaannada carabta oo dhan bay wax ka degi jireen,
laakiin waxaa laga yaabaa in ay u badnaayeen meelaha Quddus u dhow oo ay
carabtu dib kaga xoogaysteen. Haddii aan irbad daroogo ah la isku mudin waxaa
cad dhulka ay maanta sheeganayaan in aysan carabta ku la murmaysaa ka xigin,
isla markaas carabtu dhulal badan oo ay dad kale ka boobeen bay isku
ballaariyeen, cidina taariikhdii ay boobeen dib u ma raacdo, halka ay yuhuuddu
boqcad yar oo ay asal ahaan ka soo jeedaan ku nabad geli la’ yihiin.
Hadal iyo dhammaantiis yuhuuddu cirka ka ma ay iman ee dhulka ayey wax ku
leeyihiin, iyaga iyo carabtuna waa labo qolo oo soomaalida iska xiga oo uu ka
dhexeeyo nacayb xin ah oo aan waxba ku dhisnayn. Taariikh ahaan wax baa ka
jira in uu Maxamed yuhuudda marar badan uu xasuuqay si arxan darro ah, laakiin
dumarkii uu qabey mid baa yuhuud ahayd. Maanta qof soomaali ah ma ka
suurtowdaa in uu qof yuhuud ah guursado? Maya, waayo waxa uu u arkaa qof jir
ahaan iyo nafsad ahaanba faddaro ah oo shaydaan ah, taasina ma aha dhaqankii
nebiga, maxaa yeelay nebigu waxa uu rabey in uu yuhuudda dabargooyo ama uu ka
sifeeyo dhulka carabta ee u ma uu haysan dad faddaro ah oo aan laga guursan
karin.
Yuhuudda iyo nebiga waxaa ka dhexeeyey loollan qabiil oo la mid ah qabyaaladda
soomaalida. Maxamed Faarax Caydiid waxa uu aamminsanaa in la dabargooyo
qabiilka Maxamed Siyaad Barre, laakiin in qabiilkaas aan laga guursan karin oo
ay faddaro yihiin ma uu aamminsanayn, waana isla aragtida uu nebigu yuhuud ka
qabey.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida