Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Milicsiga aqoonyahanka: Aristarchus of Samos & John Michell

W/Q: Cumar Cali
Saynis 0
6.6k
·

3/3/2019

Milicsiga aqoonyahanka: Aristarchus of Samos & John Michell

W axaa jira laba saynisyahan oo aan caan ku ahayn aragtiyihii saynis ee ay
soo bandhigeen, inta badan na aragtiyahaas saynisyahano kale loo tiriyo.
Labadan saynisyahan waxaa ay kala yihiin, Aristarchus of Samos (Dh. 230 CH),
iyo saynisyahan Ingiriis ahaa oo la odhan jiray John Michell (Dh. Abriil
1793).

Aristarchus of Samos

Aristarchus waxa uu ahaa inta laga warqabo shaqsigii ugu horeeyay ee soo
bandhigay aragtida ah in qorraxdu ay tahay xudunta bah qorrexeedkeena iyo guud
ahaan ba kawnka. Ha yeeshee aragtida heliocentric ah ee Aristarchus soo
bandhigay waxaa laga doorbiday aragtida geocentric -ga ah ee tilmaamaysay in
Dhulku yahay xudunta bah qorrexeedka oo ay qabeen Aristotle, Ptolemy iyo
aqoonyahanno kale. Aragtidan heliocentric -ka haatan waxaa ku caan ah
Nicolaus Copernicus oo 18 qarni Aristarchus dabadii si habsami ah u sharaxay.

John Michell

John Michell isaguna isagoo addeegsanaya xeerarka cufisjiidadka ee Newton
waxaa uu qarnigii 18aad sii saadaaliyay jiritaanka god madoobayaasha. Michell,
waxaa uu ka warqabay haddii madfac/madhfac kor loo rido in qunbuladda madhfaca
ka finiintay ay dhulka dib ugu soo noqonayso, waxaa kale oo uu fahmay haddii
qunbuladaasi ay xawaare aad u sareeya ku socoto in ay gaadhi karto heer ay ka
baxsato cufisjiidadka Dhulka.

Michell sidoo kale wuxuu ka warqabay in uu jiro xawaare laga ga baxsan karo
cufisjiidadka Dhulka, qorraxda iyo shay walba oo cuf leh—xawaarahan waxaa loo
yaqaanaa Escape Velocity. Shay ba shayga uu ka cuf badan yahay waa uu ka
cufisjiidad weyn yahay, sidaas darteedna walxaha cufka badan sida xiddigaha
waxaa sareeya xawaaraha looga baxsan karo cufisjiidadkooda. Michell waxa uu is
weydiiyay, ka waran haddii ay jiraan xiddigo aad u waawey aadna u cufan oo
xawaaraha cufisjiidadkooda looga baxsan karaa uu la mid yahay ama ka sareeyo
xawaaraha ilayska? Jawaabtu waxaa ay noqotay in xiddigaha caynkan ah
cufisjiidadkooda ilayska na ha noqdee aanay wax ka baxsan karaa jirin, sidaa
darteedna ilayskii xiddigta noocan ah ka iman lahaa uu dib ugu noqonayo
xiddigta taasi na ay horseed u noqonayso in xiddigaha caynkan ahi ay noqdaan
kuwo madaw oo aan la arki karin, maadaama dhankooda aanu ilays ka imaanayn.
Xiddigahan madaw ee cufisjiidadkooda aanu ilaysku ka baxsan karin haatan waxaa
aynu u naqaanaa ‘god madoobe’ saadaalintooda na waxaa caan ku ah aragtida Isu
Dhiganta Guud (General Relativity) ee Einstein oo qaacidooyinkeedii laga
saadaaliyay laga na soo dhirindhiriyay jiritaanka god madoobayaasha.

Labadan nin, waa Aristarchus iyo Michell e, aragtiyahooda ma ay wehelin
qaacidooyin, xisaabaad iyo xog sayniseed oo kaabta ama laf dhabar u noqota
aragtiyahooda. Sidaas awgeedna, waxaa kaga magac weynaaday ragga danbe oo la
yimi xog xisaab iyo saynis ku qotonta.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...