Macno-darrada sharka iyo masuuliyadda basharka

E rayga “macno-darrada sharka” waxa suuqa fikirka si weyn u soo galisay
faylasuufad yahuudiyad ah oo lagu magacaabi jiray Hannah Arendt taasi oo
macno darro ku tilmaantay in lala xisaabtamo nin ka mid ahaa Naasiyiintii
xasuuqay yuhuudda oo ay ku difaacday in uu ahaa qof caadi ah , la
maandooriyay, la askareeyay heer uu waayay awooddii fikirka ama waxa qudha ee
uu ku fikiri karaa noqday fulinta hawsha loo igmaday! natiijaduna noqotay in
uu waayo dadnimadiisii taasina ay xisaabinta falalkiisii ka dhigayso
macnadarro aan wax ka-soo-qaad lahayn!
Hannah Arendt
Marwo Hannah si xun ayaa dooddaa loogu weerary gaar ahaan dhanka yuhuudda iyo
xarumaha ay saameeyaan oo ku tilmaamay in ay tahay qof neceb yuhuudda iyaduna
is neceb kol haddii ay tahay yuhuudiyad!
Dhacdooyinka badan ee soo noqnoqda sida qaraxii dhawaan ka dhacay Gaalkacyo ee
lala beegsaday koox uu horjoogay wadaad xadreeya waxa ay dib inoogu celinayaan
in aan wax iska weydiino macneha sharka iyo masuuliyadda ay tahay in lagu
xisaabtamo waana isla sababta aan u xasuusanayno faylasuufaddaasi hore
arrintan oo kale aragtida uga dhiibatay.
Sharku waa wax aan iskiisa u lahayn macno iyo qiime toona, khayrkuna waa la
mid; labadoodaba waxa qiimeha siiya dareenkeenna, tusaale ahaan haddii uu
qarax fulkaane ka dhaco meeraha Mariikh oo aan cidna ku nooleyn qaraxaasi shar
ma aha sababta oo ah cid dareemaysaa ma jirto sidoo kale wax kaste oo dhulka
khayr inoogu leh haddii ay halkaa ka dhacaan khayr ma aha; waxba ma aha, waa
dhacdooyin bilaa qiime ah!
Sharka uu libaax kula kaco deero duurka joogta oo uu cuno ka dibna ilmaheedii
oo isaga ka badbaaday lagana yaabo in uu naaskeeda ku noolaa silic iyo gaajo u
dhinto waa aan dareemi karnaa sharnimadiisa se macno buuran inooma sameeyo oo
innaga dadka ah ayaaba marar isla taasi ku sameynna! qiimaha sharka waxa hoos
u dhiga labo wax ; cidda sameysay iyo cidda lagu sameeyay! oo haddii waraabe
innaga cuno qof ama daad innaga qaado aad uguma raagno tiiraanyadiisa
sababtuna waa in aynaan sababta dishay ku tuhmayn dareen ay ku garan karto
inta uu leeg yahay gafka ay innaga gashay , taasi lidkeeda haddii ay cid caqli
leh , waa dad e, ay innaga disho ugu yaraan , haddii aynaan aar gudan ama la
xisaabtamin, utun muddo dheer ah ayaa aan u haynnaa ! waa sababta aan sharka
intiisa badan ugu reebno maqaadiirta isna sabirsiino, inna aan isugu boorrino
in aynaan ka aamusin ee aan ka aargudano ; mid waxba ka ma qaban karno ama
macno ma leh xisaabtankeedu midna cid garaad leh ayaa innaga gashay oo
garaadkooda awgeed aan uga gudanaynaa! waa halka ay ka timid odhaahda caanka
ah ee doqonniimada lagu tusaaleeyo ee ah ” Eey qaniinyo lagagama qoon goosto”!
Sharku macno ma leh haddii uu ka dhaco meel aanay joogin cid dareen lehi
, xisaabtankiisuna macno ma leh haddii uu ka dhaco cid aan dareen garasho
lahayn.
Qofka haddii lagu sameeyo dareen-dil ama maandoorin sida in la askareeyo maan
ahaan iyo muruq ahaanba waxa uu noqdaa sida qalabka oo kale waxaanu waayaa
awooddii fikirka iyo qiimeynta ka dibna waxa uu ku shaqeeyaa amarrada cidda
maamusha oo qudha isaga oo u ah addoon aan doorasho lahayn , waxa uu gaadhi
karaa heer garaadka laga addoonsado oo uu u carbismo sida xayawaanka waxaana
ugu badan oo qofka sidaasi u carbiya aragtiyaha caqiideysan (Ideologies) sida
aragtiyihii Naazig , Shuuciga iyo kuwa diineed sida tan Alshabaab ama Daacish
iwm.
Dadka lumiyay awooddii fikirka ka dib markii ay galeen ama la galiyey duruuf
aanay ku fikiri karin wax ka baxsan xayndaabka lagu meeray ee ah “fuli waxii
lagu faro oo qudha , waxaasi ayuun baana sax ah” waxa ay lumiyeen dadnimadii,
marka ay sidaa tahayna iyaga ayaa ah dhibbaneyaal u baahan hiil dadnimo ,
haddii aanay ahaynna ugu yaraan in khasaareha ay geystaan lagu la xisaabtamaa
waa macno-darro weyn ! kama duwana adiga oo waraabe maxkamad u soo taagay qof
uu cunay amaba eed u miisay! waa halka ay salka ku hayso doodda Hannah Arendt.
Falalka sharka ah si fudud ayaa looga dhigi karaa wax caadi ah amaba mararka
qaar looga dhigi karaa khayr ; sidii aan hore u sheegnay sharku waxa uu shar
ku yahay hal qodob oo ah in cidda laga galayaa tahay cid leh dareen dadnimo ,
waxaanu xisaabtan ku yeeshaa hal qodob oo ah in cidda galaysaa leedahay dareen
dadnimo ! haddaba haddii aad rabto in aad fal shar ah ka dhigto caadi waxa aad
dareenka dadnimo ka qaadaysaa uun cidda lala beegsanaya sida in aad xayawaan
ka dhigto , si aad falka sharka ah ugu rogto khayrna cidda lala beegsanayo
waxa aad huwisaa uun maro shar ah sida in aad gaaleysiiso adiga oo dhex jooga
duruuf tan Soomaaliya oo kale ah.
Marka ay jiraan dad barnaamijeysan oo cabiidsan sida dhalinyar badan oo
Alshabaab ka tirsan oo in falalkooda lagu la xisaabtamo ama lagu cambaareeyaa
ay tahay macno darro waxa muhiim ah in la cambaareeyo afkaarta lagu shubay
lafteeda iyo cidda afkaartaa martigalisa iyada oo ka baxsan duruufta
cabiidsiga ee askareynta. afkaarta lafteeda waxa ay tahay in loo naqdiyo si
looga badbaado in soosocotada lagu barnaamijeeyo dad hor leh.
Haddii ay dad noocaas ahi geystaan fal shar ah waxa ay tahay in sharkaa laga
la xisaabtamo ciddii aan duruuftaa cabiidsan ku jirin ee falkaa sharka ah u
rogtay khayr ; waa ciddii cidda falka lala beegsaday huwisay marada sharka ah
!
Maxamuud Shibili
Wadaadka la yidhaahdo Maxamuud Shibli waxa uu gaaleysiiyay wadaadkii xerta
ku haystay Gaalkacyo, taasi waxa ay ahayd huwin maro shareed oo uu bulshada
kaga fogeynayo in ay u diirnaxdo ama la damqato , intaasi uun kuma joogsan e
waxa uu ku baaqay in la dilo! sannad ka dib fatwadiisa waxa wadaadkii iyo dad
badan oo xertiisa ah xasuuqday kooxda Alshabaab! dilkaasi fooshaxun waxa fal
ahaan iyo mooral ahaan ku lug yeeshay dhinacyo badan oo ay ugu horreeyaan
wadaaddo uu Shibli ka mid yahay kuwaasi oo wadaadkaa ka xayuubiyay
xubinnimadii bulsho ee keenaysay in uu dareen dadnimo ka haysto bulshadiisa ,
waxa iyaguna fuliyay dad barnaamijeysan oo hore u lumiyay dadnimadii , iyaguna
waxa qayb ku leh dambigaasi dadkii falkaa sharka ah soo dhaweeyay! haddii se
uu xisaabtan arrintaa ka suurogal yahay waxa maxkamad mudan cidda iyada oo
bannaanka ku raaxaysanaysa tarmisa afkaarta lagu baddalo maanka dadka laguna
guuriyo dareenkooda dadnimo isla markaasna falalkooda shareed ugu rogta
khayrka bulshadana ka damisa dareenkii ay sharka shar ugu dareemi lahayd!
Fiiro gaar ah: wadaadka la dilay ma difaacayo falalkiisa iyo caqiidadiisa
toona , waxaana aan aaminsan ahayn in aanu caqli ahaan caadi ahayn , haddana
sidaasi oo ay tahay ma ahayn falalkiisu kuwo ay tahay in qudhiisa loo jaro.
Source: [Xirsi Post](https://xirsipost.wordpress.com/2018/11/28/macno-
darrada-sharka-iyo-masuuliyadda-basharka/)
Rukumo Warsidahayaga
Waxaan kula wadaagi doonnaa qormooyinka cusub ee lagu baahiyo madashan, iyagoo kooban todobaadkiiba hal mar.
Faallooyinka (0)
Soo dejinayaa...
Qormooyin Lamida