Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Mucjisooyinka iyo karaamada

W/Q: Shaafici Xasan Maxamed
Diimaha 0
6.5k
·

10/16/2018

Mucjisooyinka iyo karaamada

W axyaalaha karaamaadka iyo mucjisooyinka ahi dhammaantood wax la sameeyey
bay u badan yihiin oo haddii uu jiro qof leh awood dheeraad ah oo ka baxsan
midda dadka caadiga ahi waxa uu samayn lahaa wax weyn oo marag laga wada
yahay. Tusaale ahaan haddii qof soomaali ahi karaamo ama mucjiso la taaban
karo uu leeyahay waxa uu xallin lahaa dowlad la’aanta dalka muddada dheer ka
jirtey. Dadka karaamooyinka ama mucjisooyinka laga sheego ku ma uu jirin mid
muujiyey wax la taaban karo sida in uu cadowgiisa oo dhan isku mar wadnuhu
istaago meel kasta oo ay joogaan. Dadka karaamooyinka lagu sheego qaar buu
quutul yownkoodu ciriiri galaa oo dadka barya, haddii ay awood dheeraad ah
haysan lahaayeenna bal horta naftooda ayey si qumman u debbiri lahaayeen.

Waxaa laga yaabaa in dooddaas lagaga jawaabo in aysan adduunyadu macne lahayn
oo dadka karaamaadka iyo mucjisooyinka leh in ay adduunyo helaan aan laga eegi
karin, markaasna waxa ay noqonaysaa innagu in aynu adduunka joogno oo wixii ka
dhacaya aynu la socon karno ee aynaan aakhiro joogin oo aynu adduunka u baahan
nahay in wax weyn la ina tuso, haddii kale ay been yihiin waxa la sheeganayaa.

Waxa aan waddamada carabta ku arkay rag in ay dadka diin ku daweeyaan loo
haysto oo aad u badan. Xaafad kasta waxaa ka furan meelo badan oo ay raggaasi
dadka ku dullaystaan oo ay biyo iyo alaabo kale oo magaalada riqiis ka ah
lacag badan kaga iibiyaan karaamadooda darteed. Raggaasi qofkii xaruntooda
gala si fudud bay waxa ay ugu sheegaan in la ileeyey, in la sixray iyo in ay
jinniyo ku jiraan, waxaana la hayaa dad aan waxba qabin oo ugu tegey in ay
beentooda eegaan oo ay ku sheegeen in la sixray. Dabcan marka ay qofka
cudurkiisa u sheegayaan waxaa meesha ku jirta in ay iyagu garanayaan dawadiisa
oo uu dhiibo lacago badan si loo dabiibo. Qof iridda kaaga soo galay oo aadan
garanayn in aad sheegi kartid in la sixray ama la ileeyey waa karaamo weyn oo
yaab leh, waa se karaamo been u badan.

Intii ay dagaalladu Soomaaliya ka jireen baa meel ay wadaaddo ka dagaallameen
waxaa la aasayey niman dhinacooda ka dhintay, ka dibna nin ka mid ahaa bay la
yaabeen in uu u dhintay hal xabbad oo meel fudud kaga dhacday, waxa ayna ku
murmeen in uu xabbadaas u dhintay iyo in kale, waxa uuna inta madaxa la soo
kacay u sheegay in uu xabbadaas keli ah u dhintay oo muranka la joojiyo, ka
dibna dhimashadii buu ku laabtay. Ninkaas anigu waan garanayey, xigto dhowna
waa aannu ahayn. Waxa uu ahaa nin aad isu la weyn oo sida uu isu arko iyo sida
uu yahay ay aad u ka la fogaayeen, isla markaas haddii labo qof madax looga
dhigo ka fakara sidii uu labadaas qof u silcin lahaa. Intaas ka badan ka ma
sheegayo maaddaama uu dhintay, laakiin waxa aan hubaa ninkaasi in uusan
mudnayn in uu Ilaahay karaameeyo.

Horta barakaysiga iyo karaamooyinku waa arrimo iimaani ama rumayn ah, markii
ay hawshu meelahaas gashana xalkeedu aad buu u adag yahay. Wadaad weyn oo
wahaabi ahaa baa beri hore waxa uu sheegay qofkii lug ka jaba in quraan lagu
daweeyaa ay khalad tahay oo loo baahan yahay in la kabo, ee quraanka la saaro
dadka ay maskaxda wax uga dhimman yihiin, ka dib wadaaddo kale ayaa iftooday
in uu wadaadkaasi gaal yahay oo uu diinta qaar ka mid ah beeniyey. Anigu waxa
aan u arkaa qofka ay maskaxda wax uga dhinmaan laftiisa in loo geeyo dhakhtar
maskaxda ah oo maaddi ahaan u daweeya xididdada maskaxda oo uu khaladku galay,
waxaa se jira dhakhaatiir qaba in dawooyinka dhaqamada iyo diimaha ku saabsani
ay dadka wax taraan sida mingiska iyo quraanka.

In ay arrintaas wax ka jiraan waxaa muujin kara in waa sii horraysey uu nin
dhallinyaro ahi loox qaatay si uu wadaad quraan ugu dhiga ugu tago, waxa uuna
soo maray habar ari haysata. Habartu maaddaama uu loox sitey wadaad bay u
malaysay, waxa ayna ka codsatay in uu ariga xirsi/qardhaas ugu qoro, quraanna
hal xaraf ka ma uu garaneyn. Ka ma uu diidin ee waraaq buu inta khad
marmariyey oo laalaabay arigii neef ka mid ahaa luqunta ugu xiray. Sanaddo ka
dib buu habartii soo maray, waxa ayna u sheegtay in qardhaastii uu arigii ku
caafimaaday, isla markaas uu arigii barakoobey oo batay. Sidaas darteed la ma
inkiri karo dawada dhaqanka iyo diinta ah oo habartaasi iimaankii ay qabtey
buu arigu ugu dawoobey, uguna batay.

Rumaynta iyo rooxaaniyaddu waa wax jira oo saamayn leh, laakiin dadka
maaddiyiinta ahi waxa ay jecel yihiin dhib kasta in si maaddii ah loo xalliyo.
Habartaas in uu arigu waraaqdaas iyo khaddaas ugu caafimaaday oo ugu batay wax
lagu beeniyo la ma hayo, arrintuna marka ay iimaan la xiriirto qofkii aan
iimaan lahayn uun baa beeniya. Karaamada iyo barakadu haddii ay dhab ahaan
been u yihiin oo aysan saamayn run ah lahayn waxa ay run u yihiin iimaan
ahaan, la mana hardansiin karo dadka iimaanka leh iyo kuwa aan lahayn. Midda
kale iimaanka noocyadiisa oo dhammi waa isku mid oo qofka beeniya in uu shiikh
Cabduqaaddir duuli jirey oo rumeeya in nebigii la dheelmay iimaankiisa ayaan
ahayn in uu duulitaanka shiikha rumeeyo, ma na aha in uu la yaabo qofkii uu
iimaankiisu tusayo in uu Cabdulqaaddir duuli jirey. Sidaas oo kale qofkii
beeniya in aan mingiska lagu caafimaadin ee ducada lagu caafimaadaa waxa uu ka
hadlay iimaankiisu nooca uu yahay, ee waxba ka uu beddeli mayo dawada ay
mingiska ka helaan kuwa rumaysani, mana uu suuraysan karo wax aan iimaankiisa
ahayn.

Dadka iimaanka leh mid kasta iimaankiisa ayaa muhiim la ah oo kuwa kale
qiimayn iyo qaddarin u ma uu hayo, laakiin waxaa cad in uu iimaanka dadku aad
u ka la duwan yahay oo uu qof kastaa iimaankiisa ku gaarayo liibaan aan maaddi
ahayn oo muuqan. Daddka qaar bay iimaankooda ka mid tahay in uu iimaannada
kale oo dhan beeniyo oo colaadiyo, kuwaas ayaana xagga nabadgelyada ugu daran,
waayo waa weerar. Wadaadka buuddiistaha hoggaamiyaa waxa uu dhawaan sheegay in
qof kastaa sida uu dareemayo ama iimaankiisa uu ku liibaanayo, ma na garanayo
in ay tahay aragti ay hore diintiisu u sheegtay iyo in uu isagu xal sidaas u
arkay, laakiin kolley waa aragti dhaanta in rooxaaniyad qur ah ama iimaan keli
ah ay sax yihiin inta kalena ay cadow yihiin oo lagu duulo.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...