MIDABKA SHAADHKA WAHAABIYADA.

Kolkii ay ka soo shaac baxday wahaabiyadu Xijaaz qarnigii 18aad milaadiga
waxay argagax iyo amakaag ku rideen dhammaan dunida islaamka.Waxay ku
andacoodeen in dhammaan ummadda muslimiintu gaalowday dhiiggooduna bannaan
yahay haddii aysan toobad keenin.Waxay kaloo sheegeen qofkii aan usoo
haajirin meelaha ay haystaan inuu la mid yahay gaaladii qureysh waqtigii
nebigu u haajiray Medina.Dadka waxaa isu qaban weydey inay nimankani
cibaadooyinka (salaadda,soonka iwm) u oogayeen si la mid ah dadka
intiisakale,laakiin aysan ka gabbanayn dhiigga dadka.Way dhici jirtay in
wadaaddu is gaalaysiiyaan marka dooddu kululaato,laakiin lama bannaysan jirin
dhiigga dadka si fudud.Inkastoo wahaabiyadu fiqiga ka qaateen
Xanbaliyada,waxay soo kordhiyeen labo arrimood;
Inay ku adkaysteen in qofkii ka mad-hab duwan uu gaal yahay dhiiggiisuna
bannaan yahay,naagahoodana la addoonsado.Waxay calaamad dadka lagu kala sooco
ka dhigteen muuqaalka kore sida garka oo lala baxo,marada oo raggu boqonta
korkooda aysan ka hoos marin,qamiis iyo indhashareerta dumarka.Qofka la arko
in arrimahaas wax ka khaldan yihiin waxaa isla markiiba loo arkay qof laga
shakiyo.Inay sheegeen in ladhiso dawlad islaami ah,oo iyagu talada hayaan
maadaama ay iyaga keliyihi muslimiin yihiin.Dawlad islaami ah waxay u arkaan
midda iyagu talada hayaan,ciqaabaha xudduuddana la fuliyo.Haddii tuugga
gacanta la gooyo iyaga agtooda waa la buuxiyey shuruudda dawlad tii Alle rabay
ah.
Labadan qodob waxay meesha ka saarayaan nooc kasta oo wadahadal ah,natiijaduna
waa dagaal aan dhammaad lahayn.
Ninkii aabbaha u ahaa reer Sacuud ayaa fahmay in haddii uu gaashaanbuursado
wahaabiyada uu dhul badan ku qabsan karo.Wuxuu la xididay wadaadkii asaasay
ururkan,waxaana lagu heshiiyey in isaga boqor noqdo,wixii diinta ku saabsanna
loo daayo wahaabiyada.Inkastoo lala dagaallamay,haddana waxay isbahaysigani ku
guulaysteen inay boqortooyo ka asaasaan dhulka hadda loo yaqaan Sacuudi
Carabiya.Xoogaggii reer galbeedka oo baahi badan u qabay saliidda ayaa
islamarkiiba xiriir fiican la samaystay boqortooyada,saliiddiina soo
saaray.Lacagtii saliidda waxaa la bilaabay in lagu faafiyo mad-habta ama
fikirka wahaabiyada,waxaana magaalooyinka sucuudiga laga furay dugsiyo si
degdeg loogu tababaro dhallinyaro laga keenay dhammaan dalalka
muslimiinta.Dhallin yaradaas oo ilaa 4 sano lagu soo shubay fikirka
wahaabiyada ayaa gogoldhig u noqday faafidda wahaabiyada.Maadaama ay cibaadada
kala mid ahaayeen muslimiinta aad loogama shakiyin.Dugsiyadooda iyo
masaajidyadoodana looma arag kuwo laga diido.
Mirihii ololahaas faafinta wahaabiyadu maanta ayuu miradhal noqday.Meelaha ay
aad ugu fidday ee dunida islaamka waxaa ugu muhiimsan dalalkii faqriga
ahaa,ilbaxnimaduna ku cusbayd,sida Soomaaliya,galbeedka Afrika iyo
Afgaanistaan.Dalalkaas maanta waxay ku dhow yihiin in laga guuro,waana dalalka
ugu badan ee laga qaxayo maanta.Dadka badaha isku tuuraya waxay kasoo carareen
dhulalka ururkani sida aadka ah ugu fiday.Gobollada muslimiintu ka degaan
Afrikada galbeed waxaa gabaabsiiyey ganacsigii iyo nabadgelyadii taasoo
keentay in laga qaxo.Shalay bay ahayd markii dad kor u dhaafay 16 qof lagu
laayey Muqdisho Hotel Elite,waxayna xasuuqaas u arkaan in Alle loogu
dhawaanayo!
Muddadii wahaabiyadu jirtay isbeddello badan oo xagga fikirka ah baa soo
maray.Magacii hore ma ay jeclaysan waxayna la baxeen salafiya qaar badanna
waxay arkeen inaan xukunka xoog mutuxan keliya lagu qabsan karin.Waxa ay ku
kala duwan yihiin kuwaas iyi Alshabaab waa aaladda loo adeegsanayo in talada
lala wareego,laakiin hadafku waa isku mid waana dawladislaamiah.
Haddaba dawladda islaamka ugu dhowi waa tan qof kastaa xorriyad u leeyahay
inuu diintuu rabo iyo mad-habtii la saxan qaato,danta guudna laga wada
tashado,caddaaladdana lagu dadaalo.
W/Q Axmed Suudi.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida