Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Muslim nacayb ma jiraa?

W/Q: Shaafici Xasan Maxamed
Aragtiyo 1
15.4k
·

3/25/2019

Muslim nacayb ma jiraa?

I n muslimiinta la necbaadaa waa khalad, waxaa se ka sii khaladnimo weyn
in ay muslimiintu ku cawdaan in ay gaalo neceb tahay. Qofka muslimka ah oo
caadiga ah oo aan xagjirka ahayni gaalada ma neceb yahay? Qofka muslimka ah ee
caadiga ahi ma rumaysan yahay in qofkii isaga oo aan Maxamed rumayn
geeriyoodaa uu cadaab ku waarayo? In ay dadka oo dhammi hal qof rumeeyaan
suurtagal ma tahay? Haddii uu qofku rumaysan yahay in qofkii aan la fakar
ahayn la cadaabayo macneheedu waa in uu isagu cadaabi lahaa dadka ka aragtida
duwan oo dhan, waana nacayb meesha ugu danbaysa. Qofka rumaysan in hal qof la
wada rumeeyaa in ay waajib tahay oo ciddii aan fakarkaas ku raacin ka
aamminsan in ay ciqaab mudan doonaan waa qof cadow ku ah dadka oo dhan, isla
markaas aan garaad iyo aqoon sare lahayn. Muslimiinta keli ah hadalkani ma
khuseeyo ee qof kasta oo sidaas u fakaraya ayaa ku sifoobaya jaahil maangaab
ah.

Muslimka caadiga ahi in aan Maxamed la rumayn waxa uu u arkaa denbiilenimo,
dadka aan rumayn oo dhanna waxa uu ka aamminsan yahay aragti uusan qofka
soomaaliga ahi u baahnayn in loo faalleeyo. “Gaal” oo af soomaaliga ah qof aan
Maxamed raacin qofka ku sifoobaa muslimiinta agtooda waxa uu xun yahay xumaan
oo dhan, waxaana loo arkaa in uusan nafsad ahaan iyo jismi ahaanba nadiif
ahayn, isla markaas wanaag kasta oo uu sameeyaa uusan wanaag noqonayn ee uu
hal bacaad lagu lisay yahay. Soomaalidu qofka aan Maxamed rumayni marka uu
dhinto waxa ay yiraahdaan “Waa uu bakhtiyey”, bakhtina af soomaaliga waa
xayawaan aan la birayn ee dadka geeri ama dhimasho ayaa loo adeegsadaa. Qofka
muslimka ahi dadka aan Maxamed rumayn gebi ahaantood waxa uu u haystaa noole
aan xushmad mudnayn oo ay xayawaanku dhaamaan.

Waxa aynu in badan maqalnaa in muslimiinta dhiiggooda iyo maalkoodu ay xaaraan
yihiin, taas oo uu macneheedu yahay in dadka kale dhiiggooda iyo maalkoodu ay
xalaal yihiin. In qof Maxamed beeniyey la dilo muslimiintu xalaal keli ah u ma
arkaan ee waxa ay u haystaan in janno lagu gelayo dilka gaalka, waxa uuna qof
kasta oo muslim ahi jeclaan lahaa in uu helo fursad uu gaal ku dilo. Dadka ay
laayaan kooxaha muslimiinta xagjirka ahi waxa ay muslimiinta kale sheegaan in
aysan gaalo ahayn oo uusan dhiiggoodu bannaanayn ee haddii ay gaalo ahaan
lahaayeen muslimiintu waa ay isku raaci lahaayeen in uu dilkoodu wanaag yahay.

Qofka muslimka ah agtiisa waxa ay dadku xuquuq iyo xushmad yeelan karaan
markii ay Maxamed rumeeyaan, haddii kale adduun iyo aakhiroba waa ay
khasaareen. Waxa aad halkaas ka garan kartaa qofka muslimka ah sida ay u la
weyn yihiin waxyaalaha uu Maxamed sheegay, waayo insaaniyaddii iyo jiritaankii
dadka oo dhan buu ku xirayaa, ismana fahmayaan qof aamminsan in uu Maxamed
yahay qof dadka ka mid ah oo la xuquuq ah. In qofkii Maxamed dhalliila la dilo
oo qof loo dilo in uu qof kale dhalliilay waa aragti uu muslimka caadiga ahi
qabo. Gaalo badan baa isweydiiya in ay muslimiinta u qarsoon yihiin kitaabo
aan ahayn kuwa la wada arkay oo uu Maxamed ka tegey, waayo kuwa la hayo ku ma
qorna waxyaalo ay dadku sidaas u weyneyn karaan.

Aragtiyahaas iyo kuwo kale oo uu muslimka caadiga ahi dadka caalamka ka qabaa
in kasta oo ay jiraan haddana in muslimiinta la necbaado ama la la ficiltamaa
waa khalad, maxaa yeelay dulmiga ugu horreeya waxa ay diinta islaamku ku
haysaa qofka aamminsan. Isaga ayey ummadaha caalamka ku dirtay, isaga ayey
Eebbe iyo aakhiro aan daliil loo hayn ku mashquulisay, isaga ayey asaaggiis ka
reebtay, isaga ayey maskaxdiisii dishey oo dad waayo hore dhintay hadalkood ku
dabartay, isaga ayey in uu fakaro u diiddan tahay, isaga ayey dib u celisaa oo
horusocod u diiddey, isaga ayaana nolol maalmeedkiisa ku dhibban oo fiigsan.

Dadka muslimiinta necbaanaya ama u jawaabaa waxa ay muujiyeen in aysan
laftoodu dhaamin oo ay carruur la ciyaaraan. Qofka muslimka ahi waxa uu u
baahan yahay in sida carruurta loogu turo oo aan la la ficiltamin. Waxa uu u
baahan yahay in dhibaatooyinka haysta sidii looga saari lahaa lagu mashquulo
ee aan nacaybkiisa wakhti lagu lumin. Qofka muslimka ahi waa uu ilbixi karaa
oo kuwa maanta joogaa haddii ay khuraafaad ku jiraan carruurtooda ayaa barri
la yaabi doonta taariikhda madow ee la soo maray. Muslimiintu gargaar caalami
ah bay uga baahan yihiin walaalohooda ilbaxay ee in lagu digto ma mudna,
waxaana la wada og yahay dadka kaleba in ay khuraafaad iyo dhaqamo liita soo
mareen.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...