Maxaad ka taqaan taariikh nololeedkii Istarliin Cabdi Caruush?

W aan hubaa inaanan qoraal ku soo koobi karin waxqabadkii iyo taariikhdii
ay ka tagtay laakiin waxa aan isku dayayaa inaan si kooban u xuso shaqsiyadda
iyo howl karnimadii gabdhan karaamada weyn aan u hayo ee kor ku xusan!
Istarliin Caruush
Waxay ku dhalatay gobolka shabeellada dhexe sannadkii 1957,waxayna ku
barbaartay oo wax ku baratay magaalada (Marka/Marca) ee caasimadda u ah
gobolkaas, Marka waxa ay 90 kilometre dhinaca qorrrax u dhaca ka jirtaa
magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxay “Medical degree” ka soo qadatay jaamacad
ku taalla Talyaaniga,waxayna dalkaa Talyaaniga ku nooleyd muddo 13 sano ah
ayadoo ugu danbeyn dalka samata-bixintiisii u soo laabatay!
WAX QABADKEEDII BULSHADA SOOMAALIYEED:
1. La dagaalanka qabyaaladda iyo dib u heshiisiinta ummadda somaaliyeed
Burburkii dalka saameeyay Kadib waxay go’aansatay inay noqoto qof u ololeeya
nabadda iyo gargaarka dadka tabaalaysan “Peace activist and aid worker”. Waxay
dagaal adag la gashay qabyaaladda si ay usoo celiso rajadii burburtay.
Waxayaabaha ay caanka ku ahayd waxaa ka mida inay dadkeeda iyo dalkeeda
jecleyd hadana waligeed la ganban waxay tahay. Istarliin ma xiran jirin
qamaarka/xijaabka madaxa la saarto. Sanadkii 1992 waxay kamid ahayd dadkii ugu
horreeyay ee dhalleeceeya kana digay cawaaqib xumada ka dhalan karta
jiritaanka dhaqdhaqaaqyada iyo kooxaha xiriirka la leh xagjirnimada Islaamka
ee ku baahayay waddanka. Waligeed kama ganban inay isbadal ka dhax raadiso
dadkeeda oo ay ogtahay inay yihin bulsho ragga kaliya wax hogaamiyaan. Waxay
dadku u yaqaneen gabar furfuran, farxad badan sidoo kalana aad u karti badan.
Waxay si aan ganbasho lahayn ula hadli jirtay dagaal oogayaashii dalka la
wareegay iyadoo marar badan hogaamisay shirar dib uheshiisiin. Tusaale waxay
isku dayday inay wada hadashiiso Maxamed Faarax Caydiid iyo beesha caalamka.
Sidoo kale waxay beesha calamku u yaqaneen qaar badan oo kamida ah inay tahay
“The first president of new democratic Somalia” madax waynihii ugu horeeyay ee
soomalai dimuqraadi ah yeelato, hase ahaate iyadu marnaba mä rabin inay
siyaasi noqoto oo dhankaa uma janjeerin.
2: Tabarucaadda iyo dhismaha goobaha asaasiga ah.
Waxyabaha ugu badan ee lagu xasuusto haweeneydan sharfta leh ayaa ah inay
dalka keentay mashaariic aan la soo koobi karin, magaalooyin badanna ilaa
maanta ay ka faa’iideen. Tusaale waxay magalada Marka ay ka samaysay isbitaal
ay leeyihin hooyada iyo dhallaanka, kaasi oo ay ku samata baxeen hooyooyin aan
lasoo koobi karin iyo carruur badan. Sidoo kale clinics kaas waxaa ka
faa’iidayay wax ka badan 3000 oo caruur soomaaliyeed ah. Halka sidoo kale
Magaalada Guriceel ee ku tirsan gobolka Galgaduud ay ka samaysay Isbitaalkii
ugu horreeyay ee Galgaduud yeelato burburka ka dib uguna tayada badnaa looguna
magac daray “Istarliin Abdi Arush”.
FG: Isbitaalka ilaa maanta wuu shaqeeyaa waxa uuna laf dhabar u yahay
nolosha dadka magaalada ku nool iyo guud ahaan gobolka. Waxa aan aad ugu
faraxsanahay in isbitaalka aan indhahayga ku soo arkay oo uusan sheeko igu
ahayn.
Mashaariicda ay dalka keentay sidoo kale waxaa kamid ahaa inay iskuullo
dhistay, sidoo kalena ay saacidday kooxda Olembikada Soomaliyeed.
Inkastoo waxaas oo wanaag ah ay geysatay waxaa ugu danbeen lagu dilay magalada
Nairobi ee dalka Kenya, taariikhdu markay ahay 24/10/2002, xilli ay isu
diyaarnaysay ka qayb galka waan-waan heshiisiin oo u dhaxaysa maleeshiyo
beeleedka Muqdisho. .
Waxyaabaha aan aadka uga xumahay ayaa ah in gabadhan iyo gabdho badan oo lamid
ah ay taariikhdoodi dhumeen halka wax mataraayashii dadka laayay
taaqriikhdooda adduunka dhan ay gashay. Gabdhaha inaan la weyneynin lana xusin
taariikhdooda ee ragga gacan ku dhiiglayaasha ah la wadwado waa godob aad ka
gasheen hablaha soomaliyeey!
Waxaa igu ballan ah waxa dumarka soomaliyeed qabteen inaan hortiina keeno
qalinkeygana ugu adeego maalin walba. Bal ila wadaaga sababta ay ku dhacday in
wax qabadkan aydnaan arkin??
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida