Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Miraha Cayda

W/Q: Saacid Kaahiye
Aragtiyo 1
15.9k
·

10/29/2020

Miraha Cayda

Aadamuhu heerkaan uu maanta taaganyahay kuma uusan dhalan ee safar iyo socdaal
kacaan-kuf miidhan ah buu u soo maray. Gaadiidka uu ugaga soo baxay godadkii
uu ku noolaa oo uu ku soo gaadhay dabaqyadaan dushoodana waa mid leh dhowr
taayar oo la’aantood horay-u-socosho aysan jirin.

Taayaradaas badankoodu dadku way wada yaqaanaan lkn waxaa jira taayar aysan
dadka badankoodu fahansanayn muhiimadiisa, qaar badan oo iyaka kamid ahna ayba
u bannaanbaxayaan sidii ay u banjarin lahaayeen. Taayarkaasi waa ‘cayda!’ Waa
‘iin-u-yeelida!’ Waa ‘durida!’

Cay iyo durid la’aantood horumar wax la yidhaahdo maba jiri lahayn waayo
hormarku waa is-badal iyo in meeshii shalay la joogay talaabo horay loogaga
qaado. Lkn bulsho talaabo horay uma qaadi karto ilaa la duro meesha ay maanta
taagantahay oo la tuso in ay tahay meel liidata oo ka guuris u baahan.

Cay la’aanteed cilmiga casriga ahi badankiisu ma jiri lahayn waayo aragtiyada
uu ku taaganyahay badankooda, cay iyo meel-kaga dhac baa loo soo arkay oo dad
bay ka cadhaysiiyeen rag baana tiirka lagu gubay oo u soo naf waayay. Dareenka
dadka haddii loo joojin lahaa qormadaan maad arakteen

Cay la’aanteed diinta islaamka ma jirteen iska daay in ay ku soo gaadhee!
Wuxay kugu soo gaadhay muxamad oo ilaahyada qureysh caayay oo dhagaxaan iyo
alwaaxyo ku sheegay. Cadhadooda haddii uu u joojin lahaa oo uusan
muqadasaadkooda duri lahayn wax islaam la yidhaahdo maad maqasheen.

Cay la’aanteed adoonsi lagama baxeen cunsuriyaduna ma yaraateen waayo rag baa
u arkayay cay iyo nus in la yidhaahdo madowgaad la simantahay laakiin
dareenkooda iyo “waxaa way naga xanaajinayaan”-tooda looma joojin ee dad baa
duray isla-waynidaa ilaa laga baxay!

Waxaa laga yaabaa in aad tidhaahdo, “oo caay la’aanteed maana la is naqdin
karin oo wax la isku sheegi karin?” Waana run oo waa la isku dayi karaa lkn
ma’ahan mid lagu guulaysan karo abid waayo erayga adiga cayda kuu ah mid buu u
yahay run biya kama dhib caan ah oo in la sheego u baahan!

Tusaale, gaalada muxamad nin been sheegay bay u aaminsanyihiin lkn muslimiinta
waa u caay in la dhaho muxamad waa beenaale! Ama 9 jir buu hebel aroosay
muslimka waa u diin gaalkana waa u caay! Marka ama waa in durid dhan la diidaa
ama waa in cayda ooda laga rogaa wixii cadhoonaya ha cadhoodeene!

Haa waan kuu ogalahay in cay kastaa aysan hormar keenin. Haa waan kuu ogalahay
in marmarka qaar cayda laga wacan yahay. Lkn maya duritaanada adiga iyo aniga
ma kala xulxulan karno, waayo mida mira dhalka leh iyo ta kale ma garan karno.
Jiilalka mistaqbalka umbaa kala sheegi kara.

Jidka kaliya ee inoo furan waa in aan dadka dhawaqa iyo dhuusada midna lagu
celin oo loo ogalaado inuu qof kaste iska daacdaacsado, madaxbannaanida
hadalkana si buuxda loo tix galiyo, qof kastana uu wuxuu rabo, cay iyo faan,
sheego maadama aysan caydu qofna meel daloosha ka galayn.

Bulshadu hadday hal si wax u wada aragto is-badal iyo horumar ma jiro.
Horumarku wuxuu u baahanyahay ashkhaas arki kara waxa ay bulshadu ka ilduufto
oo dhaliili kara ceebeheeda. Haa ceebtaada oo la faagfaago waa xanuun lkn
xanuun la’aantiis meesha bugta lama ogaan karo lamana dawayn karo!

Taas waayena sababta bulshooyinka cayda iyo madaxbannaanida hadalka ogal ay
ugaga hormarsanyihiin kuwo dareemahooga uun ilaashada oo yaana nala damqin
yidhaahda. Nin ogal daldalooladiisa iyo wuxuu ka ilduufo in la tuso iyo mid
kii baraarujiyaba laba u kala goynaya marnaba ma tartami karaan.

Ugu dambayn, waxaan idinkaga tagayaa odhaahdii cajiibka ahayd ee ay tidhi
Evelyn Beatrice Hall markii ay wax ka qoraysay sooyaalkii Voltaire: “waan kugu
diidanahay waxan aad sheegtay, laakiin, haddii aan rabo haan u dhintee, waan
difaaci doonaa xaqqa aad u leedahay sheegideeda!”

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...