Masaajidka ha la xoreeyo ama ha laga xoroobo

D al kasta dadkiisa ayaa go’aan ka gaadha nooca xukun ee ay dooneyaan iyo
kooxda xukumayasa. Qayb kasta oo ay bulshadu ka kooban tahay waxay leedahay si
la mid ah qaybaha kale xaqqa in la doorto waxna ay doortaan si xor ah.
Bulshada Soomaaliyeed waxba kama duwana bulshooyinka adduunka ku nool, waxay
ka kooban tahay wax kasta oo dad ama bulsho dal ku wada nooli ka kooban tahay,
waase jiraan waxyaabo lagu kala duwan yahay. Dadku waxay u siman yihiin
waajibaadka iyo xuquuqda muwaadinimadu dhashay. Wadaadka, macallinka,
askariga, ganacsatada, aqoonyahanka, siyaasiga, dhakhtarka iyo qaar kaloo
badan ayaa qayb ka ah bulshada. Taa micneheedu waxaa weeye macalinka iyo
wadaadku waa u siman yihiin waajibaadka iyo xuquuqda wixi sharcigu is
dheeraysiiyo mooyaane.
Dadka Soomaaliyeed waa dad u qaybsan qabiilooyin, qabyaalad ayaana wax lagu
qaybsada doorasho ha dhacdo ama yaanay dhicin.
Marka dawlad ama xukuumad cusub la soo dhisayo qolo kasta oo ka mida
qabiilooyinka dalka wada leh waxay xukuumada iyo dawladda ku yeelanayaan
metelaad, taliska talada haya waxaa muhiim ah inuu noqdo muraayad la iska wada
arko. Talada dalkuna waxay ahayd inay ka go’do dadkaa madaxda ah ee loo
igmaday inay taliyaan.
Ciidamada qalabka sida ma faro gelin karaan talada siyaasadeed ee dawlada
shaqadoodu waa difaaca xuduudaha dalka iyo sugidda amniga gudaha, xaalada
kooban oo sharcigu qeexay ayay faro gelin samayn karaan. Macallinka
shaqadiisua waa waxbaridda iyo soo saarista fac cusub oo dalka iyo dadkaba wax
u tara, dhakhtarkuna waa inuu ka shaqeeyo bed-qabka iyo caafimaadka
dadwaynaha.
Hadaba wadaadka shaqadiisu maxay tahay? Diintu ma leedahay mase u baahan tahay
dad metela? Masaajidda maxaa loo dhisay? Wadaadku waa qof bartay cilmi
diimeed, shaqadiisu waa inuu baro ciddii rabta cilmigaa u yaqaan. Masaajid
waxaa loo dhisaa oo keliya in lagu tukado, balse dawladaha Carbeed, gaar ahaan
dawladda Sucuudigu waxay u bedeshey masaajiddii meelo laga faafiyo dacaayadaha
iyo farriimaha u danaynaya dawladdaas. Ninka wadaadka ah ee masaajidka maamula
waxa uu mushahar ka qaata sirdoonka dawladda sucuudiga, waana koox loogu talo
galay inay metelaan danaha dawladahaas mushaharka siiya.
Wadaadku waa reer hebel hadey qabyaalad noqoto, cilmi hadey noqotona
dhakhtarka iyo macalinka waxba kama duwana oo siyaasada iyo in dawlada
masaajidka laga dacaayadiyo shaqadiisa maaha.
Wadaadku waa halka dalka laga dumineyo, masiibooyinka ummada Soomaaliyeed ku
dhacayna wadaad bay ku soo daba gabadeen ama isagaaba keenay.
Wadaadka in lagu sii daayo inuu xad gudbo waa ayaan darro wayn oo dhali doonto
inuu dadka ku kiciyo dawladda ama maamulka meesha ka jira. Danta uu wadaadku
wadaa waa mid shisheeye, wuxu wadaa dhalan rog bulsho, goor ay ahaatoba waa in
la hela cid wadaadka runta u sheegta.
Wadaadku wuxuu maanka dhallaanka ku shubaa in dawladnimada, wadaniyadda,
diimuqraadiyadda, sinnaanta iyo wax walba oo dawladda la xidhiidha ay xaaraan
yihiin. Wuxuu taa dhinac wadaa inuu tirtiro asalka ummadda Soomaaliyeed isagoo
ku boorriya dhalinta inay Af Carabeedka bartaan Af Soomaaligana iska dhaafan
taasoo aakhirka dhalaysa inaan afka iyo dhaqankeennu dabar go’o.
Dadka maamulka meesha ka jira ayay u doorteen inuu woxooda u maamulo dhexna u
noqdo wadaadkooda iyo waranlohooda. Masaajidkana waxay u dhisteen inay ku
tukadaan. Yaan la isku qaldin labadaa arrin.
Qofka Soomaaliyeed waa inuu ogaada isaga iyo Illaaha uu caabudo inaanay jirin
cid u dhexeyasa ama u kala dab qaada. Qofka diinta kaa badiya haddaad addoon u
noqoto waa dhibaato.
Wadaadku waa calooshii u shaqayste ku xidhan dawlado shisheeye. Masaajiddii
loogu talo galay in lagu caibaadeysto waxay u bedeleen meelo laga faafiyo
borobagaandada shisheeyaha.
Soomaalidu waa inay iska qabtaan kooxa diimeedyada aayohooda iyo jiritaankooda
halista ku ah, oo ay go’aan ka gaadhan intaan xaalaku sidan ka darin. Waa in
la hela jaamacado iyo masaajiddo ka madax banaan maalgelinta iyo saamaynta
shisheeyaha.
Masaajidda geyigeena ka jiraa maanta waa goobo laga cadaadiyo dadka
Soomaaliyeed. Xeerkii dawladdu ansixisaba wadaado ayaa masaajidda kaga soo
qaylinaya, kadibna waa la laalay ayaad maqlaysaa. Xaguu ka keenay awoodda uu
ku faro gelinayo dawladda? Shaqadiisa maaha inuu siyaasad ka hadlo. Hadiise
tiisa la yeeleyo maxaynu maamulka u dhisanay? Xaalku wuxuu maanta taagan yahay
wadaad hadaad isku dhacdaan oo danihiina gaarka isku fahmi waydaan, masaajid
uu furihiisa hayo ayuu furan halkaasuna kasoo habaraaya.
Dadka iyo maamuladu waa inay fahmaan diintu inaanay ahayn xirfad lagu
shaqaysto oo lacag laga sameeyo. Wadaadku waa inuu bartaa xirfad uu noloshiisa
ku debero oo ka madax banaan ku shaqaysiga diinta.
Talisyada geyigeena ka jira iyo dadka Soomaaliyeedba waxaan kula talin lahaa
laba mid uun inay yeelaan, inay masaajida xoreyaan oo gacan iyo maskax
Soomaaliyeed kusoo celiyaan, ama in laga xoroobo oo laga dareero gebi ahaanba
oo nin walba danihiisa raacdo wadaadkana la yidhaahdo qaylada iyo buuqa naga
daa.
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida