Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Nabi Maxamed yaa loo soo diray?

W/Q: Khaalid Xasan
Diimaha 2
5.1k
·

7/4/2018

Nabi Maxamed yaa loo soo diray?

Aduunkan aan ku noolnahay waxaa inagula nool balaayiin dad ah oo aynaan af,
caado, degaan iyo dhaqantoona wadaagin wax walbana aan ku kala duwanahay. Kala
duwanaanshuhu waa qurux waana waxyaabah nolosha micnaha u yeela.

Waxaan awoowayaasheen iyo waalidkeen ka dhaxalnay diin ay la yimaadeen qolo
aynaan dhaqan af iyo degaantoona wadaagin iyaga laftooduna waa waalidkeen ee
waxay ka dhaxleen waalidkood. Laakin awoowayaasheeni hore siday hal mar diinta
islaamka ku qaateen toodina ku tuureen waa mawduuc baadhitaan cilmiyaysan u
baahan, waxaana muhiim ah in la ogaado waxay ka cararayeen ee ku qasbay inay
hal mar diinta cusub qaataan.

Si aynaan isaga qaadan wax aynaan garanayn oo weliba aynaan lahayn saw ma
haboona in aan is waydiino in diinta islaamka innaga la inoogu talo galay
inkale? Saw gar maaha in aan is waydiino in nebi Maxamed innaga oo Soomaali ah
la inoo soo diray iyo in kale? Quraanku se muxu arinka ka leeyahay.

Quraanku waa xeerka kowaad ee loo nisbeeyo in Illaahay soo dejiyey waana ka
cadaynta u ah nebinimada Maxamed quraanka laftiisana waxaa la yimi nebi
Maxamed mana jirto meel kale oo loogu gar naqo Maxamed Illaahay iyo quraanka
oo aan ka ahayn garasho caafimaadka qabta.

Dad madaw oo baahan iyo nin cad oo kitaab iyo kimis sita.

Illaahay wuxuu yidhi ummad kasta ama qolo kasta waxaanu u soo dirnay rasuul (و
لقد بعثنا في كل امة رسولا) tolow keeni meeyey? Aayad kale Illaahay wuxuu
leeyahay qolo ama ummad kasta waxay leedahay hanuuniye ama rasuul u gaar ah
(ولكل قوم هاد ) Aayad kale Illaahay wuxu ku leeyahay qolo kasti waxay leedahay
rasuul marka koodu yimaadona wuu u garsoona iyagoo aan la dulminayn (ولكل امة
رسول فإذا جأء رسولهم قضي بينهم بلقسط وهم لا يظلمون) kii Soomaaliyeed weli ma
iman saw maaha ?

Illaahay wuxu leeyahay reer Thamuud (ثمود ) waxaanu u dirnay walaalkood nabi
Saalax (والى ثمود اخاهم صالحا) Illaahay uma dirin nin aanay af aqoon. Illaahay
wuxu kaloo leeyahay reer Madiin (مدين) waxaanu u dirnay walaalkood Shucayb (
والى مدين اخاهم شعيبا) Illaahay kuwanna uma dirin nin shisheeye ah. Waxa
Illaahay aayad quraan ah ku leeyahay (و لوطا اذ قال لقومه) nebi Luut wuxuu la
hadleyey reer tolkii Illaahayna kuwaas oo keliya ayuu u diray.

Illaahay isagoo nebi Maxamed la hadlaya ayuu ku yidhi dheh nebiyadi iyo
rusushii iga horeysey waxba ma dheeri waxbana kama duwani (قل ما كنت بدعا من
رسل) hadana Illaahay aayad kale wuxuu leeyahay nebi Maxamed ma aha wax aan ka
ahayn rasuul sidii kuwii isaga ka horeeyey (وما محمد الى رسول قد خلت من قبله
رسول) nebi Maxamed wuxuu la mid yahayn uun kuwiii isaga ka horeeyey ee loo
diray reer tolkood oo keliya. Aayad kale wuxu Illaahay leyahay kuwa diintan
rumeeya waxay odhan kala guri mayno rususha Illaahay (لا نفرق بين احد من رسله)
saw gardaro maaha iyo amar diido inaad tiraahdo Muuse Nuux iyo Saalix oo
dhamaantood ahaa ahaa nebiyo Illaahay waxaa loo diray reer tolkood oo keliya
nebi Maxamedna aduunkoo dhan baa loo soo diray?

Illaahay wuxuu aayadan ku leeyahay waxaanu kugu soo dejiney quraan ku qoran af
carabi si aad ugu digto Umul-Quraa ( Makkah) iyo hareereheeda (وكذلك اوحينا
اليك قرأنا عربيا لتنذر ام القرئ ومن حولها) Illaahay ma odhan mana odhan kari
waayin waxaan kusoo dirnay Xamar iyo hareereheeda. Illaahay wuxuuu kaloo
leeyahay qoolo kasta waxaanu dirnay rasuul afkooda ku hadlaya (و ما ارسلنا من
رسول الى بلسان قومه ) taasi waxay gebi ahaanba meesha kasaaraysa in nebi
Maxamed Soomaali loo soo diray maadama aanu af Soomaali ku hadli jirin
Soomaalina aanu ahayn.

Illaahay wuxuu leeyahay waxaanu soo dejiney quraaan carabi ah (وكذلك انزلناه
قرأنا عربيا) Illaahay ma dhihin waxaan soo dejiney quraan af Soomaali ah.
Illaahay wuxuu kaloo leeyahay waxaanu ka dhignay quraanka carabi (انا جعلناه
قرأنأ عربيا) ujeedka aayadahani waxa weeye quraanka Illaahay wuxuu kuso
dejiyey af carabi maadaama uu carab oo keliya ugu talo galay.

Illaahay wuxu yidhi hadiii aan kusoo dejin lahaa quraanka af aan ahayn ka
carabta oo ay akhriyaan mabay rumeeeyeen (ولو نزلناه على بعض الاعجمين فقراه ما
كانو به مؤمينين) ujeedka aayadani waxa weeyeye hadi nebigu uu carabti reer
tolkii ula tegi lahaa quraaan ku qoran af Hindi ama Ingiriisi mabay rumeeyeeen
hadaba sideee la raba in dadka aan carabta ahayni ku aaminaan quraaanka aan
afkooda ku qornayn?

Weli ma is waydiisay waxa loo waayey nebi madaw mid indha yar ah ama haweeney
ileen dadka Illaahay abuurtay bay ka mid yihiine? Mase is waydiisay sababta
diimaha iyo dadka Illaahay lasoo xidhiidha ay ugu kooban yihiin bariga dhexe
oo keliya? Ma is waydiisey weli inaad u baahantahay inaad barato afka Illaahay
ama la idiin kala turjmo Illaahay? Weli ma iswaydiisay in Illaahay u baahan
yahay inuu cid waraaqo kuugu soo dhiibo oo ay cidi idiin kala dab qaado?

Nebi Maxamed (NNKH) waxaa loo soo diray reer tolkii aduunka kalena shaqo kuma
lahayn laakin nasiib darro waa lagu duuley dadkii aan carabta ahayn xoog baana
lagu islaamiyey iyagooo la leeyahay muslin aad nabad gashide (اسلم (تسلم

Innagu carab iyo yuhuud kama liidano waxaynu sugeyna in Illaahay dhexdeena
kasooo saaro nebi Soomaaliyeed oo afkeeena ku hadlaya si uu jidka xaqa inoogu
rido inoogana badbaadiyo halaaga aan ku sugannahay maanta.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...