Maxaa ka dhexeeya amminta iyo cuf-isjiidadka?

[Waxa ay ahayd su’aal uu isoo waydiiyay mid ka mid ah aqristayaasha ku xiran
bogga
kaashomaanka.com
halkaas oo aan ku qoray maqaal cinwaankiisu ahaa “[Goob gooni ah, goob walba
mise goob la’aan](https://kaashomaanka.com/goob-gooni-ah-goob-walba-mise-goob-
laaan/)“]
S ida uu ku muujiyay Albert Einstein Aragtidiisii Nisbiga (The Theory of
Relativity), cuf-is-jiidka uma uusan qeexin hab xaddi xoog fool leh (vector)
oo kali ahe, waxa uu sidoo kale u muujiyay sidii in sagxaddu (space-ka) tahay
mid ka kooban derin cinjir ah oo daacaysa haddii walax cuf culus lihi fuulaan.
Sawiro sidii in adiga aqristaha ahi iyo qof kale aad labada dacal ka qabataan
maro, deetana aad dhexda uga sii daysaan miisaan culus, waxaa hubaal ah in
miisaankaasi culus uu daacinayo maradii. Wax kasta oo ka miisaan yar
miisaankii hore ee aad saarteen marada, waxa ay u yaaci doonaan dhanka
daacsan, godka ah ee uu miisaanka culusi saaranyahay. Mar walba oo uu cufku
bato, waxaa badanaya daaca ay maradu samaynayso. Haddaba asaga oo halkaas ka
duulaya, ayuu Einstein caddeeyay in walxaha cufka lihi ay badalaan xoodka
amminta-sagxadda (space-time), sida aynu ku muujinayba tusaalihii marada
culayska la saaray. Haddaba maxaa ka dhaxeeya cuf-is-jiidka iyo amminta
(waqtiga)?
Ammintu (waqtigu) waxa ay si gaabis ah uga socotaa halka cuf-is-jiidku
xooganyahay. Ifka (light) laftigiisa waxaa saameeyaa xoodka iyo daaca
sagxadda. Waxa uuna ku safraa dariiq ku teedsan oo ku salaysan habka ay
sagxaddu u dhigantahay. Si kale haddii aan u iraahdo, ifka laftigiisu waxa uu
ku socdaa daaca iyo xoodka sagxadda, waxa uuna la mid yahay sidii miisanka
yari uu ugu yaacayay dhanka daaca u janjeero oo uu miisaanka culusi saaran
yahay.
Haddii iftiinka uu iskaga kala dhex goosho labo barood oo ku yaalla goob cuf-
is-jiidkeedu sareeyo (aad u daacsan), waxaa uu cuf-is-jiidku dheeraynayaa
masaafadda ay tahay in uu ifku ku safro, maadaama uu daacu xoodinayo dhabbihii
ifku qaadi lahaa. Haddaba ifka oo goob iyo goorwalbaba ku safra xawaare joogta
ah – ku dhowaad 186,000 mayl/ilbiriqsigiiba – ayaa si uu u dhawrto sugnaanta
xawaaraha uu ku safrayo iyo masaafadda ay tahay in uu gooyo, waxa uu halkaasi
ka kabaa waqtiga oo qeyb ka ah mar walba xawaaraha. Arintani waxaa loo yaqaan
Gaabinta Amminta ee Cuf-is-jiidka (Gravitational Time Dilation). Inta aynaan
gunta usii daadagin, bal ila eeg isla egtan:-
X = M/A , halka X = Xawaare, M = Masaafo, A = Ammin (waqti).
FG. Mar walba niyadda ku haay in aynu hadda ku xisaabtamayno in aynu joogno
goob cuf-is-jiidkeedu sarreeyo, sidaas daraadeedna uu daaca ama xoodku
sareeyo, kaas oo sababaya in laba goob dhexdooda, uu ifku safro masaafo ka
dheer haddii uu cuf-is-jiidku, sidoo kalena daacu yaraan lahaa. Haddaba ku
laabo isla egteenii hore, oo la soco in marwalba xawaaraha ifku (X) joogto
yahay (tiro ahaan), waxa kali ah ee is badbadalaya isla egtani waa masaafadda
(M) iyo amminta (A). Xisaab ahaan masaafaddu marka ay badato, waxaa badanaya
amminta (maadaama marwalba X ay tiro go’an tahay). Marka ay masaafaddu
yaraatana, waxaa yaraanaya amminta (la soco marwalba X waa tiro go’an oo aan
isbadalin). Marka ay ammintu badato, waxa ay ka dhigantahay in waqtigu
gaabinayay, halka marka ay yaraatana uu waqtigu dheeraynayay.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida