Maxamed, Joosif Istaalin iyo Ilaahay

M axamed (571-632) oo aan u baahnayn qeexitaan waxa uu deegaan ahaan ka
soo jeedaa magaalada Makka ee dhacda galbeedka boqortooyada maanta loo yaqaan
Sucuudiga. Maxamed sida la soo wariyo waxa uu sheegtay in awood sare dooratay
una xil saartay gaarsiinta dhambaal ay ugu talo gashay dadwaynaha adduunka ku
dhaqan. Dadkii deegaankiisa oo fikraddan Nabinimada ama wakiil Ilaaheedku
ayna ku cusbayn ayaa waydiiyay caddaynta iyo mucjisooyinka nabinamadiisa
sugaya balse Maxamed wuu ku guul darraystay inuu caddayn la taaban karo ku
qanciyo carabtii reer Makka taas bedelkeedana wuxuu la yimid Quraanka oo ay u
arkayeen jacbur, hadalo iyo khuraafaad dad hore laga soo minguuriyay
waligoodna ay maqli jireen. Maxamed baryootan ayuu waday muddo 13 sano ahna
dhagahooda ayuu ku akhrinayay Quraankiisan balse dad faro ku tirisa oo u
badnaa saaxiibbadii iyo dadkii tabarta yaraa ee reer Makka marka laga yimaado
dadka kale agtooda wuxuu ahaa nin maskaxda looga jiro oo aan fiyoobayn.
Maxamed markii uu taliskiisii u raray Madiina ee uu is biday cudud ciidan
baryadii badnayd waa uu joojiyay, waxaana uu bilaabay jidgooyooyin iyo
duullaamo joogto ah isaga oo magaca Ilaaha ku bannaysanaya daadinta dhiigga
cid walba oo hor istaagta ama aan la dhicin farriintiisan, waxa uu faray
asxaabtiisa in dadka aan ku qancin diintan cusub ay seefta la dhex qaadaan oo
gumaadaan, hantidoodana bililiqaystaan (qaniimo), inayna u jixin-jixin maatada
dagaalka lagu qabsado oo tusaale ahaan mid kamida duullaanadii Maxamed qaaday
markii ay qayb kamida ciidankiisu ka caga-jiideen kufsiga dumarkii xaasaska
ahaa ee lagu soo qafaashay dagaalka waxa uu Maxamed fasax buuxa u siiyay inay
dumarkaas la qabo raggooda ku hor fuuli karaan, waxa uu sidoo kale
sharciyeeyey addoonsiga caruurta iyo dumarka dadka lagu duulay kuwaas oo
suuqyada lagu soo bandhigi jiray sida badeecaddana loo kala iibsan jiray.
Wuxuu jideeyey in dad nool la googooyo weliba qaab arxan daran, dad lagu
tuhmey inay geel ka dheceen wuxuu amray in lugaha iyo gacmaha isdhaaf loo jaro
indhahana laga soo tuuro kadibna kulaylka saxaaraha lagu dilo oo si silica
naftu isaga gurto, wuxuu amray oo sharci ka dhigay in qof nool dhagax lagu
dilo.
Wuxuu bannaystay dhaca iyo jidgooyada dadka iyo hantidooda, marka aad dhuuxdo
taariikh nololeedkiisa waxaa kuu soo baxaysa inuu ahaa hogaamiye dagaaleed aad
u arxan daran oo ku laayey qabwayni iyo macno darro kumanaan qof oo aan waxba
galabsan, wuxuu adeegsan jirey ereyo ay ka mid yihiin “Cadawgii Illaahay iyo
Gaalo”, Qabiilooyin iyo qawmiyado dhan ayuu sidaa ku dabar gooyey. Wuxuu dadka
ku amray inay weyneeyaan, ammaanan, magaciisana aanay afka ka dhigin, wuxuu
gaarsiiyay naftiisa heer Ilaahu isaga xuskiisa (salliga) afka ku hayo waqti
walba.
Maxamed waxaa la sheegaa inay sumeysey haweeney Yuhuudiyad ah muddo kadibna uu
suntii u dhintay, dhigaalladii bahalnimadu ku dheehnayd iyo jidkii uu jeexay
qarniyo badan kadib geeridiisii waxaa raacay kuwo kadaran isaga oo daadiyey
dhiiga malaayiin qof. Weli dad badan ayaa aaminsan inuu tub saxan ku taagnaa
kuna taamaya sidii ay u qaadi lahaayeen raadkiisa. Dadkaasi ma qirsana inuu
denbiile ahaa oo falalka uu ku kacay haddii uu maanta joogi lahaa caddaaladda
horteeda ku mudan lahaa ciqaab daran.
Joosif Istaalin
Dhinaca kale Joosif Istaalin (1878-1953) isaguna wuxuu ahaa hogaamiyihii
labaad ee midawgii Soofyeeti, wuxuu ahaa nin aad u arxan daran oo masuul ka
ahaa dhimashada dad kor u dhaafaya 20 Malyan oo qof. Dadka wuxuu ku dili jirey
arrimo siyaasadeed balse wuxuu ugu yeedhi jirey magacyo kala duwan ujeedkuna
wuxuu ahaa inuu talada sii hayo dalkiisana uu ka dhaliyo kacaan wershedeed
isagoo malaayiin qof ku shaqaystay hab addoonimo ah.
Wuxuu diley cid kasta oo isku dayday inay ka hortimaado ama uu uga shakiyey
inay ka hor imaanayso fikirkiisa, qaybo dhan oo midawgii Soofyeeti ka mid ah
dadkii ku noola wuxuu ku diley gaajo isagoo qaatay dalaggii/badarkii beeraha.
Istaalin wuxuu ahaa macangeg dhiigyo cab ah oo arxan laawe ah. Wuxuu dhisay
xabsiyo dadka loo musaafiryo si loogu dilo xabbad, gaajo ama qabaw kadib marka
lagu shaqaysto, maxaabiis cusub marka la keenayo waxaa la layn jirey kuwii
hore, Guulaag baa ugu sumcad xumaa xabsiyadiisa oo Seybeeriya ku yaalley.
Wuxuu adeegsan jirey ereyo badan oo ay ka mid tahay kelmedda “Cadawga
shacabka” ereyadaas oo lagu bannaysan jirey dhiigga malaayin qof oo aan waxba
galabsan. Istaaliin wuxuu diley, qixiyey oo addoonsaday dad gaadhaya konton
ilaa lixdan malyuun oo qof, wuxuu dadka ku qasbay inay wayneeyaan, ammaanaan,
taalooyinna u sameeyaan. Sida la sheego taariikhdu markay ahayd 1953 ayuu ka
qayb galay casho sharaf habeenkaas afar beri kadib ayuu dhintay, waxaana loo
badinayaa in la sumeeyey.
Kalafadhigii 20aad ee golaha dhexe ee xisbiga hantiwadaaga ee midawgii
Soofyeeti oo dhacay 24 bishii Febraayo 1956 wuxuu jeediyey Nikiita Khurushoof
(1894-1971) khudbaddii caanka ahayd ee loo yaqaaney (Dhanbaalkii sirta ahaa)
dhanbaalkaas wuxuu ku nacladay oo ku caddeeyey denbiyadii uu Joosif
Istaaliin ka galay dalka iyo dadka wuxuu kaloo sheegay inay ahayd marxalad
madaw oo la soo maray ninkaasina ahaa denbiile aan mudnayn waynen balse in la
maxkamdeeyo mudan, muddo yar kadib dhanbaalkii wuxuu gaadhey adduunka oo dhan.
Maxamed iyo Istaalin waxba isma dhaamaan waa laba denbiile oo galaaftay
nolosha malaayiin dad ah. Maxamed wuxuu sheegtay in Illaahay soo diray
Istaalinse diinlaawe ayuu ahaa. Istaaliin Dadkiisii waxay qireen inuu ahaa
dhagar-qabe arxan daran, Maxamedse nasiib darro dadkiisii waxay u arkaan weli
inuu yahay halyeey Illaahay soo diray oo aan wax denbi ah lahayn diyaarna
waxay u yihiin inay qaadaan raadadkiisa wali dhiiggu ka qoyan yahay oo dhaqan
galiyaan dhammaan falalkii foosha xumaa ee uu sameeyey.
Inaad qiri waydo oo iska fogeyn waydo malaayiinta qof ee Maxamed sababay
diley, kufsaday, addoonsaday, hantidoodiina dhacay iyo danbiyada lamidka ah ee
magiciisa lagu bannaystay waa kuu garaad xumo, falalkaa bahalnimada iyo
xasuuqyada magaca Islaamka lagu gaystay waa inay Muslimiintu raalli gelin ka
bixiyaan sida kaniisadaha Masiixiyiintu sameeyeen oo ay joojiyaan buunbuuninta
magacyada hogaamiyo dagaaleedyo xasuuqyo ku kacay.
Bahalnimadaa Maxamed haddii Illaahay soo amray tii uu ku kacay Istaalinna uu
waxba ka qaban waayey waxa muuqata in Illaahani isaguna uu faraha kula jiro
danbiyadan foosha xun, masuuliyada danbiyadanna qayb wayn ku leeyahy, Illaahai
haddii goojo naxariis ahi ku jirto ama aanu denbiile ahayn Maxamed iyo
Istaalin kuma daawadeen xasuuqyada ay ku keceen.
Gabood-falladii iyo denbiyadii ka dhanka ahaa aadanaha ee ay ku kaceen Maxamed
iyo ciidankiisi ilaa maanta waa socdaan oo laga joogo muddo ku siman 14 qarni
halka dunuubtii Istaalin ku e’ekayd muddadii uu xilka hayey ama uu noolaa,
saddex sano geeridii Istaalin kadib waxaa la nacladay oo la iska fogeeyey
waxkasta oo Istaalin xidhiidh la lahaa, halka Maxamed hawshiisi weli socoto oo
la buunbuuninayo falalkiisii argagaxa badnaa.
Denbi waa denbi ciddii doontaa haku kacdo, ujeedkuna wuxuu doono ha ahaad mana
kala fiicna denbilayaashu magacyaday doonaan ha sheegteen.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida