Mecnaha noloshu waa maxay ?

Insaanku sidiisaba dabciyan, wuxuu rumeesan yahay in kownka idil ahaantiis
dartii u jiro, qorraxdu in ay daraadiis u soo baxdo, ubaxa in loo ahaysiiyay
si ay dhaayahiisu ugu nuursadaan. Markuu yimid saynisku rumaysyadii quruxda
badnaa ee aan weligiin isku maaweelin jirnay wuxuu gaarsiiyay dhaawac wayn,
wuxuu na baray in dunidu ka wayn tahay inta indhaheennu qabtaan, in uu kownku
jiray balaayiin sano horteen, haddii basharkoo dhan uu dabargo'ana uu sii jiri
doono, Kolkaa waxaan dareennay yaraan. Daarwin aragtidiisii iyana waxay naga
xayuubisay qabwaynidii iyo isla-sarraynteenii, waxay nagu dartay noolaha,
waxay noo sheegtay in noloshu ahayn mid ku timid abuuris iyo farsamo, ee ay ku
timid qaab dabiici ah, noolaha oo dhamina wadaago hal isir.
Oo haddii insaanku xayawaan yahay waa maxay mecnaha noloshiisa ?
Mecnaha nolosha waxaa loola jeedaa hadaf nololeed ka yeesha ruuxa in uu farxad
iyo qanacsanaan ku dareemo noloshiisa. Mecnahaasi ma ahan objektif ee waa
sabjektif. Falsafadda kolka la joogo mecnaha ereyga objektif waxaa lagu qeexaa
wax leh jiritaan ka madax bannaan dareenka iyo aaminaadda shaqsi. Sabjektifna
waa lidkiisa oo waa waxa la jira maanka qofeed, sidaa awgeed mecnaha uu
aaminsan yahay mu'minku waa mid qofeed oo waxtarkeedu ku eg yahay ciddii
aaminsan fikir diimeedkaas oo qura, sidoo kale mecnaha nololeed uu aaminsan
yahay Alle-koodku waa mid qofeed oo asaga u gaara.
Dood badan kama taagno in rumaysadku shaqsiga noloshiisa mecno siiyo, ka
caawiyo u dulqaadashada qaxarka iyo dhibta aduunyada, sidoo kale iimaanku
wuxuu ku dhaliyaa mu'minka in hadda la tacajabo farshaxanka iyo farsamada ka
muuqata kownka in uu hadaf ka yeesho barashadiisa iyo baaristiisa, asagoo
kaashanaya garaadka uu Eebbe ku galladay. Fekerka wuxuu u jeediyaa dhanka
abuurka oo aqoon iyo xikmad ayuu kala soo baxaa, wuxuuna ka jeediyaa dhanka
abuuraha.
Haddana u riyaaqid wayn ayay leedahay hadafka nololeed ay dareemaan Alle-
koodka rumeesan cilmiga. Markuu eego noolaha, wuxuu ka dhex arkaa walaalnimo
xeeldheer iyo xiriirka kala dhaxeeya uumiyaha kale, wuxuu fahmaa in sidiisa oo
kale xanuun dareemaan, dabadeedna wuxuu u dareemaa naxariis iyo galcaltooyo,
markuu kor eegana wuxuu dhugtaa waynanka kownka kolkaas buu la ashqaraaraa
nasiibka nolosha ka bilaabmatay dhagax aad u yar oo isa soo baddashay ilaa ay
soo gaartay noole garaad leh, oo garan kara in uu garaad leeyahay awoodna u
leh in uu fahmo kownka uu ka soo dhex baxay, kolkaa ayuu hadaf qiimihiisa leh
u arkaa barashada iyo aqoon kororsiga, wuxuu farxad iyo reynreyn ka helaa
muusigga, suugaanta, farshaxanka iyo carafta cuudka.
Dabcan, hadafka nololeed wuxuu noqon karaa mid taban iyo mid togan, kan taban
wuxuu noqon karaa hadafka nololeedka ee uu xagjirku haysto, wuxuu nolosha u
arkaa mid liidata oo aan dhadhan lahayn, wuxuuna gool ka dhigtaa siduu uga
tagi lahaa, aqoonta cadaw buu u arkaa marka laga reebo inta ku taala buugaagta
uu rumeesan yahay, noolahana uma naxo marka laga reebo kuwa la afkaarta ah,
muusigga wuu neceb yahay iyo wixii wacan oo la halmaala.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida