Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Maxaa ka jira in nabigu ma dhalays ahaa?

W/Q: Khaalid Xasan
Diimaha 1
5.9k
·

8/6/2018

Maxaa ka jira in nabigu ma dhalays ahaa?

W aydiintan sare ku xusan si aan uga jawaabno waxaa muhiim ah in aan
taariikhda u akhrino qaab ka fog caadifad diineed oo aan caqliga u bandhigno.
Waxaa muhiim ah inaan ogaano taariikh nololeedkii ama siiradii nebiga ee ugu
horreeysay in la qoray 200 sano kadib geeridiisii, waqtigaas is bedello badan
ayaa dhacay oo muslimiintu dhulal badan oo diimo iyo dhaqamo kala duwan leh
ayay ku fideen oo is dhex-galeen, dadka qorayna wax badan oo taariikhdaas ka
mid ah suura gal uma ahayn inay xaqiijiyaan, sidoo kale waxa jiray dano
siyaasadeed oo ragga amray in la qoro ama kuwa qorayayba lahaayeen.

Waxaa kaloo mudan inaan ogaano madhalaysnimadu inaanay ceeb ahayn ama wax lala
yaabo, laakiin waagii nebigu joogey waxay ahayd ceeb dhabar jab ah oo
raganimada ninka meel ka dhac ku ah. Marnaba madhalaysnimo denbi maaha waxaase
denbi iyo gef ah in taariikhda laga been sheego.

Marka laga hadlayo dhaqamada nebi Maxammed waxaad moodaa in muslimiinta
badankoodu inta quruxda badan ka qaataan balse wixii la fool-xun dhaqamdiisa
ay ka gaabsadaan lagana yaabaa inay isku dayaan qarinteeda, tusaale ahaan ka
maqli masyid iyagoo ku faanaya in nebiga galmada ku waalnaa oo haween badan la
seexan jiray, kuwaas oo qaar kamida uu guursadey qaarna ay addoomihiisa
ahaayeen, halka ay jireen qaar hadiyad ahaan loo siiyey iyo kuwa isu hibeeyey
ama isagu ka codsaday inay isu hibeeyaan si uu ula seexdo.

Haweenkaa badan ee aan xusnay badankooda nebigu wuu u galmooday, waxaa kaloo
la inoo sheegay in nebigu ahaa nin aad u galmo jecel, xiliyada qaarna uu isu
mari jirey hal habeen sagaal haween ah, waxaas oo dumar ah nebigu waxba kama
dhalin marka laga reebo sheegasho ah in xaaskiisii u horraysay ee Khadiija
dhawr caruura u dhashay iyo wiilkii ay Maariya Al-Qibdiyah u dhashay balse uu
dafiray kana shakiyay inuu isagu dhalay.

Khadiija oo da’da afartameeyada ku jirtey markii Maxammed la aqal galay inay
dhowr ubad ah dhasho lafteeda far ayaa ku godan, waxa kale oo is waydiin mudan
innagoo og nebigu siduu u galmo jeclaa iyo haweenka badan ee uu isu mari jirey
hal habeen, maxaa keenay in la waayo hal kamida oo uur qaadda?

Caasha oo lix jir lagu siiyey ilaa sagaal jirkeediina uu baashaalin
jiray(gelid la’aan), inta badanna uu iyada la joogey maxay wax u dhali waydey?
Sidoo kale waxa aynu ka war haynaa in haweenkii carmalka ahaa ee nebigu
guursadey badi ay hore wax u soo dhaleen oo aan iyaga eed la saari karin.

Nebigu inuu madhalays ahaa waxay ahayd sheeko ay reer tolkii og yihiin
xilliyada qaarna waaba ku dacaayadeen jireen, waxa la sheegaa in rag badan oo
uu ka mid ahaa Caas Bin Waa’il ay nebiga ku odhan jireen ma dhalays baad tahay
iyagoo adeegsaneya ereyga (اﻻﺑﺘﺮ) ee quraankana ku soo arooray.

Waxaa kaloo jirtey haweeney Masriyad ah oo nebiga hadiyad ahaan loo siiyey
lana odhan jirey Maariya El-Qibdiyah (مارية القبطية) oo ah ta keliya ee la
hubo inay wiil u dhashay, waxaa isaguna jirey nin ay qaraabo ahaayeen Maariya
oo addoon ahaa badanaana guriga ku soo booqan jirey in nabigu uga shakiyay
inuu xaaska u dabo maro oo la wadaago.

ﻋﻦ ﺃﻧﺲ ﺑﻦ ﻣﺎﻟﻚ ﺭﺿﻲ ﺍﻟﻠﻪ ﻋﻨﻪ، ﺃﻥ ﺭﺟﻼً ﻛﺎﻥ ﻳُﺘﻬﻢ ﺑﺄﻡ ﻭﻟﺪ ﺭﺳﻮﻝ ﺍﻟﻠﻪ ﺻﻠﻰ ﺍﻟﻠﻪ ﻋﻠﻴﻪ
ﻭﺳﻠﻢ ، ﻓﻘﺎﻝ ﺭﺳﻮﻝ ﺍﻟﻠﻪ ﺻﻠﻰ ﺍﻟﻠﻪ ﻋﻠﻴﻪ ﻭﺳﻠﻢ ﻝ ﻋﻠﻲ : ‏ﺍﺫﻫﺐ ﻓﺎﺿﺮﺏ ﻋﻨﻘﻪ ‏ ، ﻓﺄﺗﺎﻩ
ﻋﻠﻲ ﺭﺿﻲ ﺍﻟﻠﻪ ﻋﻨﻪ ، ﻓﺈﺫﺍ ﻫﻮ ﻓﻲ ﺭﻛﻲٌّ – ﺃﻱ ﺑﺌﺮ – ﻳﺘﺒﺮّﺩ ﻓﻴﻬﺎ ، ﻓﻘﺎﻝ ﻟﻪ ﻋﻠﻲ :
ﺃﺧﺮﺝ ، ﻓﻨﺎﻭﻟﻪ ﻳﺪﻩ ﻓﺄﺧﺮﺟﻪ ، ﻓﺈﺫﺍ ﻫﻮ ﻣﺠﺒﻮﺏ ﻟﻴﺲ ﻟﻪ ﺫﻛﺮ ، ﻓﻜﻒّ ﻋﻠﻲٌّ ﻋﻨﻪ ، ﺛﻢ ﺃﺗﻰ
ﺍﻟﻨﺒﻲ ﺻﻠﻰ ﺍﻟﻠﻪ ﻋﻠﻴﻪ ﻭﺳﻠﻢ فقال : ‏ ﻳﺎ ﺭﺳﻮﻝ ﺍﻟﻠﻪ ، ﺇﻧﻪ ﻟﻤﺠﺒﻮﺏ ﻣﺎﻟﻪ ﺫﻛﺮ (صحيح
مسلم) .

Xadiiskan sida ku cad nebigu nin addoon ah ayuu uga shakiyey inuu xaaskiisa
Maariya u dabo maro wuxuuna amray Cali Bin Abi-Daalib inuu qoorta ka jaro,
balse markii uu damcay inuu dilo ayuu ka war-helay inuusan ninkani xubintii
taranka ee raggaba lahayn.

Wiilkay dhashay gabadha Maariya ee addoonta ah nebigu wuu qaadan waayey
maadaama uu is ogaa inuu madhalays yahay, wuxuuna u yimi Caasha isagoo raba
inay arrintan talo ku darsato, Caashi waxay ugu jawaabtey kelmed ka yaabisay
nebiga, waxayna ku tiri (Kuuma eka ilmahani – ما ارى اي شبه), hadalkan oo ah
cadkaagii maaha ilmahani.

Xaasaskii Maxammed ma jirin mid aan jeclayn inay ilme u dhasho weliba wiil
nebinimada dhaxla sida nabiyadii Yuhuudda laakiin nasiib darro isaga oo aan
dhaafin yar iyo wayn, gabadh iyo garoob midna hadana kuma guulaysan inuu mid
kaliya caloosha u buuxiyo.

Deegaanka Carabta waxaa ka jirey waqtigaas guurar noocya badan, waxaana
guurarkaa kamid ahaa mid la yidhaahdo (ﺯﻭﺍﺝ ﺍﻟﻤﺒﺎﺿﻌﺔ) oo ahaa in ninku
xaaskiisa u geeyo nin kale oo dagaalyahannimo, qurux iyo nasabnimo isku
darsaday, wuxuuna ka codsan jirey inuu xaaska u fuulo si ay ilme isaga oo kale
ah ugu dhasho, waxay u egtahay xaasaskii nebigu inay damceen inay rag doontaan
si ay ilmo nebinimada dhaxla u dhalaan, waxaana ka mid ahaa haweenkaas Caasha
iyo Maariya.

Maariya Al-Qibdiyah ninkii lagu eedeeyey wuxuu noqday nin aan lahayn xubinta
taranka, ilmihii ay dhashayna waa la diley si aanu ceeb nebiga ugu soo jiidin.
Ummul mu’miniin Caasha iyadana waxaa lagu eedeeyey inay nin la seexatay, tolow
ninka lagu eedeeyey waa kuma? Mase yahay nin ay ka suurtawdo inuu ummul
mu’miniinta u galmoodo haddii uu cidlo ka helo?

ﻋﻦ ﺃﺑﻲ ﺳﻌﻴﺪ ﺍﻟﺨﺪﺭﻱ ﺭﺿﻲ ﺍﻟﻠﻪ ﻋﻨﻪ ﻗﺎﻝ : ﺟﺎﺀﺕ ﺍﻣﺮﺃﺓ ﺻﻔﻮﺍﻥَ ﺑﻦِ ﺍﻟﻤﻌﻄَّﻞ ﺇﻟﻰ ﺍﻟﻨﺒﻲ
ﺻﻠﻰ ﺍﻟﻠﻪ ﻋﻠﻴﻪ ﻭﺳﻠﻢ ﻭﻧﺤﻦ ﻋﻨﺪﻩ، ﻓﻘﺎﻟﺖ : ﻳﺎ ﺭﺳﻮﻝ ﺍﻟﻠﻪ، ﺇﻥ ﺯﻭﺟﻲ ﺻﻔﻮﺍﻥَ ﺑﻦَ
ﺍﻟﻤﻌﻄَّﻞ، ﻳﻀﺮﺑﻨﻲ ﺇﺫﺍ ﺻﻠﻴﺖ، ﻭﻳﻔﻄِّﺮﻧﻲ ﺇﺫﺍ ﺻﻤﺖ، ﻭﻻ ﻳﺼﻠِّﻲ ﺻﻼﺓ ﺍﻟﻔﺠﺮ ﺣﺘﻰ ﺗﻄﻠﻊَ
ﺍﻟﺸﻤﺲ . ﻓﺴﺄل الرسول صفوان ﻋﻤﺎ ﻗﺎﻟﺖ؟ ﻓﻘﺎﻝ : ﻳﺎ ﺭﺳﻮﻝ ﺍﻟﻠﻪ، ﺃﻣﺎ ﻗﻮﻟﻬﺎ : ﻳﻀﺮﺑﻨﻲ
ﺇﺫﺍ ﺻﻠﻴﺖ، ﻓﺈﻧﻬﺎ ﺗﻘﺮﺃ ﺳﻮﺭﺗﻴﻦ، ﻓﻘﺪ ﻧﻬﻴﺘﻬﺎ ﻋﻨﻬﺎ، ﻟﻮ ﻛﺎﻧﺖ ﺳﻮﺭﺓً ﻭﺍﺣﺪﺓً ﻟﻜﻔﺖ ﺍﻟﻨﺎﺱ
، ﻭﺃﻣﺎ ﻗﻮﻟﻬﺎ : ﻳﻔﻄِّﺮﻧﻲ، ﻓﺈﻧﻬﺎ ﺗﺼﻮﻡ ﻭﺃﻧﺎ ﺭﺟﻞٌ ﺷﺎﺏٌّ ﻓﻼ ﺃﺻﺒﺮ، ﻓﻘﺎﻝ ﺭﺳﻮﻝ ﺍﻟﻠﻪ
ﺻﻠﻰ ﺍﻟﻠﻪ ﻋﻠﻴﻪ ﻭﺳﻠﻢ ﻳﻮﻣﺌﺬ : ﻻ ﺗﺼﻮﻣﻦَّ ﺍﻣﺮﺃﺓٌ ﺇﻻّ ﺑﺈﺫﻥ ﺯﻭﺟﻬﺎ .

Ninka Caasha lagu eedeeyey inay la seexatay waa Safwaan Bin Mu’atal, waa nin
galmo jacayl dartii xaaskiisa ku garaaci jirey haddii ay salaadda ku dheeraato
amaba soonto, isagoo leh ma sugi karo ama ma joogi karo galmo la’aan inta ay
salaadda ku jirtana ha ahaate, wuxuu caddeeyey galmo la’aan inaanu fadhiisan
karin. hadaba sawiro ninkaas oo ilmihii yaraa ee qurxuda loo dhameeyey
(Caasha) ka helay cidla oo habeenna la dhaxay, ma idin la tahay inuu dhaafayo?
Caasha lafteeda waxaa suuragal ah in ujeedka ay safarka uga hartay ahaa inay
habeenkaas shaqayso oo ay hooyo noqoto, wiilna dhasho.

Waxa iyana is waydiin mudan haddii Illaahay u kaadiyay arrinta Caasha muddo
bil ka badan kadibna aayado ku soo dejiyey arrinteeda, muxuu waqti kaa lamida
u siin waayay xaaskiisii addoonta ahayd ee Maariya? Maxaa ku kallifay isaga oo
aan xitaa hubin in ninkaasi xubin taran leeyahay inuu faro dilkiisa? Miyayna
kuu caddayn in Maxammed Safwaan kaga haybaysanayay qabiilka wayn ee uu ka
dhashay balse addoonka aan waxba galabsan ayna jirin cid uu ku dhaafaa?

Nebigu si aanu u fashilmin wuxuu mamnuucay in dabadii haweenkiisa la guursado,
waxaa hubaal ah haddii laga daba guursan lahaa inay caddaan lahayd inuu
madhalays yahay markay ubad dhalaan, waxaa kaloo caddayn u ah wuxuu xidhay
albaabkii samada oo wuxuu yidhi ma jiro nebi iga danbeeyaa, markay u caddaatay
inaanu waxba dhali doonin.

Waxaa iswaydiin mudan haddii Khadiija ubad u dhashay maxaa diidey kuwii da’
ahaan ka yaraa inay dhalaan? Khadiija nebiga hortii laba nin bay guursatey oo
caruur u dhashay, soo suurta gal maaha inay raggaa u dhashay Maxamedna uuna
ahayn wax ka badan gacan yaraheedii ganacsiga u maamulayay kadib markii ay ka
heshayna guursatay?

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...