Masayrka maangaabyada

Q owmiyadda Yuhuudda dad badan baa neceb, waxaana laga yaabaa in ay
qaarkeen moodayaan in loo necbaaday in ay Rabbi ka fog yihiin darteed! Taas
waxaa diidaya nacaybkii iyo xasuuqii uu mudane Aldolf Hitler kula carobaaba’ay
iyo dhibaatooyinkii ay Faraacinadu muddo hore ku takooreen kuna qaxiyeen in
aysan jihaad ahayn. Isla markaas waxaa Yuhuudda neceb dad badan oo aan Rabbi
jiritaankiisa malaynayn ee kula colloobey isla arrinta ay dadka kale ku
colaadinayaan.
Qowmiyadda carabtu waxay xilligaan u badan yihiin muslimiin, waxaana ka mid ah
kuwo kirishtan ku dufoobey iyo kuwo aan diinba malayn ee naftooda malaysan.
Dhammaantood waxay ku midaysan yihiin nacaybka qowmiyadda Yuhuudda, sidaas oo
kale ayey qowmiyado badani waxay la gubanayaan colaad ay u qabaan qoladaas.
Xilliyadaan waxaa la sameeyey baaritaanno ku saabsan heerka garashada dadka,
waxaan ugu horreeya qowmiyadda Yuhuudda. Dad asal ahaan u dhashay Jarmal iyo
Iswiidhan baa waxaa la mariyey tijaabo qiyaaseed, oo heerka garashada lagu
baaray, waxayna noqdeen isku darajo. Isla baaritaankaas ayaa dad Yuhuud ah la
mariyey, waxaana soo baxday in ay aad uga garasho sarreeyaan dadka Jarmal iyo
Iswiidhan.
Dad badan oo ay qaarkood isla Yuhuudda yihiin baa waxay u maleeyeen in ay
garashada sare ee qoladaasi tahay fir ay ka dhaxleen wasiirtoodii kumannaan
sannadood ka hor jirey. Waxay arrintaas u cuskadeen in uu firsigu wax jira
yahay, hase yeesho ee waxaa jira dood ku wajahan in uu firsigu xilli kooban
leeyahay, oo uusan ahayn wax intaas oo fac socon kara.
In ay nebiyo badani magaca ”Israa’iil” dugsadaan bay dadka qaar ka uriyeen in
ay garashodheerida qoladaasi salka ku hayso, waxaase taas lagu caabbin karaa
in aysan nebinimadu ahayn garasho qof ee ay tahay fartiin uu Rabbi soo diray.
Dadka in ay garashada Yuhuuddu dhaxal tahay ku doodaa waxay daliishadaan in uu
jiro baaritaan bayoloji ah ee sheegaya in uu dadkooda qaarkood ku badan yahay
BRCA1 oo xariir la leh kanserka naasaha ku dhaca. Sidaas awgeed firka dhiigga
iyo dhaxalka garashada labaduba waxay xuli garaan facac waayo badan isdhala.
Ama fir ha ahaato ama yay ahaan ee waxaa la isku raacay in ay Yuhuuddu dadka
kale ka fiiro dheer yihiin. Markii ay qabiiliyaashii Jarmal Yuhuudda ku
carteen waxaa dadka Berlin ku noolaa qoladaas ku abtirsanayey 5% (boqol kasta
shan qof), waxaana canshuurta magaalada bixin jirey 31% oo Yuhuud ah. Sidaas
ayey magaalooyinka waaween ee Jarmalka ugu yaraayeen tirada Yuhuudda ee ku
nooli, isla markaas ay u badnaayeen tayada dadkaasi xagga dhaqaalaha.
Waddanka ay dadku in uu xooggan yahay u maleeyeen ee Maraykan waxaa xilligaan
maskaxda ka orgeeya qoladaas. Waxaa la sheegaa in dadka dalkaas ku xerooda 2%
labo Yuhuud yihiin, haddana 50% dadka fakarka dhaqanka hoggaamiyaa waa ayaga.
Dadka maraykan ee tan iyo hadda lagu abaalmariyey darajada ”Nobel Prize” waxaa
tolka Yuhuudda ahaa 40%. Macallimiinta jaamacadaha dhiga waxaa ka mid ah qaar
sare oo loo yaaqaan barafasoor, waxaana dalkaas (USA) Yuhuud ah 20%.
Hoggaanka qareemada Niyuu-Yook iyo Washiton waxaa ayaga ah 40%. Joornaallada
iyo guud ahaan waxyaalaha la daabaco waxaa saxaafad iyo qoraal kaleba madaxda
hagta Yuhuud ah 26%.
Waxaa inoo laaban wax kale oo yaab leh! Oo maxay yihiin? 59% (qiyaastii lixdan
boqol walba) qorayaasha sare, diwaangeliyeyaasha iyo dadkii sameeyey kontonkii
filim ee dunidda ugu lacagsooraarka badnaa in ay Yuhuud ka soo jeedaan baa la
sheegay.
Nolosha dabeecaddeeda haddii laga daliilqaato waxay garashada dadka u soo
jiiddaa awood, hanti iyo magac. Markii ay dadka garashada kore lihi xoogga
hagitaanka, dhaqaalaha iyo muuqaal dheerida helaan waxay noqdaan dabaqadda
sare ee nolosha bulshada, waxayna dareemaan kalsooni iyo rayrayn ay ku sii
dhiirradaan sidii ay u sii tillaabsan lahaayeen iyo sidii ay u xagsan la
haayeen arrimahaas ay ayadu garashadooda ku gaareen.
Markaas maxaa dadka ay garashadoodu hoosayso u talo iyo taag ah? Waxay
dabaqaddaas heerkeedu hooseeyaa shaqo iyo maaweelo ka dhigtaan masayr ama
hinaas iyo xin.
Colaado iyo xiisado badan ee ummado badan ka soo dhexdhacay waxay ku qotomeen
dad garaadkoodu sarreeyo iyo kuwo ka heer hooseeya oo ka masayrsan in si ama
siyaalo looga horreeyo, waxaana laga yaabaa in ay nacaybyada sidaan ahi isu
rogaan midabtakoor iyo in loo kala safto dad kala midab ama muuqaal geddisan.
Waxaa laga yaabaa in dad aflahorrato lihi ay hadalladaan kula soo boodaan
”Sidee bay u dhici kartaa in ay qolo gaar ahi dad kale ka wada garash
sarreeyaan?” iyo ”Sow garashada qof kasta gaar looma siiyo”. Taasi waa dood
aan u qalmin in lala yimaado xilligaan ay wax kastaa caddaadeen.
Horta dadnimada waxyaalaha ugu horreeya oo noolaha kale lagaga saaraa waxaa ka
mid ah ”Bulsho”, oo malaha ka koobnaan karta toban qof, siina badan karta tan
iyo malaayiin ruux. Bulshadu waxay yeelataa hidde, waxayna samaysataa alaabo
iyo qorshe nololeed. Alaabada iyo qaabnololeedku waxay tabobaraan garashada
dadka oo sii dhaqaajisa qalabka iyo sansaanka ama habka ay bulshadu u rakiban
tahay.
Bulshadii ay batobarkeeda iyo hiddeheedu guulaystaan waxay helaan sirta
nolosha qaarkeed waxaana u baxa raadkii ay garashadoodu u sii kori lahayd,
waxayna helaan nolol iyo magac ka sarreeya kuwayowga aysan garashadoodu
tillaabsan.
Markii ay bulshada garaadkeedu koray hidde ahaan iyo hayn ahaanba heer sare
joogto wuxuu dadkeedu yeeshaa garasho ka sarraysa bulshooyinka kale haddii
baaritaan lagu sameeyo heerka garashooyinkooda iskucelcelis ahaan.
Bulshada kor u kacday waxay heshaa kalsooni iyo sii socod, halka ay kuwa haray
kala daba yaacaan masayr iyo nacayb. Waxaa markaas abuurma colaado iyo haaraan
aan weligiis soo afjarmayn, oo laga yaabo in aysan dadkii bilaabay u haysan
daliilo la taaban karo ee tuhun iyo xin la isku dhex faafiyey u badan.
Marka ay arrimahaani sii durkaan waxay u xuubsiiban karaan midab sidii aynu
horay u soo sheegnay, waayo waxaynu maanta og nahay in ay carabta iyo
caddaanku u bukaan Yuhuud, halka ay madowgii laga roonaaday ee Ameerika lagu
bahdiley ayaga oo ay garashadoodu saqiir ahayd u cuqdadaysan yihiin dadkii
addoonsaday oo weli ka sarreeya.
Kalasarraynta garashada dadyowga aad baa loo qariyaa, waayo dadku run ma ay
rabaan, isla markaas waxaa laga yaabaa in ay meesha soo gasho oraah ay dadka
liitaa ku baroortaan oo ah: ”Waa naloo gafey”.
Waxaa maanta jira magac ah ”Afrikaanka Ameerika”, wuxuuna magacaasi soo maray
labo jaranjaro oo mid walba laga xanaaqey. Waagii hore waxaa dadka madow ee
Ameerika la oran jirey ”Neger”. Markii uu cuqdad iyo dhiidhi kiciyey baa waxaa
magacii loo wareejiyey ”Madowga Ameerika”, haddana ereyga ”madow” baa la
dhibsaday maaddaama ay dadka madoodi heer hoose nolosha ka joogeen, waxaana
hadda loo yaqaan ”Afrikaanka Ameerika”.
Magacaas danbe laftiisu wuxuu qarka u saaran yahay in laga cararo kol haddii
ay weli dadka madoobi xagga garasha ka curyaansan yihiin, oo aysan madaxa kor
u soo qaadin ee ay kun sano meeshii la joogey hoganayaan.
In arrin qolo gaar ah loo qiro ama lugu tilmaamaa waxay ka mid tahay
waxyaalaha la cabburiyo, oo aan xataa haddii cilmi ahaan loo baaro lagu
dhiirran karin. Takhtar ingiriis ah, Roger Bannister, baa 1995 wuxuu sheegay
in ay dadka uu dubkoodu madow yahay orodka iyo bootada kaga fiican yihiin
dadka kale. Dabdeed tababare akademi oo asaguna isla dalkaas magaalada
Berkeley joogey baa wuxuu ku dhiirradey in ay madowgu orodka iyo bootada kaga
suubban yihiin dadka midabbada kale leh. Ninkaasi wuxuu mutay dhibaatooyin uu
ka soo waaqsan waayey, oo ay ugu fududayd in uu shaqadiisii dhawr sano seegay.
Gabar Jarmal ah, Charlotte Höhn, baa 1994 shir qaramada midoobey lahaayeen ee
Masar ka dhacay waxay tibaaxday in ay jiraan garashooyin iyo kartiyo ku kala
leexsan midabbada dadka, kuwaas oo aan la beenin karin, waxayna markiiba
seegtay shaqadeedii!
Faransiiska iyo meelo kale waxaa afka la qabtay dad aqoon sare lahaa oo ku
dhiirradey in ay noocyada dadku waxyaalo ku kala duwan yihiin xagga kartida
maskaxda iyo midda jirka, sida ay ugu kala duwan yihiin muuqaallada iyo
midabbada.
Waxaa yaab leh in markii ay dan dhab ahi jirto aan looga leexleexan arrimahaan
lagu ciqaabay dadkii aqoonta lahaa, oo baaritaannada cilmiyaysan soo gudbin
lahaa. Difaaca Maraykanka, Pentagon, waxaa in ay Yuhuuddu hagto soo dhaweeya
tijaabo caqliga (IQ) ah oo la mariyo dadka laftaas xasaasiga ah dhuuxaya!
Doodda midabka u saabsani hubaal ma aha xagga garashada oo arrinteeda weli
looma madaxbanaana in miiska la soo saaro, hase ahaato ee waxaa cad in ay
qofka garashadiisu cuskan tahay bulshada uu ku dhex koray hiddeheeda iyo
heerka horumarkeeda.
Marka aynu garasho ka hadlayno uma aynu jeedno tababobarka angagan ee
waxbarashada oo uu qof kastaa samayn karo, ee waxaynu uga jeednaa garashada
laga gurto wereegga fakarka iyo nolosha bulshada.
Haddii aynu hadalka sii dooxno waxaa jira malaayiin garasho oo uu qofku u
dhalan karo, laakiin ka madoobaanaya haddii aysan bulshada uu dhexdooda ku
ababayaa ilbax ku ahayn arrintaas. Weli waxaa la moodaa in aynaan si fiican ku
fahmin dulucda hadalkaan, waxaase inoo furaya tusaale yar ee su’aal ah oo
soomaalida ku saabsan.
Waxaynu hubnaa in ay Cali-Dhuux iyo Aadan-Carab ahaayeen labo nin oo leh karti
fiican oo ay ku gabyi kareen, waxayna malaheenna ku barbaareen Buuhoodle.
Markii uu mid kastaa hal sano jirey haddii inta Buuhoodle laga qaado la geyn
lahaa Mundul Baraawe oo ay 25 sano halkaa ku gaari lahaayeen ma loo malaynayn
karaa in ay kartidooda maansadu ahaan lahayd sidii ay ahayd?
Garashada dadku waxay u kala baxdaa malaayiin iyo malaayiin cayn, ee maanso
keli ah ma aha. Sidaas awgeed tusaaleheennu wuxuu diirka ka qaaday in uu qofku
garasho u dhasho, isla markaas garashada hirgeliddeedu ku xiran tahay
bulshadiisa. Haddii ay bulshadu kobciso waa uu guulaysanayaa, haddii kalese
wuxuu la mid noqonayaa dadka aan garashaadaas u dhalan.
Bulshooyinka dhulka ku nool qaar baa waxay ka garasho hooseeyaan carruurta 7
jirka ee bulshooyin kale, waayo koritaanku fil keli ah ma aha ee waxaa
weheliya tabobar aysan bulshooyinka qaarkood haysan, ee ay mugdi ku jiraan oo
sidaas iskula fiican yihiin sida uu dixirigu isula fiican yahay.
Soomaalida waxaa jirta garasho uu Rabbi ugu deeqay, taas oo ah xinka
qabyaaladda. Qofka soomaaliga ahi haddii uu jamaaco salaad ku xirto wuxuu
sahwiyayaa inta uu ka fakarayo imaamka iyo safka hortiisa ah tolkooda.
Laanta afka soomaaliga ee BBC baa ciiddii dhawaan la tukadey waxaa laga sii
daayey sidii meelo kala geddisan looga ciidey. Nayroobi baa waxaa ka soo
hadlay labo weriye, oo kala ahaa Axmed Maxamed iyo Xassan Bariiso.
Sidii ay tukashadu u dhacday bay labadoodu iska waraysteen, waxaana la
waraystay Xassan Bariiso. Iimaamku wuxuu ahaa shiikh dhallinyar, laakiin uu
Rabbi ugu deeqay aqoon iyo aftahmo lala ashqaraaray. Waa shiikh Umal oo malaha
ku soo barbaaray degaanka loo yaqaan Ogaadeeniya (Soomaalida Itoobiya).
Axmed Maxamed oo uu Allihiis Alle yahay baa wuxuu Xassan weydiiyey su’aal
fiicnayd, oo ahayd ”Ka warran khudbadii shiikha?”. Nasiib darro Xassan
hadalkaas wuxuu ka dhex sawirtay qabyaalad iyo in asaga lagu yasayey. Hal mar
buu codkii Xassan oo awalna xabeeb lahaa xanaaq la sii xabeebsaday, wuxuuna
malaha u maleeyey in uu Axmed hadalka qallooc ula jeedey, oo uu ku
hoosqarinayo ”Meeshii aad dhawaan ka timid lagama heli karo shiikh aftahan ah
sida Umal”.
Run ahaantii su’aasha Axmed Maxamed qabyaaladi kama ay dhadhamayn, oo Xassan
Bariiso waxaa fiicnayd in uu shaydaanka iska naaro, iskamase uu naarin, ee
wuxuu qabiilkiisa ku difaacay: ”Gobol kasta waa laga heli karaa nin codkar ah,
taasna horay baynu uga wada hadalnay!”.
Waxaa laga yaabaa in ay maalin hore labada weriye ku soo murmeen tartan
qabiil, oo codkarimo ku saabsan, markaas oo uu Xassan Bariiso wax tabanayey,
dabadeedna uu inta is ilaawey idaacad ay 20 milyan dhegaysanayaan ka sheegay
jariibban qabiil oo asaga iyo saaxiibkiisa shaqada soo dhexmaray.
Markii hore ee ay ilaaqdaas kharaari labada dhexmaraysey waxaa laga yaabaa in
ay marqaansanaayeen amaba ay cabsanaayeen, waayo shaqaalaha BBC intooda badan
waxaa codkooda laga dareemaa in ay reero balwadeed yihiin.
Run ahaantii dadka muslimiinta ah waa laga xaaraameeyey dhammaan
maandooriyeyaasha, laakiin waxay dad aan ku kalsoonahay ii sheegeen arrin
dhexmartay Ismaaciil Cumar Geelle iyo Cabdiqaasim. Waa dad aan loo malayn
karin in ay sirtaan ii soo gudbiyeen, laakiin waxay soomaalidu ku maahmaahdaa
”Runtu haddii afka laga qariyo feeraha ayey ka dillaacdaa”.
Dadkaas in aan magacaabo waa aan ka gaabsaday, waxayna sheekadu ahayd in uu
madaxweyne Ismaaciil oo cabsani soo wacay guulwade Cabdiqaasim. Wuxuu amar ku
siiyey in uu shirka Nayroobi aado, dabadeedna markii uu madaxweynuhu
miyirsadey buu Cabdiqaasin oo Nayroobi jooga soo wacay, wuxuuna asaga oo
xanaaqsan ku yiri: ”Yaa kuu fasaxay in aad shirka aaddid?”, wuxuuna cabbaar ku
caayey afka faransiiska oo uusan Cabdiqaasim waxba ka aqoon.
Waa waagii uu Cabdiqaasim Nayroobi yimid oo uu haddana dhaqsaha uga laabtay,
hase yeesho ee maqaalku wuxuu ku saabsan yahay ”Masayrka maangaabyada”.
Masayrku wuxuu sida badan kaashadaa cuqdad uu qof qabo ama shaki ay kooxi isku
dhexbaahiyaan. Sidii aynu soo taabannay waxaa dhacay dagaallo badan oo masayr
ka abuurmay.
Burundi iyo Ruwanda waxaa isku xasuuqay dad badan, waxaana laga yaabaa in ay
dagaallada Soomaaliya ka dhacay salka ku hayeen kala masayr ay qabiilooyinkii
isxasuuqay xin iyo hinaas caloosha isugu hayeen oo sida bunbadii hal mar
qarxay.
Waxaa arrintaas xoojinaya in aysan muuqan sabab macquul ah oo keeni kartey
sidii ay ummadda soomaaliyeed isu gumaadeen. Waxaa la sheegaa in ay
qabiilooyin aan godob muuqata kala qabini iska laayeen tiro haddii la sheego
laga naxayo, waxaase ka sii daran sida ay markii heshiis loogu baaqo caaqyo u
yihiin.
Marka ay soomaalidu shirayaan qof xishoonaya oo caqli lihi ma uu dhegaysan
karo, waayo waxaa shirka soo dhoobanaya kuwo aan doodi aqoon, oo lacag ay
xadeen ama ay dhaceen ku soo caanbaxay.
Shir qaran oo la rabo in lagu sameeyo barlamaan xeerka sameeya oo dhawra iyo
xukuumad dadka hubka ka uruurisa oo hay’ado shaqeeya u samaysa, caalamkana ula
xariirta ayaa waxaa iska soo aadaya caaq jaahil ah oo baasto iyo dhar
biliqaystay iyo suuqmadow intii uu dalku kharribnaa ka xoolaystay.
Jeneraal Maxamed Siyaad intii uu ka baqayey in xukunka laga qaado ayuu wuxuu
meel kasta u dhiibtey dadkii jamhuuriyadda oo dhan ugu garasho iyo aqoon
liitey. Doqomadaas jaahiliinta baa 21 magacyadooda raadiyaha laga maqlayey,
waxay shacabka qaarkood u qabaan in ay siyaasad iyo maamul wax ka garanayaan.
Bahaayinkaas iyo xoolo kale ayaa magacii uu Siyaad u yeelay ku khatalaya
ummadda jahawareersan. Dadka kartida fiican bay iska barbar yaacaan, oo u
diidaan in ay baahida taagan xalkeeda habeeyaan. Tuugada iyo caaqyadii
kacaanka waxaana dhammaantood dhaama wadaaddada iyo garoobbada.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida