Martisoorkii imaamka

M artigelinta dadka waa la ammaanay, waxaana la sii ammaanay sooryaynta
muslimiinta siiba wadaaddo Eebbe markii ay xusuustaan argagaxa baqdin darteed
in cunto la siiyaa waa khayr iyo barako.
Cumar-Seeddi waxa uu dalka Jarmalka degganaa labaataneeye sano, waxa uuna
booqasho ku tegey Gaalkacyo isaga oo ay weheliso Mona Torre oo ah haweeney
jarmal ah oo uu dalkeeda ku guursadey muddo dhexdaas ah. Waxa ay qoysku
kiraysteen guri u dhaw masjidka Yowmul qiyaame, waxa ayna neceb yihiin addinka
aroortii ah iyo salaadda makarafoonka subaxii lagu tukado. Mona Torre si ay
bulshada ugu ekaato waxa ay xirataa dharka soomaalida.
Waxa ay Mona iyo Seeddi ku heshiiyeen in ay casumaan iimaanka masjidka Yowmul
qiyaame, waxaana masjidka goor duhur ah ku tukadey Seeddi oo aan weeso qabin,
dharkuna daahir u ahayn. Shiikh Jirde waa iimaam da’da soddonka ah oo sida
badan ku lebbista khamiis cad iyo cimaamad guduudan. Waa nin dheer oo san
dheer iyo indho godgodan leh, waxa uuna Seeddi ugu tegey mixraamka masjidka oo
u sheegay in habeen danbe ay gurigiisa cashada ku casuuman yihiin isaga iyo
wadaad kale. Shiikhu u ma uu bogin sida ay timaha Seeddi u jarnaayeen oo ahayd
in geesaha la xiiro, dhaladana timo dheer lagu reebo, waxaana timaha kore ee
badan sii muujinayey madaxa Seeddi oo inta sare u weyn. Ilkihiisu sida dadka
qayila ma casayn ee aad bay u cadcaddaayeen, waayo waxa uu ka yimid Yurub oo
aan qaad laga cunin. Markii ay isaga iyo shiikhu mixraamka ka kaceen waxaa
dheeraa shiikha oo Seeddi waa nin gaaban, waxa uuna xirnaa surweel jiinis ah
iyo funaanad gacmo gaaban oo murqihiisa kuuskuusan muujisay.
Habeenkii casumaadda markii la gaarey waxaa guriga reer Cumar-Seeddi diyaar ku
ahaa cunto hilib u badan, waayo waxa uu ogaa in ay wadaaddadu hilibka jecel
yihiin. Heshiiska Mona iyo Seeddi ku ma jirin in labada wadaad la sumeeyo,
waayo haddii ay dhintaan kolley kuwo kale ayaa subaxii masjidka ka addimi
lahaa, in denbi loo raacdaana waa suurtagal, laakiin qoysku waxa ay wateen
qorshe aan macne lahayn oo aad u liita.
Cabbitaankii wadaaddada loo diyaariyey oo caagag dheerdheer ku jira ayaa waxaa
lagu daray khamriga Gin ee ingiriiska lagu sameeyo. Khamrigaasi waxa uu bahda
khamriga kaga duwan yahay in uusan ur lahayn sida biyaha, isla markaas haddii
cabbitaan kale lagu barxo dhadhankiisa la ma dareemo.
Seeddi waxa uu xaaskiisa u sheegay in ay wadaaddadu leeyihiin dhaqan gooni ah
oo ah in aysan ragga iyo dumarku isku meel wax ku cunin, sidaas darteedna ay
isaga iyo martida keli ahi wada fariisanayaan. Waxaa miis laga buuxiyey hilib
ari iyo cabbitaan khamraysan, waxa uuna malaha ujeedku ahaa in wadaaddada oo
sakhraansan lagu arko dariiqyada Gaalkacyo.
Intii hilibka la cunayeyba khamrigii waa uu taabtay labada shiikh maskaxdooda,
waxa ayna Mona qosolkooda iyo hadalkooda dheer ka maqlaysey meel fog, laakiin
afka ma ay garanayn oo waxa lagu baahayaa waa ay seegganaayeen. Wadaaddadii
waxa ay u macaansadeen cabbitaankii barakaysnaa, waxa ayna miiskii ugu daaheen
sida uu geel rakaad ahi darka ugu daaho. Hadalkooda waxaa cabbaar ka dib laga
dareemay in uusan isku toosnayn oo uu nuxurkii ka tegey.
Cishihii baa la addimey, waxaana kacay shikhii aan Jirde ahayn oo jirkiisa iyo
jalleecadiisaba laga dareemayo in uusan saalloonayn. Shiikh Jirde waa uu
diidey in uu salaadda aado oo waxaa sheekooyin ku hurgufayey Seeddi, wadaadkii
kalena isaga oo dhacdhacaya ayuu masjidka aadey. Cabbitaanku markii uu sii
dhammaanayaba waxaa keenaysey Mona oo marba marka ka danbeeya Gin badan ku
daraysey.
Xilli danbe markii la marayey buu Seeddi shiikh Jirde u sheegay in ay maalin
kale is arki doonaan, waxaana baxay wadaadkii oo ay tillaabadiisu dhulka
seegseegayso. Masjidka Yowmul qiyaame la ma xiro oo dad sabool ah baa seexda,
waxa uuna ka kooban yahay qayb rag iyo qayb dumar. Labada qayboodba dad baa
seexda, waxa uuna shiikhu ku soo aadey xilli nalalkii la damiyey. Gurigiisii
in uu aado waxaa u diiddey in uu dareemayey in uu baashaal iyo sheeko u sii
baahan yahay. Kaadi baa isaga oo aan masjidkii gaarin qabatay, waxa uuna ku
kalleetiyey meel luuq ah oo kaadidii faraha ayuu isaga qallajiyey, waayo
waraaqo ma uu wadan.
Masjidkii uu iimaanka ka ahaa buu hor istaagey, waxa uuna dareemay kacsi aad u
daran oo uusan mid la mid ah weligiis dareemin. Weli cishe ma uu tukan, kana
uu fakari mayo salaad ee khiyaali buu ku riyoonayey. Waxa uu galay qaybtii
dumarka, waxa uuna hoosta ka galay dumar hurda oo sabool ah. Hadba mid baa
iska riixda iyada oo u haysata haweeney ku hurdo xomootay, qaar baana hadlay
oo yiri “Naa naga durug”.
Ugu danbayn shiikhu gabar hurdo weyn buu isku lammaaniyey oo salaaxay, waxa
ayna moodaysey in ay salaaxa ku riyoonayso. Middaas ayaa shiikha muraadkiisii
ilaahay uga sahley oo waxaaba laga yaabaa in ay u macaansatey oo iska daysey,
waxaana hadashay mid u dhaweyd oo tiri;
“Hoogaye waa maxay dhujuq dhujuqda masjidka ka dhex yeeraysaa?”.
Shiikhu ma uu awoodin in uu shaqada joojiyo oo xaraarad daran ee dumar baa
haysey, waxaana kacday oo nalkii daartay middii hadashay. Markii ifka la
daaray buu shiikhu naagtii ka boodey oo istaagey, waxa ayna dumar badani
indhaha ku dhufteen iimaan Jirde oo dhex taagan!
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida