Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Mandaleel iyo duunyadiisa

W/Q: Warsame Jaamac
Sheeko Faneed 1
11.3k
ยท

6/29/2019

Mandaleel iyo duunyadiisa

M andaleel wuxuu ku nool yahay kayn, hawd ama xir. Kaynta waxay ku taal
har, bali ama war biyaysan. Waxaa kale oo kaynta ku nool duunyo ama xoolo qolo
waliba le. Mandaleel wuxuu maalin walba ku qadeeyaa mid ka mid ah xoolahaas,
biyaha Harada jiifana waa cabbaa.

Maalintii danbe waxaa soo galay kalkii ama xilligii Bakayle. Mandaleel waa
faraxsanyahay oo wuxuu niyada ku hayaa hilibka macaan ee bakayle. Wuxuu
fadhiyaa harada dacalkeeda wuxuuna sugayaa Bakayle in uu yimaado markaasna uu
dhiigga ka cabo kadibna hilbihiisa feento. Dhaqanka iyo xeerarka Mandaleel
waxaa weeye in maalin walba xoolaha midka uu cunayo ugu yimaado harada
dacalkeeda si loogu dhib yareeyo hawsha cunidda.

Bakayle wuxuu joogaa maalintii lagu qadayn lahaa gooraysaduna waa is guraysaa,
wuxuu isugu yeeray duunyadii wuxuu ku yiri: Waxaan rabaa in aan idiin sheego
in maanta wixii ka dambeeya aan Mandaleel idan cuni doonin, way ku qosleen
wayna ku jees-jeeseen waxay ku yiraahdeen: Bakayle ma libaaxa, maroodiga,
geela iyo jeerta cunay baad adigu wax yeeli kartaa war soco Mandaleel asagoo
xanaaqsan yaadan u tagine? Bakayle tag meeshii la wada yaqaanay gaar,
hayeeshee waa bakayle waa tii layiri: intuu bur ku jiro buu bur kale
daydaydaa, wuxuu maanka kuhayaa sidii Mandaleel meesha loo dhaafin lahaa iyo
in nabad waartaa loo helo duunyada kaynta ku nool.

Bakayle wuxuu harada dacalkeeda ama jiinkeeda ka qoday hog dheer ujeedadadu
waa in Mandaleel lagu rido hoggaas balse sidee loogu ridi karaa godka
Mandaleel? Kadib markuu qoday godkii wuxuu ku shubay biyo uu ka soo jeexay
haradii wuxuuna u dhaqaaqay dhankii Mandaleel. Mandaleel markuu arkay bakayle
ayuu soo orday asaga oo xanaaqsan oo miciyaha lisanaya oo labada indhood
casaan ama gaduud noqdeen, Wuxuu ka xanaaqay in bakayle soo daahay oo qadadii
dib-dhacday waayo intii godka Bakayle qodayay waxaa jiray habsan iyo dibdhac.

Mandaleel: Maxaad u soo daahday oo intaas oo dhan ku maqnayd?
Bakayle: Mudane, libaax kale oo harada dhinaca kale jooga ayaa meesha igu
xannibay oo wuxuu igu yiri anigaa ku cunaya saas baan u soo daahay.

Mandaleel oo caro meel dhiigiisa laga saro lahayn baa ku yiri maxaad tiri
libaax baa harada jooga asaga oo la yaaban itus buu sii raaciyay? Bakayle oo
hoosta ka qoslaya maankana ku haya halka Mandaleel ku danbayn doono ayaa ku
yiri inakeen waakan halkaan joogee. Mandaleel oo dagaal u diyaarsan buu wuxuu
dul-keenay godkii oo biyo ka buuxaan wuxuu tusay libaax godka ku jira oo
biyaha ka dul-muuqda. Mandaleel asaga oo ay buuxdo caro iyo cadaawad buu
libaxii ku booday biyaha ku dhexjiray, hayeeshee muusan garan in ay tahay
maalintii ugu danbaysay. Bakayle asaga oo qoslaya ayuu Mandaleel ku aasay
godkii asaga oo ciiddana dusha kaga shubay. Bakayle markuu hubsaday in hawshii
dhammaatay wuxuu ku noqday kayntii wuxuuna u sheegay duunyadii wixii dhacay oo
dhan iyo in Mandaleel fasax-dheer uu siiyay wax danbe oo walwal iyo cabsi ahna
aysan jiri doonin. Halkaas wuxuu ku mutay bakayle ammaan, bogaadin iyo
tixgalin u wada taal bahda reer-bakayle. Waa halkii uu lahaa Xasan Sheekh
Muumin: Caqligii wanaagsani Itaal in uu ka roon yahay Bal eegoo u fiirsada.

Rukumo Warsidahayaga

Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.

Faallooyinka (0)

Soo dejinayaa...

Qormooyin Lamida

Soo dajinayaa qoraallo lamida...