Nabinimada Einstein

A lbert Einstein 1905-kii wuxuu sheegay in haddii walax mug culus sida
qorrax, god madoobe (black hole) ama bah-qorraxeed ay kala dhex galaan
ileyska meesha uu ka soo unkamayo iyo isha eegaysa uu iftiinku leexsamayo oo
meeshiisii meelaan ahayn laga arkayo. Dhacdadaas waxaa lagu magacaabaa
gravitational lensing.
Gravitational lensing
Cir-dhugte lagu magacaabi jiray Eddington ayaa u ban-baxay in uu ka gun
gaaro warkaa. 1919-kii qorrax madoobaadkii dhacay ayuu ka faaidaysaty oo waxa
uu eegay xiddigaha ka dambeeya qorraxda ileyskoodu inuu dadab galayo marka ay
qoraxdu ku aaddan tahay iyo in kale. Siduu Einstein yiri bay u dhacday oo
ileyskii xittaa xisaab ahaan intuu yiri uu leexsamaa ayuu leexsamay!
1916-kii Einstein wuxuu sheegay in goobtiyo goorta markay walax mug culus
dhex maraan ay qaloociyaan goobtiyo goortaba, dhex markoodana uu soo saaro
hirar loo yaqaan hirarka cuf-isjiidka, kuwaas oo ku goosha xawaaraha ileyska
si darandoori ahna isku daba yaala.
14-kii September 2015-kii, mar uu Einstein mootanyahay in ka badan 60 sano
ayee bahda cilmigu la kulmeen wixii uu Einstein sii sheegay, markii laba black
hole oo isku dhacay in kabadan 1.3 billion oo sano kahor uu hir cuf-
isjiidkoodu dhulka soo gaaray oo ay qalabkooda ku arkeen.
1905-kii sidoo kale Einstein wuxuu sii sheegay in goortu ayna ahayn wax isku
wada midaa balse ay samayso is badbadal loo yaqaan time dilation. Wuxuu yiri
laba saacad haddii isku waqti lagu buuxiyo kadibna mid la saaro wax xawaare ku
socda ama meel cuf-isjiid badan, midna meel caadi ah la iska dhigo, ta
xawaaraha ku socota ama meesha cuf-isjiidka taal ayaa ka socod gaabnaanayso ta
kale.
1976-kii mar uu Einstein mootanyahay 21 sano, ayee bahda cilmigu ay laba
saacadood oo ah noocyada loo yaqaan atomic clocks-ka oo ah kuwa ugu saxan ay
isku waqti ka dhigeen kadibna mid ay oogada sare geeyeen halka ta soo hartay
ay dhulka ku reebeen. Siduu Einstein sheegay baa u soo baxday oo time
dilation bay isha saareen.
1916-kii ayuu Einstein sii sheegay in ay jiraan meelo ka mid ah goobta
(space) oo uu cuf-isjiidku aad ugu badan yahay wax kastoo soo ag marana jiita
oo wax kabaxsada jirin. Meelahaas waxaa lagu magacaabaa black holes sida
magacooda ka muuqatana xattaa ileysku kama fakado oo wax kaste way liqdaa!
Black Hole
April 2019-kii ayee markii ugu horeysay black hole sawirkiisa soo heleen bahda
cilmiga iyagoo isticmaalaya 8 radio observers oo saaran 6 buurood oo ku kala
yaala 4 qaaradood. Einstein oo 60 sano wax ka badan mootan ayaa la caddeeyay
waxa uu sii sheegay in ay run tahay.
Einstein muusan sheegan nabi nimo, malaaigta ayaan la sheekeystaa muusan oran,
ilaahii furayaasha cilmiga adduunka haayay ayaa ila soo hadlay muusan oran ee
waxaas oo waxyi ah waxa ku soo dajiyay waa qalinka oo kaliya haddana kun nabi
mey sheegin uunkana kumaysan soo kordhin inta uu isagu ku soo kordhiyay!
Nabiyadiinu haddii uu ilaahay la soo hadlay maxay cilmi intaa le’eg ama xattaa
ka daba dhow usoo daah rogi waayeen ama waxay sii sheegeen cilmigu indhaha u
saari waayay inta ay ku meereysanayaan sida musqusha loo galo iyo gacanta wax
lagu cuno?
Nabi nimo haddii ay cizo tahay Einstein baa ku xaragooday!
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida