Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Maxay tahay xikmadda ku jirta jaridda gacanta tuugga?

W/Q: Maygaag Guuleed
Diimaha 3
13.3k
·

11/17/2017

Maxay tahay xikmadda ku jirta jaridda gacanta tuugga?

Ilaaha wayn ee ay diinta islaamku soo bandhigtay waa mid ogaalkiisu ka
sarreeyo dhamaan noolaha kale ee uu abuuray, waana mid xog-ogaal u ah waxa
jooga iyo waxa iman doonaba, waa mid ay jaan-goyntiisu tahay mid aan ku
noqosho iyo dib u eegis u baahnayn, ilaahani waxa uu soo diray niman ergayo ka
ah isaga oo dadka gaarsiinaya farriimihiisa, wuxuuna ku soo gunaanaday
farriimahaas Quraanka oo ah hadalkiisa una suubada in la dhaqan galiyo xilli
walba iyo goob walba ilaa laga gaarayo maalinta danbe, Hadaba Ilaahaas aynu ka
soo sheekaynay isaga oo ilaalainaya xuquuqda addoomihiiisa kana hortagaya
dhamaan noocyada xadgudubyada ayuu mamnuucay falalka qaarkood oo ciddii ka
tallaabsatana jideeyey sharci la mariyo oo joojinaya xadgudubyada lamidka ah
inay ka dhacaan bulshada dhexdeeda.

Falalka uu ilaaha wayni neceb yahay samayntooda ee uu jideeyey ganaax ka dhan
ah cid walba oo ku kacda waxa kamid ah xatooyada ama qaadashada xoolaha dadka
kale si qarsoodi ah intay doonto ha le’ekaado mugeeduye, Ilaahay waxa uu
farayaa sida ku cad suuradda Maa’idah, aayadda 38aad;
“وَالسَّارِقُ وَالسَّارِقَةُ فَاقْطَعُوا أَيْدِيَهُمَا جَزَاءً بِمَا كَسَبَا
نَكَالًا مِّنَ اللَّهِ ۗ وَاللَّهُ عَزِيزٌ حَكِيمٌ”
“Tuugga iyo tuugadda gooya gacmahooda abaalmarin waxay kasbadeen darteed waana
xanuujin eebbe ilaahayna waa adkaade falsan”

Ilaahay sida uu ku caddeeyey aayaddan ciqaabta qofka xatooyo ku kacaa waa
jarista gacamaha, aayaddani kama hadlin kobta laga jarayo gacanta iyo sidoo
kale waxa lagu samaynaya qofka mar labaad iyo mar saddexaadba falkan ku kaca,
laakiin sida culimada islaamka badankoodu isku raaceen iyaga oo tixraacaya
axaadiitha laga soo wariyay Maxamed ayay hoosta ka xariiqeen in xatooyada
koowaad qofka gacanta midig la jarayo, xatooyada labaadna lugta bidix,
xatooyada sadexaadna gacanta bidix halka xatooyada afraad lugta midig kaf laga
siinayo oo sidaa uu ku noqonayo qof aan dhaqaaqi karin oo ay adag tahay inuu
falkaas ku laabto mar kale.

Image result for muslim cut
hand

ISIS oo gacan jaraysa

waxaa is waydiin mudan ilaahay ma yahay mid xikmad badan sida uu ku xusay
aayadda hore? ilaahay aragti fog ma leeyahay oo arrinta inta uuna jaan-goyn ma
fiiriyaa cidhibteeda iyo raadka ay ku yeelanaysa qofka wax xaday qudhiisa,
ubadkiisa ama dadka isaga hoos yimaada iyo bulshada uu ku dhex nool yahayba
mise deg-deg iyo ka fiirsasho la’aan ayaa qaada kadibna go’aanka ayuu ku
fududaadaa oo ku baraarugaa xilli ay xeedho iyo fandhaali kala dheceen oo
nabigiina dhintay?

Waydiintaa hore maskaxdaadu waxay soo tuuraysaa “Haa, ilaahay iyo addoomadiisa
kob lama wada dhigi karo, ilaahayna wax walba wuu og yahay cidhibtooda iyo
waxa ka dhalanayaba”, sidaa darteed waxaan jeclahay inaad dib ugu laabato
maskaxdaada oo aad waydiiso “Maxay tahay xikmadda ku jirta goynta gacanta
tuugga? Miyayna jirin qaabab kale oo ka qurux badan ujeedadana qabanaya?
ilaahay markii uu is bar-bar dhigay dhamaan qaababka quruxda badan ee
maskaxdiisa wayni sawiranayso in loo ganaaxo tuugga ma waxa la qumanaaday oo
xikmadiisu noqotay jarista xubin muhiim u ah qofka noloshiisa? Ilaahay ma ka
fekerayaa ubadka tuuggan baahidu ku khasabtay xatooyada? ilaahay isaga ayaa ku
abuuray tuuggan rabitaanka inuu qaato xoolaha dadka kale leeyihiin, miyayna
haboonayn inuu rabitaankaa xun ka masaxo oo ku bedelo nacayb intii uu naafayn
lahaa oo nolosha ku adkayn lahaa? “.

Waxaa jira boqolaal qaab oo loo ganaaxi karo tuugga iyada oo laga fiirinayo
xaglo badan iyo mid walba lurka ku lifaaqan ee ka dhalan kara baaxadiisu inta
ay gaarsiisan tahay,
Qofka tuugga ah in la xiro muddo u dhiganta hantida uu xaday waa mid kamida ah
qaabaka wax ku oolka ah ee xanuunkan lagu dawayn karo, tuugana isaga oo
xubnihiisu bad qabaan hadana ka joojinaysa inuu mar labaad falkaas ku
dhiirado, waxaa bulsho kale xal ula muuqan kara in tuugga la galiyo hawl qaran
oo gacmihiisa si bilaasha looga faa’idaysto muddo kooban oo lagu dhiso
cisbitaallo iyo goobo waxbarasho ama lagu qodo beero halkii la jari lahaa oo
qashinka lagu dari lahaa, waxaa qof kale soo bandhigi karaa in iyada oo loo
danaynayo tuugga iyo dadwaynahaba qofka falkan ku kacay lagu xareeyo goob
waxbarasho oo la siiyo wacyigelin lana baro xirfado waxtar u leh
mustaqbalkiisa oo uu kaga maarmayo xatooyada, waxay dawladi raadin kartaa
sababaha keenaya xatooyada sida baagamuudada oo kadibna shaqo abuur u samayn
kartaa dadkan si ayna mar danbe ugu laaban falkan, laakiin ilaaha wayn markii
uu is bar-bar dhigay qaababkan loo xalin karo ee aan soo xusnay iyo balaayiin
qaab kale oo maskaxdiisa ka guuxayay kana xikmad badnaa kuwa aan xusnay waxa u
cuntamay oo xal u arkay kaliya curyaaminta qofkan duruufuhu tuugga ka dhigeen.

waxaan si kooban ugu hakanaynaa tilmaamista qaar kamida dhibaatooyinka ka
dhalan kara jaridda gacanta ee ka hor imanaya ujeedadii loo jideeyey sidoo
kalena laga yaabo inuuna ilaahay ku baraarugsanayn xilligii uu qaadanayay
go’aankan ogaalkiisa iyo xikmadiisa buuxda duraya.

• Marka qofka gacantiisa middi la leefsiiyo (gacanta laga jaro) ma suurta
galayso ka laabashada ganaaxan hadii qof kale danbigaas qirto oo la xaqiijiyo
in qofka gacanta la gooyay uuna ku lug-lahayn falkan, halka hadii la xiri
lahaa muddo oo khaladkani soo bixi lahaa ay suurtagal noqon lahayd in qofkan
la raali galiyo oo khaladkaas dhacayna wax kale loogu bedelo.
Arrintani marar badan ayay dhacdaa adduunka in qof ciqaab lagu fuliyay sida
dilka ay soo baxdo inuuna danbiile ahayn oo lagu khaldamay kadib marka
danbiiliha dhabta ahaa qirto ama caddaymo kale la helo, sidaa darteed ayaa
wadamada qaarkood joojiyeen gabi ahaanba ciqaabta dilka oo ka dhigeen ganaaxa
ugu sarreeya xabsi madaxaa ha ku furto ah.

• Qofkan gacanta laga jaray waxa uu noqonayaa mid farta lagu fiiqo oo dadka ka
dhex muuqda, cidina uma baahanayso inay akhrido siiradiisa shakhsiyeed si ay u
ogaato sababta, sidaa darteed xitaa hadii uu ka soo laabto dhaqamadiisii hore
oo qof wanaagsan noqdo kama harayso ceebtani inta uu nool yahay, isagana waxay
u keenaysaa xanuuno badan oo nafsiya kuwaas oo ku khasbaya inuu ku kaco falal
kale oo ka daran tuuganimada maaadaama ayna jirin cid il naxariisa ku eegaysa
oo xushmad u haysa qof walibaana u arko inuu yahay tuugii 20 sano ka hor
kabaha xaday.

• Qofkan tuugga ah waxa yaraanaysa fursadda helitaankiisa shaqo, maadaama cid
waliba ujeedo inuu yahay tuug way adkaanaysaa in la helo qof aamina oo dukaan
u dhiibanaya ama alaab agtiisa kaga tagaya, qofkii bas la raaca ama ay goob
kale ku kulmaana jeebkiisa iyo boorsadisa ayuu ilaashanayaa xitaa hadii uu
khamiis iyo gadh dheer yeesho oo wadaad isu bedelo maadaama uu wali muuqdo
raadkii tuuganimadu.

• Arrintani waxay Kordhinaysaa tirada daka naafada ah ee bulshadaas, marka
ganaaxan la fuliyo iyada oo la raacayo amarka ilaahay ee aan ogolayn gor-
gortanka waxa badanaysa dadka naafada ah ee aan awoodin inay shaqaystaan,
taasi waxay kor u qaadaysaa danbiyada kale ee ka dhasha shaqo la’aanta waxayna
ka qayb qaadanaysaa korodhka darbi jiifka sidoo kalana waxaa ku caano waayaya
caruur badan oo gacantaas la jaray quudanayay.

• Ma jiro wax farqiya oo u dhexeeya diinta Islaamka ninka kabo dacasa
masaajidka ka xada iyo tuugga 1kg oo dahaba xada, sida rasuulku xusay tuugga
waxa gacanta lagu jarayaa waxyaabo yar-yar oo laga yaabo inaadan hore u
maqlin…
قال رسول الله – صلى الله عليه وسلم -: ” لعن الله السارق، يسرق البيضة فتقطع
يده، ويسرق الحبل فتقطع يده” رواه البخاري
“Rasuulku SCW waxa uu yiri: naxariista ilaahay waxa laga dheereeyey tuugga,
waxa uu xadayaa ukun kadibna gacanta ayaa la jarayaa, waxa uu xadayaa xadhig
kadibna gacanta ayaa la jarayaa”
Sida ku cad xadiithkan waxyaabaha qiimaha yar sida xadhiga iyo ukunta ayaa
keeni kara in qofku waayo xubin muhiim u ah noloshiisa oo aan la soo celin
karin.

Qofkan baahidu ama shaqo la’aantu iyo duruufaha kale ku khasbeen inuu alaab
yar xado ayaa ilaaha wayni faray in gacantaas uu danbiga ku galay la jaro
halka qofka kuu yimaada ee xoog kaaga qaata ama booba hantidaada uu ilaaha
xikmadda badani ka gaabsaday oo wax ganaaxa u jidayn.

Qof walba oo diinta islaamka ku dhashay waxa ka reeban su’aasha iyo dib u
eegista hadalada lagu shubayay maskaxdiisa ilaa yaraantiisii, sidaa darteed
waxa u fudud inuu weeraro oo caayo qofkan ka codsanayo inuu maskaxdiisa fursad
ugu deeqo ay wax isku waydiiso oo shaandhayso hadalada mudada dheer lagu cel-
celinayay halkii ay noqon lahayd foostada qashinka ee wixii la rabo lagu rido
ama laxda idaha kolba dhinac u raacda ee iyadu aanan kaligeed wado qaadi
karin.

Qof yahaw muslimka ah adiga oo maanka ku haya dhibaatooyinka aan soo xusnay ee
ka dhalan kara fulinta xadkan waxaad si dhab ah naftaada u waydiisaa adiga oo
kaashanaya maskaxdaada “arrintani miyay noqon kortaa xalka kaliya ee eebaha
naxariista badan, ogaalkiisu ballaaran yahay, xikmadda badani ku qancay oo u
jideeyey dadka iman doona kumanaan sano kadib xilli laga yaabo in adduunkan
aynu naqaano maanta uuna jiri doonin oo wax badani is bedeli doonaan mise waa
xalka u muuqday nin noolaa qarnigii 7aad oo jidh-dilka iyo aasidda dadka nooli
agtiisa caaado iyo dhaqamo ka ahayd oo isaguna gacan goynta aanan u arkayn
dhib wayn maadaama bulshada ku hareeraysan waagaas ay samaynayeen waxyaabo ka
daran, sidaa darteedna jideeyey arrintan si uu xakameeyo xatooyada laakiin
halkii uu buugga jaldigiisa ku qori lahaa magiciisa ku qoray magaca qoraa wayn
oo samada jooga.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...