Muslimiinta iyo Mulxidiinta

W axa aan u oran waayey ”Dadka wax rumaysan iyo kuwa aan wax rumaysnayn”
waa in dadka wax rumaysani ay aad u noocyo badan yihiin oo aan la soo koobi
karin siyaalaha ay u ka la fakaraan iyo in aynaan u baahnayn in aynu ogaanno
dhammaantood sida ay ka la yihiin. Sidaas awgeed waxa aan isku koobayaa innaga
muslimiinta ah iyo dadka aan Eebbe rumaysnayn oo maanta dunida ku soo
badanayaa aragtiyaha aynu ka la qabno iyo qolo walbaa midda kale sida ay u
aragto. Islaamku waa diinta keli ah oo maanta ay dad badani xoog u haystaan oo
diimaha kale dadkii haystey waa wax beeniyey iyo wax aan aad ugu dhegganayn oo
wax yar ka haysta.
Qofka muslimka ah oo ka soo jeeda dal ay dadka oo dhammi muslimiin yihiin sida
Soomaaliya caqligiisu ma uu suuraysan karo in uu jiro qof nool oo Eebbe aan
rumaysnayn, isla markaas aysan jirin wax diin ah oo fakarkiisa iyo dhaqankiisa
xadaynaya. Waxa uu u arkaa in rumaynta Eebbe ay wax weyn oo aan laga bixi
karin tahay, diintuna ay tahay waxa keli ah oo uu qofku gob ku yahay oo u
samaysa anshaxa, akhlaaqda iyo dhaqanka oo la’aanteed uu qofku xayawaanka ka
liito. Waxa uu u arkaa qofkii aan diin haysan oo siiba aan muslim ahayni in uu
adduun iyo aakhiraba guuldarraystay, isla markaas ay wax kastaa ka suurtoobaan
maaddaama uusan haysan diin uu ka tixraaco fakarkiisa iyo dhaqankiisa. Waxa uu
u arkaa qofka mulxidka ahi in uu yahay noole halis ku ah nolosha iyo dadnimada
oo aysan jirin wax celiya oo xumaanta ka joojiya, diintana waxa uu u arkaa
waxa keli ah oo hagaajiya sida ay dadku wax u qiimeeyaan iyo sida ay u
dhaqmaan. Waxa uu u haystaa mulxidku in uusan lahayn nuxur dadnimo maaddaama
uu jiritaanka Eebbe iyo qawaaniinta shareecada debedda ka joogo, waxa uuna u
arkaa in Eebbe iyo shareecadu ay leeyihiin macne weyn oo in aan la hoos
joogini ay tahay wax caqliga ka fog. Waxa uu u haystaa in qof aan Eebbe iyo
rasuulkiisa rumaysnayni uusan wax wanaag ah lahayn, oo xataa haddii ay dad
mulxiddiin ahi isaga axsaan u sameeyaan waxa uu u arkaa in ay kolleyba xun
yihiin.
Qof wanaagsan oo mulxid ah haddii uu arko ma uu rumaynayo in uu fiican yahay
ee waxa uu u arkaa in kufriga maskaxdiisa ka buuxa iyo in uusan ilaah iyo diin
lahayni in ay yihiin astaamo ugu filan in uusan qiimo lahayn. Siyaalahaas iyo
siyaalo kale sababta uu qofka muslimka ahi ugu fakarayaa waa in ay Eebbe iyo
diintu u la muuqdaan waxyaalo gudo weyn oo muhiim ah, ku jiritaanka diintuna
uu la yahay in lagu jiro wixii ugu muhiimsanaa oo la’aantood ay dadku ka maran
yihiin wax kasta oo wanaag ah. Muslimiinta waxaa ka dhex jirta aragti aad
carrabka loogu celceliyo oo ah in qofka muslimka ah dhiiggiisu uusan
bannaanayn, taas oo caddayn u ah in qofka aan muslimka ahayn la dili karo
markii la rabo oo uu dhiiggiisu bannaan yahay sida xayawaanka oo kale.
Soomaalida dhexdooda macnaha ”Gaal” aad u ma ka la saarna oo gaalka wax
rumaysan iyo midka aan wax rumaysnayn aad loo ka la garan maayo, waxaana jira
soomaali gaalada oo dhan kiristan u haysta kooda mulxidka ah, kooda masiixiga
ah, kooda hinduuga ah, kooda buudistaha ah iyo kooda bilaa diinta ah. Dadyowga
muslimiinta ah qaarkood waa ay u ka la duwan yihiin dadka aan muslimiinta
ahayni, laakiin soomaalidu waa dad aan cid ka duwan arag oo aragti yar ka
haysta aadamiga. Waxa ay muslimiin badan oo ay soomaalidu kow ka tahay u
haystaan in qofkii aan diin haysan ay ka suurtowdo in hooyadi iyo inantiisa uu
u galmoodo ama uu noqdo kuwa ay dadka isku jinsiga ahi isu galmoodaan
maaddaama uusan aamminsanayn shareeco u diidaysa. Waxaa la isweydiin karaa
aakhiro shareeco ma jirto ee waxyaalahaas miyaa la sameeyaa? Haddii la soo
koobo qofka muslimka ah waxaa ka buuxa nacayb uu u qabo gaalada oo dhan oo
haddii uu awoodi lahaa dhammaantood waa uu layn lahaa.
Qofka mulxidka ahi waxa uu dadka diimaha rumaysan oo dhan u arkaa dad ay dad
kale maskaxdooda ku ciyaareen, oo maskaxdooda lagu dhaqay aragti ay dad
khaa’imiin ahi waayo hore dadka ku sireen. Waxa uu u arkaa qofka wax rumaysani
in uu yahay maangaab aan dunida ku lahayn wax aragti ah oo maskaxdiisu ay u
xiran tahay dad dhintayi khiyaali ay waayo hore dad ku maaweeliyeen oo aan
caqliga suubban iyo fakarka dadka shaqo ku lahayn. Waxa uu u arkaa gebi
ahaanba diin macneheedu in uu yahay in dadka maangaab laga dhigo oo
maandooriye yar oo liita qofka jiritaankiisa oo dhan lagu xiro, isla markaas
qofba midka uu diinta ka badsado oo dhaqankeeda iyo rumaynteeda uga dhow yahay
in uu ka maangaabsan yahay, oo midka aan aad diinta ugu dhegganayn laga yaabo
in uu xoogaa fakari karo. Waxa uu u haystaa qofka muslimka ahi in uu yahay
noole halis ah oo inta maskaxda laga xaday lagu shubay khuraafaad uu qofkii uu
rabo dili karo, midkii uu doonana dhaawici karo. Waxa uu u arkaa in uusan qof
diinta islaamka rumaysani anshax iyo akhlaaq yeelan karin maaddaama uusan
dareenkiisa, maskaxdiisa iyo aqoontiisa aadami adeegsanayn ee ku raran yahay
fagrado gaboobey oo ay cadownimo iyo cawaannimo ka buuxaan.
Waxa uu u arkaa in anshaxa iyo akhlaaqda dadku ay ka soo maaxdaan dareenka iyo
maskaxda dadka xorta ah oo qofkii aan maskaxdiisa adeegsani uu xayawaanka la
mid yahay. Waxa aynu soo aragnay in qofka muslimka ahi uu mulxidiinta ka
aamminsan yahay in ay xayawaanka ka liitaan maaddaama aysan lahayn shareeco
xadaysa. Taas lidkeeda qofka mulxidka ahi waxa uu muslimiinta u arkaa in ay
xayawaanka ka liitaan mar haddii ay maskaxdooda ka tageen oo ay ka
shidaalqaataan khuraafaad waayo hore la allifey oo aad uga fog caqliga,
anshaxa, ilbaxnimada iyo maskaxda suubban. Waxa uu mulxidku muslimiinta u
arkaa dad haddii waxa gaboobey oo ay rumaysan yihiin ay amraan in uu isdilo
ama uu dad kale iska laayo yeelaya isaga oo aan ka fakari karin in ay khalad
tahay ee u hoggaansan wax ay dad hore sheegeen. Waxa uu u arkaa masuuliyadda
iyo anshaxu in ay ka yimaadaan maskaxda dadka oo dad maskaxdooda meel ku
qufuley aysan wax wanaag ah samayn karin. Halka ay muslimiintu u arkaan in ay
shareecadu tahay isha laga qaato wanaagga, xumaantana reebta waxa ay
mulxiddiintu u haystaan in ay shareecada ka buuxaan waxyaalo xunxun oo aan
aadamiga casriga ah u cuntamin, caqligana ka soo hor jeeda sida in qof dhagax
nafta lagaga gooyo, in qof nool addimada laga jaro iyo in la necbaado dadka
aan ku la diinta ahayn.
Mulxiddiintu waxa ay u haystaan in ay diintu ka kooban tahay caqli xumo,
anshax darro, arxan darro, isnacayb iyo ka la faquuqidda dadka, waxaas oo
dhammina ay yihiin liidashada diinta. Waxa ay u arkaan meeshii ay diintu ku
xoogaysato in ay ku bataan xumaanta sida islaynta, saboolnimada iyo xumaanaha
oo dhan, halka meeshii diinta laga fogaado ay dadku helaan nolol sare iyo
aadaminimo. Waxa ay u arkaan qofka diinta ku dheggani in uu xumaanta diinta
wanaag u haysto oo wax caqli ahaan xumaan ah uu in ay fiican yihiin isku
maaweeliyo sida in qof aan waxba cid u dhimin la dilo.
Weligeen haddii aynu tirinno labada dhinac midba midka kale sida uu xumaan ugu
arko ma aynu dhammayn karno, waxa ugu weyn oo ka la duwayaana waa in ay qolo u
haystaan in ay shareecadu tahay meesha laga qaadanayo xumaanta iyo samaanta
maaddaama ay ka timid ilaah murti badan, halka ay kuwa kale u arkaan in
caqliga iyo dareenka laga qaato xumaanta iyo samaanta oo ay shareecadu tahay
aragti liidata oo waayo hore ahayd. Yaqyaqsiga, xishoodka iyo anshaxyo kale
laga ma qaato shareeco ee waa abuurta dadka, waxa ayna mulxidiintu u arkaan in
dadku abuur ahaan ay ka la garan karaan xumaanta iyo samaanta. Midda kale ee
labada kooxood ay ku ka la duwan yihiin waa aakhiro oo muslimiinta macne ugu
fadhida, halka ay mulxiddiintu u haystaan riwaayad ay dad hore dhigeen oo
macne daran.
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxeexan.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida