Nacas nacab ah!

“Nacas“ waa erey ay dadka ku hadla afka “Maxaa“ wada yaqaanniin oo wuxuu la
macne yahay ”doqon”, hase yeesho ee dadweynaha ”May” ku hadla lama hubo in ay
wada garanayaan. Waxaa laga yaabaa in uu ereyga ”nacab” xoogaa adag yahay,
wuxuuse haddii la soo koobo u dhigmaa kalmadda ”cadow”.
W axaa si fudud loo caddayn karaa in cadownimada iyo nacabnimadu ay ka
buuxaan qof kasta oo soomaali ah maskaxdiisa iyo laabtiisa oo ay yihiin
dabeecado uu soomaaligu iska leeyahay, hase yeesho ee isweydiin baa ka iman
karta in nacasnimada iyo doqonnimadu laftoodu ay dadkeenna dhiigga iyo dhuuxa
kaga jiraan iyo in kale.
Dawladdii ugu danbaysey oo kacaanka ahayd intii ay jirtey waxaa bulshada lagu
dhexbaahiyey in uu qofka soomaaliga ahi diric yahay. Dadkeenna in ay diricyo
ka mid yihiin ujeeddadu ma ay ahayn, ee wuxuu kacaanku sheegay in uu soomaali
kastaa gaar ahaan diric u yahay, oo ay diricnimadu tahay tilmaan uu qofka
soomaaliga ahi ku dhasho, isla markaas aan tilmaan kale dadkeenna looga
baahnayn ee in uu qowmiyadda soomaalida ka dhashay ay ugu filan tahay in uu
qaato shahaadada diricnimada.
Waxaa jira labo erey oo isu dhawaaq dhow oo kala ah ”diric” iyo ”dirac”. Midka
hore macninihiisu waa qof caqli badan oo firfircoon, midka danbena waa maro
khafiif ah oo ay dumarku ku lebbistaan markii ay rabaan in jirkooda meelo ka
mid ah la daawado. Waxaa qorraxda ka cad in aysan maro khafiif ah ahayn
shahaadadii uu kacaanku innaga oo caamo ah inoo qaybiyey, ee waxaa qof walba
soomaali ah waagaas loogu bishaareeyey in ay caqli iyo firfircooni ka
dheregsan yahay.
Inta aynaan maqaalka dulucdiisa shaaca ka qaadin ayeynu si kooban u sheegaynaa
qiso ku saabsan sida uu kacaankii diricnimada inooka safay innaga oo aan
malaha diricyadu inaku badnayn. Oday kacaankii muddo dheer ka mid ahaa baan
maalin dhaweyd saacad la sheekaysannay. Afeef ahaan baan u sheegaynaa in uusan
sheekaysigaasi ahayn mid ay qalbiyadu isu furnaayeen, waayo waxaannu qabnaa in
qofkii kacaankii xilli dheer ka mid ahaa uusan damiir fiican lahayn.
Idaacaddii kacaanka ayey markiiba sheekadii nala gashay, waxaana hadalkii ka
soo baxday qiso xilliyo kala duwan laga baahiyey idaacaddaas oo malaha ahayd
in nin ingiriis ah la weydiiyey bulshada adduunka ugu diricyo badan, uuna ku
jawaabey ”Waa Ingiriiska”, dabadeedna uu sheegay in uu markii uu jawaabayey
niyadda iska lahaa ”Waa soomaalida”, hase yeesho ee uu ummaddiisa ka
xishooday, oo uu markaas eex cad ku tillaabsaday.
Qisadaas ayaa ugu cuslayd daliilihii uu kacaanku u cuskaday in uu qof kasta oo
soomaali ahi diric yahay, waxaana hadalkaas idaacadihii kacaanka laga sii
daayey boqollaal goor, si loogu bishaareeyo qof kasta oo soomaali ah in uu
meesha uu joogo diric ku yahay.
Xataa haddii ay run tahay in nin ingiriis ah su’aashaas la weydiiyey, oo ay
run tahay in ay qalbibigiisa ku soo dhacday diricnimo soomaaliyeed ma
diricyaynu arrintaas ku noqonaynaa? Waxyaalaha dadka qalbiyadooda ku soo
dhacaa aad ayey u badan yihiin, oo xataa malaa’igta dadka garbahooda saarani
ma ay qorto. Waxaannu hubnaa in dadka caddaanka ah badankoodu markii ay arkaan
soomaalida iyo madowga kale ay qalbiyadooda ku soo dhacdo ”Devil Negro” oo ah
”Shaydaan madow”. Meel kasta oo uu caddaan ku dhaqan yahay haddii uu qof
madoobi ku noolaado wuxuu maqlayaa ereyadaas oo markii ay caddaanku sarqaamaan
ay sida fallaartii ugu soo ganayaan.
Dadyowga la gumaystey oo dhan dhibaato ayaa ka haysata in ay u dullaysan
yihiin hadal laga soo sheegay qof ingiriis ah, laakiin dhibaatada ugu weyni
waxay malaha ku habsatey soomaalida iyo carabta. Qoraallada carabiga iyo kuwa
soomaaliga waxaa ku walaaqan kalmado afka ingiriiska ah, hase yeesho ee
qoraallada ku qoran afafka lagaga hadlo Jarmal, Denmark, Norway, Holland iyo
Iswiidhan haddii indhaha lala raaco erey afka ingiriiska ah malaha lagama heli
karo. Laga yaabee in lagu arko erey ay afafkaas qaarkood la wadaagaan afka
ingiriiska sida ”information” oo markaas uu ereygu ka mid yahay luqaddaas.
Xaggeenna haddii uu qof maqaal yar qoro oo uu rabo in uu dadka soomaalida ah u
sheego xog kooban wuxuu si qaab daran ugu barxayaa ereyo badan oo ingiriis ah.
Waxaa badan in qoraallada soomaalidu ay sidaan u eg yihiin:
Xog (information) ku saabsan (about) tacliinta (the education) oo laga sii
daayey idaacadda qaranka (the national radio)!
Ujeeddada ka banbaysa in uu qofka soomaaliga ahi sidaas qaabka daran dadkiisa
wax ugu gudbiyaa waa isla ujeeddada ka danbeysey in aynu diricnimo ka raadinno
hadal la sheegay in uu ku soo dhacay nin ingiriis ah qalbigiisa. Haddii ay
innaga qalbiyadeenna kun goor ku soo dhacdo in aynu diricyo nahay kuma aynu
kalsoonin, oo xataa madaxdii kacaanku waxay awoodi waayeen in ay ayagu
soomaalida u sheegaan in ay diricnimo riman yihiin. Sidaas darteed ayey nin
cad oo London khamro ku cabbaya niyaddiisa diricnimo uga soo xigteen
geeljiraha harraadan ee soomaalida.
Ereyada sida fooshaxun loogu walaaqo afka soomaaliga markii la qorayo iyo
markii lagu hadlayo waxaa ka danbaysa nacasnimo xun oo fadeexad ah. Qofka
soomaaliga ahi wuxuu xoogga ugu badan saara sidii uu bulshada inteeda kale u
gelin lahaa in uu asagu wax yaqaan. Haddii uu jaamacad ka baxo danta ugu weyn
oo uu uga jeedaa waa in ay soomaalidu ogaadaan in uu aqoon leeyahay. Markii uu
dantaas gaaro wax kale uma uu baahna oo in uu xirfaddii uu bartay shaqo ku
helo iyo in kale waa isugu mid, waayo awalba wuxuu gudanayey xil ah in ay
dadku ogaadaan in uu jaamici yahay, waana uu gutey xilkii saarnaa!
Markii uu aqoonyahanku xilkaas weyn guto ka dib wuxuu ku dadaalayaa in uu
soomaalida u muujiyo in uu ka aqoon badan yahay. Haddii uu diinta soo bartay
waa in uu wacdiga ku jeediyaa hadal uu carabigu ku badan yahay si ay
shiikhnimadiisu uga cagadhigato bulshada soomaalida dhexdooda. Dadka uu
wacdinayo waxaa malaha ka mid ah hooyadiis oo aan wax weyn ka fahmayn wacdiga
uu wiilkeeda daaciga ahi jeedinayo. Sidaas awgeedna waa in hooyooyinka iyo
wiilashooda culumada ah loo kala turjumaa!
Haddii uu maaddi iskoolka sare uga soo baxay waxaa lagama maarmaan ah in uu
caadaysto in uu afka ingiriiska ereyadiisa soomaaliga ku barxo. Kalmad kasta
oo uu afka soomaaliga ku qorayo waa in uu macneheeda oo ingiriis ah ku
dabaqoraa haddii uu garanayo ereyga ingiriiska ah oo la macnaha ah.
Hal dhibaato ayuu qofka soomaaliga ahi qabaa, waana in uu ka baqayo in aysan
soomaalida kale ictiraafin. Ummadaha kale iskama uu dhiso ee wuxuu iska gadaa
soomaalida, wuxuuna soomaalida u soo bandhigaa inta uu ka garanayo afafka
qalaad. Haddii qoraalkiisa laga waayo luqad kale wuxuu dareemayaa in ay
soomaalidu jaahil u haystaan. Sidaas awgeed wuxuu ka shaqeeyaa in uu
soomaalida harawsado, wuxuuna shahaadadiisa ku soo bandhigtaa in uu hadalkiisa
ku walaaqo ereyo qalaad, markaas ayuu qancaa.
In uusan qofka soomaaliga ahi ku kalsoonayn afkiisa, oo uusan barashadiisa
cilmi u qabin waxaa uga daran in uusan ku kalsoonayn sidii uu u soo noolaa iyo
meeshii uu ku dhashay. Waa uu yar yahay qof soomaali ah oo ku kalsoon in uu
run ka sheego meeshii uu ku soo koray iyo habkii uu u soo koray. Haddii uu
madax yahay wuxuu taariikhdiisa ku dheeraadaa intii uu madaxda ahaa, intii ka
horrayseyna waa uu qariyaa, waayo waxaa maskaxdiisa ku jirta in uusan sharaf
lahayn intii hore oo uu ceebaysnaa.
In siyaalo kala duwan loo soo noolaa oo meelo kala duwan lagu soo noolaa waxay
nolosha u tahay qurux, waxayna leedahay xiiso weyn. Qof kastaa wuxuu soo maray
waddo u gaar ah oo aysan dadka kale soo marin, oo wuxuu la soo kulmay
dhacdooyin xallad leh oo aysan dadka kale la soo kulmin. Tuulo kasta iyo
degaan walba waxaa ka jira murtiyo u gaar ah oo ay tuulooyinka kale u baahan
yihiin in looga warramo, waxaana ku duugan nolol qurux badan oo aan
tuulooyinka kale ka jirin.
Dunida inteeda horumarka fiican haysata waxaa ku badan dadka qora taariikh
noloneedkoodii, waayo in qof aftahan ahi uu filimadii nolosha oo uu soo maray
soo bandhigo waxaa ku duugan xikmad weyn oo ay bulshadu u baahan yihiin.
Innagu arrintaas oo kale ma aynu samayn karno, waayo kalsooni ma aynu hayno.
Afkii aynu ku qori lahayn kuma aynu qanacsanin, oo dalkii iyo noloshiisa kuma
qanacsanin. Qof kastaa meeshii uu ku dhashay iyo hannaankii uu u soo koray waa
uu qarsanayaa, siiba dadka miyiga ku dhashay oo magaalooyinka soo galay ibtilo
weyn baa haysata, oo waxay marayaan heer ay noloshoodii oo dhan inkiraan. Kuwa
magaalooyinka ku soo koray qudhooda haddii ay faqri ku soo koreen inkiraad bay
gelayaan, dadkuna faqri bay u badnaayeen, oo dhawr wasiir oo lacag xaday iyo
dad faro-ku-tiris ah baa ladnaa. Qofkii uusan aabbihiis waddanka lacag ka
musuq-maasuqin waa in uu taariikh nololeedkiisa inkiraa. Odayga laftiisu waa
in uu noloshiisa inteedii hore qariyaa, waayo inkiraad baa socota!
Qofka soomaaliga ah yaa ka dhaadhiciyey in ay saboolnimada iyo nolosha miyigu
fadeexad yihiin? Bulshooyinka kale oo afrikaanka ah badankoodu ma ay qabaan
dhibaatadaan, waxaanse arkay dad ku doodaya dabuub aan lagu qanci karin oo ah
in ummadaha ay risaaqaddoodu roobka ku xiran tahay dhammaantood ay ka lunto
kalsoonida nolosha oo dhami. Maaddaama xoolaha iyo beeruhuba roob ugu
cimriyaan, roobkuna uu yahay wax aan imaatinkiisa lagu kalsoonaan karin ayey
dadka maskaxdoodu khalkhashay oo waxba kuma ay kalsoonaan karaan.
Dooddaas waxaan ka maqlay dad ku dadaaley ni ay xal u helaan dhibaatadaan,
laakiin waa hadal aysan aragtidayda waxba ka jirin, waayo dadka xoolaha iyo
beeraha ka shaqeeyaa waa ay isku kalsoon yihiin. Qofka xoolo dhaqatada ah ama
beeraleyda ahi inta uu xoolaha iyo beeraha la joogo kalsooni buu qabaa beenna
ma uu ka sheego nolosha oo wax kasta sida ay yihiin buu uga warramaa. Markii
uu beerta iyo xoolaha ka tago oo uu magaalada qaraabo ugu tago ayuu wuxuu
bilaabaa in baararka fariisto oo noloshiisa been ka sheego, waayo wuxuu ku
dayanayaa dadka uu soo dhexgalay oo beenta badan.
Waxaa jirta dood kale oo sheegaysa in ay kalsooni darrida uu soomaaligu
afkiisa, hantidiisa, hoygiisa iyo dalkiisa ka qabo ay ugu wacan tahay in uu
yahay qof asalkiisu reer-guuraa ahaa oo aan degganayn. Dooddaan waxaa rumaysan
dad aan reer-miyiga aqoon, waayo dadkeenna miyiga deggani aad bay isugu
kalsoon yihiin. Afka soomaaliga waa ay jecel yihiin, degaanka aad bay u jecel
yihiin, mid kastaana hantidiisa waa uu ku iimaan qabaa, mana uu qariyo
degaankiisa iyo xoolihiisa, beenna kuma uu faano haddii aysan labo beelood is
xifaalaynayn.
Qofkii sidaas ahaa markii uu magaalo yimaado oo uu kalmado carabi iyo ingiriis
ah barto wuxuu inkiraa afkii soomaaliga, wuxuuna sheegtaa in uu wasiir dhalay
oo waalidkiisii lo’da ama beerta lahaa oo uu ka yimid badda ayuu ku daraa.
Waxaa laga yaabaa in uuba laftiisu sheegto in uu wasaarad agaasime ama
maareeye guud ka ahaan jirey, ama uu gashaanle sare ahaa oo uu ciidamada ka
ruqsaystay!
Waxaas oo shakhsiyad xumo iyo been ah ma uu aqoon intii uu xoolaha iyo beerta
ka shaqaynayey. Haddaba waxaa jira hadal oranaya soomaalida reer-magaalkoodu
waxay la dhaqan yihiin carabta, reer-miyigooduna waxay la dabeecad yihiin reer
galbeedka. Dadka reer galbeedka ahi waxay ku kalsoon yihiin noloshooda iyo
duruufohooda, mana uu jiro qof ay sida uu u nool yahay ceeb la tahay, oo
dadkooda qof kastaa waa uu ka sheekayn karaa sidii uu u soo noolaan jirey,
waana uu ku faraxsan yahay.
Xagga carabta waxaa ka jira is yasitaan iyo isu faan-faan caqliga ka baxsan.
Sidaas darteed waa in uu qofku sheegtaa in uu ka mid ahaan jirey heerka
bulshada inteeda kale ka sharaf badan oo ah madaxda iyo maalqaabeennada.
Halkaas ayeyna ku dhimatay shakhsiyaddii qofka carbeed, waxaana ku dayday
reer-magaalka soomaalida oo dhammaantood wada maareeye, agaasime iyo gashaanle
ama saddex xidigle midkood ah!
Kalmadaha afafka qalaad ah oo la iska soo hormarinayo, jagooyinka beenta ah
iyo hantida la sheeganayo dhammaantood wuxuu qofka soomaaliga ahi ka
dhiganayaa gaashaan uu isaga difaaco bulshada, waayo wuxuu ka baqayaa in la
yaso. Waxa uu yahay waxaa kala weyn waxa ay ka aamminsan yihiin dadka ay
baararka ku murmaani.
Madaxmimada loo dagaallamayo iyo boobka Soomaaliya ka jiraa waxay salka ku
hayaan arrimahaan, waayo sharaftii baa waxay gashay in madax la noqdo ama
hanti la boobo. In uu qof kasta oo waddani ahi qiimo iyo sharaf leeyahay,
nabadduna ay tahay karaamadii dadka waxaa laga jeclaaday in lagu dadaalo sidii
jagooyin iyo hanti la isugu harowsan lahaa, oo weliba qabyaalad damacaas loogu
gaari lahaa. Dhaqanxumadaani ma ay aha dabeecad afrikaan ee waa fakarxumo
xagga carabaha laga keenay.
Dhaqanka carabtu gebi ahaan wuxuu ku salaysan yahay in ay dadku is gumaystaan.
Ninka carabka ahi xaaskiisa iyo carruurtiisa wuxuu u gumaystaa qaab yaqyaqsi
ah oo banii’aadanimada ka fog. Markii uu oday noqdo wuxuu gumaystaa
qaraabadiisa oo dhan, wuxuuna noqdaa ilaah gaban ah oo ehelkiisa uga soka mara
ilaaha weyn oo salaadda, sakada iyo soonka lagu caabudo. Nin kasta oo carab
ahi markii uu cirroole noqdo wuxuu noqdaa sanam ay qaraabadiisu caabudaan, oo
aan laga daba hadlin. Haddii uu madax yahay ama uu maalqabeen yahay wuxuuba
ninka carabka ahi ilaahnimo isu diyaariyaa asaga oo dhallinyaro ah, waxaana
caabuda dadka yaqaan dhammaantood.
Ereyga ”rag” markii uu qofka soomaaliga ahi maqlo wuxuu dareemaa sharaf,
laakiin ereyga ”naago” wuxuu dareemaa ceeb. Haddaba maxaa labada nooc oo dadka
mid sharaf magaciisa ka dhigay midna fadeexad ka dhigay. Waa dhaqan carbeed in
”rujuula” oo ah ”ragannimo” ay faan tahay, waxayna rujuuladu bannaysaa in
dumarka iyo carruurta la addoonsado!
Qofka soomaaliga ahi wuxuu ku jiraa halgan uu nacabkiisa kaga hortegayo.
Haddaba nacabka qofka soomaaliga ahi waa kuma? Nacabka ruuxa soomaaliga ahi
waa bulshada soomaalida, wuxuuna qofku cadowgaas isaga difaacaa in uu cilmi
been ah, jago been ah iyo hanti been ah u sheegto, isla markaas uu ka qariyo
taariikh nololeedkiisa iyo filkiisa si aysan uga helin goldaloolo ay ka
yasaan, waayo dhagar baa socota sida uu u fakarayo marka la eego. Si uu qofka
soomaaliga ahi nacabkiisa uga guulaysto ayuu dagaal uu ku xukumo iyo boob uu
hanti ku helo u lebbisan yahay.
Nacabka qofka soomaaliyeed uma uu turo dantooda guudna waxaa kala weyn difaaca
adag oo uu ku dhacsanayo sharaftiisa ay nacabku hororayaan. Xoolaha nacabka in
uu dhaco iyo in uu caayo labaduba waa ay u bannaan yihiin sida uu u fakarayo,
isla markaas dhiiggoodu xataa waa mubaax, waayo waaba nacab.
Xaasidnimo iyo xiqdi ay nacasnimo ku dheehan tahay buu qofka soomaaliga ahi
bulshadiisa kula dhex jiraa. Marka aynu xaasidnimada iyo xiqdiga caadiga ah ka
hadlayno waa wax la garan karo oo aynu aadamiga kale la wadaagno, laakiin
xagga soomaalida waxaa xaasidnimada ku dhafan nacasnimo aan lala qabin.
Tusaale cad waxaa ah in uusan ruuxa soomaaliga ahi qofka uu neceb yahay
dadnimadiisa iyo kartidiisa qiri karin, ee uu toos u inkiro asaga oo axmaqnimo
ku dhiirranaya. Qof ay kartidiisu qorraxda ka caddahay ayaa haddii la neceb
yahay waxaa la iska oranayaa ”Waxba ma uu qaban karo”, isla markaas qof liita
ayaa haddii la jecel yahay waxaa la iska oranayaa ”Waa halyey”. Sababaha qof
lagu jeclaado ama lagu nebcaadaa waxay xagga soomaalida u badan yihiin
nacasnimo, sidaas darteed waxaa aad u badan dad aan wax weyn ku fiicnayn in ay
bulshada ugu magacdheer yihiin, waayo habkii wax loo qiimaynayey baa waxaa ka
buuxa axmaqnimo iyo xaasidnimo isbarkan.
Waxaa ugu daran in haddii uu qofka soomaaliga ahi arko labo qof oo isku xirfad
ah uu isku mid u qabo oo uusan weligiis kala garan karin midka kartida fiican.
Metelan haddii uu maqlo labo qof in ay jananno yihiin ama ay wadaaddo yihiin
ama ay magac kale wadaagaan, sida gabyaa, wuxuu soomaaligu isku qancinayaa in
ay siman yihiin, lagama loodin karo aragtidaas, waayo waa nacas nacab ah.
Haddii ay iskaashadaan xaasidnimo iyo nacasnimada noocaan ahi waxaa ka
dhalanaysa in ay bulshadu gebi ahaanba dunto, waayo dadkii baan la kala aqoon
ama loo quurin mid kastaa hawsha uu ku fiican yahay oo kulli isku mid ah.
Mar kasta qof baa waxaa loo dirayaa hawl uusan ka bixi karin, markii uu guul
darraystana waxaa lagu beddelayaa mid ka sii liita, waxaana meeshaas fadhiya
dad sida ugu habboon ugu guulaysan lahaa hawshaas, laakiin uusan nacaska
nacabka ahi ogayn ama uusan kartidooda u qirayn. Doorasho kasta oo ay dad
soomaali ahi sameeyaan waxaa ku milan nacasnimo iyo nacabnimo, waana lagu guul
darraysanayaa. Runtii waa wax laga murugoodo in uusan qofka soomaaliga ahi
waxba kala aqoon oo uu yahay nacas nacab ah, laakiin waxaa laga yaabaa in
boqollaal sano ka dib la arko qof soomaali ah habayaraato ee wax fahmi kara!
Waxaynu qofka sidaas nacaska u ah oo dadka uu nacabka ku yahay iska difaacaya
hadalkiisa kaga haraynaa mirarkaan gabayga ah, oo soomaalida ku saabsan:
Macrifo uma yeeshaan wuxuu, baran metaalkoode
Ayagaysu muuqanahayee, moog adduunyada’e~Cismaan keenadiid
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida