Maxaa na loo abuuray?

Far kasta oo la dhaqaajiyo iyo ficil kaste oo la sameeyo sabab ayuu leeyahay
oo loo sameeyaa. Dan ayuu leeyahay la doonayo in laga gaadho. Wax kalifaya ama
lagama maarmaan ka dhigaya sameyntiisa ayaa jirta. Marka waaxay sababta la
inoo sameeyay iyo danta la inaga lahaa ee kalliftay abuurkeenna?
Islaamku su'aashaa waxa uu ugaga jawaabay in la inoo abuuray in aan eebe
caabudno. Marka su'aal baa imaaneysa. Eebe cibaadadeena miyuu u baahnaa? Wax u
quwad wayn sida eebbe oo ah ma dhamaade (infinite) wax dan ama baahi ah ma
yeelan karaa? Waa maya! Taa oo ka dhigeysa cibaadadeena wax aan loo baahneyn
oo aan muhiim lagama maarmaan ah ahayn!
Marka sababtii la inoo abuuray haddii aysan wax lagama maarmaan ah ahayn, wax
dan ama baahi ah oo uu eebbe ka yeelan karayna aysan jirin, taasi sow
abuurkeenna iyo jiraalkeenna oo dhan wax iska cabath iyo bilaa macni ah kama
dhigayso?
Tusaale; waad aragteen badankiinnu ninkaa Superman la yidhaa ee aflaamta ku
jira ee duulduula. Ninkaasi maadaama uu isaguba duulo, diyaarad miyuu u baahan
yahay? Dabcan waa maya. Ka warran haddaba haddii uu diyaarad samaysto ninkaa?
Ficilkiisaa diyaarad samaysashada ah maxaad ku tilmaami lahaydeen?
Jawaabta kaliya ee ani ahaan meeshaa ku haboon waa in la yidhaahdo, "wax aan
dayuurad u baahnayn oo haba yaraatee aysan dani ka soo galin hadday dayuurad
samayeystaan dayuuradaa agtooda waa ka cabath iyo ciyaar bilaa macni ah.
Tusaale kale; Eebe cunno iyo cabid toona in uusan u baahnayn badi waan isku
waafaqsan nahay. Ka waran haddii uu adduun u abuurto si noolaha ku nool
aduunkaasi ay isaga hilbo ugu qalaan oo ay cunno maalin walba shan jeer meel
cayiman ugu dhigaan? Sow waxaasi waali ma'ahan? Wax uusan u baahnayn danina
aysan ka galin in uu adduun dhan u abuurtaa haddii aysan cabath iyo ciyaar
ahayn maxaa cabathiyo bilaa macni ah?
Yeelkeede, sheekadu haddii ay xagga ku xidhmi lahayd dhib ma lahaateen. Dhibtu
waxa ay imaaneysaa marka lagu dhaho Eebahaas aan, haba yaraatee cibaadadeena
iyo in aan adeecno wax dan ah aysan ka soo galin oo uba baahnayn, ayaa haddana
haddii aan caabudi wayno cadhoonaya oo waligeed iyo abidkeen uumiyaha 99.9%
dab iyo olol iyo qiiq iyo daamur dhex galinaya!
Bal ka waran Eebaha waxaa oo xanuun iyo dhibaato ah ugula kacaya uumiye uu
isagu kala dhantaalnaanta ku abuuray oo cibaadadooda iyo foorfoorarsigoodana
uusan midh uga baahnayn oo wax dan ah aysan ka soo gelin!? Bal ka waran Eebaha
99.9% uumiyaha ugu cadaabaya cadaab aan dhamaad lahayn wax agtiisa aan cabath
iyo ciyaar ka micno rooneyn?
Eebe noocaa ah inuu jiro ma kula tahay? Haddii uu jirana inuu raxmaan iyo
caadil yahay ma kula tahay? Anigu garan waayay ee, bal inta aad u fiirsataan,
salaaddu meesha ay iska qaban la'dahay inoo sheega.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida