Maxay tahay sababta ka danbaysa maqnaanshaha wax-abuurka ee bulshooyinka muslimiinta?

W aqtigan aynu joogno marka aad eegto adduunka iyo heerka wax soo-saarka
bulshooyinka ee kobociisu xawaaraha ku socdo maalin walbana samaynayo
daahfurro baaxad wayn oo la xiriira tiknoolajiyada, caafimaadka, sayniska,
hawada, militariga…iwm waxaad dareemaysaa in lagaa tagay oo aad kaligaa
fadhidid qol madaw oo laga guuray waa hore, waxa kaliya ee qolkaa looga dhex
tagayna yahay buug ku qoran af-kale oo ereyo qallafsan oo soo noq-noqonaya ay
ka buuxaan, sidoo kalana qaabka uu ku socda aadan garanayn oo sheekada
bilaabantaaba dhawr sadar kadib qarsoomayso, hanjabaadda iyo holaca dabka
leefaya jidhka dadkuna ku qoran yahay xaashi walba…iwm, Marka aad damacdo
inaad is waydiiso su’aal la xiriirta buuggan aad moodayso sheekooyinka
cabsiinta caruurta ayaad indhaha ku kala furaysaa malaayiin qol-madaw oo kaaga
lamida kana taagan hareerahaaga, kadibna waydiintii aad maanka ku haysay inta
aad liqdo ayaad ku qancinaysaa naftaada sugnaanshaha wixii sheekooyin
xariirada kuula ekaa markaad kelida ahayd.
Waxaadna bilaabaysaa ku celcelinta iyo macaansiga hadalo aadan dhuuxayn
macnahooda oo hadii ay afkaaga ku qornaan lahayd aad tuuri lahayd maadaama
qallafsanaanta iyo kala baahsanaanta mawduucyada ku qoran hal bog ay tahay
midaan loo dul-qaadan karin.
Sababaha ugu wayn ee keenay in bulshooyinka muslimiintu ka haraan horumarka ay
samaynayaan dhigoodu waa hanka hoose ee uu boorrinayo buuggan qolka madaw
looga guuray, isaga oo ku beeraya qofka nacaybka adduunka iyo inayna ahayn mid
u qalanta joogitaan iyo maal-gashi, sidoo kalana duullaan ku ah su’aasha iyo
adeegsiga maskaxda iyo mandiqa, doorbidayana aamus ku raacidda iyo ka
gaabsashada ka hadalka arrinta kaliya ee aad noloshaada danbe ku xirtay.
Sababta bulshooyinkani u hadheen uma laabanayso itaal yaraan jidhka ah ama
goobaha ay juquraafi ahaan dhacaan deegaanadoodu oo aan istiraatiiji ahayn iyo
khayraadka ku duugan oo yar , laakiin taas waxay kala mid yihiin wadamada
horumaray ee aan xusnay ama qaarkood ay kaba fiican yihiin deegaan, dhaqaale
iyo tiraba balse caqligii wanaagsani inuu itaal ka roon yahay bal eega oo u
fiirsada in maanta yuhuudda ama caruurta daanyeerrada iyo doofaarrada waa sida
uu quraanku ugu yeeree oo tiro ahaan muslimiinta ka yar in ka badan 130 jeer
ay hogaaminayaan qaybaha cilmiga ee kala duwan, daah-furada culimadooduna
badbaadiyeen nolosha malaayiin, halka musimiintii quraanku sheegay inay
tusaalihii ugu wanaagsan ee dadka dunida guudkeeda la saaray yihiin ay
walaaqanayaan dhiig, waxa kaliya ee ay ku caan baxeenna yahay is qarxinta iyo
duminta waxa dad lamida dhiseen.
Islaamka iyo dhaqamadiisa cibaadaysiga, waxyaabaha uu farayo iyo kuwa uu
reebayo ayaa kamida sababaha la dagay kana reebay muslimiinta geeddiga, waa
dhaqan islaamiya xifdinta iyo ku cel-celinta hadal sida Quraanka, kaas oo
dilaya awoodda fikirka, awood badan oo maskaxdu u baahnayd inay ku bixiso
fekerka xorta ah, fiir-fiirinta waxa ku hareeraysan iyo raadinta xalkooda ayay
ku luminaysaa ku celcelinta hadal ku qoran af-kale oo u laabanaya qarniyo
tagay, maantana dhigaaladii iyo xeerarkii uu farayay inbadan oo kamida ay
noqdeen kuwa aan la jaan-qaadi karayn waqtiga la joogo ayna mamnuucday
jamciyadda qaramada midoobay sida addoonsiga dadka, guursashada caruurta yar-
yar (Inkasta oo wali ay ka jirto wadamada muslimiinta qaarkood sida Yemen,
Afghanistan iyo qaybo kamida Somalia), qafaalashada dumarka xilliga dagaalka,
dilka maxaabiista dagaalka iyo xeerar kale oo afku ka xishoonayo halkanna
aynaan ku soo koobi karin, kuwa badan oo kamida xeerarka uu jideeyay buuggaasi
sannadaha soo socda ayaa lagu khasbi doonaa muslimiinta inay joojiyaan dhaqan
galintooda sida immikaba hoygii Islaamka (Sucuudi Carabiya) ee dhulkiisa ku
dhaqan galinayay buuggan mudada dheer lagu khasbay inuu ka laabto oo ka tago
qaybo badan oo kamida xeerarkii u dajisnaa, wadaadadii wahaabiyada iyo
kuweenan dhiigga gadhka ku dhoobta ee ka soo dab qaadan jirayna gabbal baa u
dumay.
Qaabka aan soo xusnay ee ku cel-celinta iyo xifdinta waa habraaca iyo manhajka
uu ku salaysan yahay nidaamka goobaha waxbarashada ee waddankeenna maanta,
tusaale ahaan ka jawaabista iyo ku guulaysashada imtixaanka iskuulku kama
timaado ardayga iyo heerka fahankiisa la xiriira maadada gaarsiisan yahay
balse xifdinta ereyada ayay u laabataa, aqoontaas uu xifdiyayna maaha mid
raagaysa ee wuu ilaawaa, fahankuna kuma laha boos qaab dhigaalkeenna
iskuulada.
Looxad ay ka muuqdaan nin Soomaaliya iyo marwadiisa
Waxaa xusid mudan iyaguna waxyaabaha Islaamku reebayo ee ka so horjeeda
ilbaxnimada iyo bilowga hanaqaadka bulshooyinka sida farshaxanka, barashada
muusiga iyo fanka, waxyaabahan oo sida aynu ognahay ka qaybqaata dhisidda
maskaxda qofka marka la reebo adeegsigooda waxay garaadka ka xayuubinayaan
awoodda fikirka iyo wax-abuurka, sidoo kale waxay saamaynayaan caqliga iyo
goob dheer wax ka eegidda, maxaa yeelay qofku wuxuu waynaynayaa qoraal u
laabanayo qarniyo hore oo wixii ka badan dulmar halmar ama laba jeer ah
maskaxda wax u dhimayaa iskabadaa xifdin iyo joogtaynta maalin walba ama ku
dilista dhallaankeenna hadii ayna raacin wadadaas.
Nasiib xumo qofka muslimka ahi ma rabo in loo bidhaamiyo wadada ama isagu
baadhitaan sameeyo, maxaa yeelay cabsida lagu beeray ayaa keenaysa inuu jawaab
dhaw ka soo qaato Quraanka halkii uu caqligiisa hawl-galin lahaa oo xaqiiqada
raadin lahaa, taas waxaa caddaynaysa inay jiraan ilaa maanta wadaado badan oo
magac ku leh muslimiinta dhexdooda oo dafirsan ama si cad u diiddan xaqiiqada
waxyaabo badan oo cilmi ahaan la sugay shakina ku jirin, halkii ay iyagu
raadin lahaayeen hadii ayna ku kalsoonayn gaalka waxay doorbideen hadallo
xaqiiqadan ka soo horjeeda oo la qoray qarniyo badan ka hor, waxayna ku dhagan
yihiin buug uu ka tagay dagaal yahan daganaa dhul buuralay ah oo ka cabanayay
midho la’aan, biyuhuna gabaabsi ku ahaayeen deegaankiisa, jeclaana dumarka
badan iyo addoomo u shaqeeya oo nolosha iyo adduunka diiradda uu ku fiirinayaa
ayna ka duwanayn ta uu ku eegayay nin soomaali ah oo 14 qarni ka hor deganaa
buuraha Golis ama deegaan lamida.
Dhinaca kale marka aynu ka eegno waxaa laga yaabaa inaad in badan maqashay
muslimiin meel walba kaga faanaysa badnidooda sidii iyada oo badnidu ka
tarjumayso xaqiiqada shayga, hadii ay sidaa tahayna kiristaanka ayaa ka badan
muslimiinta oo diintooda ka qumanaanaysaa ta islaamka, laakiin markaad hoos
ugu daadagto waxaad arkaysaa inay tiradaasi ku buuxsamayso oo kaliya isu tagga
kooxo sida Sunnah iyo Shiicah oo mid walba ay ka sii farcamayaan boqolaal
kooxo diimeed oo mid kastaa ta kale beeninayso waxay sheegayso, maalmahan
danbana waxaan maqlaynaa habaar ka dhan ah qaar kamida kooxaha mudada dheer
hogaanka hayay sida wahaabiyada oo aad moodo in sannadaha soo socda
khudbooyinka jimcaha lagu dari doono habaarkooda ayna bedeli doonaan yuhuudda
iyo gaaladii kale ee nus qarniigii tagay la habaarayay laakiin ku tanaaday oo
horumar ka qaaday habaarkaas.
Badnidan waxaa keenaya qoysaska muslimiinta oo xitaa kuwa quutul daruurigoodu
uuna fadhiyin ay celcelis ahaan caruurtoodu gaarayso 5 – 7 qof, Soomaaliduna
sida ay diraasad uu sameeyey bankiga addunku sanandkii 2015 waxay ku jirtaa
kaalinta labaad ee dadka ugu soo saarka badan caruurta iyada oo cel-celis
ahaan hooyo walba oo soomaaliyeed haysato 6.36 caruura, innaga oo ka warhayna
heerka dhaqaale ee ay ku noolyihiin bulshada soomaaliyeed oo lagu tiriyo mid
kamida bulshooyinka ugu faqiirsan adduunka ee xitaa dabooli kari waayay
baahiyahooda lagama maarmaanka ah sida biyaha, cuntada, gabaadka iyo nabadda.
Caruurtan badan ee lagu soo kordhinayo adduunka iyada oo aana loo damaanad
qaadin korintooda, waxbarashadooda iyo daryeelkooda caafimaad waxay badankoodu
ku qaadan doonaan waqtigooda noocyada tuugsiga ee kala gedisan amase iibinta
iyo horboodida fikirkan caqliga la colloobay sida ku biirista kooxaha
argagaxisada loogu yeero laakiin aan anigu aaminsanahay inay yihiin Maxamed
nabiga muslimiinta iyo asxaabtiisii oo jooga waqtigii sawirka iyo internetka,
hadalkayganna kuma salayn nacayb aan u qabo Maxamed iyo ku masalidda kooxo
dhiig miirad ah laakiin wax walba oo ISIS samaysay oo arxan darro ah Maxamedna
wuu sameeyey oo kutubta Islaamka ayaad ka helaysaa.
Wax isku aadmay maaha in Islaamku ku xoogan yahay wadamada iyo bulshooyinka
aaminsan in cunfiga yahay qaab dhaqameedka xeeriya bulshada, sida wadamada
Carabta, Pakistan, Afqaanistaan iyo Soomaaliya.
Dhamaan bulshooyinka hirgaliyay islaamka kala reebid la’aan waxay aaminsan
yihiin garaacidda dumarka, dilka caruurta 10 jirka ah si loo baro salaadda iyo
dhagridda dadka kale sida ku beerista nacaybka gaalka, jeclaysiinta dilka
qofkii aan ku qancin diinta amaba ka laabta Islaamka, iskaba daa warka
waxyaabaha qaar oo soo hadal qaadkoodu uuna bannaanayn.
Dilkuna waa arrin dabiiciya qofka muslimka ah agtiisa, maxaa yeelay kutubta
axaadiithta, Siirada Maxamed ee dagaaladiisii badnaa warinaysa iyo Quraanka
dilka iyo ereyada la micnaha ah lagu xusay in ka badan 90 jeer ayaa ka batay
dhagihiisa oo ka dhigay dilka wax aan qiimo badan ku fadhiyin, taasi waxay
dhashayna maanta caad inagama saarna oo caruurteenii ayaa isku qarxinaya oo
gumaaday hooyooyinkood iyo walaalahooda ay dhiigga iyo dhaqankaba wadaagaan
iyaga oo ka shidaal qaadanaya buuggaas mudnaa in looga tago qolkii madoobaa oo
aan la kala furinba.
Arrin kale oo bulshooyinka Islaamku ku xooggan yahay wadaagaan ayaa ah
Qaybyaaladda, sida kaydka tagtada muslimiintu soo warinayo Islaamka iyo
qabyaaladdu waa ul iyo diirkeed waana mid ka soo horjeedda nolosha madaniga
ah, ilaa maanta Carabtu waxay ku faanaan abtirsiinyaha iyo laan-dheeranimada,
Soomaalidana xanuunkoodii ayay qaadsiiyeen oo sida aad ka dhuganayso ereyga
“qabyaalad” waa erey asal ahaan carabi ah, waxayna keentay inaynu ku faanno
wax walbana ka hor-marino odayaal gaajo ama kaneeco u dhintay oo waxay uga
tageen jiilalka ka danbeeyey oo aqoon ama daahfur ah aan la xusi karin, xitaa
buug awoow soomaaliyeed qoray oo u laabanaya qarni ka hor ayaan jirin.
Odayaashaas dartood iyo waynaynta magacooda ayaynu gabayo isu tiranay oo
nacayb dhexdeenna ahi beermay, qaarkeenna isku duulleen oo wiilal iska laayeen
xoolana kala dhaceen.
Dhinaca kale hadii aynu eegno qaabka xukuumadaha bulshooyinkan laga tagay u
shaqeeyaan oo aan bar-bardhigno taariikhda muslimiinta dibna ugu laabano
ayaamihii khulafada Islaamka sida Cabbaasiyiintii waxaad arkaysaa in xilka ay
iska dhaxli jireen wiil iyo aabihii oo uuna ku salaysnay rabitaanka iyo
doorashada bulshada, mararka qaarna walaalku dili jiray walaalkii si uu
kursiga ugu fadhiisto, Hadii aad qof muslima waydiiso maanta waxa uu kuu
sheegaya inay ahaayeen kuwa dhaqan galiya nabigooda buugiisa oo mudan ku
dayasho, maantana waxaad aragtaan in kooxo ISIS iyo Alshabaab kamid yihiin ay
rabaan inay dib inoogu celiyaan maalmihii walaaluhu kursiga dartii qudha isaga
jarayeen.
Ma jirin waqtiga khilaafooyinkaa aan magacawnay qof inta uu istaago ku dhiiran
kara inuu kor u yidhaahdo “Ma aqbalayno khilaafadan, isbedel ayaan rabnaa”
hadii ay dhacdana isaga oo aan hadalka dhamayn ayaa madaxa la hor dhigayay
sida ay sameeyaan xukuumadaha wadamada carabta ee maanta, la yaabna ma leh oo
waxay qaadayaan raadka ratigii ka horreeyey, ratigaasina raadka ratiga
hogaaminayay (Maxamed) ayuu hayaa.
Arrimahaa aan soo xusnay iyo dhigaallada islaamka ee ku salaysan nacaybka iyo
gumaysiga caqliga ayaa muslimiinta maanta ku keentay xanuuno badan oo ay kamid
yihiin nacaybka dadka kale ee ka duwan (Xenophopia), nacaybka dadka
rabitaankooda galmo u iilanayo kuwa lamidka ah (Homophopia), guurka ama ku
xadgudubka caruurta galmo ahaan (Pedophilia), iyo sidoo kale dareenka dambiga
ee joogtada ah mar walba oo aad ka tagto dhaqamada diimaysan sida Salaadda,
waxaa dheer intaas baqdinta aan dhamaanayn ee aad ka qabto cadaabta aan
xaqiiqada ku salaysnayn laakiin lagugu anqariyay aadna ku qanacday oo
ogolaatay in cabsidu ku hagto halkii aad ka waynaan lahayd oo maskaxda fursad
siin lahayd.
Waxaan la hadlayaa muslim walba oo soomali ah qoraalkanna akhriyay, Aniga
ujeedadaydu maaha ku tumashada ama liidida waxa qof u arko muqaddas sida
quraanka laakiin waxaan aaminsanahay fikirka xorta ah oo ah mid aan la ogolayn
islaamka dhexdiisa, Diinta islaamku hadii ay cago ku taagan tahay oo awood
badan leedahay waxay ahayd inay soo dhawayso naqdinta iyo cid walba oo
sheegaysa khaladka ku jira laakiin marka afka lagu qabto ama dhiigaaga la
banneeyo waxa kaliya ee ay ka markhaati kacaysaa waa tabar yarida xujada aad
haysato iyo beenta aad dhoo-dhoobayso.
Anigu ma necbi muslimiinta laakiin waxyaabaha ku qoran buugaas aana ka iman
Ilaah wayn sida uu Maxamed sheegay ayaan ka soo horjeedaa, waan jeclahay
Muslimiinta maxaa yeelay waa hooyaday iyo aabahay, walaalkay iyo walaashey,
waxa aan u soo gudbinayo farriintan waa jacayl aan u qabo dadka aan dhiigga
wadaagno, waan awoodaa inaan ka aamuso oo khuraafaadkaa uga tago laakiin
qalbigayga wayn ayaan igu raacayn oo ka dhiidhinaya inaan idiin ka tago
baadida, iyada oo dhibka inala soo darsay soomaali ahaan uu leeyahay sabab ka
badan hadana xanuunka maskaxda ku dhaca ee curyaamiya fekerka kana dhiga mid
neceb adduunka oo u aragta goob lagu hakanayo oo laga guurayo dawayntiisa ayaa
ka wanaagsan dawaynta mid la xiriira iksu qabsashada deegaamada ceelasha
waraabka.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida