Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Maxaa loo gudaa hablaha soomaaliyeed?

W/Q: Khaalid Xasan
Aragtiyo 2
2.2k
·

9/25/2018

Maxaa loo gudaa hablaha soomaaliyeed?

G udniinku inuu dhib wayn ku hayo bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan
haweenka waan ognahay. Caafimaad darrada ka dhalata iyo xanuunka ay maraan
haweenka la gudo maaha wax cid ka qarsoon, laakiin weli ma is waydiisey
sababta loo gudo haweenka? Ujeedka iyo danta laga leeyahay jarjarista iyo
tolidda xubinta taranka ee haweenka maxay tahay?

Gudniinku waa caado dhaqameed soo jirtey muddo kumanaan sano ah, dhammaan ama
badi dadka ku nool Afrika way ku dhaqmi jireen. Bulsha kasta magacay doonto ha
ugu yeedho siday doonaan ha u dhigeene ujeedku mid buu ahaa.

Bulshooyinka adduunka ku nool ee waayadii dhexe raggu hormuudka u noqday ilaa
maantana yahay markay gudeyaan haweenka waxay ka duuleyaan laba aragtiyood oo
aad u liita. Aragatida kowaadi waxay leedahay dumarka caqligoodu kuma filna
sidaa darteed waa in la tolaa oo la jaraa xubintooda taranka. Waxay
aaminsanaayeen haweenayda haddii aan la tolin inay wadhato noqonayso oo
dhilloobeyso reerkana ceeb usoo jiideyso.

aragtida labaadina waa mid ku dhisan dhaqaale oo dad badan oo adduunka ku nool
oo ay ka mid tahay bulshada Soomaaliyeed waxay ka macaashaan guurka
hablohooda, sidaa darteed waa inay xubinteeda taranka tolaan si ay caddayn uga
dhigaan markay iibineyaan inay tahay alaab aan hore loo taaban iyagoo filanaya
lacag badan inay ku helaan.

João dos Santos (dhintay 1622) oo ahaa badmareen Burtuqiis ah, wuxuu sheegay
mar uu Soomaaliya booqday oo ku beegnayd 1609, dadka Soomaaliyeed inay gudaan
oo gebi ahaanba tolaan xubinta taranka ee haweenka addoonta ah si ay qiime
fiican u yeeshaan marka la iibineyo (nasiib xumo Soomaalidu ka ganacsigii
dadka diirka madaw waa ka qayb qaadatay).

Ibnu Qayim Al-Jawzi (dhintay 1351) kitaabkiisa la yidhaahdo (Tuxfatu Al-
Mawduud bi Axkaami Al-Mawluud) wuxuu ku sheegay sheeko xariir odhanaysa:
Markii la siiyey Ibraahim Haajira oo ahayd addoon markiiba uur bay qaaday
halka arrinkaasi ku adkaa Saara. Uur qaadistaa degdega ah ayay ka
hinaastay/masayrtay Saari, waxayna dhaar ku martay inay Saddex xubnood ka
jarayso Haajira (berigii hore dadka la bahdileyo ama haweenka xaasaska
boqorrada ka qurux bata una dhashay dabaqadaha hoose waxaa laga jari jirey
sanka dhegaha iyo dibnaha) si ay u fool xumaato. Ibraahin markay kala degtey
ee cadhadii ka ba’day ayuu yidhi dhegaha ka dalooli, kintirkana ka jar ama
gud. Halkaa waxaa kaaga cad dulmiga ku dhacay maskiinta xorriyada laga qaaday
ee la addoonsaday kadibna si qof kale loo raalli geliyo oo la masayr tiro la
jarjaray. Qaar baa qiil ka dhigta sheeka xariirtaas oo ubadkooda guda.

Ujeedka gudniinku waa sida aan kor ku soo sheegaye wuxuu isugu soo biya
shubtay dano dhaqaale balse la huwiyey shaadh diimeed ama mid dhaqan. Xiliyada
qaar waxaa laga dhaadhiciyaa haweenka Soomaaliyeed inay iyaga sharaf u tahay
in la gudo. Ka warran hadii lagugu sharfo jarista xubin jidhkaaga ka mid ah?

Gabadha Soomaaliyeed waxaa nolosheedii oo dhan lagu soo koobay oo jidhkeedii
loo jarjaray, kadibna loo tolay inay guursato, reerkeeduna dhaqaale helaan.
Iyada lafteedu maalinta la gudo wixii ka danbeeya waxay niyadda ku dhisataa
ninka aad nolosha la wadaagi doontid xubintaadii oo ilaashan hadiyad u sii.
Inantaasi isma waydiin ninku hantida uu kaa bixiyey ee waalidkaa qaatay marka
laga yimaado muxuu habeenka kuu sida? Xubintiisa ma u ilaashan tahay sida
taada oo kale?

Gabadha Soomaaliyeed waxay eedday oo loo bahdilaa jidhkeedana loo tol tolaa si
aanay u dhilloobin, haddii taasi run tahay hablaha yaa dhillooyin ka dhigay?
Meeyey dhillaygi la dhillaystay dhillada? Dhillanimadu ma denbi ay haweenka
keliyi galaan baa? Ninku inuu gabdho badan lasoo seexdo kadibna uu raadiyo
gabadh tolan iyada lafteedu waa denbi wayn. Waxaan hubaa talada adduunku
haddey haweenka gacanta ugu jiri lahayd in xubinta taranka ragga la toli lahaa
iyagoo dumarku qiil ka dhiganayaan inay dooneyaan nin aan haween hore soo
arag.

Ubadka yaan la jidh dilin si xoogaa shilimaad ah loo helo. Aduunkan aan maanta
ku nool nahay waxaa la isla qirsan yahay in gudniinku yahay dhibaato jidh
ahaan iyo nafsad ahaanba haweenka ku dhacda. Dadka, qaybta waxma garadka ahi
waxay ku doodaan in gudniinka diintu dhigayso, haddii taasi run tahay, saw ma
odhan karno wershedda Illaahay waa mid tayadeedu aad u liidato sida kuwa
Shiinaha oo waxay soo saarta dad ay ku yaalliin xubno dheeraad ahi?

Qof ha u dullayn raalli gelinta qof kale, waalidka Soomaaliyeedna waa inay ka
tanaasulaan iskana daayaan ka ganacsiga xubinta taranka gabdhohooda. Gabdhaha
caqligoodu waa ku filan yahay hadday helaan daryeel la mid ah ka wiilasha.
Ragguna waa inay iska daayaan nacsanimada oo aanay sabab u noqon fudueynta
ficilkaa bahalnimada ah ama qiimaynta ay dheeraadka ah ee ay siiyaan gabdhaha
tolan.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...