Maxay soomaalidu diinta si gaar ah ugu jecel yihiin?

M idda kowaad waxaa isu dhaqan eg carabtii diinta islaamka ka hor iyo ka
dib ku noolayd dhulkii ay diintu ka soo baxday iyo soomaalida. Carabtaasi waxa
ay ahaayeen dad geela aad u jecel, maansooyin ka la aarsi iyo qabyaalad isugu
tiriya, uusan ninka ka mid ahi dan u dhiman ee uu sharafta reerkiisa u dhinto,
waxa koox mideeyaa ay ahaayeen wada dhalasho keli ah, ragannimadu ay wax sare
ahayd oo dumarnimadu ay hoosayn ahayd, aftahmada iyo geesinnimadu ay ninka
qiimihiisa oo dhan ahaayeen oo hanti kasta oo uu ninku haysto oo uusan geel ku
jirini aysan xoolo ahayn. Sababta ay diinta islaamku magta dadka geel uga
dhigtay waa in ay dhaqankaas ka soo jeeddo, waayo geelu waa xoolaha ugu yar oo
la dhaqdo adduunka oo muslimiinta maanta joogaa waxa ay magta weyaan meelo yar
oo uu geel joogo inta ay hashu doollar ahaan ka marayso.
Midda labaad diintu xilli hore oo uu fakarka dadku aad u hooseeyey bay timid,
sidaas darteedna caqli ahaan aad bay khafiif u tahay oo wax maskaxda daaliyaa
ku ma ay jiraan. Diinta asalkeedu waa nusuus la xafido iyada oo aan la
fakarayn, nusuustaasina waa waxyaalo ay la qabsan karaan qofka maangaabka ah
iyo qof kastaa oo aan lahayn heerar fakar iyo heerar aqooneed oo dadaal u
baahan. Meesha diinta ugu adag haddii loo fasiro qof ay maskaxda wax uga
dhimman yihiin oo aan weligiis wax baran waa uu fahmayaa, sidaas darteedna
muxaadarooyinka diinta loo ma eego kooxo ka la heer ah ee dadka oo dhan baa
loo jeediyaa mar haddii ay isku si u fahmayaan. Qofka u baahan wax fakarkiisa
kobciya oo xilligan nool waa ay ku adag tahay in uu diinta dhegaysto, haddii
uu akhris ahaan u samaynayana waxa uu uga jeedaa in uu dadkii hore ee aragtida
gaabnaa daraaseeyo ee in uu wax maskaxdiisa dhaqaajiya ka helo akhriskiisu
noqon mayo.
Midda saddexaad abuur ahaan dadka badankoodu waxa ay u hiloobaan waxyaalihii
ay yaraantoodii ku soo koreen oo qofku meesha uu labaatan ku gaarey wax kasta
oo laga haystey waa uu ku dhegganaadaa haddii aysan meeshaasi ahayn meel dadka
jooga loo diyaariyey in ay fakaraan oo ay xataa dhexdooda aragtiyo ka la duwan
qaadan karaan. Meel haddii ay waxbarashada iyo fakarku ku yar yihiin oo
carruurta ku korta waxyaalo kale lagu koriyo waxaa hanaqaada qof aan wixii
meeshaas ka jirey wax aan ahayn weligiis oggolaan karin oo aan fahmi karin dad
aan ahayn kuwa ay isku meesha ka yimaadeen. Qofka soomaaliga ahi isaga oo
ilbaxnimo iyo aqoon ka maran buu ku koray dhaqan ah in uu Eebbe wax kasta
abuurtay, in nebigii oo carab ahaa uu dadka ugu fiican yahay iyo waxyaalo
kale, mana uu helin wax kale oo maskaxda kobciya ama dadnimadiisa kor u qaada,
sidaas darteedna isaga oo faaruq ah buu u hiloobayaa wixii uu ku soo
bartaaray, wax kasta oo kalena waxa uu u haystaa cadow aan khusayn. Iyada oo
uu soomaaligu sidaas yahay baa waxaa meel kasta u taagan wadaaddo soomaaliyeed
oo dano dhaqaale wata oo qofka ku sii dabra in uu xaaladdaas ku jiro oo aan
qofna fakar iyo aqoon kale u oggolayn, waxa ayna soomaalidu gubo iyo debedba
noqdeen dad dunida ka soocan oo aad u hooseeya.
Midda afraad soomaalidu waa dad dhul fiican dega, laakiin taariikh ahaan iyo
dhaqan ahaan aan jirin. Xagga taariikhda soomaalida waxa keli ah oo la hubaa
waa in ay isku af iyo isku muuqaal yihiin oromada, canfarta iyo dadyow kale,
xagga dhaqankana waa dad aan waxba diiwaan gelin oo afka ka qaada maansooyin
iyo heeso. Mar haddii aysan taariikh fadhida lahayn oo ay nebiga jecel yihiin
waxa ay bilaabeen in uu qabiil kastaa sheegto jafidii nebiga ee Quraysh iyada
oo aan wax kale la baarin. Dadka dhulka sidaas u weyn dega oo afkooda iyo
midabkooduba ay deriskooda u eg yihiin in ay carabta dhowaan ka yimaadeen
cilmi iyo caqli midna ma aha ee waa aqoon darrida, hoosaynta, fakar la’aanta,
diin jacaylka iyo marnaanta soomaalida.
Soomaalidu haddii ay wax hal’abuuraan waa wax heehaabaya oo maalinle ah oo
afka laga sheegsheego oo aysan cid kale danayn karin, haddii ay wax qoraanna
waa wax ay ka muuqato in uu yahay falaad lagu farbartay oo xataa falaadku
uusan akhristeyaal lahayn. Ma aha dad fadhiya oo waxa ay haystaan uu u muuqdo,
isla markaas waa dad fudud oo dhaqankooda maalin laga beddeli karo, waayo
dumarka soomaalidu boqolkii sano ee u danbeeyey waxa ay soo mareen dhowr
siyaalood oo ay u lebbistaan oo aan fakar ku salaysnayn ee laablakac ah.
Maanta si ay koox wadaaddo ahi fareen bay u wada lebbisan yihiin.
Ugu danbayn soomaalidu sidan ku ma ay sii jiri karto oo waxa ay af ahaan iyo
dhaqan ahaan u dabargo’ayaan iyaga oo nool, waayo wax fadhiya ma leh. Afrika
waa ay yar yihiin ama maba jiraan dad isku af ah oo af afrikaan ku hadla oo
dega dhul la eg geyiga soomaalida, sidaas oo ay tahayna waxaa la qiyaasi karaa
in ay soomaalidu khadka ka baxayaan. Wadaaddada wahaabiyadu qaybta ugu weyn
bay ka qaataan dabargo’a soomaalida, waxa ayna raadinayaan in ay soomaalida
carabeeyaan iyo in ay u celiyaan xilligii carabtii hore, adduunkana xilligan
ka ma soconayso in qowmiyad afkeeda la tirtiro oo xilliyo hore ayey taasi
dhici jirtey, isla markaas dadka afka carabiga ku hadlaa maanta laftooda ayaan
hayn dhaqan iyo fakar ay dad kale ku soo biiri karaan. Hadalku yuu i la
dheeraan ee qofka soomaaliga ahi ha ku dadaalo waxbarasho xididdo leh oo ka
fakarsiisa iyo degganaan!
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida